SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK



Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa… 

  • Cabdulqani Qorane Muxammed
    abdiqanim@hotmail.com

Iyada oo ay maalinba maalinta ka dambeysa sii kordheyso carada muslimiinta ay ka muujiyaan aflagaaddadii uu wargeyska Jyllandsposten ula bareeray nabiga s.c.w. ayaa waxaa muslimiinta ku dhaqan Denmark soo food saaray culeys kaga yimid xagga warbaahinta iyo axsaabta siyaasadda ee dalkan. Axsaabta siyaasadda iyo warbaahinta oo isku dhinac kasoo jeeda, ayna ka dhex muuqato Jyllandsposten oo ah jariidaddii bilowday baahinta sawir gacmeedyadii lagu aflagaadeeyay nabiga s.c.w. ayaa waxay haatan ku guda jiraan isku day ay ku doonayaan in ay muslimiinta ku nool Denmark dusha u saaraan masuuliyadda dhib walba oo Denmark ka soo gaadhay carada shucuubta muslimiinta.  


Pia Kjæsgaard

Jens Ruhde

Pia Kjæsgaard oo ah bilcaanta u talisa xisbiga cunsuriga ah ee loo yaqaan Ururka shacabka deenisha (Dansk folkeparti) ayaa ururrada siyaasadda ugu baaqday in fiiro loogu laabto sii joogista imaamyada muslimiinta ee dalkan. Waxaa la saadaalinayaa in qaar kamid ah a’immada muslimiinta ee ku sugan Denmark, laga masaafurin doono dalka sida ay Pia Kjæsgård ku caddeysay bayaanay so saartay.  Imaamyadaas la filayo in la masaafurin doono oo ay qaar ka mid ah magacyadooda ku xustay isla bayaankaas, ayey ku tilmaantay in ay yihiin kuwa dabka cadaawadda hurinaya.

Hadalkaas ayaa waxaa jawaab ka bixiyay af hayeenka dhinaca siyaasadda ururka Venstre ee haya talada dalkan oo lagu magacaabo Jens Ruhde, kaasoo yiri fikraddani waa ay wanaagsan tahay, hase yeeshee waxay aad ugu haboon tahay in aan marka hore iska xasilinno carada muslimiinta caalamka ee haatan nagu wajahan, markaa kadibna xisaabtan aynu dheer la galno muslimiinta ku nool dalkeenna.

Dhinaca kale waxaa qoraallo hanjabaad dil ah loo soo diray, xubno ka tirsan ururka umuslimiinta u qaabilsan difaaca rasuulka s.c.w. Waxaa sidoo kale dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay gacan qaadyo loogu geystay meelo kala duwan, dhowr ruux oo muslimiin ah oo ay ka mid tahay gabar Soomaaliyeed oo  ardayad  caafimaadka barata ah, taasoo tababar u joogtay mid ka mid ah isbitaallada waaweyn ee magaalada Århus. Gabadhaas ayaa dhibkaas loogu geystay agagaarka isla isbitaalkii ay tababarka u joogtay, xilli ay isaga tallaabeysay laba qeybood oo isbitaalka ah oo isu jira masaafo  dhowr daqiiqo ah.  


Carsten Juste, Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Madaxa tifaftiraha wargeyska Jyllandsposten  Carsten Juste ayaa ilaa iyo haatan ku adkeysanaya inuusan diyaar u aheyn in uu cudur daarasho ka bixiyo aflagaadadii uu u geystay nabiga s.c.w. isagoo ku andacoonaya in uusan ku qaldaneyn baahinta sawirradaas, hase yeeshee uu ka cudurdaaranayo caradii ka dhalatay ee ay sababeen sawirrada.

Waxaa la yaab leh in maangaabkan tifaftire ku sheegga ah halkii uu xal u raadin lahaa xiisaddan uu isagu kiciyey uu ilaa haatan ku mashquulsan yahay, sidii uu muslimiinta ugu toli lahaa inay sabab u yihiin dhibaatada adag ee Denmark kala soo gudboonaatay falkiisii sheydaaniga ahaa, isagoo doonaya in eedda shacabka deenishka uu isaga jeediyo dhinaca muslimiinta. Muslimiinta ayaa iyaguna geestooda u xarbinaya sidii ay isaga dheereyn lahaayeen eedeymaha dusha laga saarayo iyo sidii ay uga fakan lahaayeen dabinnada loogu daadinayo hadba meel aysan ka filaneyn. 

Si kastaba arrinu ha ahaatee iyadoo ay jirto in labada daraf aysan wali xal dhaba ka gaarin qadiyaddan, ayaa durbaba nin ogol iyo nin is moogeysiinayaba ay u muuqatay gaalada, in wax ka sheegga Rasuulka s.c.w. iyo muqadsaadka diinta islaamku aysan aheyn wax kaftan iyo ku jeesjees toona gala. 

Cabdulqani Qorane Muxammed
abdiqanim@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD