SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FRAMES
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA SAGAALAAD
[Qoolka "FRAMES"]

FRAMES
Waa qaab kamida hababka loo agaasimo bog Internet ah. Habkani faa'iido iyo dib-udhac labada waa leeyahay.

Faa'iidada "Frames" waxaa kamid ah in si sahala loo samayn karo "FILE" kaas oo markaas lagu xiriirinayo dhammaan bogagga uu ka kooban yahay "Website". Marka "File'-kaas labedelo waxaa bedelmaya dhammaan qaybihii uu ku xiriirsanaa, taas oo waqti badan ku bixi lahaa haddii bog-kasta markiisa la bedeli lahaa. Inkasta oo ay jiraan hababkale oo loo sameeyo qaabka halbog markalabedelo ay u boggag badani isubedelayaan, waxaana qaabkaas kamida Server Side Include (SSI) (Akhri qaybtaas, waxaa lagayaabaa in ay kuxiisagelindoonto'e -  SSI)

Dib u dhaca "Frames" waxaa kamid in lagayaabo in qaybo kamida "Browsers" (daalacdayaasha) aysan awood u lahayn in ay furikaraan ama akhiryi karaan haddii boggu uu ku qoranyahay habka "Frames", taas oo yarayn karta dadkii akhisan lahaa qoraalkaaga. Waxaa kale oo dhici karta in qoraalada aad daabacdid ay adkaato in bogag kale ay u sameeyaan "link", taas oo lagayaabo in ay dib u dhac kurido boggaaga.

XEERKA ADEEGSIGA "FRAMAES"

1. COLUMNS:

<html>
<head>
<title>xeerka raac<title>
</head>
<FRAMESET COLS="25%,75%">
<FRAME SRC="bidix.html" NAME="bidix">
<FRAME SRC="midig.html" NAME="midig">
</FRAMESET>
</html>

MAXSUUL:  Si aad u aragtid maxsuulka Guji halkan

2. ROWS: 

<html>
<head>
<title>xeerka raac<title>
</head>
<FRAMESET ROWS="75%,25%">
<FRAME SRC="kor.html" NAME="kor">
<FRAME SRC="hoos.html" NAME="hoos">
</FRAMESET>
</html>

MAXSUUL:  Si aad u aragtid maxsuulka Guji halkan


3. ISKUDHAF: (COLUMNS/ROWS)

<html>
<head>
<title>Frames</title>
</head>
<frameset cols="115,*">
<frame src="bidix.html" name="bidix">
<frameset rows="*,45"> 
<frame src="midig.html" name="midig">
<frame src="hoos.html" name="hoos">
</frameset> 
</frameset>
</html>

MAXSUUL:  Si aad u aragtid maxsuulka Guji halkan


UFIIRSO: Marna ma isticmaalin <body> sababtoo ah loogama baahna marka lasamynayo <frame>, waxaa keliya oo <body> loo adeegsankaraahab gaar ah oo ah kan hoos kuqoran.

Waxaa sida mararka qaarkood dhici karta in bogga aad kusamaysay qaabka "Frame"-ka uu kusoo bixi waayo "Browser" ama daalacdayaasha qaybtood. Haddaba si arintaas wax looga qabto waa in loosheega qofkaas in nooca "browser-ka uu adeegsanayaa uusan aqbalayn "Frames". Si arrintaas loo fuliyo waxaa bogga HTML ee "Frame-ka" lagu daraa xeerka soosocda.

<NOFRAMES>
<body>
<br>Fadlan lasoco boggani wuxuu kuqoranyahay "Frames", si aad u akhridid boggaan oo aan "Frame" ahayn <a href="/webdesign/frames/exampleframe/midig.html"> Guji halkan</a>
</body>
</noframes>

Xeerkaas kore waxa uu qofkii aan "Browser-kiisu" aqbalayn "Frame"-ka u sahlayaa in uu daalacdo qoraalkaagii.


Waxa kale oo haboon in aad ogaatid in laxakumikaro qaabka uu "Frame"-ku kusoo baxayo iyada oo lagudari karo "border" iyo weliba in laxakumi karo in qaybkamida "Frame'-ka ay ahaato qayb taagan ama aan hoos iyo kor toona u saoconayn, waxaana la adeegsadaa xeerka SCROLLING="No", waxaa kale oo ladeegsankaraa xeerka  NORESIZE kaas oo kadhigaaya "Frame'-ka mid aan qofna cabirkiisa kabedeli karin sidii aad ugu talagashay.

<FRAMESET ROWS="111,*" border=0>
<FRAME SRC="kor.html" NAME="kor" MARGINHEIGHT="3" MARGINWIDTH="0" SCROLLING="No" NORESIZE>
<FRAME SRC="midig.html" NAME="midig" NORESIZE>
</FRAMESET>


SOO KOOBID: 

Si aad u samaysid "Frame"

  1. Samay bog HTML ah  oo aad u bixisay index.html (ama magicii aad doontid) kuna qor mid kamida xeerarka aan kor kusoo baranay (oo keliya)
  2. Samay bog aad u bixisay midig.html (ama magicii aad doontid)
  3. Samay bog aad u bixisay bidix.html (ama magicii aad doontid)
  4. Dhammaan kuxafid khaanad aad ogtahay ee Computerka ah ama Serverka
  5. Hubi in bogga index.html qaybaha SRC ay sisax ah ugu aadanyihiin ama u tilmaamayaan meesha ay "Filashu" kujiraan. Tusaale ahaan hadii file-ku kujiro khaanadda "webdesign" markaas waxaad qortaa sidan oo kale: src="/webdesign/frames/exampleframe/hoos.html". Ogowna xataa waxaad "frame-ka" ku xiriirin kartaa bog kujira "server" kabaxsan kaaga adiga oo adeegsanaya sidan: src="http://somalitalk.com/saxaabada"

    Ha'ilaawin in aad akhridid bogga SSI 

TIXRAAC:
w3schools.com

 

 


BOGGA HORE

BOGGA XIGA