SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AMMAANKA
Daabaco Boggan | Print

Halis in Computarkaaga Qoraalada Kujira Meel Fog Laga Akhrisankaro

Tarjume: Maxamed Cali Aaden

Posted: April 5, 2001

QUOTE FROM TECHREPUBLIC
IE EXPOSES CACHE LOCATION TO HACKERS
"Microsoft has released a security bulletin describing how a vulnerability in Internet Explorer could leave your computer open to attack.
Qoraal aan kasoo xiganey techrepublic.com cadadkii (april 2, 2001) waxa uu muujinayaa halis kusugan qayb kamida Internet Explorer, kaas oo sahlaya in Kambuyuutarkaaga lasoo weerarikaro hadii aadan raacin xeerka hoos kusharax, xeerkaas oo kusugan bogga microsoft.com.

Sida kucad wareegtada TechRepublic, hadii aadan xallin cilladaan waxaad halis u tahay in Kambuyuuratkaaga qofmeel fog jooga uu daalacankaro waxkasta oo kujira saxanka kaydka ee Computarkaaga.

KHATARTA CACHE-KA

Sida caadiga ah Internet Explorer (IE) waxa uu kuu sahlaa in aad dhex mushaaxdid Internetka oo aad booqankartid bogag kala duwan. Hadaba sida qaalibka IE waxaa kujira nooc kamida waxa loo yaqaan (cache) kaas inta badan xafida kambuyuutarka.

Waxaase dhacda, sida kucad qoraalka TechRepublic, in marka aad booqatid bog (website) ama aad furtid email nooca aqbala HTML-ka "HTML-encoded e-mail" in (tuugadu) ay kafaa'iidaysan karaan cilad kujirta isla Cache-ka aan kor kusoo xusnay. Iyadoo markaas la adeegsanyo waxa loo yaqaan HTML help (.chm) files oo  kambuyuutarkaaga lagu xafido fayl (shortcuts) si fudud meel fog looga xakumikaro, oo weliba gudaha Kambuyuuratkaaga laga xakumayo meeshaas fog. Tan oo noqon karta arin halis weyn ah.

Sida kucad microsoft.com waxaa halistani saamayneysaa waa IE 5.01 iyo IE 5.5, iyo weliba Windows Scripting Host 5.1 and 5.5. Maadaama hadda Microsoft aysan wax taageero farsamo ah siinin qaybihii hore ee IE iyo WSH kama aysan hadlin in qaybahaasi ay wax cilad ah leeyihiin iyo in kale. Laakiin sida ay shegeen TechRepublic arintaas, cillada, waa dhici kartaa in ay lawadaagaan kuwa kacasrisan.

HEERKA KHATARTA

TechRepublic oo qoraalkii sii wata waxa ay sheegeen in ciladan aan baqdin weyn lagama qabin hadii aad booqadid oo qura bogag la'aaminsanyahay, isla mar ahaantaana aan lafurin HTML-email aadan garanayn meesha ay katimd (adiga oo xusuusanayaa in mararka qaarkood emailka cudurka wada loo soo ekaysiinkaro magac qof aad garaneysid).

Hase yeeshee shirkadaha iyo shaksiyaad badan ayaan ku koobnayn intaas oo qura, balse waxa lagayaabaa in ay internetka ka baaraan macluumaad kaladuwan taas oo markaas ah in ay booqaad meelo farabadan oo internetka ah ama ay furaan email-lo badan. Qofkii sidaan kusifooba waa in uu sida ugu dhaqsaha badan arintaan wax uga qabtaa, oo xaliya cillada IE, sidaa waxaa yiri TechRepublic oo ah qayb kamida dadka ka baaraan dega sida Internetku raadka ugu yeelankaro adeegsadaasha.

Waxa kale oo jira cillado kale oo uu leeyahay IE sida kucad qaybta Microsoft u qaabilasan amaanka Internetka (Microsoft Security Bulletins) MS00-033, MS00-055, MS00-093. Tani waxa ay sahleysaa in qofkii boggaas hagayey (tuugada Internetka) ay furaan laba Browser, mid ay kubooqdaan bog, midna ay kufurayaan Kambuyuuratkaaga, oo markaas ay akhbaartii kuxawilaan boggaas ay iyagu xakumaan, taas oo u sahleysa in ay akhriyaan waxii kujira Kambuyuutarkaaga, inkasta oo aysan waxkabedeli karin, sidaas waxaa yiri TechRepublic.

Waxaa kale oo jira cillad kujirta Telnet, tan oo ah cilad yar, laakiin marka adeegsidu uu bato loo baahanyahay in wax lagaqabto ciladaas.

WAA MAXAY XALKU

THE FIX
To eliminate these dangers, you need to download and install one or more patches available from Microsoft.
Internet Explorer
IE 5.01 SP1
IE 5.5 SP1
Windows Scripting Host
WSH 5.1
WSH 5.5
Telnet
IE 5.01 SP1 and IE 5.5 SP1
More Info
Microsoft Security Bulletin (MS01-015)
Hadii aad adeegsatid IE, si aad u xalisid ciladaan waa in aad soo rogataa (download) kuna xafidaa Kambuyuutarkaaga mid kamida daawada ciladaan, tan oo aad ka helikartid Microsoft adiga oo raacaya link-iyada hoos kuqoran.

Xusuusnow marka aad soo roganeysid mid kamid kuwa hoos ku qoran in aad taqaanid nooca ama version-ka IE ee aad haysatid. Si aad taas u ogaatid eeg dhanka kore ee Broweser-ka halka ay kuqorantahay Help kadibna guji halka ay kuqorantahay About Internet Eplorer halkaas oo aad ku arki doontid nooca IE ee aad haysatid. Markaas soo rogo Version-kaaga.

Internet Explorer
IE 5.01 SP1
IE 5.5 SP1

Windows Scripting Host
WSH 5.1
WSH 5.5
Telnet
IE 5.01 SP1 and IE 5.5 SP1
Akhbaar dheeraad ah
Microsoft Security Bulletin (MS01-015)

Sida kucaq qaybtaan kore, kuma jiraan IE wixii ka horeeyey 5.1. Hadaba haddii aad adeegsatid noocyadii hore ee IE sida keliya ee aad kambuyuutarkaaga khatartaas uga xafidi kartaa waa in aad marka hore soo rogatid IE 5.5 kadibna aad raacdid xeerka kor kusharaxan si aad u daaweysid Kabuyuutarkaaga, sidaas waxaa yiri TechRepublic.

Dhammaad

Ma Ogtahay In emailkaaga La xiriirsankaro?

SOURCES
www.techrepublic.com
www.microsoft.com
www.fatbrain.com

 


BOGGA HORE

BOGGA XIGA