Ganacsiyo eey dad Soomaali ah leeyihiin oo lagu boobey dalka
K/Afrika.
Ugu yaraan 2 qof oo muwaadhiniin Soomaali ah yaa xabsiga loo
taxaabay, ku dhawaad 20 ganacsi oo ey Soomaali leedahayna waa cagta ayaa
la mariyey kadib markii dad caraysan eey ku xoomeen gobo ganacsi oo eey
Soomaalidu lahayd, Tuulada Worcester (dhawaqa= wusdha). Ee duleedka Cape
Town.
Sida uu khadka taleefoonka iigu xaqiijiyey Maxamed Saxane Sugule, oo
goobta gaaray barqanimadii Sabtidii (Mar 8, 08), nin Soomaali ah oo lagu
magacaabo Cabdi C/lahi dukaan uu joogey ayaa fiidnimadii habeenimadii
Sabtidu soo geleysey waxaa soo weeraray burcad hubeysan oo rabay in ay
dhacaan, balse tacshiirad la’is weeydarsaday ayaa la sheegay in uu ku
geeriyoodey mid ka mid ah ragii burcada ahaa, arrintaasi ayaa dadka
deegaanka ka caraysiisey, kuwaasoo waa barigii Sabtidii kusoo kalahay in
ee boobaan ganacsiyada Soomaalida eey ku lahayd tuulada Worcester oo
100km koonfurta ka xigta Cape Town. Hase yeeshee dadkii caraysnaa
lamaysan kulmin iska cabin la’aan, qaar ka mid ah Soomaalidii ayaa
jilibka dhulka u dhigey oo dukaamadooda ku difaacay hub eey heysteen,
waxana la sheegey in ugu yaraan 2 qof dadkii laga dhawaacay. Sida uu
maxamed Saxane ii xaqiijiyey inta baddan dukaamada Soomaalida ayaa
goobka laga gurey ka hor inta eeysanba dadka weerarin.
Police-ka ayaa xabsiga u taxaabaya 2 nin oo ganacsato Soomaaliyeed ah oo
lagu eedeynayo in eey fal dambiyeedyo geeysteen, mid waxaa lagu
magacaabaa Cabdi C/laahi oo la sheegay in uu yahay ninkii xabadiisu eey
tuugada dishey, kan kale waxaa magaciisa lagu sheegey C/raxmaan Sh.
Maxamed Aw Kaahin, oo isaguna xabsiga la dhigey, sababtuna eey ahayn
sida la sheegay in uu ka mid ahaa ragii tacshiiradeeyey dadka caraysan
ee qaar dhaawacay.
Xaalada ayaa aad u kacsan, iyadoo dadka soomaaliyeed ee ganacsiyada
baaxada leh ku leh Cape Town, waxaana la sheegey in in dhamaan
Soomaalidii tuuladaasi joogtey eey kasoo wada qaxeen. Waa dhacdadii 4
aad ee isla sanadkan guduhiis ganacsiyo Soomaali leedahay lagu booboo,
isla tuuladaasi waxaa jirey isla todobaadyo ka hor in dad caraysan eey
sidaan oo kale isku dayeen in eey boob geystaan, hase yeeshee la
baaciyey. Waxaa kale oo todobaad ka hor gobolkaasi tuulo ka mid ah laga
ceeyriyey dhowr nin oo ganacsiyo ku lahaa, tuuladaasi oo laakiin wax
qasaaro badan eeysan jirin ayaa waxaa lagu magacaabaa Vahlalla.
Waa dhibaato hor leh, una muuqata mid faraha kasii baxaysa, xalka loo
hayana uu yaryahay, heerka shisheye naceybka dalkani ayaa meeshii ugu
sareeyey sanadkani gaaray, iyadoo dadka si wadar ah eey u beegsanayaan
qof kastaa oo loo arko inuu shisheeye yahay, waxaana xusid mudan in ka
hor inta aan wax fal ah dhicin marka hore lasoo diro rag burcad ah oo
wax dhaca, haddii la waxyeeleeyana cagta la mariyo wixii ganacsi ah ee
dadka shisheeyaha ah eey heystaan.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in ururka jaaliyada dalkani eey
todobaadkani ku guuleysteen in eey fashiliyaan fal lagu booby lahaa
ganacsiyo Soomaali leedahay, sida lagu faafiyey Barta internetka ee
ururkaasi leeyahay ee lagu magacaabo www.somaliasociation.org, tuulo
lagu magacaabo Parys oo ku taala gobolka Freestata ayaa illaa 12
ganacsiyo oo Soomaali ledahay waxa eey ka war heleen in la qaban rabo
dibad bax iyagu lagu booby rabo, oo dhici lahaa manta oo axad ah,
kadibna jaaliyada soo wargaliyey, taasoo keentey jaaliyada in eey
wargaliso dowlada, kadibna eey dowladu fashilisey damacii boobka ahaa.
Waxay aheyd arrin dhif iyo nadir ah in Soomaalidu eey kasii warhelaan
waxa kusoo socda.
C/nasir Saxansoxo. Somalitalk.com Johannesburg. Email:
southafrica@somalitalk.com or
saxansoxo1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2008
Macadka tarbiyada islaamka iyo maadooyinka
cilmiga ee agoonta SWACRO oo la gudoonsiiyey deeq lacageed.
Maarso 7, 2008: Dadka Soomaaliyeed oo ku nool
dibadaha oo mudooyinkaan dambe looga bartey inay gacan siiyaan
dadkooda ku dhibaateesan gudaha soomaliya ayaa Jaaliyada
soomaalida dalka Finland gaar ahaan Magaalada Vantaa ayaa waxay
deeq lacageed soo gaarsiiyeen Macadka Tarbiyada Islaamka iyo
Maadooyinka Cilmiga ee agoonta (SWACRO) Somali Women And
Children Rescue Organazition waxaana deeqdaan lacageed la soo
marsiiyey Masjidka Shif ee ku yaala dalka Finland waxaana
ardeyda oo u badan ogoon iyo kuwa sabool ah Gudoonsiiyey Guddi
loo xilsaarey gudoonsiinta deeqdaasi oo ku sugan Degmada
Afgooye.
Dugsigan oo ku yaala Degmada Afgooye ayaa
Deeqdii lacageed ayaa ardeydii Dugsi loogu iibiyey Agabkii
waxbarashada qeybahooda kala duwan waxayna xaflad ku saabsan
gudoonsiinta Deeqdaa ay ka dhacdey Macadka waxaana ka soo qeyb
galay maamulka dugsiga macalimiinta iyo ardeyda waxaana erayo
mahadcelinta ah ugu horeyna halkaasi ka soo jeediyey Maamulaha
Macadka Yaasmiin Mayow Maxamed oo ahna wakiilka Hayada SWACRO ee
Soomaliya waxayna ugu horeyntiiba u mahadcelisey intii isku soo
howshay amaba isku soo dubaridey deeqdaasi lacageed waxay kaloo
sheegtey in deeqdaani aysan aheyn deeqdii ugu horeysay ee
Macadkaasi la soo gaarsiiyo waxa kaloo ka Hadley gudigii loo
xilsaarey in ay lacagtaasi gaarsiiyaan Macadkaasi waxaana u
Hadley Nuur Cumar wuxuuna isna u mahadceliyey Jaaliyada
Soomaliyeed oo ku nool dalka Finlnad gaar ahaan Magaalada Vantaa
wuxuuna ilaah uga baryey in ugu badalo mid ka Kheyr badan.
Qeyb ka mid ah lacagtaasi waxaa lagu
balaariyey Dusgiga oo lagu kordhiyey qeybo kale ee waxbarasho
maadaama ay sii kordheysa baahida waxbarasho ee caruurta agoonta
iyo saboolka iyadoo madaxa SWACRO ee Soomaliya Yaasmiin Mayow
ay sheegtey in Hayadooda ay wado qorshayaal ay ku taageereyso
caruurta ku dhibaateysan gudaha Soomaliya waxayna ugu
dambeyntiina u soo jeedisey Jaaliyadaha soomaliyeed ee ku nool
dibadaha in ay gacan siiyaan caruurta Soomaliyeed ee ku nool
gudaha soomaliya kuwaas oo ay saameeyeen dagaalada xadka aan
laheyn ee ka socda dalka Soomaliya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Banaanbax Maarso 7, 2008 ka dhacay
Geneva
Jaaliyada
Soomaalida Ogaadeenya ee Switzerland ayaa qabatay
Banaanbax si heer sare ah loo soo agaasimay shalay oo
aay taariikhdu ahayd 07da bisha Maarso ee sanadkan 2008.
Dibad baxan ayaa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee
Geneva iyadoo halkaasi uu ka socday shir caalami ah oo
lagaga hadlayay Xuquuqul Insaanka. Ujeedada banaanbaxan
ayaa ahayd sidii indhaha caalamka guud ahaan gaar ahaana
Qaramada Midoobay loogu soo jeedin lahaa dhibaatada xad
dhaafka ah oo uu gumeysiga itoobiya ku hayo shacbiga aan
waxba galabsan ee Soomaalida Ogaadeenya
Inta uu banaanbaxani socday ayey
xubnaha jaaliyada Ogaadeenya ee Switzerland ku
qeeylinayeen erayo ka dhan ah gumeeysiga itoobiya iyagoo
is la markaana muujinayay garab istaagida shacbiga
dulman iyo taageerada eey u hayaan halganka xalaasha oo
aay umada Ogaadeenya ugu jirto sidii eey uga hoos bixi
lahayd gacanta gumeeysiga madoow.
Waxeynu halkan u nimid in aan ku
dhiiri galino masuuliyiinta Qaramada Midoobay ee shirkan
ka qeeyb galaya in la gaadhay xiligii bulshada caalamka
wax ka qaban lahayd xad gudubyada badheedhka ah oo uu ku
kacayo taliska gumeeysiga itoobiya is la markaana ka
samata bixin lahayd umada dulman ee Ogaadeenya
dhibaatooyinka kale oo uu wali talaskani la damacsan
yahay, ayeey tiri haweeneey ka mid ahayd
banaanbaxayaasha iyada oo u waramaysay jaraa’id ka soo
baxa dalkan Switzerland. Iyadoo hadalkeeda ku xustay in
umada Soomaalida Ogaadeanya yihiin umad la gumeeysto
xalka kaliyana uu yahay mid siyaasadeed.
Waxaa xusid mudan in taliska arxanka
daran ee itoobiya, ka sakoow, dilka dhaca kufsiga,
xadhiga, iyo la wareegida hantida shacabka uu in ku dhow
sanad xayiraad xaga gaadiidka ganacsiga iyo isu socodka
ku soo rogay shacbiga Ogaadeenya. Taas oo uu macnaheedu
yahay in taliskani go’aan saday in uu macluul umada ku
laayo. Intii lagu guda jiray dibad baxan ayeey ka soo
qeeyb galayaashu qeeybinayeen qoraalo ku xusan yihiin
dhibaatooyinka kala duwan ee loo geeysto muwaadhiniinta
Ogaadeenya.
Ugu danbeeyntii masuul ka socday
Qaramada Midoobay ayaa la gudoon siiyay qoraaladii
cabashooyinka rasmiga ahaa isagoo u gidbin doona
haweeneeyda lagu magacaabo Mme Louis Arbour oo ah madaxa
Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka. Dalabyadii laga
dalbanay bulshada caalamka ayaa waxaa ka mid ahaa :
- In Doowladaha xorta ah hadh cad canbaareeyeen
dhaqan xumada dowlad ku sheegta itoobiya.
- In dowlad ku sheegta itoobiya cadaadis lagu
saaro in eey shuruud la’aan qaado xayiraada ula kaca
ah oo aay ku soo rogtay shacbiga Ogaadeenya.
- In Qaramada Midoobay u diraan Ogaadeenya ciidamo
nabad ilaalineed oo shacabka ka difaaca waxashnimada
gumeeysiga itoobiya.
- In Qaramada Midoobay dirto gudigii xaqiiqo
raadinta ahaa oo eey kal hora ku baaqeen wufuudii QM
ka socotay ee booqotay Ogaadeenya dhamaadkii
sanadkii tagay.
- Iyo ugu danbeeyntii in bulshada caalamka ku
kaalmeeyaan umada Ogaadeenya in badaxbanaanidooda
helaan taas oo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah
iyo dastuur ku sheega itoobiya.
A.M.
Geneva/Switzerland
Barnaamijkii Radio Xoriyo
08 March 2008.
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumayisga
Dhibaatooyin gumaysigu shacbiag u gaystay
Qaramada Midoobay oo gargaar u dalabtay Ogaadeenya
Roob-doon seddex maalmood ah
Masuuliyiinta JWXO oo gudaha shirk u yeeshay
Jaaliyadda Switzerland oo banaanbax ku hor qabatay xarunta QM ee Geneva.
======================
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumayisga
Wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay
dagaallo badan oo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada dac-darraysan
ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
05/03/08 waxaa weerar gaadmo ah lala beegsaday ciidammo gumaysigu
leeyahay oo ku sugnaa Koore, oo degmada Awaare ka tirsan, waxaana laga
dilay 3 askari, 3 kalana waa laga dhaawacay.
04/03/08 weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo
ku sugnaa Jugle, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
03/03/08 waxaa weerar gaadmo ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku
sugan Gabagabo, waxaana lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga
dhaawacay.
02/03/08 dagaal ka dhacay Iidadow, oo Sagag ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 9 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 02/03/08 weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu
leeyahay oo ku sugnaa Boholka-Garbo, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
01/03/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar si fiican loo qorsheeyay oo
mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Galaalshe,
waxayna weerarkaas kaga dileen 27 askari, 19 kalana way ka dhaawaceen.
Ciidammada gumaysiga ayaa weerarkan lala beegsaday iyagoo fiilo ku jira.
Sidoo kale 01/03/08 dagaa adag oo ka dhacay Gol-dhabiley, oo ka tirsan
degmada Garbo, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 25 askari, waxaa
sidoo kale lagaga dhaawacay 16 kale.
Isla taariikhdan kor ku xusan waxaa sidoo kale weerar mir ah lagu qaaday
ciidammada gumaysiga eek u sugan La-helow, waxaana la gaadhsiiyay
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
28/02/08 dagaal ka dhacay Laan-dheer, oo Sagag ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga
dhaawacay.
27/02/08 weerar mir ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku
sugnaa Boodha-waysaley, oo Garbo ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay
1 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.
26/02/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada
gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Shilaabo, waxay6na u gaysteen
kahsaare aan faahfaahintiisa la haynin.
24/02/08 dagaal adag oo ka dhacay meesha lagu magacaabo Geenyo-eri, oo
ka tirsan degmada Dhuxun, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 13
askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dhibaatooyin gumaysigu shacbiag u gaystay
Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha
rayadka ah ee Ogaadeenya.
01/03/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku dileen
gabadh lagu magacaabo Shuun Maxamed Khayr-sheeg. Waxay sidoo kale
dhaawac u gaysteen ninkeedii oo isagana lagu magacaabo Maxamed Sheekh.
Isla 01/03/08 Dhagaxmadow waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Ina Haybe
C/llaahi Nuur oo magaceeda hore aanaan haynin.
28/02/08 Gafuurro-xun, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku
dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Maxamed Ismaaciil Aw Nuur.
01/03/08 magaalada Galaalshe waxay ciidammada gumaysigu dhaawac xun ugu
gaysteen dadka kala ah;
1- Maxamed Macalin Afrax iyo#
2- Makhtal Sh Daahir
24/02/08 Dar-dheer, oo Garbo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu
dhaawac ugu gaysteen Rukni C/llaahi.
05 - 02/03/08 Cayuun, oo Dhuxun ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku
xidhxidheen dadka kala ah;
1- Ruqiya Maxamed Sh Cali
2- Faadumo Gamaadiid
3- Bishaaro Aaqil
4- Ina C/fataax oo magaceeda hore aanaan haynin.
5- Caddow Askar
6- Afey Wali Muuse
7- Shanfool Seed
8- Khadar Maxbuub
9- Maxamed Cunabuur
10- Ina Wali Deeq Cali oo magaceeda hore aanaan haynin
11- Nimco Maxamed Sh Cali
12- Sahra C/llaahi
01/03/08 magaalada Awaare waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
Dhagoole Khaliif Dhagawayne iyo nin Ina Qarsade naloogu sheegay oo
magaciisa aanaan haynin, kaasoo ahaa wade baabuur. Waxay sidoo kale
halkaas ku xidheen nin waalan oo magaciisa aanaan haynin.
23/02/08 waxay ciidammada gumaysigu Malabley, oo degmada Dhanaan ka
tirsan, ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Xasan Muxumed
2- Dhuurre C/llaahi Guud-wayne
3- Yuge Cabdow Macalin iyo
4- Mawliid oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
Isla 23/02/08 Bacaad, oo Dhanaan ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu
ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Axmed Ibraahim Cabdi iyo
2- Xareed Ibraahim Cabdi
Waxay sidoo kale jidhdil ba’an u gaysteen;
1- Axmed Xareed Ibraahim iyo
2- C/raxmaan Xareed Ibraahim
Qaramada Midoobay oo gargaar u dalabtay Ogaadeenya
Qaramada Midoobay ayaa daboolka ka qaaday in dad 1 milyan oo qof ka
badan ay dhibaato biya la’aaneed ku hayso Ogaadeenya, sidaas waxaa
arbacadii lagu soo saaray qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay.
Xafiiska Arrimaha Bania’aadaminada ee Qaramada Midoobay OCHA ayaa
qoraalkan ku sheegay in la dejiyay qorshe lagula tacaalayo
dhibaatooyinka abaaraha ka dhashay ee ay ka midka yihiin caafimaadka,
biya la’aanta, xoolaha nool iyo beeraha.
Xafiiska OCHA wuxuu deeq bixiyayaasha adduunka ka codsaday in lala soo
gaadho in ka badan seddex boqol oo milyan oo Doollar oo lagu daboolo
baahida degdegga ah ee Ogaadeenya muddo lix bilood ah.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa khamiistii iyaduna soo
saartay bayaan ay ku soo dhawaynayso baaqa Qaramada Midoobay ee la
xidhiidha abaaraha Ogaadeenya.
Bayaankan waxay Jabhaddu ku sheegtay in baaqa Qaramada Midoobay uu soo
baxay xilli ay ciidammada Itoobiya siday doonaan ugu tagri-falayaan
cuntadii iyo agabkii kale ee gargaarka loo geeyay Ogaadeenya.
Bayaankan waxaa kaloo lagu sheegay in dhibaatada Ogaadeenya ayna gargaar
bani’aadamnimo oo kaliya ku xallismin Karin, balse loo baahan yahay in
la raadiyo xididdadeeda oo la hirgaliyo talaooyinkii uu 2007 soo jeediya
guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee Ogaadeenya loo diray, kaasoo dalbay in
Ogaadeeny loo diro guddi madaxbannaan oo soo baadha xadgudubyada
xuquuqda aadanaha ee Ogaadeenya ka jira.
Deegaannada ay abaaruhu sida ba’an u waxyeelleeyeen waxaa ka mid ah
deegaanno badan oo Shilaabo hoos yimaada, sida Caleen, Balli-wariiri,
Xodayle, Qarsoodi iyo Balli-midgaan. Waxay sidoo kale dhibaato ba’ani ka
jirtaa tuulooyin hoos yimaada magaalada Wardheer, sida Dannood, Caado
iyo Qorile.
Meelaha kale ee dhibaatada abaaruhu saamaysay waxaa ka mid ah deegaanno
badan oo hoos yimaada Awaare iyo Dhagaxmadow. Waxay sidoo kale dhibaato
ka jirtaa Galaalshe iyo deegaanno hoos yimaada Qabridaharre iyo dhinaca
Shabeelle, sida Qallaafe, Mustaxiil iyo Feerfeer.
Deegaanno Nogob ka mid ah waxaa iyaga abaaraha u waheliya cudurro dadka
iyo xoolahaba aad u haya, kuwaasoo xoolo badani u le’deen.
Roob-doon seddex maalmood ah
Gobollada Ogaadenya oo dhan waxaa laga hirgalin doonaa Roob-doon seddex
maalmood soconaysa, taasoo Ilaahay lagaga baryayo inuu Roob siiyo
adoommadiisa ku dhaqan Ogaadeenya, isla markaana ka kor-qaado dhibaatada
abaaraha iyo macluusha.
Barnaamijkan Roob-doonta ah ayaa gobollada Ogaadeenya oo dhan ka
billaaban doona maalinta talaadada ah ee taariikhdu ku beegan tahay
11/03/08, waxaana la soo gabagabayn doonaan maalinta khamiista ah ee
taariikhdu ku beegan tahay 13/03/08.
Masuuliyiinta JWXO oo gudaha shirk u yeeshay
Xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ee
ka hawlgala gudaha iyo Taliyayaasha Qaybaha CWXO ayaa shirk u yeeshay
Xarunta Dhexe ee JWXO.
Shirkan, oo socday intii u dhaxaysay 01 – 05/03/08, waxaa lagu qiimeeyay
hawlihii halganka ee dalka gudihiisa laga hirgaliyay 12kii bilood ee u
denbeeyay iyo dhibaatooyinkii uu cadowgu u gaystay dadwaynaha
Ogaadeenya.
Markii qiimayn dhinac walba ah la sameeyay waxaa la isla qiray in
halganku uu muddadaas gudeheeda horumar wayn sameeyay, haddii ay noqon
lahayd dhinaca siyaasada, bulshada iyo millatarigaba. Waxaa la isla
qiray in CWXO ay guuldarro ba’an badeen ciidammada gumaysiga Itoobiya,
isla markaana ay ku fashiliyeen hawlgalladii bahalnimada ahaa ee uu
dalka ka hirgaliyay.
Shirkan waxaa lagu qiimeeyay in dilkii, xidhaygii, xayiraadii iyo dhicii
uu dadwaynaha u gaystay ee uu doonayay inuu ku nugleeyo ay muuqato inuu
ku guuldarraystay, iyadoo shacbigu ay dhibaatooyinkaas oo dhan u
dhabar-adaygeen.
Shirku wuxuu CWXO iyo dadwaynaha geesiga ah ee Ogaadeenyaba ku
bogaadiyay sida sharafta leh ee ay u guteen waajibkooda, isla markaana
ay ciidammada gumaysiga ee dhiig-miiratada ah ugu beeniyeen qorshihii ay
ku doonayeen inay ku naafeeyeen halganka xaqa ah ee Ogaadeenya. Shirku
wuxuu CWXO iyo dhacabka Ogaadeenyaba ugu baaqay inay halkaas ka sii
wadaan kartida iyo dhabar-adayga ay muujiyeen.
Shirku wuxuu sidoo kale digniin kama denbays ah u diray
dhuuni-qaatayaasha cadowga la shaqaysta ee kala ah maamul ku sheegga
Kililka, Malleeshiyooyinka Dabaqoodhiga iyo Jawaasiista, kuwaasoo loogu
baaqay inay si dhakhsa ah faraha ugala baxaan denbiyada halganka ka
dhanka ah ee ay ku jiraan.
Shirku wuxuu dadka noocaas ah u fidiyay cafis taam ah haddii ay kaga soo
baxaan hawlaha ay ku jiraan inta ka horraysa 07/04/08, haddii kale laga
qaadi doono tallaabo adag oo u dhiganta denbiyada ay dalka iyo dadkiisa
ka galeen.
08 March 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu
yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa
Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari