Denmark: Qubuuro ay
Muslimiin ku aasan yihiin oo La Jejebiyey
Isniin Feb 13, 2006
25 Qabri oo ay ku aasan yihiin
Muslimiin oo la jejebiyey
Afhayeen u hadlayey
Booliska (Denmark) oo magaciisa la yiraahdo Anders Hansen
ayaa sheegay in la jejebiyey dhagxaanta qubuuraha
Muslimiinta ee ku yaal magaalada Esbjerg.
Esbjerg waa magaalada
shanaad ee ugu weyn dalka Denmark waxayna qiyaasti 250 km
galbeed ka xigtaa caasimada Copenhagen.
"Ma ogin cidda arrintaas ka
dambeysey" ayuu yiri afhayeenka booliska, oo intas ku daray
weerarka qubuuraha loo geystey in uu dhacay gelinkii dambe
ee Sabtidii ama ama gelinkii hore ee Axadii (Feb 12).
Aagga qubuuraha waxaa ku
yaal qubuuro Kirishtaan iyo kuwo Muslimiin ah, waxaana la
jejebiyey qubuuraha Muslimiinta oo keliya, ayuu yiri
Afhayeenka Boolisku.
Arrintani waxa ay dhacday
xilli xasaasi ah oo carada Muslimiinta daafaha dunida ay ku
wajahan tahay sawir gacmeedyadii uu daabacay wargeys ka soo
baxa Denmark.
Qoraa
aad looga yaqaan dalka France oo magaciisa la yiraahdo Eric
Geoffroy ayaa yiri: waa laba wajiilayn habka ay reer
galbeedku u maareeyeen sawir gacmeedyada lagu
aflagaadaynayey Nebi Muxamed NNKH. Waxana uu intaas ku daray
isagoo la hadlayey IslamOnline in ay reer Galbeedku ilowsan
yihiin oraahda falsafeedka caanka ah ee ah xorriyada qof
waxa ay dhammaataa marka ay bilaabato xorriya qof kale.
AKHRI |
Ra'iisul wasaaraha Denmark,
Anders Fogh Rasmussen, ayaa arrintaas si kulul u
cambaareeyey, waxana uu yiri "waxaan si xoog leh u
cambaaraynayaa ficilkaas foosha xun, waxaana ka xumahay in
la xumeeyo qubuuraha Muslimiinta."
Dhanka Faransiiska wararka
ka imanaya waxa ay tibaaxeen in magaca Nebi Muxamed NNKH uu
noqday kan loogu hadal haynta badan yahay. Waxaana
wargeysyada dalkaasi ay bogagooda hore maalmahan ku qorayeen
cinwaano ay kamid yihiin "Xaqiiqada Islaamka France," "Kor u
kaca islaamka", "Islaamnimo... Maxay diintani sidaas degdega
ah ugu faaftay?".
Waxaa kale oo dalka France
aad kor ugu kacay raadinta Tarjumada Quraanka Kariimka iyo
buugaagta ka hadlaya Islaamka, kuwaas oo dadka Faransiisku
ay danaynayaan in ay wax ka ogaadaan.
Dhanka Ciraaq waxaa maanta
Telefeshinada Caalmka hareeyey Video lagu sheegay in laga
duubay Askar British ah oo garaacaya dhallinyaro reer Ciraaq
ah (magaalada Basra).
Halkan ka daawa Vedio-ga... CBC
ISHA: CBC, IOL, Aljazeera
»Bannaanbaxyadii Mombasa iyo Nairobi...
»Mudaaharaadyo kadhacey Capetown & Pretoria
30 Sept 2005: Joornaal ka soo
baxa Denmark (Jyllands-Posten)
ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.
20 Oct 2005: Ambaasadoorada
11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u
direen ra'iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay
la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska
daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra'iisul wasaaruhu
diidey kulankaas.
Oct 14, 2005: Lix iyo toban
hay'adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey
wargeyska
Jyllands-Posten, waxana
sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.
20 Oct 2005: Muslim Safiirada
Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha
Denmark.
10 Jan 2006: Wargeys reer
Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian
newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii
wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.
25 Jan 2006: Muftiga
dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray
fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan
ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee
ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,
26 Jan 2006: Saudi Arabia
ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana
sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.
30 Jan 2006: Waxaa weerar
lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la
weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan
31 Jan 2006: Joornaalkii
Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin
1 Feb 2006: Wargeysyo reer
Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku
taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka,
wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo
Spain .
3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya
ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida
London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia
4 Feb 2006: Waxaa dad
caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark
iyo Norway ee dalka Suuriya.
5 Feb 2006: Waxaana
mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey
safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan. Waxaa
is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.
6 Feb 2006: Ciidamada
Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad
mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof.
Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.
http://www.cbc.ca/story/canada/national/2006/02/13/cartoons060213.html
http://islamonline.org/English/News/2006-02/13/article04.shtml
http://islamonline.org/English/News/2006-02/13/article01.shtml
http://islamonline.org/English/News/2006-02/13/article06.shtml
http://today.reuters.co.uk/news/newsArticle.aspx
http://islamonline.org/English/News/2006-02/14/article01.shtml