SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FONT
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA SADDEXAAD
[NAQSHADAYNTA FARTA "FONT"]


CASHARKA SADDEXAAD
Qaybtaan waxaan ku dersi doonaa qaabka naqshadaynta farta kuqoran bog-internet ah. Gaar ahaan waxaan ku baraneynaa macnaha iyo shaqada ay qabtaan: Paragraph, align, bold , italic, underline.

Dhammaan weeraha kor kuxusan waxaan u qori doonaa hab sookooban kuwaas oo ah qaabka uu fahmi ogyahay dalacduhu [browser], waxaan ku dhex qori doonaa LOOX.

Kala Qaybinta Jumladaha
PARAGRAPH
In aad samaysid jumlad wada socota waa hab aad u sahlan, waxaa keliya oo lagaaga baahan yahay waa <P> taas oo aad ku qoridoontid bilowga tuducda aad rabtid in weedhu ka bilaabato.

Halkani waa bilowga weer, si arintaas aan u hir geliyana waxaana ku qoray <P>.

<P> waa meesha aad ka xakumi kartid dhanka uu qoraalkaagu u badanayo, si arrintaas loo hirgeliyona waxaa loo baahan yahay kelmedda ALIGN taas oo ah midda khasabka kadhigeysa in weedha ama tuducda wada socotaa ay dhan u badato, sida midig [right], bidix [left], dhexda [center] ama bogga oo dhan [justify].

<P> waxa uu u baahan yahay </P> si uu u xirmo, in kasta oo marmarka qaarkood aysan khasab ahayn in laxiro, balse haddii aad adeegsatid "ALIGN" waxaa habboon in markaas aad xirtid taas oo aan uga jeedo in aad ku dartid </P>

XEER MAXSUUL
<P ALIGN="RIGHT">

Marka aad jumladda raacisid kelmedda ALIGN="RIGHT" waxa qoraalkii u badanayaa ama racayaa dhanka midig ee bogga.

<P ALIGN="LEFT">

Marka aad jumladda raacisid kelmedda ALIGN="LEFT" waxa qoraalkii u badanayaa ama racayaa dhanka bidix ee bogga.

<P ALIGN="CENTER">

Marka aad jumladda raacisid kelmedda ALIGN="CENTER" waxa qoraalkii u badanayaa ama racayaa dhexda bogga.

<P ALIGN="JUSTIFY">

Marka aad jumladda raacisid kelmedda ALIGN="JUSTIFY" waxa qoraalkii ku baahayaa dhammaan bogga.


 


Xardhidda Farta
<B>
<I>
<U>
Marka la qorayo weero, waxaa mararaka qaarkood lagamama maar maan ah in loo baahdo in qaybo kamida laxoojiyo [BOLD], la naash-naasho [ITALIC] ama hoosta laga xarriiqo [UNDELINE].

Tani haddaba waa arin sahlan, waxaa keliya oo lagaaga baahan yahay in mid walba laqoro loox u gaar ah, kuwaas oo kala ah

  • <B> oo u taagan BOLD waxayna u baahan tahay in lagu xiro </B> , wax kasta oo labadaas loox lagu dhex qorona waxay noqonayaan kuwo ka xoogbadan ama ka muuqda qoraalka intiisa kale.
    • Tusaale: Qoraalkani waa xoog-weyn yahay
  • <I> oo u taagan Italic waxaan ugu yeerikarra naash-naash maadaama ay muujiso hab ka khafiifsan qoraalka intiisa kale, waxaana ay u baahan tahay in lagu xiro </I> .
    • Tusaale: Qoraalkani waa mid naash-naash ah
  • <U> oo u taagan hoosta ka xarriiq, waxayna u baahan tahay in lagu xiro </U> qoraalka lagu dhexqorona hoosta ayuu ka xarriqmayaa.
    • usaale: Qoraalkani waa mid hoosta ka xarriiqan.
Mar haddaan isla garanay habka kala qaybinta weeraha iyo sida oo xarakaynayo, waa in aan marka eegna sida farta aan u qori lahayn.
 
Qorista Farta
<FONT>
Marka la qorayo qoraalka kasoo baxa shabakadda Internetka waxaa aad looga fekeraa sida ay akhristayaashu u arki lahaayeen qoraalkaagii oo u qoran hab wanaagsan oo isku aaddan.

Waxaad fikraddaada soo tebin kartaa marka qoraalkaaga siwacan loo akhrin karo. Marka laga hadlayo Internetka waxa laga hadlayaa ma ah sida loo kala far wanaagsan yahay balse waa hab wanaagga xeerarka la adeegsaday iyo sida muuqaalkoodu noqonayo marka lagu akhriyo daalacdaha [browser].

Si haddaba aan u qorro qoraal wanaagasan waa in ugu horrayn aan ogaano waxa farta qurxinaya in uu yahay FONT taas oo ah LOOX aad muxiim ugu ah shabakadda internetka.

<FONT> wayaaba hoos yimaada aha hoos gala waxa kamida: FACE, SIZE, COLOR, kuwaan oo ah kuwa naqshadaynaya xuruufta la akhrinayo ee shabakada Internetka. Waxaana u eegeynaa mid mid.

Wajiga Farta
<FONT FACE>
Qaabka uu u kusoo baxayo qoraalku waxaa laga xakumaa waa <FONT FACE> . Waana hab sahlaya in qoraalka lakala bed bedeli karo, waa qaabka muuqaalka guud.

Sida qaalibka ah waxaa la adeegsadaa: Helvetica, Arial, Verdana, Serif, Sans-Serif, Times New Roman. Saddexda ugu horreeya ayaana ku qoray qoraalkaan waana kuwa aan filayo in badanaa la adeegsado. Waxaana kuwan lagu hoos-qoraa FONT.

Aan insa eegno tusalayaasha iyo qaabka ay kusoo baxayaan qoraaladu:

XEER MAXSUUL
<FONT FACE="Serif"> Tani qaa qoraalka farta nooca loo yaqaan bahda Serif (waaba haddii kabuyuutarku uu aqbalo'e), farta noocaan ah waxaa lagu yaqaana xagleheeda. Waxaa fartani ku fiican tahay in lagadhigo cinwaan waayo waa yarehe qurxoon tahay, laakiin waxaa adag in la akhriyo marka ladoonayo in cabir qaabili kara weeraha lagu qoro kaas oo markaas kasoo baxaya shaashadda shabakadda Internetka.
<FONT FACE="Sans-Serif"> Sidaan ayey u muuqaneysaa farta lagu qoro Sans-Serif (waaba haddii kambiyuutarku aqbalo'e. Waxaa lagayaabaa in ay ku habboonthay in lagu qora tuducyada dhaadheer kuwaas oo laga yaabo in indhaha markaas ay u sahasho akhriska.
<FONT FACE="Arial"> Sidaan ayey u muuqaneysaa farta lagu qoro Arial (waaba haddii kambuyuutarku aqbalo'e). Waxaana badanaa tan laga helaa kambuyuutarada kushaqeeya habka Windows. Tani waa tan koowaad marka la xulanayo farta.
<FONT FACE="Helvetica"> Sidaan ayey u muuqaneysaa farta lagu qoro Helvetica (waaba haddii kambiyuutarku aqbalo'e). Had iyo jeer lagama helo kambiyuutarrada ee hadii aad tan dooratid waa in aad xulataa mid labaad si markaas qoraalka loo arki karo.
<FONT FACE="Verdana"> Sidaan ayey u muuqaneysaa farta lagu qoro Verdana (waaba haddii kambiyuutarku aqbalo'e). Verdana waxay caan noqortay waayadaan dambe oo ay soo baxeer daalacdayaal -browser- casri ah. Cabirkeeduna aad ayuu u wanaagsan yahay.
<FONT FACE="Times New Roman"> Sidaan ayey u muuqaneysaa farta lagu qoro Times New Roman (waaba haddii kambiyuutarku aqbalo'e). Times New Roman waxa badanaa kushaqeeya kambuyuutarada leh windows-ka, waana far qurux badan laakiin aad ayey u dhib badan tahay in la akhriyo marka marka faryaryar lagu qoro.
<FONT FACE="Verdana, Arial, Serif"> Sidaan ayey u muuqaneysaa farta lagu qoro Verdana, Arial, ama Serif (waxayna farta soo saaraya tii uu kambuyuutarku ugu hor helo, badanaana waa sida ay u kala horreeyaan ayuu kambuyuutarku u araadiyaa). Qofkii sidaan adeegsadaa waa qof xariif ah waayo akhristayaashiisu waxay arkayaan qoraalkiisa iyadoo kambuyuutarada kaladuwan ay helayaan hadba midii ku habboon kambuyuutarkaas..
Cabbirka Farta
<FONT SIZE>
Halkani waa meesha laga xakumo cabbirka iyo baaxadda uu yeelanayo qoraalkii. Waxaad Looxa FONT ku dhex qoreysaa SIZE kaas oo markaas aad ku qori doontid tiro taas oo kabilaabata 1 iyo wixii kabadan.

Tusaale:

XEER MAXSUUL
<FONT SIZE="1"> cabirka 1
<FONT SIZE="2"> cabirka 2
<FONT SIZE="3"> cabirka 3
<FONT SIZE="4"> cabirka 4
<FONT SIZE="5"> cabirka 5
<FONT SIZE="6"> cabirka 6
<FONT SIZE="-1"> cabirka -1
<FONT SIZE="-2"> cabirka -2
<FONT SIZE="-3"> cabirka -3
<FONT SIZE="-4"> cabirka -4
<FONT SIZE="+1"> cabirka +1
<FONT SIZE="+2"> cabirka +2
<FONT SIZE="+3"> cabirka +3
UFIIRSO HALKAAN:

Waxaad arkeysaa marka farta cabbirkeeda lasamnayo in ay aad u sahlan tahay waxa keliya oo aad xusuusaneysaana uu yahay looxa SIZE iyo tiro aad dooratid, waxayna hoosgelayaan ama ku hoos qormayaan LOOXA FONT.

Midabka Farta
<FONT COLOR>
Sidii aan horay ugu soo qaybta midabada, marka la bedelayo midab farta waxaa loo baahan yahay Looxa COLOR kaas oo hoos gelaya LOOXA weyn ee FONT.

Tusaale:

XEER MAXSUUL
<FONT COLOR="#0000ff"> Midab Cagaaran
<FONT COLOR="#ff0000"> Midab Casaan
<FONT COLOR="#000000"> Midab Madow
<FONT COLOR="yellow"> Midab Huruud
<FONT COLOR="greenw"> Midab Cagaar

Midabkii aad doontid ayaad ka xulan kartaa midabadii aan horay u soo aragnay, kaddibna waxaad ku bedeli kartaa lambarka ama tirada ku hor qoran COLOR taas oo ah mida laga xakumo sida qoraalka midab kiisu noqon doono.

Soo koobid
Dhammaan qaybaha ku xusan qaybtaan waxaa la isu keeni karaa hal meel iyada oo la isu raacinayo sida ay isu leeyihiin.

Waxaa kale oo xusuusnaaneysaa in ay dhammaantood hoos tegayaan BODY [eeg asaaska HTML], waanakan hoos kuqoran dhamman intii aan soo baranay oo halmeel ku soo kooban.

XEER MAXSUUL
<HTML>
<HEAD>
<TITLE> Waa bog cawaandi ah </title>
</HEAD>
<BODY BGCOLOR="FFCC00">
<FONT COLOR="000000" SIZE="2" FACE="Arila, Helverica, Verdana"> Wixii aad halkan ku qortid wuu midab kiisu noqonayaa madow. Una fiirso waxaad furtay FONT, marka aad qoraalka dhamaysid ayaana lagaa rabaa in aad xirtid.

<P> Waxaa halkan ka bilaabanaaya jumlad cusub, waxaana sababaya arrintaas waa <P> oo u taagan paragraph.

<B> Marka la xoojinayo qoraal waxaa loo baahan yahay in lagu daro <B> oo u taagan BOLD, waxaana had iyo loo baahan yahay in laxiro </B>

<I> Haddii aad farta cawaandi kadhigeysid waxaad u baahan tahay <I> oo u taagan italic, waana in laxiraa <I>

<U> hadii aad rabtid in aad tuduc hoosta ka xariiqdid waxaad u baahan tahay <U> oo u taagan UNDERLINE, waana in laxiraa. <U>

<P ALIGN="RIGHT"> Marka aad rabtid in jumladdu u badato dhanka midigta ah waxaad raacineysaa ALIGN oo ku hoosjira <P>, marka tuducdii ama qoraalkii dhammaadona waa in laxiraa.

</P>

Ha u daymo la'aan in midabka bogga oo dhan meesha bedeleysaa ay tahay BODY, waana meesha aan qoraalkaan ku qoreyno. Marka BODY wixii lagu qorilahaa u dhammaado waa in laxiraa, kaddibna lagusii xiraa HTML guud ee kor kasoo bilaabatay.

</BODY>
<HTML>

Guji eegna bogga

Akhri bogga xiga oo kusaabsan samaynta XARRIIQDA JIIFTA [HORIZONTAL LINE] iyo Xiriirirta boggaga [LINK].

 


BOGGA HORE

BOGGA XIGA