SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


Birmad Gabay

Mubashir Sheekh c/laahi
mubashir506@hotmail.com

Gabaygan waxaan tiriyay taariikhdu markay aheyd 02/02/06 aniga oo ah Mubashir Sheekh c/laahi waxaana kula hadlayay xukuumada ka jirto Denmark iyo inta la halmaasho oo wuxuu faafaahin iyo tusaalooyin isugu darayaa marna asagoo udigayo marna wax usheegayo oo uwaramayo wuxuuna ka duulayaa gafkii qirada weynaa ee ay kula kaceen dunida Islamka iyo aflagaadadii Rasuulka N.N.K.H gabayga wuxuu ku hadlayaa codka Muslimiinta wuxuuna ku calool adeygayaa in Islaamku dadnimo iyo dhanwalbaba isaga filanyahay oo uusan ubaahneyn kaalmo baaderi wuxuu gabayga kusoo gabagabeysmayaa marhadii ILaahdeeqsi yahay nin diririyo nin taliyana aan heysto ma cidbaan ka wardhowrayaa weeye ujeeda guud wuxuuna yidhi

 
 
Ba'da gabayga waayadan magelin baabki maansada e
Xalay unbuu burdaha ii aqriyay sheekh ku baariyehe
Aan bilaabo jeer-aan buddhigo beegis ma aqaane
 
Bahweyn iyo Islaam baanunahay laga baqaayaaye
Burji adag ninkaan igu ogeyn ima bariid sheene
Basarkeyga ruux garanayaa iima soo baxo e.
 
Aduunyada badhkeed yaanunahay beelku aaminahe
Bilyan iyo laguug baan tirsiga baac ku dheerahaye
Bir xadiid ah iyo waxaanu-nahay buur ma liicdo ahe.
 
Bush quusay idinkana dhaqsaad ubaqtiyeysaane
Boqolkiiba mid unbaadtihiin badana meysaane
Bismillaahi gootraan dhahaad bururi doontaane
 
Afartaa bayaan iyo midaan buug kudaabacay dheh
Birmad iyo difaac wada socdoon beyda giijiyay dheh
Caawana beriba waa cimriye hadalyar baan baanay
 
Baxsanow Rasuulkeenibaad beenka weriseene N.N.K.H
Boqorkaan dhacaynbaad afxuno kula bariiqdeene
Hadee yeydin bixin weydinkaa biimo soogalaye
 
Biyahaa karkaray iyo qamrida dhalada kuu buuxdo
Sidaad biir udaacdeen unbaad beyl ufilaysaaye
Hadee yeydin bixin weydinkaa biimo soogalaye
 
Baanisaha colaadeed ragbaan baratameynaaye
Baqdaad iyo new york ragbay beegsi nootahaye
Adna biido biidaadtihiyo buuryo qabahaase
 
Bada aad dhaxjiiftaaba weykuu bulxameysaaye
Haday kugu baxsato mowjadaad kubalqan doontaaye
Bilaash uguma dhaartee Allaad dib ubaryeysaane
 
Afartaa bayaan iyo midaan buug kudaabacay dheh
Birmad iyo difaac wada socdoon beyda giijiyay dheh
Caawana beriba waa cimriye hadalyar baan baanay
 
Barkad haamo lagasoo dhuroo booyad laguqaaday
Burqad kama sugeyniyo inuu baaqi soo hadho e
Baabkaana adigaa ahee haku baxnaaneyso
 
Adoon bukin adiga oo badqaba balana aansheegin
Adoo barafku kuuda'ahayoo wada barwaaqeysan
Waxay baahi kuuheyso sow badan rasaas ma aha
 
Boholaha ragii kugu ridee kaaga dusay buuqa
Balamaha kuwii kulagalee buuxin kariwaayay
Een berigi kuu joojineyn sow wax bidhan ma aha
 
Markaan kugu banaanbaxay anooboodhadh wadahesyata
Bandow aan kusaaree anoon iman bilaadkaaga
Wuxuu beerku kuu ruxanayaa bilcsi sow ma aha
 
Afartaana bayaan iyo midaan buug kudaabacay dheh
Birmad iyo difaac wada socdoon beyda giijiyay dheh
Caawana beriba waa cimriye hadalyar baan baanay
 
Bangiyada aduunyada intaad beeso dhiganeysay
Rag unbaa busaarado qaboo bacadka taagnaaye
Boobaay hadaan lagu dhaheyn boogikuma gaadhin
 
Birta aad liseysiyo intaad baangad tumaneyso
Haduunbaan baraarugay sidii qoladi baarliine
Oon boqonta kaa dhowrsadiyo biixiyaha darane.
 
Waxbase yaanan badin erayxun waa laga bogsoodaye
Beyd iyo labaan kaga hadhaa baadil tuug ihiye
Marhadaan barbaar heysanaa qalabka boobeyso
Iyo oday madaxu booshyahoo talada baandheeya
Wax kaloon ubaahdadaba rabiga baaqiyaa jiro
Ma-ninbaan ka baaqsanahayaa baanje sow ma ahi

Mubashir Sheekh c/laahi
mubashir506@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 12, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
WARAR KOOBAN:
30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.
20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra'iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra'iisul wasaaruhu diidey kulankaas.
Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay'adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.
20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.
10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.
25 Jan 2006:
M
uftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,
26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.
30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan
31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin
1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .
3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida  London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia
4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.
5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.  Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.
6 Feb 2006:
Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.

Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD