SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LIST
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA LIXAAD
[SAMAYNTA LIISKA "LIST"]

CASHARKA LIXAAD
Qorrida Liisku waa habka ugu fudud marka laga hadlayo xeerarka HTML. Badanaa liiska waxaa loo kala saaraa laba qaybood oo kala ah:
  • Liiska aan tirooyinka wadan [UN-ORDERED LIST]
  • Liiska tirooyinka wata [ORDERED LIST]
  • Liiska Qeexidda [DEFINITION LIST]
Waakuwan xeerarka HTML ee labada nooc ee liiska ah:
Xeerka HTML
Maxsuul
Liiska aan Tirada Wadan [Unordered List]:
<UL>
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</UL>
  • Caano
  • Hilib
  • Subag
Liiska Tirada Wadata [Ordered List]:
<OL>
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL>
  1. Caano
  2. Hilib
  3. Subag

Halkan waxaan ku eegeynaa qaababaka kaladuwan ee loo qorikari karo liiska aan kor kusoo xusnay.
NOOCYADA LIISKA AAN TIRADA WADAN
Xeerka HTML
Maxsuul
Liiska Saxanka [Disc bullets]
<UL type="disc">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</UL>
  • Caano
  • Hilib
  • Subag
Liiska Goobada [Circle bullets]
<UL type="circle">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</UL>
  • Caano
  • Hilib
  • Subag
Liiska Labajibbaranaha [Square bullets]
<UL type="square">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</UL>
  • Caano
  • Hilib
  • Subag

NOOCYADA LIISKA TIRADA/XARFAHA WATA
Xeerka HTML
Maxsuul
Liiska Tirada wata [Numbered list]
<OL>
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL>
  1. Caano
  2. Hilib
  3. Subag
Liiska Harfaha Yaryar wata [Lowercase letters]
<OL type="a">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL>
  1. Caano
  2. Hilib
  3. Subag
Liiska Xarfaha waaweyn wata[Letters list]
<OL type="A">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL>
  1. Caano
  2. Hilib
  3. Subag
Liiska Tirada Romanka-Yaryar wata [Lowercase Roman]
<OL type="i">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL>
  1. Caano
  2. Hilib
  3. Subag
Liiska Tirada Romanka wata [Roman numbers]
<OL type="I">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL>
  1. Caano
  2. Hilib
  3. Subag

Sida ka cad tusaalayaasha kore, waxaad raki kartaa in qaabka uu noqonayo liiskaagu aad xakumi kartid adiga oo adeegsanaya weedha "TYPE" [<OL type=" ">].
<OL start=" ">

Kasoo qaad in aad aad rabtid in liiskaagu uu kabilaabmo tiro aan ahayn bilowga xarfaha ama tirada. Si arrintaas loo hirgeliyo waxaa la adeegsadaa [<OL start=" ">] taas oo start=" " lagu qorayo tiradii larabey in in tirsigu kabilaabmo. Tusaale ahaan haddii aad rabtid in liisku uu kabilaabmo 9, markaas waxaad qoreysaa [<OL start="9">] sida hoos kamuuqata.

Xeerka HTML
Maxsuul
<OL start="9">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL>
  1. Caano
  2. Hilib
  3. Subag

Sidoo kale haddii larabo in xarfuhu ay kabilaabmaan [tusaale ahaan xarafka J] halkii ay kabilaaban lahaayeen A, si taas loo hirgeliyo waxaa latirinayaa halka xarafka larabo in uu kabilaabmo uu kagajiro xuruufta, [tusaale ahaan J waa xarafka 10 ee Alif-beetada Ingiriiska]. Markaas waxaa laqorayaa <OL type="A" start="10"> sida hoos kamuuqata.

Xeerka HTML
Maxsuul
<OL type="A" start="10">
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<LI>Subag</LI>
</OL>
  1. Caano
  2. Hilib
  3. Subag

Xeerkaas oo kale ayaa laraacikara dhamaan noocyada liiska si looga bilaabo meel dhexe, waxa keliya oo labedelayaa nooca ama type iyo tirada larabo in lagabilaabo, <OL type="A" start="10">

XUSUUS
<LI>Caano</LI> waxay lamid noqonkartaa hadii laqoro <LI>Caano taas oo aan ugajeedo in ay isku midtahay haddii looxa <LI> laxiro iyo haddii aan laxirinba, waxaase haboon in laxiro </LI>. Laakiin ogow in OL iyo UL ay khasab taahy in laxiro oo aan ugajeedo <OL> waxay u baahan tahay in lagu xiro </OL> , sidookale <UL> waa in laguxiraa </UL> had iyo jeer.

Tixraac: mcli | w3schools | echoecho | webfrontier

LIISKA KUHOOSJIRA LIISKALE [Nested List]
Waxaa dhicikarta in marmarka qaarkood loobaahdo in liis socdey lagusii hoosqoro liiskale oo kasii farcama. Xeerkan hoose ayaana laraacaa si arrintaas loo hirgeliyo.
Xeerka HTML
Maxsuul
<UL>
<LI>Caano</LI>
<LI>Hilib</LI>
<UL >
<LI>Bawdo</LI>
<LI>Leg</LI>
<LI>Awlal</LI>
</UL>
<LI>Subag</LI>
</UL>
  • Caano
  • Hilib
    • Bawdo
    • Leg
    • Awlal
  • Subag

LIISKA QEEXIDDA [Definition List]
Liiska noocan ah waxaa badanaa loo adeegsadaa qoraalada dhaadheer oo isfasiraya ama marka larabo in weero laqeexo oo markaas lagayabo in qeexdu aydheertahay, tusaale waxaa kuugu filan habka ay u qoranyihiin qaamuusyadu. Waanakan xeerkii
Xeerka HTML
Maxsuul
<DL >
<DT>Ugaar</DT>
<DD>Waa nooc xayawaan ah oo inta badan duurjoog ah.</DD>
<DT>Neberi</DT>
<DD>Waa kalluun aad uweyn oo kunool badweynta.</DD>
<DT>Doon</DT>
<DD>Waa loox/bir la'isku rakibay si loogu goosho badaha.</DD>
</DL>
Ugaar
Waa nooc xayawaan ah oo inta badan duurjoog ah.
Neberi
Waa kalluun aad uweyn oo kunool badweynta.
Doon
Waa loox/bir la' isku rakibay si loogu goosho badaha.

TAB IYO XEELAD - TIPS
LAMMAANE: Waa habka aad u qori lahayd tiro ama xaraf kor/hose kaga lamman tiro ama xarafkale.

KOR - (Superscript).
Xeer: <sup>....</sup>
Tusaale: x<sup>4</sup>+ 3x<sup>2</sup> + 5 = 0
Maxsuul: x4 + 3x2 + 5 = 0

HOOS - (Subscript).
Xeer: <sub>....</sub>
Tusaale: H<sub>2</sub>SO<sub>4</sub>
Maxsuul: H2SO4


DHEXDA KAXARRIIQ
Xeer: <strike>....</strike>
Tusaale: <strike>Malaha qoraalkaani waa khalad</strike>
Maxsuul: Malaha qoraalkaani waa khalad
QARSOODI
<!-- qoraal-qarsoon -->
waxkasta oo lagu dhexqoro <!-- --> kasoo biximaayaan bogga marka la akhrinayo, laakiin waxaa laga arkikaraa xeerka HTML, waana hab wanaagsan oo loo adeegsao si farriin aad ugu dhaaftid qofka kale [ama adiga] oo lagayaabo in uu waxkabedelayo HTML, si ay ugu sahlanaato waxa la gudboon in uu qofkaasi qabto.
REFRESH

Kasoo qaad in aad kasoo guurtey server horay aad u adeegsan jirtey oo usoo guurtey serverkale. Maxaad kayeeleysaa dadkii kugu yaqaaney cinwaankaa hore. Si arrintaas loo xalliyo waxaa la adeegsadaa waxa loogu yeero "Refresh" taas oo suurta gal kadhigeysa in marka qof uu cinwaankii hore yimaadu isla markiiba boggaasi usii xawilayo bog kale. Waxaana la adeegsadaa xeerka hoos kuqoran oo la dhexgelinayo <HEAD> .... </HEAD>

Tusaale:

<HTML>
<HEAD>
<TITLE> Bog laga guurey - goorma! </title>
<meta http-equiv="refresh" content="1;url=http://bogga-looguurey.com/">
</HEAD>
<BODY> Waxyar sug waxaan kuu xawileynaa bogga cusub ee aan u guurey. hadii kale halkan guji. Mahadsanid!
</BODY>
</HTML>

Maxsuul: Guji halkaan si aad u aragtid maxsuulka xeerka kore.

Xusuus:

Meesha ay kuqorantahay Content="1; waa meesha laga xakumo xawliga uu boggas cusubi isku bedelaayo, waana inta "second" ama ilbiriqsi ee bogga soo baxaa uu taagnaanayo inta uusan kuu xawilin bogga cusub ee aad u guurtey.


Adeegsiga FTP - waa qaabka aad boggaaga u geyn lahayd Internetka.


BOGGA HORE

BOGGA XIGA