SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AMMAANKA
Daabaco Boggan | Print

Ma Ogtahay in la ogaan karo Wadanka aad joogtid marka aad Qof u dirto Email….?!!! 

Qore: Yusuf Ali Hassan
yusufmog@hotmail.com
Mogadishu-Somalia

Xaddaarada Technology ayaa maalin maalin ka dambeysa aad u sii hormareysa, Haddaba Akristow sow lagama yaabo in qof aadan aqoon email kuu soo diro, kadibna ku caaya ama ku yiraahda wadan hebel ayaan joogaa. Markaas ma ku wareertay qofkaan meesha uu jooga iyo bal in aad wax uun ka ogaatid wadanka uu joogo.

Hadaba waxaan jeclaaday in aan idin tuso Qaabka ugu sahlan ee QOF email kuu soo diray aad ku ogaan kartid Wadanka uu jooga iyo ISP (Internet Server Provider-ka)  uu is timcaalayo. Haddii aad ogaatid ISP, isla mar ahaantaasna uu qofkaasi sii wado cayda, waxaad markaas la xiriiri kartaa meesha siisay ISP ama barta uu ka isticmaalo Internetka, kaddiba waxaad u gudbin kartaa hay'adaha ku shaqada leh ammaanka, sida booliska.

Hadaba waxaan ku hormareynaa HOTMAIL-ka;

Qof walba waa in uu leeyahay Cinwaan Hotmail ah. kadib aanu tagno Inpox-ka.

Waa uu socdaaaaaaaaaaaaaaaaaa........... 

1. Guji magaca qofkii email-ka kusoo diray

2. Marka la gujiyo magaca sare waxaa furmi doona emailkii qofkaasi kuu soo diray, sida kamuuqata sawirka hoose inta aan la gujin qaybtaa 'OPTION' (ee aan ku arki doono) waxaa kuu muuqanaya emailkii qofkaasi kuusoo diray oo caadi ah oo aan la fahmi karayn meel ay ka timid.

3. Guji halka ay ku qoran tahay 'OPTION' ee dhanka sare ee shaashada emailka

4. Guji meesha ay ku qoran tahay "Mail Display Settings"

5. Eeg meesha ay ku qoran tahay 'Message Headers" halkaas dhankeeda hoose calaamadi meesha ay ku qoran tahay 'Advanced.' Kadib waxaad Gujisaa OK, waxaada ku noqotaa Inpox-ka, waxaadna furtaa mid ka mid ah fariimaha kuu yaala.

Halkaas marka aad soo gaartid waxaad ku guulaysatey in emailkaaga aad ka ogaan kartid qofka emailka kuusoo dira wadanka uu joogo.

6. Marka aad furtid mid kamid ah emailadii laguu soo diray, Eeg qaybta ku soo siyaadey cinwaankii emailka, qaybtaas waxaa ku qoran Cinwaanka loo yaqaan 'IP Address': Waxaa xusid mudan in computer kasta oo dunida yaal uu leeyahay IP gaar ah.

Markasta oo email laguu soo diro qaybtaas siyaadada ah ayaa la socon doonta.

7. Kaddib lambarkaas 'IP-ga' qoro ama koobi ka samey.

8. http://www.checkdomain.com/

9.Marka aad gujisid shaashada sare oo kamid ah websiteka (http://www.checkdomain.com/) meesha ay kaga qoran tahay "Enter' waxaa kuusoo bixi doona, shirkada qofkaas emailka kuusoo diray uu Internetka kasoo xirtay, iyo meel shirkadaas lagala xiriiri karo.

Halkaas waxaa kaaga soo baxay in aan Internetka la isku qarin karin, oo si fudud qofka loo soo heli karo meesha uu Emailka kasoo diray.

Qore: Yusuf Ali Hassan
yusufmog@hotmail.com
Mogadishu-Somalia

SomaliTalk.com | Jan 6, 2004

"Mooryaanta" internetka!  "C. Gaalkacyo"

Barnaamijyo ku Anfacaya [C. Gaalkacyo]

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

. IP Address Check.


BOGGA HORE

BOGGA XIGA