SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FTP
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA TODDOBAAD
[SIDA XOGTA LOOGU XAWILO SERVERKA "FTP"]


FTP
Marka aad HTML qortid, sidee qoraalkii ugu diri kartaa Internetka si loo akhristo.

Waxaa jira siyaabo dhawr ah oo qoraalkii ama boggii loogu dirikaro ama loogu daabici karo Internetka si fikradaadii ama macluumaadkaagii aad ugu gudbisid adduunka. Waxaana halkaan ku barandoona hab kamida habaka loo daabaco bog Internet ah, habkaan oo qiyaastayda ah kan ugu wanaagsan oo waqtigan la adeegsado, waana barnaamijka loo yaqaan FTP.

FTP waxay u taagantahay "File Transfer Protocol" [ oo ah habka File loogu xawilo internetka] waana barnaamij aad u sahlan oo File-ka lagu geynkaro Internetka ama Server-ka.

Dhex-taal:::

FileZilla

F.G: Casharadan HTML xilligii aan qoray (1999), barnaamijka WS_FTP waxa uu lahaa qayb lacag la'aan ah (bilaash), sida aan qiyaasayo hadda waa in aad lacag bixisid si aad barnaamijka WS_FTP u adeegsatid. Waxaase jira barnaamij kale oo hawsha FTP-ga kuu qabanaya oo lacag la'aan ah, kaas oo lagu magcaabo Filezilla. Sabataas ayaan qaybtan dhex-taalka ah u qoray 2005.

Sidee Loo soo Rogan karaa  FileZilla:

1. Booqo shabakada: http://sourceforge.net/projects/filezilla

2. Eeg bartamaha websiteka kuu soo baxa qaybta cinwaan keedu yahay "Latest File Releases", qaybtaas ka eeg meesha ay ku qoran tahay "Filezilla", markaas guji bartaas horteeda meesha ay kaga qoran thay "Download" (Eeg sawirka hoose).

3. Guji faylka nooca .exe oo ka muuqda bartamaha shaashada soo baxday (eeg sawirka hoose).

4. Markaas ayaa waxaa kuu soo bixi doona websiteyada laga soo rogan karo FileZilla iyo wadamadooda. Mid kamid ah websiyadaas ka dooro si aad u soo rogatid FileZilla. Sawirka hoose wuxuu muujinayaa liiska websiteyaas qaar kamid ah...

5. Marka aad soo rogatid, muuqaalka guud ee FileZilla wuxuu u muuqanaya sida sawirka hoose.

F.G: Akhri qaybta "Help" ee barnaamijkaas si aad u baratid qaabka loo isticmaalo.

 

WS_FTP:::

Ugu horrayn waa in barnaamijkaas uu kujiraa Computer-kaaga, haddii uusan hadda kujirin waxaad kasoo rogankartaa Internetka, meelaha laga helikaro waxaa kamida; www.ipswitch.com [lacag]. Waxaadse mid bilaash ah kasoo rogankartaa marka aad tagtid Downloads.com [Xusuusnow WS_FTP iyo FTP badanaa waa iskumid], waxaa kale oo tijaabinkartaa ftp.

Waxaa aad u habboon in aad ogaatid khatarta file marka lagasoo roganayo (download) internetka in uu lasoconkaro waxa looguyeero 'VIRUS' kaas oo khatar ah in uu burburiyo Computerada. Si taas looga hortago waxaa haboon in layaqaan meesha fileka lagakeenayo iyo in Computerka uu ku jiro waxa looguyeero 'ANTIVIRUS' ama kahortag. fadlan akhri Somalitalk Privacy.
Tixraac: McAfee.com | AntiVirus Center

Haddii file-ka aad soo roganeysid (download) uu yahay mid nooca looyaqaan 'ZIP' markaas waxaad u baahandoontaa in filekaas furtid "UNZIP", hadaba haddii Computerkaaga uusan kujirin "UNZIP" waxaad kasoo rogankartaa www.winzip.com.

Kaddib marka aad barnaamijkaas soo gelisi Computerkaaga oo aad furtid ftp, waxaa kuu soo baxaaya sida hoos kamuuqata oo kale.

ftp

  • Profile Name: Kuqor magaca boggaaga [domainName]
  • Host Name/Addresss: Kuqor magaca boggaaga ama [cinwaanka IP - IP Address]
  • Host Type: waa in ay kamuuqataa Automatic detect
  • User ID: Kuqor magaca aad kugashid boggaaga "Username" ama login Name"
  • Password: Furaha [waa in aad halksaa aad u hubisaa unaqortaa si saxa]
  • Guji [Click] "OK"
Markaas waxaad tegidoontaa khaanada Internetka.

Marka aad "OK" tiraadid waxaa kuu soo baxaaya sida hoos kamuuqata oo kale.

ftp

  • Khaanada bidix ee ay kuqorantahay "Local System" waa Computer-kaaga saxankiisa [hard-drive]
  • Khaanada midig ee ay kuqorantahay "Remote System" waa Internetka ama "server-ka"
  • File-kii aad rabtey in aad udirtid Internetka karaadi dhanka bidix [Copmuterkaaga ama disk]
  • Taabo file-kii adigoo adeegsanaya "mouse-ka" ama "Calaamadi file-kii adigoo tartiib u gujinaya".
  • html waa in aad kudirtaa ASCII, Sawiradana (images) kudir Binary. [kahor inta aadan file HTML udirin internetka, guji khanka yar ee kahorreeya ASCII. Sawir marka ladirayo kahorna guji khanka yar ee ka horreeya halka ay kuqorantahay Binary.
  • Kaddib Guji fallaarta midigta u jeeda ee kudhextaal labada khaanadood ee Computerkaaga "Local System" iyo Internetka "Remote System" markaas ayaa "file-kii" wuxuu ku xawilmayaa ama u gudbayaa dhankii internetka.
  • Halkaas wixii loogaaro boggaagii Internetka ayuu kujiraa, marka aad cinwaankii qortidna waa in aad arki kartaa.
  • Tusaale ahaan haddii File-kaagu uu ahaa index.html, boggaga magiciisuna yahay quwaax.somalitalk.com, marka aad cinwaanka quwaax.somalitalk.com kuqortid daalacdahaaga [browser] waa in aad arkikartaa qoraalkii ku qorraa file-ka oo kujira Internetka.
Tixraac: Icom FTP | Tripos Guide to FTP| Introduction to HTML

TALO: Waxaa iga talo ah inaad siweyn uga taxadartid qoraalka aad u tebineysid Internetka, waayo maxakuntid marka aad udirtid dhanka midid ee khaanadaas kore, farahaagana waa kabaxayaa qoraalkii oo wuxuu noqonayaa dad u dhexeeye oo aan uga jeedo qofkasta oo cinwaankaaga yaqaan waa akhriyi karaa qoraalkii. Sidaas daraaded waxaa haboon in qoraalka aad udireysid meel dadka oo dhan kadhexaysa aad u qiimaysid sidii adigoo u sheegaya dadkii oo ku hor taagan.
Tixraac: netiquette corerules

[Advanced] CGI-chmod: Haddii aad u baahatid qaabka samaynta chmod- CGI , waxaad soo booqan kartaa discusware.com.

NB: Macintosh FTP

Haddii Computerkaagu uu yahay Macintosh soo booqo dartmouth.edu oo aad kahelidoontid meesha aad kasoo rogankarid "ftp - Macintosh"

 

ADEEGSIGA KALE EE FTP
Siyaabaha kale ee loo adeegsankaro FTP waxaa kamid:

ChgDir
ftp ChgDir oo u dhiganta Change Directory, Marka aad gujisid (click) ChgDir waxaa kuu soo baxaaya khaanad u eg tan sawirka bidixda ah kamuuqata.

Kasoo qaad in aad joogtid [drive A] oo aad rabtid in aad file karabtid [Drive C] markaas ayaa waxaa la'adeegsankaraa ChgDir si la isugu bedelo labadaas saxan. Si aad taas u hirgelisidna waxaad meeshabannaan kuqoreysaa C:\ kaddibna guji "OK".

MkDir
ftp MkDir oo u dhiganta Make Directory. kasoo qaad in aad rabtid in boggaagu uu yeesho qayb wararka ah oo aad u bixisid news, oo cinwaankeedu noqondoono bog.com/news, markaas ookale ayaad u baahantahay in aad adeegsatid MkDir, marka aad riixdid MkDir waxaa kuusoobaxaya khaanadda yar ee sawirka dhanka bidix kamuuqata, markaas magacii aad rabtey kuqor halka bannaan oo markaas guji "OK".

Xusuusnow in dhanka Internetka aad kasmaysid arrintaan, kaadib haddii aad rabtid in aad warkii kushubtid khaanadii wararka ee aan u bixinay news waxaa marka hore khasab ah in lafuro isla khaanaddaas adiga oo labajeed sidegdega u gujinaya (double click) magicii aan rabney in aan furno (news), marka uu furmo ayaad markaas sidii habkii hore aan kor kusharaxnay adiga oo raacaya ayaad file-kii uu warku kujirey kusoo xawileysaa khankaas cusub.

Waxaan qiyaasayaa in dhammaan inta kale ee kamuuqda FTP ay waxa ay qabtaan ama adeegsigoodu cadyihiin sida "Rename, delete, iwm"

Ugu dambayn waxa aad xusuusnaataa haddii File aad internetka u dirtay aad rabtid in aad waxkabedeshid, waxaa kulagudboon in aad marka hore qoraalka cusub ama bedel aad kusamaysi file-ka kujira computerkaaga ama saxan [disk], markaas kadib aad martid habkii hore oo kale, marka file-kii cusbaa aad u dirtid Internekii wuxuu bedelayaa kii hore [shardi waa in ay isku magac yihiin].


SIDEE LOO SAMEEYAA KHAANAD

DIRECTORY
Sida qaalibka ah marka lasamaynayo bog internet ah waxaa inta badan loo baahdaa in qoraalka loo kala sameeyo khaanado kala duwan.

Tusaale ahaan haddii bogga aad samaysan uu kakoobanyahay warar, waxbarasho, iwm. Waxaad markaas u baahantaahy in aad samaysid khaanado wata magacyadaas. Waxaa weliba dhici karta in khaanad walba aad kasii dhex samaysid khaanado kale, tusaale ahaan khaanada wararka waxaad kasii dhex samayn kartaa waraka Afrika, iwm. Taas oo weliba halkaas (Afrika) aad kasii dhexsamayn kartid AfrikadaBari, ArikadaGalbeed, iwm.

Hadaba qaabka ugu sahlan ee lagu samayn karo khaanada (directory) waa in la adeegsado FTP kaas oo kamida barnaamijyada aan horay u soo aragnay.

Tusaale ahaan waxaa samayneynaa khaanad aan u bixinay webdesign, kaddib waxaan khaanadaas kasii dhexsamayneynaa khaanad kale oo aan u bixinay directory, si aan arintaas u samayno waxaan raaceynaa xeerarka hoos ku qoran.

Ugu horrayn waa in aad soo diyaarsataa barnaamijka FTP, isla mar ahaantaanaa waa in aad ku baraarugsanaataa meesha aad kasamayn doontid khaanada, tusaalahaan waxaan khaanada ugu horreysa ka samayn doonaa bilowga khaanadaha ee bogga html (root directory).

MkDir Marka aad soo diyaartastid FTP, waxaad eegtaa dhanka midig ee FTP oo ah qaybta "serverka", guji halka ay ku qorantah MkDir (oo u taagan Make Directory.

screen Waxaa soo baxaya shaashadan yare ee dhanka bidixda kamuuqata, isla shaashadaas meesha bannaan kuqor magicii aad rabtey in aad u bixisid khaanada, tusaale halkaan waxaa kuqoran webdesign oo ah khaanadii aan samayneyney. Kaddibna guji halka ay kuqorantahay OK waxaa markaas samaysi doona khaanadii ama Directory aad siisay magici aad rabtey.

Khaanada aad hadda samaysay ayaad ku xafidi kartaa akhbaartii aad doontid, adiga oo isla mar ahaantaa kasii dhex samayn kara khaanado kale.

Si aad khaanad uga saii dhex samaysid khaanad kale waxaad gujisaa ama riixdaa khaanadii aad rabtey in aad midkale kasii dhex samaysid. Eeg tusaale ahaan sawirka dhanka bidix kamuuqda, waa khaanadii aan samaynay oo aan rabno in aan kasii dhex samayno khaanad kale, taas oo raaceysa isla xeerka kor kusharaxan.

Ufiisro meel kasta oo aad kasamaynesid khaanado, waxay raacayaan xeer isku mid ah.

Haddii aad rabtid in aad tagtid khaanad kale, waxaad waxaad gujisaa ChgDir. Macneheeduna waa Change Directory waxaana kuu soo baxaya shaashad yar oo lamid ah tii kuu soo baxday markii aad adeegsaneysey xeerka MkDir, taas oo markaas aad ku qori doontid khaanada aad rabtid in aad tagtid. Tani waxay kuu sahleysaa in aad tegi kartid khaanadii aad rabtid.

 

TAB IYO XEELAD - TIPS
ISKU XIRIIRINTA BOGAGGA

Kasoo qaad in aad samaysay bog ay kuqorantahay sheeko dheer oo aad rabtid in aad ku xiriirisid bog kale, hadaba si arrintaas ay u hirgasho waxaa laraaci karaa xeerkan hoose:

  • Magac u bixi file-kii dheeraa, tusaale ahaan ftpsomalitalk.html
  • Meel aad ogtahay oo serverka Internetka ah kuxawil qoraalkii dheeraa, tusaale ahaan khaanada /webdesign/ftp/ [Waa meesha aan kuxawilay filka ftpsomalitalk.html]
  • Boggii kale oo aad kuxiriirin lahayd ama LINK kasmaynahayd kuqor sida hoos kuqoran:

<a href="/webdesign/ftp/ftpsomalitalk.html">Soo booqo ftp Somalitalk</a>

Marka dhag lagasiiyo cinwaanka kore waxaa lategi doonaa boggii qoraalka dheer uu ku qoraa ee laxiriirey cinwaankaas. sidaas ayaana la isug xiriirin karaa intii ladoono oo bogag ah.

CODKA

Hadii aad u baahatid in cod aad kuduubtid internetka, waxaad u baahandoontaa RealProducer, kaas oo mid bilaash ah aad kasoo rogankartid www.realnetworks.com [RealProducer Basic - Free].

Waxaan qiyaasayaa in aad markaan aad siwacan u garaneysid habka samaynta "link" ama xiriirinta bog, hadaba marka aad codkii duubtid oo isla "RealProducer" internetka ku geysid (publish), waxaad u baahan doontaa in aad samaysid "link" marka dhag-lasiiyo uu codkii soo baxayo. qaabka codka "link' loogu sameeyaana waa:

<a href="http://bog.com/hadal.ram">Dhegeyso</a>

Si loo dhegeysto codka waxaa loo bahanyahay "RealPlayer", oo isgana aad mid bilaash ah kasoo rogankartid www.real.com.

Casharka xiga waxaan ku baran doonaa shaxanka TABLE


BOGGA HORE

BOGGA XIGA