SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SSI
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA 11aad
[SSI]

SSI
 "SSI" waxa uusuurta gal kadhigayaa in aad samaysid hal "File", kaddibna aad kuxiriirisid dhammaan boggagaaga, marka aad bedeshid "File-kaas" waxaa markaas isbedeli doonaa dhammaan intii uu ku xiriirsanaa. 

"SSI" waa hab faa'iiddoyin aad u farabadan uleh dhisidda bog Internet ah. Waxaadse xusuusnaataa in uu yeelankaro khatarbadan marka lagahadlaya ammaanka (security) bogga.

Waxaan halkaan ku barananeynaa qayb kamida "SSI" taas oo aan filayo in ay faa'iido badan yeelankarto marka laga hadlayo dhismaha bogga, waana INCLUDE ama (ISML haddii aad adeegsatid SomaliTalk.com free Websites).

XEER:

INCLUDE

Marka hore samay "File"  aad u bixisid magacii aad doontid. Kaas oo ah mid aad ku xiriirin doontid boggag badan. Waana kan marka aad bedeshid ay dhammaan kuwa uu ku xiriirsanyahayna ay bedelmi doonaan. (File-ka waa in lingixiisu uu ahaadaa .html ama .htm)

Kaddib xeerkaan hoose kuqor bogkasta meesha aadrabtid in ay markiiba bedelanto marka labedelo "File-kaas", waana kan xeerkii.

<!--#include virtual="magac.html"--> 

ISML

ISML waa hab u dhigma isla mar ahaantaana qabta shaqada uu qabto "INCLUDE". ISML waa kan aad u baahantahay in aad adeegsatid haddii aad bog kuleedahay "SomaliTalk.com Free Website".

Marka hore samay "File" kaas oo ah kan aad marwalba bedbedeli doontid si ay u bedelmaan dhammaan qaybaha uu ku xiriirsanyahay. Waxaadna lingaxa raacayaa kadhigtaa .txt

Kaddibna xeerkaan soosocda kuqor dhammaan boggaga aad rabtid in ay bedelmaan marka labedelo "File-ka". Xeerkuna waa:

<ISML TYPE="file" SRC="magac.txt" 

Xusuusnow in labadaas xeer eekor kuxqoran waxa keliya oo ay shaqayn doonaan marka "File-ka" lagu daabaco "Server-ka". Waa haddii "Server-ku" uu aqbalayo "SSI". Haddii kale mashaqyn doonaan.

Casharka xiga waxaan ku baran doonaa Imagemaps...


BOGGA HORE

BOGGA XIGA