SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


MUSLIMIINTA K/AFRICA OO KUBIIREY MALAAYINKA KAMUDAAHARADEY AFLAGADADII NABI MOHAMED (S.C.W)
 
“Mudaaharadyada oo kakaladhacey Capetown & Pretoria”
 
Pretoria: muslimiin tiradooda laguqiyaasey laba iyo toban kun oo qof (12,000) ayaa isugusoobaxey Magaaloweynta Capetown khamistii (9 Feb), muslimiintan oo aad ugacadheysan fadeexada Jariirarada Jyllands-Posten ee Denmark kasoobaxdaa, ugeysatey Rasuulkeenii Suubanaa (S.C.W), Mudaaharadkan oo werwer geliyey dowlada K/Africa oo kabaqsaneyd in rabshado kahaloosmaan, ayaa uu dhacey  sinabadgelyo leh.

 

Banaanbaxayaasha oo kulabisnaa qamiisyo iyo xijaab ayaa kudhawaaqayey ereyada ey kamidyihiin “Denmark hadhacdo”,  iyo “halaqaadaco badeecada Denmark”.  Waxaa banaanbaxayaasha Capetown kamid ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo tirobadan.  

 
Madaxweynaha Mbke ga K/Africa oo maalinkii khamistii guriga golayaasha ee K/Africa ka jeedinayey qudbadii qaranka ayaa sheegey “sawirada la iskukhilaafsanyahey ayaa abuurey in la-iskudheelitiro xuquuqul qowlka iyo xuquuqda diinta oo labaduba ey kucadahey dastuurka K/Africa” ayuu yidhi madaxweyne Mbeki. Waxa Mbeki uu codkiisa raaciyey  Xoghayaha Q.Midoobey Koffi Annan iyo hogaamiyaasha caalamka oo kacabsi qabey in ey rabshado kaabuurmaan.  Mbeki wuxuu u direy Jaraa’idka daabacey sawirada lagucaayayo Nabi Muxamed (S.C.W) in ey raali gelinkale siiyaan muslimiinta.

 
Banaanbax kale ayaa isna kadhacey Magaaloweynta Pretoria Jicmhii shaley ahaa (10th feb), muslimiin gaadhaya ilaa kun qof (1000) oo kakalayimid magaaloweynta Johannesburg & Pretoria ayaa iyana banaanbaxyo kahorsameeyey Safaarada Denmark kuleedahey wadankan K/Africa ee Pretoria.  Inkastoo culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee Johannesburg aaney kasooqeybgelin mudaaharadkan, hadana waxaa kaqeybgaley dhalinyaro tirobadan oo sifirfircooni ey kudheehantahey ugaqeybqaatey.

 
Labada banaanbax ee Capetown & Pretoria waxey ugudbiyeen memorandum safiirka Denmark u fadhiya K/Africa Mr.Brylle, safiir Brylle oo kaqaadey culumada ugudbisey memorandumka ayaa sheegey in uu u gudbindoono dowladiisa, dhowaana ey jawaab siindoonaan.

 
Dhinacakalena Jaraa’idka Usbuuclaha ah ee Sunday Times ee usbuucii inadhaafey ayaa faalo kaqorey sawiradaa, arinkan oo keentey in Jar’aaidkaasi laqaadaco, jaraa’idka kale ee Mail & Guardian ayaa isna cadadkiisii Jimcihii Shaley ahaa qorey sida sawirada lagu aflagaadeyey Nabi Muhamed (S.C.W) ey caalamka ugilgileen, laakiin maamulka Mail & Guardian waxey kabixiyeen raali gelin, Jar’aaidka Sunday Times wuxuu shir layeeshey Dalada Culu maa u diinka K/Africa (Jamatul Ulumaa), halkaas oo ey kaqaadeen cunoqabateyntii lagusoorogey.
 
Muslimiinta K/Africa waa muslimiin tiro ahaan kayar 3% ee 46 malyuun ee qof ee kudhaqan wadankan K/Africa, hadana Muslimiinta K/Africa waxaa lagutilmaamaa Muslimiin tiroyar laakiin tayo fiican.
 
JARAA’IDKII DAABACEY SAWIRADA EE JYLLANDS-POSTEN.
 
Jaraa’idka Jylland-Posten ee Denmark oo sawirada  Nabi Mohamed (S.C.W)  daabacey September 2005kii ayaa sheegtay in daabaceyso sawiro kale oo uu kumuujinayo xasuuqii Hitler uu u geystey Yuhuuda dagaalkii 2aad ee aduunweynaha si uu utusiyo muslimiinta in aanu jaraa’idkoodu dhinacna u xaglineynin, laakiin arinkani ma dajinayaa shucuurta muslimiinta caalamka oo sida aad ka usareysa ugacadhootey jar’aaidka?.
 
Waxaa diyaariyey:
 
Saeed Fuuraa,  

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 12, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
WARAR KOOBAN:
30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.
20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra'iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra'iisul wasaaruhu diidey kulankaas.
Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay'adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.
20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.
10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.
25 Jan 2006:
M
uftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,
26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.
30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan
31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin
1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .
3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida  London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia
4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.
5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.  Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.
6 Feb 2006:
Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.

Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD