SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DENMARK



Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.

20. oktober 2005 

Dhibaatada diineed ee lagu hayo muslimiinta ku nool Denmark 

Hordhac

Waxa muddooyinkan dambaba isa soo tareysay, warbaahinta dalka Denmark ee isugu jirta maqal, muuqaal iyo mid la akhristo in ay dacaayadeeyaan islaamka. Xadgudubyada Islaamka ka dhanka ah ee ay hoggaamineyso warbaahinta oo ay weheliyaan badi axsaabta siyaasadda dalka, ma aha wax hadda bilowday ee waxay soo taxnaayeen tan iyo dabayaaqadii sideetanaadkii. Wixii intaa ka dambeeyay hadba heer ayey soo marayeen. Weerarka saxaafadda iyo siyaasiyiinta ay ku hayaan islaamka ayaa ahaa mid bilowday, kadib markii qaar kamid ah siyaasiyiinta ay dowladda ku eedeeyey inay ka gaabisay joojinta ama yareynta dadka ajnabiga ah gaar ahaan kuwa muslimiinta ah oo dalkaas kusoo qulqulayay muddooyinkaas. 

Siyaasiyiinta qaarkood waxay ku doodayeen in dadka muslimiinta ah oo sida jiirka oo kale u tarma waa sida ay hadalka u dhigeene, aanan lagu soo dhoweynin dalkan si looga hortago in aysan mustaqbalka ugu noqonin dhibaato aanan laga sii gaashaamaanin. Waayo bay yiraahdeen tirada muslimiinta ee sida aanan xaddiga laheyn isu soo tareysa, haddii ay sidaa kusii socoto waxay sababi kartaa sanado kadib in ay Denmark oo dhan la wareegaan sidii uu nabigoodaba (s.c.w.), waqti yar gudihiis ugu qabsaday gebi ahaan jaziiradda carbeed. Dadka hadalladaas ku dooda waxaa ugu caansanaa ninka lagu magacaabo Mogens Glistrup oo aasaasay xisbi caan ku noqday cunsuriyadda, laguna magacaabi jiray “Fremskridtsparti”.

Mogens Glistrup kasoo horjeedka uu muslimiinta kasoo horjeedo ma aheyn oo kaliya fikir xun oo uu ka qabay Islaamka ee wuxuuba inkirsanaa Islaamnimadu inay diin tahay, isagoo in badan marka la wareysanayo iska dhowri jiray in uu magaca ”Islaam” afkiisa soo maro oo muslimiinta ula baxay magaca ”Muxammaddiyiin”. 

Waayadaas marka la arko ninkaas iyo wixii la fikir ah waxaa loo arki jiray in ay yihiin koox aanan fiyoobeyn oo u baahan ka hor intaysan siyaasad ka hadlin in la daaweeyo. Hadalkooduna ma aheyn mid soo jiidasho u leh inta badan ee shacabka dalkan, taasoo keentay in xisbigoodii uu tirtirmo. Hase yeeshee qofkii maanta xaaladdu meesha ay mareyso u fiiriyo xisbigaas iyo fikirkiisii waxaa la dhihi karaa waxay u gogol xaareen inay dhashaan axsaab ka magac duwan hase yeeshee la fikir ah, kuwaas oo ku guuleystay in ay ku qanciyaan tiro aad u badan oo dad ah wixii u hirgeli waayay ururkaas. Tusaale ahaan ururka saddexaad ee maanta dalkan ugu weyn waa urur ka farcamay, lana siyaasad ah ururkaas ama la dhihi karo waa mirihii ka dhashay Fremskridtsparti. 

Waxaa xusid mudan xisbiga maanta talada Denmark haya ee ay siyaasaddiisu u janjeerto dhanka midig in lagu sheego sababaha ugu waaweyn ee ay talada dalka ku hanteen inay ugu muhiimsaneyd barnaamijkooda ku aaddan sidii loo cuna qabateyn lahaa dadka ajnabiga ah ee dalka ku dhaqan. 

Dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan Denmark ayaa tiradooda lagu qiyaasaa inta u dhexeysa 130,000-150,000. iyadoo tirada guud ee dadweynaha ku dhaqan Denmarkna ay gaarayso 5200,000. 

Hadaba maqaalkan waxaan si kooban ugu xusi doonnaa qaar kamid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Denmark ee saameynta xoogga leh ku yeeshay dadka muslimiinta ah ee ku nool dalkan, taasoo ay ugu dambeysay xiisad maanta taagan oo aan wali xalkeeda la helin. 

11 sebtembar

Wixii ka dambeeyay sebtembar 11keedii, dadka muslimiinta ah oo markii horeba Denmark ku qabay cadaadis ayaa looga sii daray ilaa qaramada midoobay ay ku eedeysay Denmark in ay ku xadgudubto xuquuqda dadka aan u dhalan ee dhexdeeda ku nool. Waxaa la dhihi karaa in dhacdadaas lagu xalaashaday wixii xumaan ama dhibaato ah ee loola bareero muslimiinta in ay yihiin tallaabooyin lagula dagaallamayo argigixisada, iyadoo la ogsoon yahay in dadka matala muslimiinta waddankan ay camaabreeyeen waxa reer galbeedka ay ugu yeeraan “argagixisada” iskana fogeeyeen. 

Dilkii TheoVan Gogh

Intaa aan soo sheegnay kadib waxaa la dilay Theo Van gogh oo dilkiisa loo aaneeyay inuu sabab u ahaa filim uu soo saaray oo Islaamka uu ku aflagaadeeyay. Waxaa sidoo kale soo saaridda filimkaas ku wehelisay gabar soomaaliyeed oo caddeysatay inay diinta ka baxday dagaalna kula jirto, oo iyadana dad muslimiin ah oo ka careysan falkoodaas xun ugu gooddiyeen dil. Dilka ninkaas la dilay iyo haweeneydaas loo gooddiyay waxay sare usii qaadday nacaybka ay dadka Deeniishka ah u qabaan Islaamka. Saxaafadda iyo siyaasiyiinta ayaa iyaguna tan iyo muddadaa sii labalaabay dagaalkii xagga warbaahinta ahaa ee ay ku hayeen Islaamka, iyagoo siyaabo iyo munaasabado kala geddisan ku weeraray Islaamka. Saxaafadda noocyadeeda kala geddisan uma kala harin weerarkaas. Waxaa sidoo kale weerarkaas qeyb libaax ka qaatay dad dabaqado kala duwan kaga jira bulshada oo aan ku koobneyn nooc gooniya. 

Boqoradda dalka: Waa in la iska dhiciyaa muslimiinta

Dhacdooyinkaas waxaan ka xusi karnaa boqoradda dalkan oo dalka u taagan heerka habar-dhaqameed oo masuuliyaddeeda  ugu weyn ay tahay inay magaca boqortooyada dalka u siddo, munaasabaha qaarkoodna ay ku hadasho magaca Denmark, oo aan wax siyaasad ah shaqo ku laheyn ayaa markii kowaad inta la xasuusan yahay Islaamka ku weerartay wareysi ay siisay telefishinnada dalka. Margeretha waxa ay tiri “ Xaq ma aha in ay cabsidu naga gaarto heer aynu ku dhici weyno inaan si xorriyad ah u hadalno, annagoo ka cabsi qabna in cunsuriyad nalagu eedeeyo. Waa inaynu Islaamka iska dhicinnaa cabsida aynu ka qabno in nalagu eedeeyo cunsuriyaddana aynaan uga tanaasulin xaqa aynu u leenahay inaan caddeyno ra’yigeenna”.

Intaa wixi ka dambeeyay dhacdooyinka noocan ah waxay isu soo tarayeen si ka xowli badan, xagna ka waasacsan sidii hore. 

Buug wax looga sheegayo Nabiga s.c.w.

Mar hadda laga joogo bil iyo dheeraad ayaa nin qoraa ah waxa uu soo saaray buug uu wax kaga sheegay nabiga s.c.w. kaasoo uu ugu tala galay in carruurta xannaanooyinka dhigata loogu aqriyo qaab sheeko xariiro ah. Kadib markii uu dhammeeyay qoraalkii buugga ayuu ka dalbaday qolyaha farshaxanka (artists) inay buugga dushiisa ugu sawiraan sawir gacmeed khayaali ah oo laga wado nabiga s.c.w. sawirkaasoo u qalma sheekada gudaha ku taal. Qoladii farshaxanka ayaa ku cudur daartay arrintaas inaysan ku dhici karin, maadaama laga yaabo in ay muslimiinta ay ka careysiiso kadibna dhibaato loo geysto ama la dilo sidii loo dilay soo saarihii filimmada ee reer Holland. 

Jawaabtii wasiirka hiddaha iyo dhaqanka uu ka yiri dhacdadaas

Cabsidaas ay muujiyeen farshaxanka ayaa waxaa laba usbuuc kadib jawaab ka bixiyay wasiirka hiddaha iyo dhaqanka dalka Denmark Brian Mikkelsen kaasoo yiri:

Ma maqli karno umana dulqaadaneyno in dad u dhashay Deenish oo waliba farshaxan ah ay ku dhici waayaan inay sameeyaan sawir gacmeed iyagoo ka cabsanaya dad nolosha kaga haray qarniyadii dhexe. Uma dulqaadaneyno inay ka baqaan dad aanan ixtiraam u heynin dhaqankeenna iyo dimuqraadiyadeenna, waana inaan iska dhicinnaa dadka muslimiinta ah ee mayalka adag. 

Jariidadda Jyllands Posten oo aflagaaddeysay Nabiga s.c.w.

Intaa kadib taariikhdu markii ay aheyd 30.09.2005ta tifaftiraha jariidadda Jyllands Posten oo lagu magacaabo Carsten Juste ayaa maqaal ku qoray jariidaddaass oo maalinle ah, kana mid ah jaraa’idyada ugu waawqeyn dalkan. Maqaalka wuxuu cinwaan uga dhigay Cabsidii mugdiga. Maqaalka oo aad u dheeraa wuxuu ku qirtay in uu isagu si shakhsiyan ah uga dalbaday 40 kamid ah koox farshaxan ah (artist), in ay khayaalkooda ka sawiraan sida ay la tahay in uu Nabi Muxammed s.c.w. u ekaa. Wuxuuna yiri haddii ay koox farshaxan ah ka cabsoodeen in ay sawiraan  muuqaalka nabi Maxamed, waxaa ku dhiirraday 12 kamid ah tiro 40 ah oo aan ka codsannay inay sawiraan Nabiga s.c.w. Masawirradaas ayaa isla maalinkaas lagu soo daabacay jaraa’idkaas iyagoo cinwaan looga dhigay Wajiyadii badnaa ee Muxammad. Masawirradaas 12ka ah oo muuqaal ahaan kala darnaa ayaa waxay ahaayeen kuwo nabiga s.c.w. ku sifeynaya wax kasta oo xun oo lasoo xasuusan karo, sida waalli, caqli yari, burcadnimo, argagixisonimo, dambiilenimo iwm.

Tusaale ahaan midkood waxaa ku sawirnaa nin aad u foolxun oo u eg shuftay oo toorri galka kala baxay laba dumar oo indha shareeranna ay daba taagan yihiin. Mid kale oo kamid ah waxaa ku sawirnaa nin ay ka muuqato naxariis darro oo bambo qarxi rabta cimaamadda ugu duuban tahay. Masawir kale waxaa ku hoos qornaa ereyadan: Nabi waalan oo dumarka cagta hoosteeda geliya. Inta kalena waa noocaas iyo ka sii foolxun.

Hadaba intaa haddaan kaga gaabsanno ka faalleynta sawirrada iyo waxa ay ka tarjumayaan waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa dulucda qoraalkii dheeraa ee tifaftiraha Jyllands Posten, Carsten Juste oo u dhignaa sidan:- 

Maqaalkii tifaftiraha Jyllands Posten

  • Badi muslimiinta ku dhaqan waddankan waxaa lagu tilaami karaa dad qunyar socod ah, waxAyna jecleysanayaan nabadda, xasilloonida iyo nolosha qabow ee ay ku heystaan waddankan. Haba yaraatee wax culeys ahna kama dareemayaan in wax laga sheego diintooda. Mushkiladuse waxay ku aasan tahay kuwaas mugdiga ku dhex jira ee noola yimid afkaar kasoo jeedda qarniyadii dhexe, kuwaasoo la dhibaateysan waallida isla weyninka, isla mar ahaantaada isku gooni yeelay inay tafsiir ka bixiyaan diinta. Waxay ku xajiimoodaan oo ay xanuun ka dareemaan in loo soo jeediyo wax naqdi ah haba yaraadee. Haddii iyaga (wadaaddada) wax laga sheegana arrinta wey ka weyneeyaan xajmigeeda waxayna ku andacoodaan in kitaabkooda iyo nabigooda s.c.w. wax laga sheegay. Markaana waxay is dareensiiyaan culimada muslimiinta ah in ay ku qasban yihiin in ay weerar ku qaadaan ciddii wax ka sheegtay, arrintaana qaaliban waxaa si dameeri dhaan raacday ah ku waafaqa inta kale ee ka aqoon liidata, taasoo u gudbisa inay geystaan qudhgooyo dhab ah.
     

  • Tifaftiruhu wuxuu intaa raaciyay masawirro gacmeedyada la isku dacaayadeeyo iyo ereyada jeesjeeska ah ee taabanaya mawaadiic farabadan iyo koox walba oo jirta iyo afkaarteeda, waxay ka dhigan yihiin naqdin iyo jees-jees booskiisii dhacay oo caqli ku saleysan, waana arrin la isla wada ogol yahay adduunka oo dhan waxaanan Muslimiinta ka aheyn. Wuxuu la yaaban yahay qoraagu xurmada weyn ee Islaamka uu gaaray, isagoo u tiiriyay xurmadaa iyo qaddarintaas loo hayo islaamka inay sababtooda leeyihiin koox baadariyaal muslimiin ah waa sida uu hadalka u dhigaye iyo koox mashaa’ikh iyo wadaaddo waalwaalan, kuwaasoo kaligood xaq isu siiyay iskuna gooni yeelay fasiraadda hadalka Alle iyo kan nabigaba s.c.w.
     

  • Intaa kadib wuxuu bilaabay inuu tusaalayaal cadeynaya u raadiyo hadalkaas uu soo yiri, isagoo ku bilaabay sidatan:-

Masawir ayaa laga dhex bixiyay masawirro yiillay meel matxaf sare ah iyadoo sababtu ay tahay cabsi laga qabo in wax la gaarsiiyo dareenka Muslimiinta. Koox qoraayaal ah iyo muxalliliin siyaasadeed, ayaa ka baaqsaday in ay magacooda ku qoraan maqaallo ay diyaariyeen cabsi ay ka qabaan muslimiinta aawadeed. Sidoo kale koox farshaxan ah oo u dhalatay Denmark ayaa ka hakatay inay sawiraan sawir gacmeed loogu jees jeesayo Nabiga s.c.w. si loogu daabaco galka kore ee buug lasoo saari lahaa, iyagoo ka baqaya raddulficliga muslimiinta ee arrintaas. Sidoo kale majaajiliiste ama shaactiroole caan ah oo u dhashay Denmark ayaa isaguna hadda ka hor caddeeyay inuu ku jees-jeeso quraanka isagoo Tv-ga laga daawanayo inay ka reebeyso cabsida uu ka qabo muslimiinta. 

  • Tifaftiruhu wuxuu intaas raaciyay, waxay ahaan laheyd wax si aad ah loogu farxo haddii aan ka gudbi laheyn cabsidaas iyo turuufadaas ku aasan qoladaas ay waallidu heyso. Hase yeeshee buu yiri waxaa la dilay hadda ka hor soo saare filimada oo reer Holland ah kadib markuu u bareeray inuu kiciyo dareenka muslimiinta. Macallin jaamacadeedna waxaa si xanuun badan u garaacay ardeydiisii (oo dabcan muslimiin ah) kadib markuu Qur’aanka u aqriyay hab aanan u qalmin, falkaas oo lagu fasiray daandaansi inuu ahaa sidaa aawadeedna ay qolyihii waalwaalnaa xaq isu siiyeen inay garaacaan oo cabsiiyaan.
     

  • Jees-jeesku waa wax ka jira meel walba oo adduunka ah, hase yeeshee ma jiro qof ku dhiirran kara in uu muslimiinta ku jees-jeeso! Sababtuna waxa ay tahay mashaa’ikhda iyo wadaaddada waalan oo aanan ogoleyn arrintaas kuwaasoo iyagu kaligood isa siiyay ka tarjumaadda diinta.
     

  • Wuu sii waday hadalka oo wuxuu yiri, wadaaddada wax wacdiya ee Islaamiyiinta ah badanaa wey xeeladeystaan, marka lasoo hor dhigo oo laga wareysto mawaadiicda muhiim ah iyagoo ku warwareegta inay afka ka buuxiyaan Islaamnimadu waa diin is jeceyl, waa diin nabad gelyo, waa diin fiican, waxa Qur’aanka ku yaalloo idilna waxay ku tilmaamaan sidii sheeko waa hore lasoo dhaafay oo aanan waaqica maanta la joogo wax saameyn ah ku laheyn oo kale. Haddii su’aalaha lagu sii dhalaaliyo oo meelaha qaarkood si gooni ah looga wareystana waxay ku jawaabaan hadal aan caddeyn oo aan la fahmi karin.
     

  • Gabagabada qoraalkiisa tifaftiruhu wuxuu ku talo bixiyay isagoo waliba rajo weyn ka qabo in talada laga qaadan doono isagoo yiri:-
     

  • Waxay ahaan laheyd arrin aad u wanaagsan oo barakeysan haddii inta badan ee muslimiinta oo aan ka aaminsan nahay inay yihiin kuwo jecel nabadda, iyo inay jiiraankoodana amaan kula noolaadaad, inay qaataan go’aan ay ku diidayaan wadaadadaas waallidu heyso iyo taariikhdaas mugdiga ah.

Iyadoo aynu ka taxaddarayno nashrinta sawir-gacmeedyadaas iyo inaan ka fogaanno bandhigista sida fal-denbiyeedkoodaas foosha xun oo kale, ayaan ka gaabsannay inaan sawir-gacmeedyadani ku soo bandhigno shabakaddeena qiimaha badan ee Somalitalk.com. Akhri Halkan....

Jawaabtii muslimiinta

Sidaan soo sheegnayba intaa waxaa weheliyay 12 sawir-gacmeed oo ay qolyihii sameeyay sheegeen in ay yihiin sida ay u arkaan in uu nebi Muxammad s.c.w. sidaa u ekaa (eeg dhanka midig ee boggan). Sawirradaas oo mid mid dhaama aanan laheyn, ayaa dadka muslimiinta ah ee dalkan ku dhaqan si aad ah uga sii careysiiyay. Muslimiintuna waxay isku dayeen in ay jawaab ka bixiyaan maqaalkaas, sawirradaas iyo kuwii ka dambeeyayba. Ilaa iyo waqtigan la joogana xiisaddii kacday wey taagan tahay iyagoon muslimiintu wali helin cid rasmi ah oo cabashadooda ka hoos qaadda. Ciidanka booliska, ayaa xabsiga dhigay wiil 17 jir ah oo lagu eedeeyay in uu u hanjabay tifaftiraha maalmo kadibna xabsiga laga siidaayay. 

Mowqifka ururrada islaamka ee ka dhisan Denmark

Ka hortagga weerarkan laba geesoodka ah iyo ka difaacidda nabiga s.c.w. xadgudubka warbaahinta, waxaa iska kaashaday ururrada muslimiinta ku dhaqan dalkan oo arrintaa cambaareeyay bayaanna kasoo saaray. Ururradu waxay ka dalbadeen jariidadda in ay ka noqoto qoraalkeedi iyo sawirradii meel ka dhaca ahaaba, raalli gelinna usoo jeediso muslimiinta. Ururrada muslimiinta waxaa kale oo ay xiriir la sameeyeen safaaradaha dalalka muslimiinta ay ku leeyihiin Denmark, arurrada caalamiga ah ee u dooda xuquuqul-insaanka, qaar kamid ah shabakadaha islaamiga ah iyo telefishiinada waaweyn ee caalamka sida Aljazeera oo iyadu baahisay akhbaar la xiriirta ihaaneynta ay Jyllands Posten la beegsatay nabiga s.c.w. 

Is difaacii jariidadda JP

Jariidada ayaa ku adkeysatay mawqifkeedaas maangaabnida ah, maqaalladeedii xigayna waxay ku difaacday sarena ugu sii qaadday dhaleeceyntii ay ku hayeen muslimiinta ilaa ay arrinta gaarsiiyeen in ay yiraahdaan, “Allaha ay muslimiinta caabudeyaanba in uusan aheyn wax horay u jiray amaba hadda jooga”. (tacaalallaahu cammaa yaquuluuna culuwwan kabiiraa). Jariidaddu waxay si dhiirranaan leh hadalladoodan ugu tilmaameen in ay ka tarjumayaan xorriyadda ra’yiga ee ka jirta Denmark taasoo qof walba u saamaxeysa in ra’yigiisa uu u cabiro sida isaga la qummanaata. Waxaa intaa u garab socotay jariidadda in ay qeyb ka mid ah dadkii lasoo xiriiray ay aflagaaddo ugu jawaabtay, qaarna u hanjabtay, iyadoo qaar kalena usoo dirtay qoraallo jeesjees iyo cayba isugu jira. 

Waxaa xusid mudan in Yurub dhexdeeda aanan waxba looga sheegi karin diinta Yuhuudda. Denmark oo arrintaa la wadaagta yurub, waxay lasii dheer tahay inaan la ogoleyn in lagu jeesjeeso qaanuunka dalka u yaal, calanka dalka iyo boqoradda.

Dhinaca kale jariidaddu waxay ku fasirtay jawaabta muslimiintu ay ka bixiyeen qoraalladii taxanaha ahaa iyo sawirradii lagu ihaaneysanayay nabiga s.c.w. in ay tahay handadaad iyo in muslimiintu ay maaggan yihiin weerar. Waxaa sidoo kale sheegashadaas jariidadda ku taageeray madax sare oo ka tirsan ciidamanka ammaanka dalkan. 

Jariidadda oo ciyaareysa taatiko aad raqiis u ah, waxaad mooddaa inay dooneyso in muslimiinta ay ku qasabto inay kala doortaan laba arrimood oo aan middoodna la aqbali karin, labadaasoo kala ah B) Muslimiintu inaysan ka damqanin wax walba oo lagu sameeyo kana hadlin

T) Ama haddii ay ka hadlaan wixi lagu sameeyo, in lagu shaabadeeyo inay yihiin dad ammaanka dalka khatar ku ah. 

Mowqifka siyaasiyiinta iyo warbaahinta

Warbaahinta kala geddisan ee dalka intoodii ka hadashay qadiyaddan iyo siyaasiyiin fara badanba waxay ku sifeeyeen xadgudubka jariidada Jyllands Posten ay ku sameysay nabiga s.c.w. in ay tahay dimuqraadiyad iyo xorriyad shakhsi oo aanan jariidadda lagu fara gelin karin. Jariidadaha qaarkood iyo siyaasiyiinba, waxay iska daba yiraahdeen maadaama uusan nabigu (s.c.w.) Ilaahay aheyn ee uu bani aadam yahay, waxba kuma jabna in wax laga sheego, sida uu qabo xeerka xorriyadda ra’yiga. 

Pia Kersgaard: Halkan waa Denmark

Bilcaan la yiraah Pia Kersgaard oo madax u ah xisbi cunsuri ah oo lagu magacaabo, Dansk folkeparti waxay tiri; Halkan waa Denmark waxaa ka shaqeeya qaanuunka Deenishka. Qaanuunka waxaa ku yaal inaan leenahay xorriyadda ra’yiga. Qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu ku hadlo wixii uu doono. Sidaas aawadeed Allaah, Ciise iyo Muxammed s.c.w.  toona badbaado naga heli maayaan. Sidaas weeye sharcigeenna waana inaad sida uu yahay ula qabsataan raalina aad ku noqotaan, haddii kale aad iska tagtaan. Muslimiintu waa dambiilayaal waxayna baas mareeyeen xagga dambiyada baandada Rocks oo ah koox hubeysan oo caan ku ah fowdo iyo mukhaadaraad, iyo hadallo noocaas oo kale ah oo aan wax laga qaato laheyn ayey ku jawaabtay. 

"Muslimiintu waa sidii kansar"

Waxaa isla ayaaamahaas lagu arkay bog internet-ka ay ku leedahay Luise Frevert oo ah haweeney xubin uga ah baarlamaanka xisbiga cunsuriga ah ee Dansk Folkeparti hadal oranaya: (muslimiintu in ay mudan yihiin  in la iska dhiciyo ee aanay astaahilin in guryaha lagu heysto, waayo bulshada Deenishka waxay muslimiinta ku yihiin sidii cudurka kaankarada (Cancer) oo kale oo haddii uu qofka xubin kaga dhaco in la gooyo ma ahee aanan daawo aqbali karin. Waxay intaa raacisay in ay talo wanaagsan tahay in muslimiinta ku nool Denmark, lagu xabiso xabsiyada Ruushka, dowladda deenishkuna calaa qof 25 Kr. ay bishii ku siiso dowladda Ruushka. 

Hadalkaas waxaa kasoo horjeedsaday isla qaar ka tirsan ururka ay xubinta ka tahay kuwaasoo sheegay hadalladaas oo kale in bannaanka laga yiraahdo inaysan beegtooneyn!!. Dacwaddii maxakamadda loo gudbiyay ee hadalladaasna waxay maxkamaddu xukuntay inaysan haweeneydaas gelin dambi lagu daba geli karo. 

Waxaa jimcihii lasoo dhaafay lagu qabtay caasimadda dalka Denmark, mudaaharaad ay isugu soo baxeen kumannaan dad ah, oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah muslimiinta, kaasoo lagu cambaareeyay falka jariidada Jyllands Posten iyo mowqifka ay dowladdu iska taagtay. Waxaa sidoo kale la qabanqaabinayaa mudaaharaad kale, oo  laga yaabo in uu dhaco haddii Alle idmo ayaamaha foodda inagu soo haya. Waxaa sidoo kale wararka lagu sheegay ayaamahan, in Denmark ay maaggan tahay in ay qaaddo tallaabada ay Holland qaadday oo kale ee dumarka muslimaadka ah loogu diidayo indho-shareerka taasoo ay sabab uga dhigeen, xaaladda amniga dalka. 

Arrimahan aan kasoo sheekeynay ayaa marka la isu wada geeyo ku tusaya in dimuqraadiyaddu ay tahay nidaam uu noole ku dhaqmo kan ugu munaafaqad badan. Xorriyadda ra’yiguna inaysan aheyn wax loo siman yahay ee ay iyaga ay xalaal u tahay dadka kalena xaaraam ka tahay. Qofkii xorriyadda ra’yiga isticmaalaya oo aanan reer galbeed aheyn waxaa u shardi ah in uu u isticmaalo oo kaliya wax kasta oo xun ee kusoo dhici kara, wax wanaagsan laakiin maya. Haddii uu qof aan iyaga aheyn damco inuu qaab wanaagsan u adeegsado xorriyadda ra’yiga waxaa qofkaas ku waajibaya in lagu qaado xeer ciqaabeedka ka waajibay arrintaas. Ciqaabtaas markey ugu yaraato waxay noqotaa in lagu cambaareeyo inuu yahay qof aanan ilbixin, dimuqraadiyadana aanan fahmin, haddii kale waxaa loo qalqaaliyaa in maxkamad lagu soo taago inuu jabiyay qaanuunkii dalka, ammaanka dalkana halis ku yahay. 

Hal ficil oo isku mid ah ayaa haddii uu qof iyaga ah ka yimaado ay ku tilmaamaan inuu yahay xorriyad, haddii uu qof kale ka yimaado khaasatan “muslimna” lagu xukumaa inuu yahay cunfi xaaladda amnigana khatar ku ah. 

Waxaa la yiri nin dhallinyaro ah ayaa wuxuu wax ka baranayay collage ku yaal New York. Maalin maalmaha kamid ah ayaa wuxuu kulmay wiil yar oo uu soo hujuumay Ey xanuunsan. Ninkii dhallinyarada ahaa Eygii buu la xarbiyay oo uu meeshii kaga takhallusay, wiilkii yaraana sidaas ayuu ku badbaaday. Waqti yar kadib waxaa meeshii yimid weriye jaraa’idyada waaweyn midkood ka socday oo ninkii dhallinyarada ahaa wareysi kala yeeshay sida ay wax u dhaceen.

Kadib markii wariyihii uu ka bogtay wareysigii uu ka rabay ninka dhallinyarada ah, ayuu kala tashaday wixii uu cinwaan uga dhigi lahaa maqaalka uu ka qori doono dhacdadaas. Wada hadalkoodina wuxuu u dhacay sidan:-

Wariyihii: Ma waxaan cinwaan ka dhigaa geesi reer New York ah ayaa badbaadiyay wiil yar?

Ardeygii: Ma ihi reer New York!

Wariyihii: Hadaba ma waxaan dhahaa geesi mareykan ah ayaa badbaadiyay wiil yar?

Ardeygii: Mareykanna ma ihi!!

Wariyihii: Saa maxaad tahay?

Ardeygii: Waxaan ahay Bakistaani!!!!

Subixii xigay waxaa kusoo baxay jariidaddii wariyuhu u shaqeynayay maqaal cinwaankiisu yahay Nin loo maleynayo inuu yahay argigixiso oo Ey miskiin ah ceego ku dilay!!!! 

Markaan kasoo tagno dhabnimada sheekadan iyo dhabnimo la’aanteeda dhaqanka aan halkan ku heyno ee aan kala kulannay Denmark iyo galbeedka ayaa si aad iyo aad ah ugu eg sheekadaas. 

Sidaa daraadeed tiirarka jilicsan ee ay ku taagan tahay diinta dimuqraadiyadda ee ay reer galbeedku adduunka intiisa kale ugu yeerayaan, haddii lala soo geli waayana ay muruqtamayaan waa sidaa. 

Hadaba muslimiin badan oo ka dhigtay Denmark iyo dalalka la midka ah sidii guri ay nagaadi ku yihiin ayaa mugdi weyn kasoo galay sii joogistooda mustaqbalka ee dalalkan, su’aasha ay is weydiinayaanna waxay tahay, intee in la’eg bey kusii jiri karaan in ay usii dulqaataan weerarka lagu hayo caqiidadooda, oo inay wax ka qabtaan daaye xataa hadal haddii ay kasoo celiyaan loo arkayo inay yihiin dad mashaakil wada, sidaana ay mashaakil ku mutaysan karaan???. 

Cabulqani Qorane Maxammed
abdiqanim@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2005

JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW) 


Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD