Denmark, Maxaa
Dhacay?
Cabdulqani
Qorane Muxammad
Email:
abdiqanim@hotmail.com
Feb 15, 2006
War la
helaaba tala helee ayey soomaalidu tiraah. Xilliyada ay
taagan yihiin arrimaha xasaasiga ah ee siyaabo kala gedisan
saameynta ugu yeelan kara qof walba oo naga mid ah, sida
xiisadda haatan ka taagan Denmark oo kale, waa lagama
maarmaan in la is weydaarsado aragtiyaha jira ee ku keydsan
maskaxda, si hab qoto dheer loogu falanqeeyo, dhinacyo
badanna looga eego macluumaadka firirsan ee u baahan in
khibrad iyo aqoonba laga kororsado.
Dhacdooyinka haatan jira oo aan aaminsanahay inay na wada
tabanayaan, ayaa daraaseyntooda waxay sahleysaa in la fahmo
waxna laga ogaado asbaabaha kallifay inay wax u dhacaan
sidii aynu aragnay ama maqalnay, halka qaarkeen, nasiib
darro iyo nasiib wanaag midey ahaataba ay goob joog ka
ahaayeen halka muranku ka dhashay min bilowgii arrintan ilaa
iyo waqitag xaaliga ah.
Akhristow
waxaynu halkan ku qaadaa dhigi doonnaa faallo kooban oo ku
saabsan xaaladda cakiran ee ka taagan Denmark oo uu
weheliyo qubane ku saabsan dhacdooyinkii ugu dambeeyey,
anigoo ka cudurdaaranaya dheerarka maqaalka.
Nin kuu
digay kuma dilin kumana dagin
A.
Rasmussen |
Kadib
xilligii uu wargeyska JP baahiyey aflagaadooyinkii ay ku
muujinayeen neceybka iyo cadaawadda ay u qabaan Islaamka,
ayaa badi muslimiinta ku nool Denmark intii karaankooda ah
ay si aanan kala har laheyn uga jawaab celiyeen xadgudubka
wargeyska. Jawaabahaas ay muslimiintu bixiyeen ayaa badi
waxay xambaarsanaayeen digniin tilmaameysa, aflagaaddo loo
geysto nabi Muxammad s.c.w. inay tahay arrin aanan
ciribtiisa la mahadin doonin, sidaa aawadeed waxay ugu
naseexeeyeen wargeyskii aflagaadada geystay inuu
cudurdaarasho bixiyo. Ra’iisul-wasaaraha dalka Anders Fogh
Rasmussen ayey isagana ka dalbadeen in uu wax ka qabto
foolxumada uu ku kacay wargeyska.
Waxaa la
yaab ku noqotay intii maskax fiyow laheyde agagaarka ka
dhoweyd, markii lagu arkay telefishinnada dalka iyo
warbaahinta kaleba ra’iisulwasaarihii laga sugayey in uu ugu
yaraan cambaareyn usoo jeediyo wargeyska oo difaacaya
mowqifka wargeyska, isaga oo ku tilmaamay falkaas xun, arrin
ka tarjumeysa dimuqraadiyad iyo xorriyadda hadalka ee uu qof
walba oo deenish ah xaqa u leeyahay, halka uu jawaabaha
muslimiintana ku tilmaamay inay yihiin handadaad iyo wax aan
la aqbali karin.
Wargeyska
ayaa isagana dhankiisa kasii laban laabay weerarkiisii
cadaawadda xambarsanaa iyagoo daabacay qoraallo ay ku
andacoonayaan inay muslimiinta ugu dhigayaan casharro ku
saabsan dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka ( freedom of
speech ). Intaa waxaa dheeraa in dawladdu ay isla
xilliyadaas ku soo casuuntay Kobenheegan Ayaan Xirsi si uu
ra’iisulwaasaruhu u guddoonsiiyo billad abaal marin ah oo la
xiriirta dagaalka qaawan ee ay ku heyso Islaamka.
Waxay nagu
faleen waxay naga damceen baa ka daran, ayaa nin laga
sheegay!
Ayaan Xirsi
ayaa dhowrkii habeen ee ay joogtay Denmark ku dhammeysatay
inay bannaanka soo dhigto naceybkeeda iyo wixii xumaan ay
qalbiga ugu heysay Islaamka. Af wax cunay xishoo baa la
yiriye Ayaan ma aanay hambeysan kalmad xun oo afkeeda soo
mari kartay. Waxay Qur’aanka ku sheegtay in uu xuquuqda
dumarka duudsiyo sidaa aawadeedna ay wax badan kaga soo
horjeeddo. Waxay in badan ku celclisay in ay dood adag ka
qabto in lagu dhaqmo Qur’aanka. Waxayna si adag hoosta uga
xarriiqday in la xiro madaarista khaaska ah ee muslimiinta
uga furan dalalka Yurub dhexdooda, ilaa ay dhowr jeer
wariyayaashii wareysanayay ay xasuusiyeen in muslimiinta
Yurub ku nool laftoodu uu sharciga ka jira Yurub u
ogolaanayo waxyaabaha qaarkood, arrimahaas oo kalena aanan
la isaga dhaqaaqi karin iyadoon baarlamaanku sharci cusub
kasoo saarin.
Ayaan oo
aysan cid nool iyo cid dhimatay toona badbaado ka helin ayaa
nabiga s.c.w. ku sheegtay wax uusan qof muslim ah iska daaye
gaal xishoonaya macaa ku dhiirran karin.
Ayaan intaa
kuma aysan gaabsan ee waxay ka dalbatay Denmark in ay u
ogolaadaan in ay dalkooda ku dhex sameyso filim lagu
aflagaadeynayo nabi Muxammad s.c.w. kaas oo uu daawan karo
qof walba oo mustaqbalka u baahda in uu wax ka ogaado qaab
nololeedkii nabiga s.c.w. isagoon qofku u baahan in uu
aqristo kutubta siyarka ee ka hadla hab nololeedkii nabiga
s.c.w. Dalabkaas ayay dhinacyadii uu khuseeyay gacmo furan
ku soo dhoweeyeen.
Akhristow
Ayaan hadalladeeda ma lahan nuxur iyo xikmad laga soo tabiyo
toona, laakiin inaan wax ka xusno waxaan uga dan leenahay in
aan wax ka ogaanno dadka muslimiinta ay la gorgortamayaan
noocyadooda, asaaliibta ay adeegsadaan iyo sida aysan xurmo
iyo tixgelin toona ugu heynin Islaamka iyo muslimiinta toona.
Si kale haddaan u niraah cadawgaaga oo aad baratid waxay ugu
yaraan sabab u noqon kartaa inaad ka sharkiisan ka
gaashaamatid.
Maxaa
kallifay waxaasoo naceyb ah?
Waxaa dad
badani is weydiinayaan sababta kalliftay in ay Denmark ku
tallaabsato gefka intaa la’eg ee aynu aragnay natiijadii
kharaareyd ee ka dhalatay,isla markaana ku adkeysato.
Dhab
ahaantii wey adag tahay in jawaab go’an laga bixiyo sababta
kama dambeysta ah ee kaliftay dhacdooyinkan, hase ahaatee
waxaa jira waxyaabo badan oo la dhihi karo dowr muuqda ayey
ka ciyaareen in wargeys Deenish ah uu ku kaco xadgudubkaas,
isla mar ahaantaana warbaahinta inteeda kale uu kula
taxaddiyo ama ku yiraahdo car yaa yeeli kara sida aan yeelay,
dabadeedna uu dowladda kaga helo garab.
Arrimahaas
dowrka muuqda ka ciyaaray inay abuuranti xiisaddan ayaa
dadka qaar ay ku sheegaan sidan:
-
Waa tii
la yiri habar dhali weyday aleelo ku waalataye, sida
qabqablayaasha Soomaaliya nasiinada iyo nabadda u diiday
marka ay taag darro dareemaan ay ugu waashaan
argagixisaa dalka joogta ee ha nala soo gaaro, si ay
gaalada kaalmo uga helaan, si lamid ah ayaa Yurub
dhexdeeda wax ka sheegista islaamka lagaga helaa sumcad
iyo xoogaa kusii cimri dheereysi ah fagaarayaasha
siyaasadda. Sidaa waxaa yeela qaaliban qofkii isaga baqa
in uu tareenka ka dhici rabo iyo qofkii aanan heyn wax
kale oo uu olole (campaign) siyaasadeed ka dhigto.
Hadaba ashkhaasta iyo kooxaha shaqada ka dhigtay islaam
cayga magac baa ka galay ee caqiido kama aha.
-
Dadka
qaar ayaa waxay ku tilmaamaan in ay kalliftay
xadgudubkan aqoon yarida ay deenishku u qabaan islaamka,
dadkuna aalaa waxa aysan aqoonta u laheyn wey iska
colleystaan.
Anigoonan
wada tirineynin dhammaan arrimaha ay dadka wax indha
indheeya u arkaan inay kallifeen xadgudubyadaas la isu
garabsaday ayaan kaga gaabsaneynaa in aan ka tilmaanno mid
kamid ah oo inta ka soo hartay ay soo hoos gelayaan.
-
Qaraxyadii maraykanka ka dhacay kadib ayey guud ahaan
warbaahinta reer galbeedku qaadday olole ay ku suurad
xumeyneyso islaamka, si marka islaamka lagu eego indhaha
reer galbeedka ay usoo baxdo natiijo oraneysa Islaam =
Argagixiso, sidaa aawadeed ha isugu dhowaan. Hase
yeeshee isla markiiba waxaa dhalatay su’aal aysan
warbahintu kasii gaashaaman in la is weydiin doono,
taasoo ah ´´aragnay sida ay u arkaan Islaamka
dadka kasoo horjeeda, ee islaamka isagu sidee ayuu
gudaha uga eg yahay``.
Halkaa waxaa
ka dhalatay in ay si dhakhso leh uga dhammaadaan
maktabadaha, kutubta ka hadasha Islaamka ee ku tarjuman
afafka qalaad, ilaa maktabaduhu ay ka waayeen wax ay ku
daboolaan baahida macaamiishooda ay u qabaan buugaag ka
hadleysa islaamka.
Arrintaasi
waxaa kasoo baxday natiijo ah in galbeedka looga soo
islaamay si aad u xolwi badan marka loo eego waayadii hore.
Denmark oo kamid aheyd dalalkaas sida la yaabka leh looga
soo islaamayo ayaa waxaa warbaahinta usoo baxday inaysan
ololahoodii Islaam xumeyska ahaa aysan ka gaarin dantii ay
uga gol-lahaayeen. Halkii ay dadka Islaamka ka nacsiin
lahaayeenna ay ku abuureen su’aalo aysan dadku horay isu
weydii jirin.
Laba usbuuc ka
hor jimcadii 30.09.2005ta ee uu wargeyska Jyllands-Posten
soo bandhigay sawirradii ay ku aflagaadeynayeen nabiga
s.c.w. ayaa wargeyska maalinlaha ah ee lagu magacaabo Ekstra
bladet mid ka mid ah cadadyadiisa uu ku soo saaray faallo
tibaaxeysa in Dadka deenishka ah ee Islamnimada soo gelaya
ay cel-celis ahaan u dhaxeeyaan 5-10 ruux usbuuciiba oo rag
iyo dumarba leh.
Waxaa xusid
mudan dadka waayadan dambe soo islaamaya marka si guud loo
eego inay kaga duwan yihiin kuwii waayadii hore soo islaami
jiray arrimahan.
1) Dadkii
waayadii hore soo islaami jiray waxay u badnaayeen dumar
badi ahaan islaamnimadooda ay u sabab aheyd xiriir guur oo
ay la yeesheen rag muslimiin ah, markaa kadibna hadba yeesha
qaab dhaqanka uu leeyahay qofkii ay sababtiisa islaamka
kusoo galeen. Dadka maanta soo galaya Islaamkase waa dad
badanaa soo islaamay kadib markay sameeyeen dabagal dheer,
aqris iyo khadbado diini ah oo la jeedinayo oo ay xaadireen.
2) Dadkan
waayahan dambe soo islaamaya waxaad ku arkeysaa intooda
badan inay yihiin dad doonaya inay bartaan islaamka,
dabadeedna si camaliyan ah u dhaqan geliyaan. Tusaale ahaan
waxaad arkeysaa qof dumar ah oo ku labisan xijaabkii
sharciga ahaa min tin ilaa cidhib asal ahaanna kasoo jeedda
deenish iwm. Waxaad sidoo kale arkeysaa nin ay ka muuqato
astaamihii sunnada oo dhammeystiran isla mar ahaantaana
indho buluugan iyo timo cowl ah leh, shanta salaadood ama
badidoodna aadan masjidka ka waayeynin.
Arrimahaaan
noocaan oo kale ah markey soo shaac baxeen ayey horta
jariidaddu ku dhaqaaqday isku deygii faashilka ahaa ee ay ku
aflagaadeysay nabiga s.c.w. si ay u hakiso soo gelitaanka
tirada badan ee Islaamka. Isku deygaas hakinta ah laftiisa
ayaanan noqonin mid looga joogsaday soo gelitaankii
islaamka, waayo dad badan oo daraasad ugu jiray islaamka
ayey ku dhiirri gelisay inay islaamka soo galaan kadib
markay arkeen cadaawadda iyo dhagarta la doonayo in islaamka
lagu hor istaago.
Waxaan
shakhsiyan xasuusanahay oo aan goob joog ka ahaa, maalmo yar
ka gadaale markii wargeyska uu soo saaray sawirradii xumaa,
dood adagina ay ka dhex taagan tahay gudaha Denmark in
maalin maalmaha kamid ah xilli xoogaa ka horreeya salaadda
casar uu masjid noogu soo galay nin yiri waxaan doonayaa in
aan islaamo. In sidan foosha xun loo caayey nabiga s.c.w.
ayaa igu dhalisay inaan islaamka soo galo ayuu yiri ninkaas
oo isla galabkaasba wax ka tukaday salaaddii casar isagoo
caddeeyey ku faraxsanaantiisa uu ku faraxsan yahay in uu
maanta qaatay go’aankii ugu muhiimsanaa noloshiisa.
Markaad
talo soo jeedisid oo lagaa qaadan waayo in la eedo ma
jeclaataa??
Kadib markii
xadgudubyadaa diineed ay u tallaabeen muslimiinta caalamka
ayey talo fara ka baxday. Dowladda deenishku waxay dareentay
markii kowaad intii ka dambeysay dagaalkii labaad khatar
adag inay ku jirto siyaasadeeda dibadda. Waxaa sii
khaatumeysanaya calaaqadii dhaqaale ee kala dhaxeysay
dalalka muslimiinta iyo wax Alla wixii rajo ay ka lahaayeen
mustaqbalka dhankaas oo ay ugu horreyso ka qeybqaadashada
dib u dhiska Ciraaq oo ay si aad ah ugu hanweynaayeen.
Waxaa intaa
kasii daran in aysan dawladda iyo wargeyska toona saadaalin
dhab ah ka bixin karin, xilli intee la’eg bey ku qaadan
doontaa in ay kagudbaan xaaladda murugsan ee ay ku jiraan.
Odoros xumidaas ayaa loo aaneynayaa aqoon xumida iyo khibrad
yarida ay u leeyihiin dadka muslimiinta ah iyo dhaqankooda.
In kastoo ilaa
iyo hadda aanan wargeyskii aflagaadeeyey nabiga s.c.w. iyo
ra’iisulwasaaraha toona aysan bixinin cudurdaar la gareysan
karo iyo cambaareyn toona, hadana waxaa muuqata in
cunaqabateyntii ganacsiga, mudaaharaadyadii shucuubta
muslimiinta ay ka dhigeen meelo kala duwan oo caalamka ah
iyo guud ahaan duufaanta carada ee ku kacday inay si toos ah
iyo si dadbanba saameysay nolol maalmeedka qof kasta oo
deenish ah.
Xaaladda
muslimiinta ku dhex nool Denmark ayay warbaahintu uga
hadashay si ka ballaaran sidii hore, khaasatan labadii
usbuuc ee lasoo dhaafay. Dantu waxay qasabtay in lagu
casuumo telefishinnada waaweyn ee dalka dad muslimiin ah oo
aanan horaan loogu aqoon inay kasoo muuqdaan shaashooyinka
telefishinnada, kuwaas oo aysan warbaahintu jeclaan jirin
inay halkaa kasoo muuqdaan.
Muslimiinta ku
dhex nool Denmark ayaa markii ugu horreysay muddo sanawaad
ah dareemay tixgelin iyo dabacsanaan ay illaaween waa hore.
Dhinaca kale marka laga eegana dhanka muslimiinta waxaa ka
jirta cabsi weyn oo ay ka qabaan in haddii arrimuhu ay kasoo
reyn waayaan inay dhici karto in iyaga looga cad goosto
wixii soo gaaray Denmark.
Deenishka
dhankooda waxay ka cabsi qabaan in arrintani ay isu beddesho
dagaal diineed oo dhex mara muslimiinta iyo reer galbeedka.
Codbixin laga qaaday shacabka deenishka usbuucii lasoo
dhaafay ayaa sheegtay in 74% shacabku ay saadaalinayaan,
kana cabsi qabaan in arrintani ay isu rogto dagaal diineed
oo faraha looga gubto, kaasoo u dhexeeya muslimiinta iyo
galbeedka.
Gardarro garab
og iyo cudur geeri og toona lagama kaco!
Kalmadda ``wadahal´´
ayaa kumannaan jeer lagu soo celceliyey marka la isu geeyo
inta jeer ee ay isticmaaleen warbaahinta kala geddisan
labadii usbuuc ee lasoo dhaafay.
Waxaa
wareysiyo iyo doodo kala geddisan laga dhex furay dadka
matala muslimiinta ku dhaqan dalkan iyo kooxaha siyaasadda
ee garabka midig ee xag jirka ah oo uu ka tirsan yahay
tifaftiraha wargeyskii aflagaadeeyey nabiga s.c.w.
Habeen
habeennada kamid ah ayaa dood teleefishinnada laga siidaayey
la isaga hor keenay afhayeenka ururka muslimiinta Yurub ku
nool u qaabilsan difaaca Rasuulka s.c.w. iyo madaxa
tifaftirka JP. iyo qaar kamid ah madaxda ururrada xag
jirayaasha. Dooddaas oo uu afhayeenkii muslimiinta Axmed
Cakkaari kaga awood roonaaday madaxa tifaftirka wargeyska
ayuu tifaftiruhu ka sheegay telefishinka in uu dib uga
fikirayo in uu cudurdaarto iy in kale.
Maalmo yar
kadib wuxuu tifaftiruhu (Carsten Juste) dalbaday in uu la
kulmo muslimiinta kadibna ay soo wada saaraan bayaan ay
wadaag ku yihiin. Hase yeeshee wuxuu shardistay saddex
arrimood oo kala ah.
1)
In uusan ka
cudurdaaraneynin sawirradii uu jaraa’idku ku aflagaadeeyey
nabiga s.c.w., laakiin uu ka cudurdaaranayo caradii ay
muslimiintu kaga jawaabeen sawirrada, taasoo ku timid qalad
ay muslimiintu ka fahmeen sawirrada ee aanan aheyn qalad ay
galeen isaga iyo wargeyskiisa toona.
2)
In Muslimiintu
ay aqbalaan dimuqraadiyada Denmark iyo xorriyadda hadalka
ayna saxiix ku muujiyaan ogolaanshahoodaas
3)
Iyo in uusan
muslimiinta wax ballan qaad ah ku siin doonin in aan mar
dambe wax looga sheegi doonin wargeyska uu tifaftiraha ka
yahay.
Saddexdan
Shardi oo aanan xumaan iyo xamaaqo isku dhaamin ayay
muslimiintu gaashaanka ku dhufteen. Tallaabadii xigty ee uu
qaadayna waxay aheyd in uu soo saaray bayaan uu ugu magac
daray ``qaab cusub oo cudurdaarasho ah``
kaasoo nasiib darro qaar kamid ah bogagga Soomaalida iyo
muslimiin kaleba lagu daabacay, dadka qaarkiisna is
moodsiiyeen in uu cudurdaar sax ah yahay. Waxa ku yiil oo
dhami waxay ahaayeen muslimiineey khalad ayaad ka fahanteen
wixii aan sameynay waxaanan ka xun nahay in aad qalad
fahanteen.
Si kastaba ha
ahaatee wargeyska iyo dowladda toona meeshey doonaanba isku
halleyn ha ka heystaane, kama go’na inay waqtigan xaaliga ah
cudurdaar ka bixiyaan wixii ay geysteen ee dhibaatada xoogga
leh u sababay.
Maxaa islaamka
ku gooniya, maa diimaha kaleba wax laga sheego?
Flemming Rose |
Tifaftiraha
qeybta dhaqanka ee wargeyska JP. Flemming Rose oo ah ninkii
sawirradan markoodii koowaad ku baahiyey wargeyska ayaa
maalmo ka hor wareysi lagula yeeshay telefishinka CNN. Kadib
markuu Flemming ku faantamay sumcadda uga soo hoyatay iyo
magaca uu ka dhaxlay sawirradii uu isagu ku soo saaray
wargeyska ayaa waxaa la weydiiyey sababta uu diimaha kale
sawir gacmeedyo dacaayad ah uga faafin waayey.
Flemming oo ka
jawaabaya su’aashaas ayaa yiri sannadkii 2003 ayey nasoo
gaareen sawirro noocan oo kale ah oo lagu dacaayadeynayo
diinta kirishtaanka. Xilligaas waa aynu diidnay in aan
faafinno sawirradaas, hase yeeshee hadda ayaa waxaa ii
diyaarsan sawirro lagu dacaayadeynayo kirishtaanka iyo
yuhuudaba.Waxaan doonayaa in aan usbuucan soo socda kusoo
saaro wargeyska, sawirradaasna waxaan kaa tusi kataa midkan.
Wuxuu soo bixiyey sawir muujinaya bambaano qarxi rabta oo ay
ku taal xiddigta lix geesoodka ah ee astaanta u ah calanka
yuhuudda.
Markii uu
dhammeystay wareysigii CNN-ka ayaa waxaa isla meeshii kala
soo hadlay madaxa qeybta tifaftirka ee JP. Carsten Juste oo
amar ku siiyey in uu raalli gelin ka bixiyo arrinkaas uu ku
hadlay. Flemming Rose oo towbad keen ah ayaa raalli gelintii
lagu amray halkii kasoo jeediyey isagoo ballan qaaday in aan
sawirradaa lagu soo saari doonin wareyskooda. Waxaa intaa
noogu xigtay in Flemming Rose shaqadii laga siiyey fasax
aanan dhammaad laheyn oo uu kaga maqnaan doono ilaa muddo
aan la xaddidin.
Hadaba waxaa
is weydiintu tahay haddii diinta yuhuudda iyo kirishtaanka
laga raalli geliyay xadgudub aanan wali lagu sameyn laakiin
lala maaganaa, maxay islaamka ugu quuri la’yihiin inay ka
raalli galiyaan xadgudubka jira ee ay iyaga ku sameeyeen.
Haddii ay qiil ka dhiganayaan dimuqraadiyad baan difaaceynaa
in aan idiin cudurdaarannana wax kallifaya ma jiraan,
waxaannu ogsoon nahay in waddamo Denmark la mid ah,
dimuqraadiyaddana kaga fac weyn in ay raalli gelin
kadhiibeen sawirradan markii lagu soo bandhigay
wargeysyadooda sida Fransiiska, Sweden iyo Norway iyo
Finland oo galabta uu ra’iisulwasaarahoodu uu raalli gelin
ka bixiyey isla masawirradaas. Mise mareykan baa lagu
eedeeyaa in uu isu arko inuu yahay booliiska adduunkee
Denmark-yareyna ma waxay rabtaa in ay jugeysato jagada ah
inay yihiin waardiyayaasha dimuqraadiyadda?. Maxaase
diinta Islaamka loo siin la’ yahay ixtiraamka iyo qadarinta
ay mudan tahay ee ay heleen diimaha kale ee dadyowga aanan
muslimiinta aheyni heystaan?
Halkaas waxaan
si cad uga arki karnaa in xorriyadda hadalka iyo
dimuqraadiyaddu ay shaqeeyaan oo kaliya marka reer galbeedku
ay doonayaan in ay Islaamnimada meel kaga dhacaan ama u
suurad xumeeyaan dadka kale.
Ha lagala
noqdo aqoonsiyada
Waxaa iyana
waxyaabaha la yaabka leh ee lagu qoslo noqotay in qaar kamid
ah muslimiintii jawaabta ka celisay marin habaabinta
warbaahinta deenishka, loo qalqaalinayo in lagala noqdo
aqoonsiga deenishnimada sida uu ku baaqay xisbiga xag jirka
ah ee lagu magacaabo xisbiga bulshada deenishka (Dansk
folkeparti). Xisbigaas ayaa ku tala bixiyey in saddex ka mid
ah muslimiinta ku nool Denmark lagala noqdo dhalashada
dalka. Saddexdaas nin ayaa laba kamid ah waxay ka tirsan
yihiin guddiga muslimiinta yurub u qaabilsan difaaca nabiga
s.c.w. kuwaasoo kala ah af-hayeenka ururka Axmed Cakkaari
iyo madaxa wafdigii qadiyaddan darteed loogu diray Masar Abu
Bashaar iyo nin kale oo aanan ku jirin xubinna ka aheyn
ururka difaaca nabiga s.c.w. oo lagu magacaabo Muxammad
Fu’aad Al-Baraazi, kaasoo muddooyinkii dambeba u ololeynayey
in cudurdaar ku sheegga Jyllands-Posten sida uu yahay loo
aqbalo si xiisadda taagani usoo afjaranto.
Nin daad
qaaday xumbo cuskay
Denmark ayaa
tan iyo intii ay xiisaddani kacday idaacadaha kasiideyneysay
hadalka cid kasta oo dabeyc u muujisa waxay doonaanba ha
ahaadeene. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu qeylo dhaan u dirsaday
midowga Yurub iyo xulufadooda kale ilaa ay kaalmo ka bideen
Ayaan Xirsi oo teeda u meel la’ oo waa hore ka baxday
islaamnimada si loo siiyo sharci qaxootinimo.
Ayaan oo
tabarta ba’day hiilo ah ayaa shir jaraa’id ku qabatay
Holland. Wax cusub lagama sugeyne sidii caadada u aheyd ayaa
hadalkeedii nahda darnaa ku muujisay nacaybkeeda Islaamka
iyo taageerada ay u heyso ra’iisulwasaaraha Denmark iyadoo
waliba ereyo akhlaaq darro ah ku weerartay warbaahinta
adduunka qeybahooda ka gaabsaday in ay sii faafiyaan
masawirrada Jyllands-Posten, kuna tilmaantay inay yihiin dad
fulayo ah.
Waxaasoo
aflagaaddo iyo xadgudub ah iyadoo ay jirto ayeynu wali
arkeynaa in uu marba marka kambeeya isa soo tarayo xiisaha
tiro aan yareyn oo deenishka ah ay u qabaan inay wax ka
ogaadaan Islaamka. Usbuucii lasoo dhaafay waxaa maktabadaha
iibka ee dalka oo dhan ka dhammaaday kutubtii Qur’aanka
aheyd ee ku tarjunneyd afka deenishka, iyadoo lagu war
galiyey dadkii tirada badnaa ee is liis gareeyay si ay u
helaan nuskho Qur’aanka ah oo tarjuman , inay ugu horreyn
dalabkooda heli doonaan laba usbuuc kadib.
Dabkaan
kulkiisa ku diirin dambaskiisa lagama leexdo
Gabagabadii
wax aad dhib moodeysid oo khayr kuu ah baa jira ayaa la
yiri. Marka la isu geeyo raadka ay reebtay arrintan waxaa la
dhihi karaa ma xuma amabase ugu yaraan ugama darin
muslimiinta. Si kale haddaan u cabirno waxaan dhihi karnaa
muslimiintu waxay si camaliyan ah u muujiyeen jaceylka ay u
qabaan Rasuulka s.c.w. qof walbana waxa uu arkay dowrka uu
ku leeyahay wax ka beddelka iyo wax ku kordhinta waxa
agagaarkiisa ka dhacaya har iyo habeen. Waxay muslimiintu si
ficil ah u beeniyeen aragtidii wargeyska ee aheyd in
culimada oo kaliya ay dhibsanayaan in diinta meel looga
dhaco isla mar ahaantaana ay kaligood u taagan yihiin
difaacidda diinta iyo muqaddasaadka.
Waxay
muslimiintu heleen tixgelin aysan heleen haddaanan la arkeen
in ay yihiin dad dulmiga iyo cadaawadda iska caabin kara,
hase ahaatee wax badan ayaa wali ka laaban halkii ay ku
dhammaan laheyd qadiyatan. Waxaa iga xasuusin ah in falalka
qaarkood oo ka dhacay goobaha qaar in muslimiinta looga
beegtoonaa marka la eego qadiyadda shariifka ah ee ay
difaaceeda isu taageen iyo xilka ka saarnaa inay ilaaliyaan
sumcaddooda.
Dhanka Denmark
waxaan dhihi karnaa wixi looga digayay baa daaray, waxaase
nasiib darro ay qabaan ah inaysan wali garan dhinaca xalku
ka jiro, haddey garteenna aysan wali kasoo go’in inay u
dhaqaaqaan dhinaciisa ama ay iska indha-tirayaan, su’aashuse
waxay tahay yey u daran tahay?. Waxaa maanta Denmark ay dhab
ahaan u fahmi karaan, hadal murtiyeedkii ahaa ``adigoo
guri dhalo ah deggan, guri reerood dhagax laguma tuuro´´.
Si kastaba
arrini ha ahaatee, maadaama aanay cidina saadaal lagu
kalsoonaan karo ka bixin karin halka ay gabagabada isugu
biyo shuban doonto xiisaddan taagan, arrinku wali waa fari
kama qodna faanoole. Halka arrin oo aanan ka shakisaneynse
wuxuu yahay in ciribta wanaagsani ay mar walba yeelanayaan
mu’miniinta, haddii ay la yimaadaan shuruudihii ay ku
mutaysan lahaayeen gargaarka iyo guusha.
Rabbi
waxaan weydiisaneynaa in uu naga dhigo kuwo u hiiliya xaqa
meel ay joogaanba, naguna sugo qowlka sugan adduun iyo
aakhiraba.
Mahadsanidiin
Cabdulqani
Qorane Muxammad
EMail:
abdiqanim@hotmail.com
Afeef:
Aragtida Qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
»GABAY:
“GUUBAABO” : Gefkii loo gaystay Rasuulka SCW
»Gabay loogu
gargaarayo Rasuulka (scw)... | Cali Mataan
»Birmad Gabay::
Ku xukuumada ka jirto Denmark | Mubashir
»Bannaanbaxyadii Mombasa iyo Nairobi...
»Mudaaharaadyo kadhacey Capetown & Pretoria
»Maalinta
jaceeylka Rasuulka | C/Waaxid C/lahi