SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LINK
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA AFRAAD
[ISKU XIRIIRIYAHA "LINK"]


CASHARKA AFRAAD
Casharkan waxaan ku baraneynaa sidii aan u samayn lahayn xariiqda jiifta <HR> iyo Xiriirinta [LINK] oo ah meesha marka la riixo [click] ku geyneysa meelkale ama bog kale
XARRIIQ JIIFTA [HORIZONTAL LINE]
<HR>
Aad ayey u fududahay in lasameeyo xarriiq. Waxaa keliya oo lagaa rabaa waa in aad qortid <HR>. Waxaa jira in aad xakumi kartid xarriiqda dhumucdeeda [SIZE].

TUSAALE

<HR> Xarriiq caadi ah


<HR NOSHADE> Xarriiq aan hoosiis ama har lahayn
<HR SIZE="1"> Xarriiq dhumucdeedu tahay "1"
<HR SIZE="2"> Xarriiq dhumucdeedu tahay "2"
<HR SIZE="3"> Xarriiq dhumucdeedu tahay "3"

Waxaad arki kartaa faraqa u dhexeeya marka xarriiqda lagudaro [NOSHADE] iyo marka lagreebo in uu noqonkaro sida soosocota
<HR SIZE="1" NOSHADE>


<HR SIZE="1">
Waxaana qiyaasayaa in aad aragtid in la'isku darikaro "NOSHADE iyo SIZE" oo ladhexgelinkaro hal loox.
Sidii aan horay ugu soo aragnay kalaqaybinta jumladaha <P> waxay khasan kadhigtaa in aad bilowdid tuduc ama [PARAGAPH] sudub, waxaase kale oo jirta <BR> oo ah marka aad bilaabeysid sadar cusub.

Waana kan hoos kamuuqda faraqa u dhexeeya BR iyo P

Xeerka HTML Maxsuul
Sadarka kow. <BR>Sadar cusub. Sadarka kow.
Sadar cusub.
<P>Jumladda hore.</P><P>Jumladda labaad.</P> Jumladda hore.

Jumladda labaad.

Halkaas waxan kaga baxaynaa habkii kalaqaybinta jumladaha iyo weeraha oo aan kaga soo hadalay P, BR, & HR.

XIRIIRIN [LINK]
LINK
Xiriirin ama LINK waxaan uga jeedna meesha marka aad riixdid kuu gudbineysa bog cusub sida halkan oo marka aad riixdid kugu celineysaa bogga hore ee Somalitalk.

Waana kan hoos kuqoran habka laraaco si loo sameeyo [Link].

 

Xeer HTML Maxsuul
<A HREF="http://somalitalk.com/">
http://somalitalk.com/
</A>
http://somalitalk.com/
<A HREF="http://somalitalk.com">
Diiwaan geli!
</A>
Diiwaan geli!

UFIIRSO HALKAN:

Si aad u samaysid "LINK" waxaad u baahan tahay in aad xusuusnaatid oo keliya waa:

<A HREF="http://boggaaga.bog ">WaxaAadRabtin</A>

Taas oo markaas aad qorikartid

<A HREF="http://somalitalk.com">somalitalk.com </A>
ama <A HREF="http://somalitalk.com">Soobooqo boggan</A>

Haddii aad rabtid in aad tagtid bog gaar ah waxaad qoreysaa tusaale ahaan:

<A HREF="http://somalitalk.com/bog.html">Boggayga fiiri</A>


SAMAYNTA "LINK" OO EMAIL AH

Tusaale ahaan waxaad rabtaa in aad samaysid meel marka rariixo toos email laguugu soo diri karo, waxaad markaas samayneysaa sida hoos kuqoran:

Xeerka HTML Maxsuul
<A HREF= "mailto:html@somalitalk.com">
html@somalitalk.com
</a>
html@somalitalk.com
<A HREF= "mailto:html@somalitalk.com">
E-mail Soodir!
</a>
E-Mail Soodir!
Halka ay ku qorantahay html@somalitalk.com ku bedel emailkaaga.
KUXIRIIRIN [LINK] ISLA BOGGA DHEXDIISA AMA BOG KALE MEELKAMIDA

Tan waxaan uga jeedaa tusaale ahaan waxaad kasoo qaadaa in aad rabtid marka bogga la akhrinayo in qorku meel bogga kamida uu tood ugu boodikaro. [Tijaabi halkan].

Si aad taas u samaysid waxaa martaa dariiqada hoos kuqoran:

Xeerka HTML Maxsuulka
Tusaale ahaan haddaad rabtid in aad toos u tagtid halka ay kuqorantahay XIRIIRIN ee isla bogga dhexdiisa ah, waxaad meeshaas horteeda ku qortaa

<A NAME="bood">
XIRIIRIN
</A>
XIRIIRIN
Kaddib meesha aad rabtid in lariixo waxaad kuqortaa

<A HREF="#bood">
Kor U Noqo
</A>
KOR U NOQO
Marka aad rabtid in aad ku xiriiris bog kale dhexdiisa ama meel kamida bog kale waxaad yeeleysaa sidan

<A HREF="design.html#ubood">
Dhexda bog kale
</A>
Dhexda Bogkale

UFIIRSO HALKAA

Meesha larabo in looboodo waxaa lagu qorayaa:
<A NAME="wax-uun"> </A>
 

Halka larabo in lariixo si loo tago halkaas aan kor kuxusnay habla laraacayaa waa:
<A HREF="design.html#ubood"> KOR U NOQO</A>

LINK FURAYA BOG CUSUB

Haddii aad rabtid in aad furtid bog cusub iyada oo bogii hore eed aad joogtey uusan kaaxirmayn, waxaad samayn kartaa sidan.

Xeer HTML Code Maxsuul
<A HREF="http://somalitalk.com" TARGET="_blank">
http://somalitalk.com
</A>
http://somalitalk.com
<A HREF="somalitalk.com" TARGET="_blank">
Diiwaan geli!
</A>
Diiwaan geli!

 

TAB IYO XEELAD [TIPS & TRICKS]
  • KADHEXBAX FRAME-KA

    Kasooqaad in boggaagu kudhisanyahay habka looyaqaan "FRAMES" oo markaas aad rabtid in "LINK" marka 'dhag lasiiyo' uu kabaxo "FRAME"-kii oo uu kufurmo bog cusub, waxaad samayneysaa sidan:

    <a href="http://www.somalitalk.com/" target="_top">Dhag sii halkan</a>

     

  • LINK AAN HOOSTA KA XARRIIQNAYN

    Sida qaalibka ah "LINK"-kiyadu hoosta ayey ka xarriiqanyihiin, laakiin haddii aad rabtid in aysan ka xarriiqmin, sidan ookale ayaad samayneysaa:

    <a href="http://www.somalitalk.com" style="text-decoration:none"a> WAA LINK AAN HOOS KA XARRIIQNAYN </a> [Guji]

     

  • LINK-KIYADA BOGGA OO DHAMMAAN AAN HOOS KA XARRIIQNAYN

    Kasooqaad in aad trabtid in dhammaan "LINK"-kiyada boggaaga aysan hoos kaxarriiqmin. Si aad arrintaa u hirgelisid waxaad qaybta "HEAD"-ka ee bogga kudareysaa waxa looyaqaan "STYLE" iyo xeer gaar ah oo amar siinaya in LINK-kiyada boggaasi aysan hoosta ka xarriiqmin, sidaan oo kale ayaadna samayneysaa:

    <html>
    <head>
    <title>Cinwaanka Bogga</title>
    <style type="text/css">
    <!-- A{text-decoration:none} -->
    </style>
    </head>
    <body>
    <a href="http://somalitalk.com/">Link aan hoos kaxarriqnayn</a>
    </body>
    </html>

    XUSUUS
    : Qaabkaan aan LINK-kiyadu hoos kaxarriiqmayn waxaa dhici karta in daalacdayaasha [browsers] noocyadii hore aysan garankarin oo markaas ay sidii caadiga ahaa hoos uga xarriiqaan. Halkaas khalad kasoo biximaayo waayo calaamaddan <!-- --> wixii dhexdeeda laguqoraa waa ka qarsoomayaan noocyadaas hore ee [browsers].

Casharka xiga waxaan ku baran doonaa sida Link loogu samayeeyo sawirada.. IMAGES....


BOGGA HORE

BOGGA XIGA