HADDII NABIGII ALLE LOO
GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?
YURUB: OLOLAHA KU-XADGUDUBKA RASUULKA (scw)
OO BALLAARTAY
Hadaladii Laga Yiri Aflagaadadii uu
Wargeyska JP u Geystey Rasuulka (scw) - oo uu soo ururiyey Cabdisamad Xoday...
Nabigeenni waa la caayey, waxaana lagula kacay wax aan lagula dhicin
nabi ummaddiisi nooshahay. Wax kasta oo laga faano ayaa lagu tilmaamay,
iyadoon la tix-gelin shucuurta bilyan iyo badh muslimiin ah oo dunida ku
dhaqan.
Haddaynu nahay dadka soomaaliyeed maxaynu ka qabannay arrintan? Maxaynu
ugu hiillin karnaa Rasuulkeenna (scw)? Gabay, geeraar, maanso, masafo
iyo wax kale, maxaynu awoodnaa?
Aaway abwaannadii mulaaqoon jirey markii reerkooda la soo qaado? Maxay
uga aamuseen hiilka Nabiga (scw)? Maxaa dhici lahaa haddii maanta
sawir-gacmeed lagu jaraaxeeyo mid ka mid ah awoowayaasha qabaa’ilka
waaweyn ee Soomaalida, sida Reer Hebel ama Reer Hebel ama Reer Hebel?
Markii niman Soomaaliyeed dhaawaceen –sida la sheegay- sharafta gabadhii
soomaaliyeed ee Samsam Axmed Ducaale, waxaa gabayo curiyey abwaanno aad
u farabadan, taasi oo cidhiidh gelisey xukuumaddii booliskeeda loo
tiiriyey falkaas xun.
Taasi waxay muujisay raadka abwaannadu ku leeyihiin jihaynta
dhacdooyinka.
Runtii 100 waddo ayaad ku muujinkartaa gilgilashada damiirkaaga.
Baaq Gabay:
Waxaan u soo jeedinayaa qof walba oo Ilaahay ugu deeqay hal-abuur:
gabay, geeraar, buraanbur, jiifto, masafo,
heello iyo heesba in uu ka qayb qaato difaaca Rasuulka
Sallallaahu caleyhi wasallam.
Waxaa runtii ceeb ah in aad awooddid difaaca qaddiyad qabiil oo aad ka
gaabsatid difaaca Rasuulka Ilaahay (scw).
Asalka Arrinta:
Arrintani
ma ahan mid lala yaabi lahaa haddii ay dowladaha Yurub ka istaagi
lahaayeen mowqif liddi ku ah, ama iska fogayn lahaayeen bilowgiiba. Mana
lala yaabeen haddii aanay ku xidhnayn olole ballaadhan oo lagu
sujuudinayo ummadda Islaamka, ama lagu jabinayo hankeeda.
Hadda ma doonayo inaan ka hadlo Ololahan ballaadhan, oo waxaa
laga yaabaa in aan qoraal kale ku falanqeeyo.
Xaqiiqdu waxay tahay in Reer Galbeedku doonayaan in ay cabbiraan –miisaamaan-
bal inuu noolyahay damiirka Ummaddu. Sidaas ayay ugu bilaabeen waxa ugu
qaalisan ee Ummaddu leedahay: Quraanka iyo Nabiga (scw). Waxaa jirta
maahmaah carbeed oo dhahaysa “taabashada badani dareenkay tagsiisaa”.
Falsafad laga soo gaadhey Naziyiintii Jarmalka oo odhanaysa “ku celceli
waa la rumaysanayaaye” ayaa ah mid ay Reer Galbeedku si weyn ugu
dhaqmaan, gaar ahaan saxaafaddoodu. Haddii la arko in damiirka
Muslimiintu weli noolyahay weerarka waa la hakin, haddii kalese waxaa
loo sii dhaafayaa dhibaatooyin tan kasii waaweyn, haddayba jiraan.
Waxaad mooddaa in xilka Ummadda Islaamka ka saaran difaaca Rasuulku (scw)
uu u kala badhanyahay labo qaybood, shacabka iyo dowladaha.
Dhinaca dowladaha,
lagama yaabo in ay arrintan wax uga qabtaan sida ay mudantahay, iyadoo
horay looga bartay hawl-gabnimo weynaatey.
Shucuubta muslimiinta ayaa –qayb ahaan- u hinqaday hiilka Rasuulka (sallallaahu
caleyhi wasallam), in kasta oo aanay dhacdada le’ekayn. Cunaqabatayn iyo
wacyi-gelin ballaadhan ayaa ka dhacday dalalka muslimka. Guddiyo ‘hiilka
rasuulka’ ayaa la abuuray. Shirar iyo kulanno badan ayaa dhacay.
Arrintiina weli way sii socotaa.
Adigana way ku sugaysaa!!!
YURUB:
OLOLAHA KU-XADGUDUBKA RASUULKA (scw) OO BALLAARTAY
Dalalka Yurub ayaa isku bahaystay olole
ballaadhan oo lagu doonayo in lagu dulleeyo Islaamka iyo Nabigiisa (scw).
Joornaallo badan oo kasoo baxa meelo
kala duwan oo Yurub ah ayaa iyagoo ku doodaya "xorriyadda hadalka", mar
labaad 01/02/06 baahiyey sawir-gacmeedyadii ku xad-gudbayey Rasuulka
Muxammed ah (sallallaahu caleyhi wasallam).
Faransiiska:
Jariidadda lagu magacaabo France Soir oo ka soo baxda magaalada Paris
ayaa iyadu soo celisey daabicista dhammaan 12-kii wawir ee xadgudubka,
iyadoo weliba ku adkaysatay in aanay weligeed ka cudurdaaran doonin.
Boggeeda hore ayay ku qortay
jariidaddani: "Haa! Waxaanu xaq u leennahay in aanu sawirno Ilaah"
iyadoo markaasi ku hoos dhajisey mid ka mid ah sawirradii ay samaysay
JyllandsPosten, Denmark.
Ninka iska leh joornaalkan oo ah nin
Masri ah oo lagu magacaabo Raami Lakax, ayaa goor danbe cayriyey
tafaftirihiisii isagoo taas ku muujinaya sida uu uga xunyahay daabicista
sawirradaas.
Mulkiilaha Joornaalka ayaa sheegay in
go'aanka uu ku casiley madaxii jariidda uu ku muujinayey "sida uu u
ixtiraamayo mabaad'ida iyo afkaarta dadku ku qanacsanyihiin"
Jarmalkana:
joornaal lagu magacaabo Die Welt ayaa ku soo buurtay
isbahaysigan dhanka ka ah Nabi Muxammad (scw).
Jariidaddan oo iyadu baahisey 4 ka mid
ah sawirradii lagu daabacay Denmark, oo ay mid ka mid ah ku dhajiyeen
boggeeda hore ayaa ku tumatay karaamada muslimiinta, markay ku
tilmaantay in ay iyagu -waa muslimiintee- yihiin kuwo munaafiqiin ah,
ayna gardarro uga xanaaqeen sawirradan Denmark baahisey.
Waxay maqaalkeedii bogga hore ku tidhi:
"Bannaanbaxyada iyo diidmada muslimiinta waa la qaadan lahaa hadday
iyagu yihiin kuwo munaafaqad yar" iyadoo arrintaas daliil uga dhigatay "markii
telefishanka Suuriya sii-deynayey filimmo sheekooyin ah iyo kuwo
documentar ah oo u sawiraya wadaadada Yuhuudda inay yihiin dhiigyo cabyo,
imaamyada muslimku way aamusnaayeen". Waxaa muuqata in aanay ilaa hadda
Reer Galbeedku fahmin Qiimaha maqaamka Nabinimada, marba haddii lagu
mataley xaakhaamyada Yuhuudda.
Talyaaniga:
Jariidadda La Stampa ee Talyaaniga ayaa iyaduna daabacday sawirradan ku
tacaddinaya Rasuulka (scw) shalay Arbacadii, meesha uu joornaalka kale
ee isna ka soo baxa Talyaaniga, laguna magacaabo Corriera Della Sera, uu
sawirradan baahiyey Isniintii tagtay.
Arrinta layaabka lihi waxay ahayd in xad-gudubka
joornaalakani u geystey Nabiga (scw) uu la socdey qoraal uu qoray nin
muslim ah (sheeganaya).
Qoraagan oo lagu magacaabo Majdi
Callaam oo isagu qirtay in sawirradani yihiin kuwo xasarad abuuray, ayaa
haddana difaacay "xooriyadda hadalka" isagoo sheegay in Reer Galbeedku
xaq u leeyihiin inay difaacaan xoriyadda wax dhihista!.
Magdi Allam
Meelo kale:
Ma ahan kuwaas aan soo sheegnay oo kaliya ee waxaa jira olole ballaadhan
oo ay jaraa'idka Yurub ku doonayaan in ay ku garab istaagaan
JyllandsPosten oo iyada lagu khasbay in ay bixiso cudurdaar.
Dalka
Switzerland
ayay jariidad ka soo baxdaa baahisay labo ka mid ah sawirradaas, halka
mid kalana ay ballan qaadday in ay soo daabici doonto Khamiista
02/02/06.
Holland oo
iyada dhibaato hore ka soo gaartey filim ay horay islaamka ugu
jaraaxaysey ayaa jaraa'id ka soo baxaa daabeceen sawirradan. Mid ka mid
ah joornaladan oo lagu magacaabo Volkskrant ayaa
bannaanbaxyada iyo dhiidhiga muslimiinta ku tilmaantay "wax qudhun ah"
Dalka
Norway
ayaa isagu ka hor-maray
ololahan oo ay majalladda Magazinet iyo maalinlaha Aftenposten faafiyeen
sawirradan.
Hadaladii Laga Yiri Aflagaadadii uu
Wargeyska JP u Geystey Rasuulka (scw) - oo uu soo ururiyey Cabdisamad Xoday...
Waxaa soo kordhaya
falalka cadhada ah ee ay muslimiintu –shucuub iyo dowladaba- ku
dhaleecaynayaan dowladaha Denmark iyo Norway oo joornaallo ka soo baxaa
aflagaaddo iyo ihaano u geysteen Rasuulka sharafta leh (sallallaahu caleyhi
wasallam), iyadoo weli dowladahaasi diidanyihiin in ay si rasmi ah uga
cudurdaartaan falalkaas fooshaxun ee ay geysteen.
Sucuudiga
ayaa u yeertay safiirkoodii Copenhagen kaddib markii muftiga guud ee
boqortooyadu hadal adag u jeediyey dowladda Denmark.
Dowladda Liibiya
ayaa iyaduna albaabada u laabtay safaaraddii ay ku lahayd Denmark, iyadoo
taas kaga jawaabaysa ihaanada lala beegsaday Rasuulka sharafta leh (scw).
Raysulwasaaraha Liibiya,
Shukrii Qaanim ayaa sheegay in dalkiisu u arko in sawirrada ay Denmark
faafisay yihiin ihaano ba’an iyo kicin mashaacirta msulimiinta oo lagau
daandaansanayo Rasuulka (scw).
Urdun ayaa iyaduna u
yeertay safiirka Denmark u qaabilsan dalkooda oo saldhiggiisu yahay
Sucuudiga, wuxuu Raysulwasaaruhu u sheegay “in Urdun si adag u diidantahay
cayda bareerka ah ee joornaalada Denmark la beegsadeen Rasuulka (scw).
Suuriya
ayay wasaaraddeeda arrimaha dibeddu ka dalbatay dowladda
Denmark in ay ciqaabto kuwa diimaha ku dacadiyey iyo in aanay arrintaasi mar
danbe soo laalaaban. Masuul dowladda ka tirsan ayaa laga soo xigtey in uu
yidhi: “Fajaciso ayay Suuriya ku noqdeen sawirradan lala beegsaday astaanta
sare ee labada ummadeed ee Carabta iyo Muslimka”
Baxrayn
ayaa iyadu ilaa hadda canbaarayn uun u jeedisey dowladda Denmark iyadoo aan
ilaa hadda wax fal ah ka qaadan, inkastoo ay dalbatay in sida ugu dhakhso
badan wax looga qabto.
Iiraan
ayaa wasiirkeeda arrimaha dibeddu dhanbaal cabasho
ah usoo diray Denmark iyo Norway labadaba. Wasiirka oo sheegay in uu ku
hadlayo magaca ummadda reer Iiraan ayaa warqaddiisa kaga codsaday
dowladahaas in aanu mar danbe sawirradaas oo kale arkin.
Yaman
ayaa iyaduna ka dalbatay Denmark in ay cudurdaar rasmi ah ka bixiso dhibkii
ay geysatey. Barlamaanka Yaman ayaa bayaan uu soo saaray, kulan ka bacdi, si
adag u canbaareeyey aflagaadadan.
Kuwait
ayuu barlamaankeedu ku baaqay in la joojiyo xiriirka dhaqaale ee lala
leeyahay dalalka Nabiga (scw) ku tacaddiyey.
Ururka Midowga
Islaamka (I.C.O) iyo Jaamacadda Carabta
ayaa iyaguna ku hawlan in Qaramada Midobey soo saaraan sharci mamnuucaya wax
ka sheegista nabiyada iyo diimaha la raacsanyahay.
Shucuubtuna?
Ma ahan dowladaha keliya
ee waxaa maalmahan danbe isasoo tarayey cadhada ay dadka muslimiinta ahi ka
muujinayeen ihaanada loo geystey Rasuulka (scw). Qaabka ay cadhadooda u
muujinayeen ayaa ahaa mid akal duwan.
Bannaanbaxyo farabadan
ayaa ka dhacay dalal aad u badan oo muslimiin ah iyadoo ay dadweynahaasi
dalbanayeen in dowladahoodu wax ka qabtaan jees-jeeska Rasuulka lagu maagay.
Qaar badan oo ka mid ah
shucuubta Muslimiinta ah ayaa joojiyey iibsiga alaabaha laga keeno dalka
Denmark, iyadoo ay shirkadaha waawyen ee laga leeyahaya Denmark ee ka
ganacsada cuntooyinka, burcadka iyo caanaha qallalan ayay soo foodsaartay
khasaaro aad u weyni. Dukaamo iyo shirkado badan ayaa iyagu joojiyey
mucaamaladii ay la lahaayeen shirkadahaas reer Denmark, iyagoo gebi ahaanba
joojiyey soo bandhigista badeecooyinka laga soo waaridey Denmark.
Shirkadda
Arla
oo iyadu ah mid si xooggan uga ganacsata dhulalka carabta lagana leeyahay
Denmark ayaa qaylo afka ku shubatay iyadoo sheegtay in aanay marnaba u
adkaysankarin muqaadacadan soo waajahday, khasaaro ba’ann ilaa haddaba soo
gaadhey.
Karzaay,
madaxweynaha Afghaanistaan ayaa isagu
istaagay mowqif aad uga fog kii laga sugayey qof muslim ah oo diintiisa lagu
tacaddiyey. Booqasho uu ku yimid Denmark ayuu sheegay in uu isagu ku qancay
fasiraadda ay ka bixisay Dowladda Denmark sawirrada ay faafiyeen
jaraa’idkoodu.
Karzaay oo la kulmay
raysulwasaaraha Denmark ayaa sheegay in uu ku qancay sharaxaadda uu isaga
siiyey raysulwasaaruhu. “Saxaafaddu Denmark waa xor, cidina kama joojinkarto
waxa ay rabaan inay faafiyaan, annagana Afghaanistaan hadda waa sidaas oo
kale” ayuu ku daray madaxweynuhu.
JOORNAALKII NABIGA (SCW)
KU TACADDIYEY OO BIXIYEY WAX CUDURDAARASHO U EG.
Jariidadda JyllandsPosten ayaa daabacday
warqad ay ku sheegtay cudurdaarasho ku saabsan xad-gudubkii ay la beegsatay
maqaamka Rasuulka Muxammad ah (sallallaahu caleyhi wa sallam).
Warqaddan oo lagu daabacay luqadaha Danish,
Engilish iyo Carabi ayay jariidaddu ku sheegtay in si xun loo fahmay
sawirradii 12-ka ahaa ee ay faafisay oo aanay iyaga ula jeedin in ay ku
caydo Rasuulka ama kaga cadhaysiiso muslimiinta.
Nuqulkeeda carabiga ah, oo ku qornaa carabi
aan saxnayn, ayay jariidaddu ku tidhi "waxaa muhiim ah in aanu caddayno in
aanaan sawirradaas marnaba ula jeedin in aanu Rasuulka (scw) wax kaga
sheegno, ama ku qiima tirno ee waxaanu rabney in ay fure u noqdaan doodda
ku saabsan xorriyadda sheegista fikirka" oo ay jariidaddu sheegtay in ay
tahay (xorriyadda hadalku) mid ay ku faanayaan. Waxay intaasi sii raacsiisay
"markaas ma aanaan ogayn sida arrintani xasaasi ugu tahay malaayiin
muslimiin ah oo ku nool Denmar" waa sida ay hadalka u dhigtaye "kuwaas oo ah
qayb aan qaybsamin oo nolosha Denmark ka mid ah".
JyllandsPosten waxay dhowr jeer ku
celcelisey in sawirradan si gurracan loo fahmey oo aanay iyagu ula jeedin in
ay cidna kaga cadhaysiiyaan.
Waxay kale oo sheegtay in sawirrada lagu
faafiyey dunida muslimku aanay ahayn kuwii ay jariidaddu baahisey ee ay
yihiin kuwo been abuur ah.
Jariidaddu waxay hadalkeedi ku sii dartay
in "sawirradaasi sida muuqata ay ka cadhaysiiyeen malaayiin muslimiin ah oo
daafaha dunida kala jooga, taasna aad baannu uga xunnahay"
Tifaftiraha qaybta dhaqanka ee Jariidaddan
ayaa warbixin uu 29/01/06 siiyey Al-jazeera ku sheegay in ay doonayeen in ay
sawirradan ku tijaabiyaan bal xorriyadda wax sheegga ee ay saxaafaddu
haysato!
Waxaa mudan in la is-weydiiyo: Nabi
muxammad (scw) iyo mashaacirta muslimiintu ma waxay noqdeen bakayle lagu
tijaabiyo wixii la rabo?
Tifaftiraha ayaa ka jawaabi waayey markii
Al-jazeera u jeedisey su'aal ah "maxaad ugu bilaabi weydeen Holicoust" oo ah
xasuuqii ay yuhuuddu sheegteen in Naziyiintu u geysteen dagaalkii labaad ee
dunida.
Su'aasha kale ee is-weydiinta mudan ayaa
ah: hadalkaasi ma yahay mid daaweynaya ama u dhigma caydii iyo tacaddigii
bareerka ahaa ee ay jariidaddu Rasuulka (scw) la tiigsatay?
Ma cudurdaarashaa mise waa fasiraad ka
bixin iyo afmaroojin aan waxba ka shisheyn? Iyadoo weliba sheegtay in aanay
sawirradaasi khilaafsanayn qaynuunka Denmark.
Malaayiinta muslimiinta ah ee cadhaysani
miyay ku qanci doonaan hadalkan aan marnaba laga fahmayn qirasho khaladka ay
galeen, ee ay muslimiinta ku eedeeyeen in ay iyagu si khaldan u fahmeen
farriintii sawirradu xanbaarsanaayeen? Fahamkaas khaldan oo ay sheegtay
jariidaddu in sababtiisu noqon karto is-faham la'aanta xadaaradaha, taasoo
keentay in "hindisihii faafinta 12-ka sawir loo fasirtay olole lagaga soo
hor-jeedo muslimiinta Denmark iyo dibeddaba.
Su'aasha kale ee muhiimka ah ayaa iyaduna
ah: maxay dowladda Denmark ilaa hadda u diidentahay in ay cudurdaar ka
bixiso tacaddigan?
Majallad kristaanka lagu faafiyo oo laga
leeyahay dalka Norway ayaa iyaduna sawirradaasi baahisay iyadoo weliba la
beegsatay maalintii "Ciidul Adxaa" taasi oo loo fasiray daandaansi iyo ka
xanaajin muslimiinta intii la doono. Ilaa hadda wax -xataa- fasiraad ah
lagama hayo majalladdaas iyo dowladda toona.
W.Q: Cabdisamad Xoday |
London UK
Email:
Hoday30@hotmail.com
LINK: www.Somalitalk.com/xoday
Denmark:
BANNAAN BAX LAGU GUBAYO QUR'AANKA
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2006
Wargeyska Jylland -Posten oo
bambaano loogu hanjabay
Iyadoo ay maalmahan si weyn saxaafada
caalamka u hadal heysay cawaaqib xumaddii ka dhaslatay aflagaadadii ay u
geysteen Nabi Muxamed NNKH wargeyska xag jira ee Jylland- Posten ee
dalkaasi Denmark, ayaa hadana wararka dalkaasi ka imanaya ay sheegayaan
in xarunta wargeyskaasi bambaano hanjabaado ah soo saareen sida ay
laftooda u sheegeen warfaafinta caalamka. Arrintan ayaa markale waxey
cirka ku shareertay xiisadii awalba loo caal waayey.
Muslimiinta dalkaasi ayaa iyagu soo
dhaweeyey cudurdaarkii wargeyska waxaana ay ugu baaqeen muslimiinta kale
ee caalamka iney cuno qabateyntii badoocooyinka dalkaas saarneyd ka
qaadaan, iyadoo ay taasi daba socoto raali gareyn siyaasadeed uusan
marna bixin ra'iisal wasaaraha dalkaasi.
Marinka Qaza ee Falastiiniyiinta ayaa weli
kooxaha Islaamik Jihaad iyo Mujaahidiinta Al- Aqsaa ay sheegen in
hanjabadahooda ay dhigi karnaan marka ra'iisal wasaaraha dalkaasi cudur
rasmi ah bixiyo.Dhinaca kale
wargeyska ku hadla afka masiixiyiinta dalkaasi Norway ayaa sheegay in
raali gareyn ay baxshaan ay ka dhigan tahay iyagoo meel uga dhacay waxey
ku sheegeen xorriyada saxaafadeed ee Norway. Dowlada dalkaasi ayaan
iyaduna ilaa iyo hadeer cudur rasmi ah bixin.
Isku soo wada duubo guud ahaan xiisada ay
amuurtan dhalisay ayaan aheyn mid sahal ku dameysa haddii ay dowladaha
Denmark iyo Norway ay madaxdooda iska indho tiraan cudurdaarka laga
doonayo ee la xirriira aflagaada aan geed ku gabashada laheyn ee
wargeysyada dalalkaasi kula kaceen Rasuulka sharafta badan ee Muxamed
NNKH.Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com
Feb 1, 2006