SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


Gabay loogu gargaarayo Rasuulka (scw)...

Gabaygan waxaa tiriyay abwaan Cali Mataan Xasan Barre oo uu tiriyay tr. 10.02.06 wuxuuna u tiriyay saxaafadii reer galbeedka ee Nabigeena (scw) sawirada xun ka bixiyay iyo dowladahooda sida ay isula quman yhiin gaar ahaan Denmark.

 
WARAR KOOBAN:
30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.
20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra'iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra'iisul wasaaruhu diidey kulankaas.
Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay'adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.
20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.
10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.
25 Jan 2006:
M
uftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,
26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.
30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan
31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin
1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .
3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida  London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia
4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.
5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.  Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.
6 Feb 2006:
Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.

Abwaanka Cali Mataan Xasan Barre ayaa ku billaabay gabaygiisa sidatan:-

Allahuma salli nabi muxamad waa ergey ilaaheeye

Insi iyo jinkiyo kii layiri aad u wada raaca

Ashahaata oo qira inuu yahay rasuulkiina

Anbiyada dhamaantoodna ay wada amraayene

Inuu ugu danbeyo injiill lagu akhbaareyay

Aqoon bay uleeyiin ogaal way inkirayaane

Aduunyada fisqiga baahayee ilbax lagu sheegay

Aroorkooda wuxuu gaaray baan iin ifbixinaaye

In laba dhadig ah oo aadana ah aqalka loo taaga

Ama laba nin oo aroos loogu alalaaso

Ifka lagu cadaab urubo waa akhas uraysaaye

Ilaahay kunaar uunka way agab rogaayaane

Aflagaada weeyn bey rasuul ula abaarreene

Umadaha damiirkii katagay ee allana diiday

Anshaxumida diin ay utahay lagu abaabeeyay

Amakaag ma ay aha inay ku afxumaadaane

Aragtida waxay tahay iney noo ansaxiyaane

Oraahdiya sawiradii qoreen edebe la antooda

Irdha bey ku beertay dadkii uunka wada joogay

Ee islaamka haystee bulhaan ooda soo jabiye

Arinkaa wuxii uu kasbada anafa uu reeba

Aduunyada kadhaca aawadii iyaga weeyaane

Ardaalkii qoriya dowladay ku antaroortaaye

Arla yurub dadkeedii la arag aragtidoodiiye

Amar dowlo shacb iyo ra-iis ayni qura weeye

Oo ibliis durbaankuu tumay idil adeecaane

Ihaanadii rasuulkii dhaheen way ayidayaane

Italiya ,isbeyn iyo holand eray kaso yeeray

Waxaa lagu adkeeyaa midkey isir wadaagaane

Bal aan eegna meeshay arini ku intihoonaysa

Anigoo ogsoonaa xumida taala edegooda

Ingiriis amerika dhamaan aagga yuruboo dhan

In illaah horaan nooga digay urug fogaantooda

Adinkaba akhriya diinta waa ka arki haysaane

Aqbalkay rabaan waa inaad aragti raacdaaye

Ilaah iyo rasuulkiina aad ka anfariirtaane

Afartaa miriyo eraya gabay alifyadeydii dheh

Ashqaraarka maansiyo tixdaan ku andacoonaayay

Abwaanada kaleentana ileys uga ishaaraayay

Imtixaan iney tahay inana nalagu eegaayo

Ikhlaas iyo ilaahay dartii waan onkodayaaye

Ansaartii rasuulkaan ihiyo ubaxa diineede

Israaiil iyo uroba way is ursanayaane

Islaamnimo naceybey horaan ku isbaheysteene

Waxa askumay waa Deenishkaa uunka lagu naarye

Awlaadda ibliis iyo kufriga ways arxamayaane

Adeegyada yahuuday demarka ku ixtiraamaane

Asalkii islaamkiyo waxay jaa-ifada aaday

Ilaahay rasuulkii khalqiga ugu udgoonaaye

Aduunyada cadliya aaminaad ugu adeegaayay

Aadanaha asluubtiya tusiyay ayadaha eebe

Ee akhlaaqda lagu layliyee abid ilduufoobin

Amuuraha aduunayad ka jira waa ibtiladaase

Awood sheegad gaalada waxay nagu ekaynaysa

Afqaan iyo ciraaq waad midaad wada arkayseene

Al qurayb astaan nogu filan aramidiisiiye

Alahayow islamkiyo cizee eheladiisoo dhan

Uurka wixii ku jira afka wuu ku ataraaraaye

Iminkana aslaynkiyo hidaha eebe ina siiyay

Usuushiyo quraankiyo sunaha aayadaha diinta

Afbuuxay ku diideen inaad ku intifaacdaane

Ardaygii quraan loodhigee alifka bilaabaaya

Imaam iyo khadiib daaci ahi umad wada raacsan

Itijaah qudha wada lahoo diinta wada eegi

Ebyan waa kitaabkee sharciga wada adeecaaya

Arinkaa inuu soosocdaan odorosaayaaye

Asbaabaha inaan qaadanoo aayar wada toosna

Addin iyo aqwashaba ilaah uga ujuur doona

Aamiin iigu dhaha waa maqbuul idin ilaaheye

Gabayaaga Cali Mataan Xasan Barre waxaa kala xiriiri kartaa
Ibrahim S. Aden <ibra88@hotmail.com>


»Duq Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu..
»
Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa..
»
Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
»OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»
HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)



Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriy aoo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost


Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah

 


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD