SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TABLE
Daabaco Boggan | Print

CASHARKA SIDDEEDAAD
[Shaxanka "TABLE"]


TABLE
Shaxan [Table] waa qaab aad u sahlan oo loo adeegsado in qoraalka lagu agaasimo. Waxaana laraacaa xeerka soo socda.

XEER

<table>
<tr>
<td>
Qoraalka halkaan ku qor.
</td>
</tr>
</table>

Sida caadiga ah habkaas kore waa xeerka guud ee 'table' loo maro, waxaana eegeynaa macnaha xarfaha uu kakoobanyahay 'table'

<tr> = table row : waa halka sababeysa in 'table' uu yeesho sadarro ama khaanado kala duwan oo midba mid ku xigto.

<td> = table data : waa halka qoraalka lagu qoro.

ha u dayma la'aan in <table> uu u baahan yahay in lagu xiro </table>, sidoo kale <tr> lagu xiro </tr>, isla mar ahaantaana <td> lagu xiro </td>.

UFIIRSO
Ufiirso habka ay isugu xigaan, haddii qaabkaasi khaldamo 'table' kii ma soo baxayo ama la'arki maayo marka la rabo in la daalacdo. Waxaa ugu horreeya <table> waa in markaas lagusoo gabagabeeyaa </table>, sidaas oo kale raac xeerka sida kor ka muuqata.

QAABKA SHAXANKA

Shaxan Hal khaanad leh

  • XEER-1

    <table>
    <tr>
    <td>
    Hal khaanad.
    </td>
    </tr>
    </table>

     

  • MAXSUUL-1
    hal khaanad
     

Shaxan Laba khaanad oo kala hooseeya leh

  • XEER-2

    <table>
    <tr>
    <td>
    Khaanadda kore.
    </td>
    </tr>
    <tr>
    <td>
    Khaanadda hoose.
    </td>
    </tr>
    </table>

     

  • MAXSUUL-2
    Khaanadda kore
    Khaanadda hoose

Shaxan Laba khaanad oo midig iyo bidix leh

  • XEER-3

    <table>
    <tr>
    <td>
    bidix
    </td>
    <td>
    midig
    </td>
    </tr>
    </table>
     

  • MAXSUUL-3
    bidix midig
     

Shaxan afar khaanad leh

  • XEER-4

    <table>
    <tr>
    <td>
    kor - bidix.
    </td>
    <td>
    kor - midig.
    </td>
    </tr>
    <tr>
    <td>
    hoos - bidix.
    </td>
    <td>
    hoos - midig.
    </td>
    </tr>
    </table>

     

  • MAXSUUL-4
    kor - bidix. kor - midig
    hoos - midig. hoos - midig
     

UFIIRSO

MArka la rabo in lasameeyo shaxan 'table' ka kooban laba khaanadood oo kala hooseeya waxaa la adeegsadey xeerka:
<tr>
<td>
Khaanad.
</td>
</tr>
Taas oo labajeer laqor xeerkaas kore. Xusuusnow markasta oo aad qortid xeerkaas oo wada socda waxa uu kuu samaynayaa khaanad cusub. Kasoo qaad in aad rabtid khaanado badan oo midba mid ka hooseyso, waxaad soo celcelineysaa xeerkaas tiro le'eg intii khaanadood ee aad rabtey.

Marka larabo khaanado dhinaca isku haya [midig/bidix] waxaa la adeegsanayaa xeerkan:
<td>
bidix
</td>
Taas ayaa lasoo celcelinayaa tor le'eg intii khaanadood ee larabey kuwaad oo dhinaca [midig/bidix] isku haya, laakiin waxaa shardi ah in dhammaantood lagu xiro <tr> ..... </tr> iyadoo halka dhibcaha aan kuqoray lagelinyo xeerka hore, hana ilaawin marwalba in ay khasabtahay in dhammantood lagu sii xiro <table> ..... </table>.

Tusaale ahaan haddii aad rabtid in aad amaysid shan khaandood oo dhinaca isku haya waxaad raaceysaa sida xeerkan:
<table>
<tr>
<td>
1
</td>
<td>
2
</td>
<td>
3
</td>
<td>
4
</td>
<td>
5
</td>
</tr>
</table>

MAXSUUL

1 2 3 4 5
 

Waxaana halkaan ku eegi doonaa qaababka kaladuwan ee loo adeegsan karo "Shaxanka" [Table].
BORDER

Waa xajmiga ama qarada uu yeelankaro shaxanka 'Table'

XEER

<table border="1">
<tr> <td> 100 </td> <td> 200 </td> </tr>
<tr> <td> 101 </td> <td> 202 </td> </tr>
</table>

MAXSUUL

100 200
101 202

Sida ka cad xeerka sare aad ayey u sahlantahay in labedelo inta uu leekaanayo xajmiga kuxeeran shaxanka iyada oo la adeegsanayo <table border="1"> taas oo laga bedelayo tirada halka ay kuqorantahay [border="1"].

TUSAALE:
border="2"

100 200
101 202
border="8"
100 200
101 202
border="0"
100 200
101 202

COLSPAN/ROWSPAN

Waa habka loo qaabeeyo shaxanka 'Table' si hal qayb [cell] oo kamida shaxanka ay uga dheeraato kuwakale. Waa qaab aad muhiimad ugu leh shaxanka sida kucad xeerka iyo tusaalaha hoose.

COLSPAN - XEER

<table border="1">
<tr>
<td>Magaca</td>
<td colspan="2">Laxiriir</td>
</tr>
<tr>
<td>Qore</td>
<td>Email</td>
<td>Fax</td>
</tr>
</table>

MAXSUUL: colspan="2"

Magaca Laxiriir
Qore Email Fax
UFIIRSO: halka ay ku qorantahay <td colspan="2"> waa meesha laaga bedeli karo inta uu leekaanayo dhererka hal qol ama [cell] oo kamida shaxanka. kasoo qaad in loo baahdo in halka ay kuqorantahay Laxiriir aan ku hoos qorro email/Fax/Phone, sidaas daraadeed loo baahdo saddex qol oo kuhoos qoran khaanadaas. Waxaa keliya oo bedelayaa colspan="3", iyo iyada oo qaybta hoose ee email/fax lagu siyaadinayo khaanad ay kuqorantahay Phone, sidan oo kale:

<table border="1">
<tr>
<td>Magaca</td>
<td colspan="3">Laxiriir</td>
</tr>
<tr>
<td>Qore</td>
<td>Email</td>
<td>Fax</td>
<td>Phone</td>
</tr>
</table>

MAXSUUL: colspan="3"

Magaca Laxiriir
Qore Email Fax Phone
Sida ka cad tusaalayaasha kore, waa in ay iswaafaqaan "colspan" iyo shaxanka intiisa kale iyada lasii qorshaynayo inta khaanadood ee uu shaxanku yeelan doono iyo qaabka loo habaynayo.
ROWSPAN - XEER

<table border="1">
<tr>
<td>Magaca</td>
<td>Qore</td>
</tr>
<tr>
<td rowspan="2">Laxiriir</td>
<td>Email</td>
</tr>
<tr>
<td>Fax</td>
</tr>
</table>

MAXSUUL: rowspan="2"

Magaca Qore
Laxiriir Email
Fax

Sidookale waxaa Rowspan laga dhigi karaa intii tiro oo ladoono sida, tusaale ahaan:

<table border="1">
<tr>
<td>Magaca</td>
<td>Qore</td>
</tr>
<tr>
<td rowspan="3">Laxiriir</td>
<td>Email</td>
</tr>
<tr>
<td>Fax</td>
</tr>
<tr>
<td>Phone</td>
</tr>
</table>

MAXSUUL: rowspan="3"

Magaca Qore
Laxiriir Email
Fax
Phone
Sida kacad tusaalaha kore, ROWSPAN wuxuu sahlayaa in laba sadar ama in kabadan oo kala hooseeya ay wadaagi karaan hal qol [cell] taas oo lagayaabo in ay isku wax kusaabsanyihiin. halka COLSPAN uu sahlayey in laba qol ama in kabadan [cell] oo dhinaca isku hayaa [midig-bidix] ay wadaagaan halqol.
MIDABKA SHAXANKA / TABLE BACKGROUND

Waa qaabka sahlaya in derbiga shaxanka [background] loosameeyo naqshad sawir ah.

XEER

<table border="1" background="sawir.gif">
<tr>
<td> Casharka koowaad </td>
<td> Casharka labaad </td>
</tr>
<tr>
<td> Casharka Saddexaad </td>
<td> Casharka Afraad </td>
</tr>
</table>

MAXSUUL: Image Background

Casharka Koowaad Casharka Labaad
Casharka Saddexaad Casharka Afraad
Soda aad ka aragtid shaxanka kore waxaa aad muhiim u ah in aad kataxadartid midabka uu yeelandoono sawirka aad adeegsandoontid si qoraalka kuqaran shaxanka loo akhriyi karo.

KAsoo qaad in loo baahdo in hal khaanad [cell] keliya loo sameeyo midab sawir ah [image background], waxaa markaas la adegsanayaa xeerka soo socda.

Cell Background / Sawir hal khaanad

<table border="1">
<tr>
<td background="sawir.gif"> Casharka koowaad </td>
<td> Casharka labaad </td>
</tr>
<tr>
<td> Casharka Saddexaad </td>
<td> Casharka Afraad </td>
</tr>
</table>

MAXSUUL: Sawir hal khaanad ah
 

Casharka Koowaad Casharka Labaad
Casharka Saddexaad Casharka Afraad
UFIIRSO: in khaanada casharka koowaad ee qura ay hadda leedahay midab, waxaana sabab u ah iyada oo xeerka background="sawir.gif laguqoray khaanada xakunta qolkaas. Waxaad kale oo ogaataa in sawirka lagadhigayo midabka uu kujiro meel la ogyahay oo kamida "server-ka" taas oo kaddib lagu xiriirinayo shaxanka iyada oo la adeegsanayo xeerarkii aan kusoo aragnay casharkii qaabka sawir gelinta.
MIDAB AAN SAWIR AHAYN

Waa qaabka aad midab ugu yeelikartid shaxanka 'table' adiga oo aan adeegsanayn sawir, laakiin adeegsanaya midabadii aan kusoo aragnay casharkii midabada. Waa qaab aad u sahlan, waxa kerliya oo la adeegsanayaa BGCOLOR="#midabo" sida kucad xeerka hoos kuqoran.

XEER SHAXANKA OO HALMIDAB LEH

<table border="1" bgcolor="#ffcc00">
<tr>
<td> Casharka koowaad </td>
<td> Casharka labaad </td>
</tr>
<tr>
<td> Casharka Saddexaad </td>
<td> Casharka Afraad </td>
</tr>
</table>

MAXSUUL: Shaxaka oo hal midab leh
 

Casharka Koowaad Casharka Labaad
Casharka Saddexaad Casharka Afraad

Kasoo qaad in aad rabtid in khaanadwalba aad u samaysi midab gaar ah, waxaad markaas xeerkii bgcolor="#midabo" u adeegsanaysaa khaanadwalba adigoo midwalba kuqoraaya midabkii aad doontid, sidan oo kale:

XEER KHAANAD KASTA OO MIDAB GAAR AH LEH

<table border="1">
<tr>
<td bgcolor="#ffccff"> Casharka koowaad </td>
<td bgcolor="#cccccc"> Casharka labaad </td>
</tr>
<tr>
<td bgcolor="#ccffcc"> Casharka Saddexaad </td>
<td bgcolor="#ffcccc"> Casharka Afraad </td>
</tr>
</table>

MAXSUUL: Khaanadkasta midab gaara
 

Casharka koowaad Casharka labaad
Casharka Saddexaad Casharka Afraad

ALIGN CELL CONTANT/ HAGAAJINTA QORAAKA SHAXANKA

Waa qaab sahlaya in qoraalka la isku simo ama la isku hagaajiyo si akhrisku uu ugu sahlanaado akhristayaasha. Si arrintaas loo hirgeliyona waxaa la adeegsadaa xeerka ALIGN="right/left", eeg xeerka hoose.

XEER - ALIGN

<table border="1">
<tr>
<td align="left"> CASHAR </td>
<td align="right"> Xisaab </td>
<td align="right"> HTML </td>
<td align="right"> Juqraafi </td>
</tr>
<tr>
<td align="left"> MAALINTA </td>
<td align="right"> Isniin </td>
<td align="right"> Talaada </td>
<td align="right"> Khamiis </td>
</tr>
<tr>
<td align="left"> QIIMAHA </td>
<td align="right"> Shilin 150 </td>
<td bgcolor="#ffccff" align="right"> Bilaash - Free </td>
<td align="right"> $150 </td>
</tr>
</table>

MAXSUUL Align
 

CASHAR Xisaab HTML Juqraafi
MAALINTA Isniin Talaada Khamiis
QIIMAHA Shilin 150 Bilaash - Free $150

CELLPSPACING

Waa habka suurta galka kadhigaya in laba qol [cells] ee shaxan ay u dhexeyso meel bannaan ama ay yarehe kala durugsanyihiin. Waxaana la adeegsadaa cellspacing="tiradii ladoono" sidan oo kale.

XEERCELLSPACING <table border="1" cellpping="8">
<tr>
<td> Casharka koowaad </td>
<td> Casharka labaad </td>
</tr>
<tr>
<td> Casharka Saddexaad </td>
<td> Casharka Afraad </td>
</tr>
</table>

MAXSUUL: Cellspacing
 

Casharka Koowaad Casharka Labaad
Casharka Saddexaad Casharka Afraad
Shaxankaan barbardhig shaxanka lamidka ah ee aan kor kusoo aragnay laakiin aan lahayn CELLSPACING.
CELLPADDING

Waa xeerka suurta galka kadhigaya in meel bannaan [space] ay u dhexeyso derbiga shaxanka [border] iyo qoraalka kuqoran gudaha shaxanka. Waxaana la adeegsadaa xeerka cellpadding="tiradii ladoono" sidan oo kale.

XEER Cellpadding

<table border="1" cellpadding="10">
<tr>
<td> koowaad </td>
<td> labaad </td>
</tr>
<tr>
<td> Saddexaad </td>
<td> Afraad </td>
</tr>
</table>

MAXSUUL: Cellpadding

Koowaad Labaad
Saddexaad Afraad

TAB IYO XEELAD

Dhammaan xeerarka aan kor kusoo aragnay waxaa lagu kulmin karaa ama la isugu keeni karaa hal shaxan, sida hoos kuqoran.

<table border="1" cellpadding="10" cellspacing="9" bgcolor="ffccff">
<tr>
<td> koowaad </td>
<td> labaad </td>
</tr>
<tr>
<td> Saddexaad </td>
<td bgcolor="ccffcc"> Afraad </td>
</tr>
</table>

MAXSUUL
 

Koowaad Labaad
Saddexaad Afraad
 

  Akhri Qaabka samaynta "FRAMES"

 


BOGGA HORE

BOGGA XIGA