SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Ciidamada Gumeysiga Kenya oo in ka badan 140 maalmood ku jira Gudaha Soomaaliya

Iyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ayaguna ku jira Soomaaliya in ka badan 64-maalmood

  • Faallada SomaliTalk.com | Maarso 4, 2012

Ciidamada gumeysiga Kenya waxay ka gudbeen xad beenaadka NFD bishii October 16, 2011, ayagoo intii ka dambeysey deggaanada goboladda Jubooyinka iyo kuwa laolloga ahba ka geystey duqayn isugu jirta madaafiicda noocyadeeda kala duwan iyo duqayn hawada oo ay ku waxyeeleeyeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Dagaalka Kenya ayaa salka ku haya khayraadka xeebta la ollogga ah Raaskambooni oo ay muddo dheer Kenya ku taameysey sidii ay Soomaalida uga durkin lahayd aaggaas, ayadoo hore isugu dayday in ay arrintaas ka sharciyaysato xukuumadda Sheikh Shariif, laakiin ay shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanada Baarlamaanku ay gaashaanka u daruureen. Kaddibna ay markaas Kenya adeegsatey cudud militari oo ay kaga gudubtey xad-beenaadka NFD.

In ka badan 140 maalmood kaddib ayaysan muuqan in ciidamada gumeysiga Kenya ay ka baxayaan ciidda Soomaaliyeed, maadaama aysan jirin xukuumada Soomaaliyeed oo u danayneysa shacabkeeda oo la xisaabtami karta Kenya.

Dhanka kale, ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa sidaas oo kale waxay xuduud beenaadka Soomaali galebeed ka soo gudbeen December 31, 2011 ayagoo xoog ku qabsaday magaalooyin Soomaaliyeed, kana geystey tacadiyo ka dhan ah bini'aadaminaida.

Kenya iyo Itoobiya waa laba dal oo heshiis u ah sidii ay Soomaaliya dhulkeedu gumeysi ugu jiri lahaa. Waxay ahayd 1964 markii heshiis is gaashaan-buuraysi dhexmaray Kenya iyo Itoobiya, heshiiskaas oo ku saabsnaa iska difaacidda Soomaaliya (oo ay labadoodaba gumaystayaashii siiyeen dhul Soomaaliyeed). Heshiiskaas isgaashaan-buuryasiga waxay Kenya iyo Itoobiya cusboonaysiiyeen 1980. Waxa kale oo ay markale sii cusboonaysiiyeen August 28, 1987.


Weriye Kenyan ah oo farta ku fiiqaya dhagax yaal "xad beenaadka"
si uu u caddeyo in ciidankoodu halkaas ka gudbey xilli madaxda Soomaaliyeed arrintaas ankirayen

In badan oo odorosa, una kuur gala siyaasadda geeska Afrika ayaa hore uga hadlay sababaha duullaanka Kenya iyo Itoobiya ay ugu qaadeen Soomaaliya in ay tahay in shacabka Soomaaliyeed lagu sandulleeyo rabitaanka labadaas dal ee gumaystaha qarnigan, si ay markaas u adeegsadaan khayraadka dhulka Soomaaliyeed. Laakiin su'aasha ay tahay in dhab la isu weydiiyo waa: yaa leh eedda dhibaatada hadda ka taagan Soomaaliya?

***

Yaa masuul ka ah dhibaatada ka tagaan Soomaaliya?

map of SomaliaSoomaaliya waxaa dagaal ahli ah ka qarxay 21 sano ka hor, kaddib markii uu dhacay xukun dalka ka jirey 21 sano, xukunkaas ugu yeer diktatoori, shuuci, culimo laaye, kacaan. Soomaalidu kama faa'iidaysan dhicitaankii xukunkii kelitaliska, balse waxay ku bedeleen dagaal ahli ah oo maatadii lagu xasuuqay.

Waxaa taas garab socday in dalalkii cadowga soo jireenka u ahaa Soomaaliya ay arkeen in halkaas fursad uga soo baxday. Si ay dantooda u gaaraan waxay hubeeyeen qab-qablayaan dagaal oo u hamuumay dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo xilligaas abaaro iyo colaadda sokeeyey wiiqeen. Erayada in loo fiirsado mudan waa "Qab-qabalayaal Soomaaliyeed".

Waxaa markaas Soomaalida loo qabtay shirar ay ka soo xushaan madax aragti gaaban oo iska indha saabaxaya xaqiiqada juqraafiyeed iyo mid dhaqan-dhaqaale ee ka jirta geeska Afrika. Madax magac ahaan ka ah Soomaali, balse aan haba yaraatee ku shaqaynayn aragti Soomaaliyeed, oo loo yeeriyo siyaasadda cusub ee laga damacsan yahay juqraafiga cirifka bari ee qaaradda.

Dhibaatada ay madaxda maqaar-saarka ah kuwoodii ugu horeeyey geysteen waxaa ka mid ah in ay dalka u horseedeen in lagu duugo sunta halista ah iyo haraadiga qashinka nukliyeerka, oo cawaaqib xun kureebaya degaanka Soomaaliyeed, naf iyo maalba, iyo dad, duunyo iyo degaanba.

Waxa lagu xejiyey kuwo dalka kusoo hoggaamiya ciidamadii ay Soomaalidu iska caabinayeen qarniyaal. Ciidamo hore gumaysi ugu haytey dhul Soomaaliyeed. Waxay "madaxdaas Soomaaliyeed" isku dayeen in qaar kamid ah dhul-badeedka Soomaaliya la dhaxal wareejiyo. Iyo kuwo dhaca hantida qaranka, ama lacagahii lagu soo siiyey mucaawinada dadka tabaalaysan jeebka ku shubta, dalkiina ka dhigay mid iib ah.

Waxaa dalka loo kala qoqobay gobollo loogu talagalay in  ay ayagu isku mashquulaan, colaad cusubna loo abuuro shacab Soomaaliyeed oo walaalo u ah meel kasta oo laga eego, laguna jajuubo xadad cusub oo gobolaysi iyo qabaliya ku salaysan. Waxaa caburintii ugu weyneyd la saaray saxaafadda, taas oo la isugu daray dil, xarig, hanjabaad, caga-juglayn.

Waxaa soo baxay kuwo sheegta "aqoonyahay Soomaaliyeed", oo samaystay ururro iyo golayaal badan oo marka loo dhaba galo aan wax nuxur ah kuwada hadlayn, ugu yeer qurba-joog, fadhi-kudirir, qaad-cunayaal, iwm. Waxaa taas garab socda maadax cusub oo waxa keliya oo ay jecel yihiin ay tahay in la ammaano, balse aan loo tilmaami karin waxay ku khaldan yihiin, kuwaas oo hami gaaban, aana meel durugsan wax ka eegin. Waxayna kuwaasi soo dhaweytaan oo keliya dadka loogu yeero YES MEN (ama aan madaxdooda runta u sheegi karin).

Waxaa khilaaf dhexdooda ah ka dhammaan waayey xukuumadihii soo maray Soomaaliya 21 kii sano, waxaana is bedeley TNG-DKMG, TFG-DFKMG, Technocrat Gov, Cash Kleptocracy (oo meel marsaday hantidii qaranka iyo mucaawinadii loogu deeqay dadka tabaalaysan).

Waxaa soo baxay xarakooyin iyo kooxo ku doodaya magac Soomaaliyeed oo sii farcamaya maalin kasta, ugu yeer Aala Shiikh, Al-Shariifeyt, Al-Shabaab, Suufiyah Ahlu-Sunna, Al-Ictisaam, Al-Islaax, iwm. Kuwaas oo xilligan waxa keliya oo ay ku mashquulsan yihiin ay tahay sidii mid kasta ay tan kale u burburin lahayd.

Waxaa la isku mashquuliyey Soomaalida dhexdeeda, ayadoo shacabkii tabaalaysan yahay, qaxootina ku abaadeen. Ma jiraan cid ka hadlaysa xadgudubyada ciidamada shisheeye ku hayaan dhulka Soomaaliyeed. Koox kasta ay fiirsaneyso sidii ay uga takhalusi lahayd kooxda kale. Urur kasta ka soo hor jeedo urur kale. Madaxdii ay isugu biyo shubteen inay ka qayb galaal shirar aysan lahayn ajanadayaashooda. Ayadoo aysan jirin qaab ama hab caqligu talinayo.

Halkaas ayaa markaas dalkii oo dhan uu ku noqday baylah, oo aysan jirin cid ka hadasha xad gudubyada ciidamada soo duuley ay ka geysanayaan Beledweyne, baydhabo, iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa sidaas ku dhammaaday 21 sano. Ma jiro cid arrimahaas isku xiriirsan 21-ka sano ee colaadda masuuliyadeeda loo maxkamadeeyey.

Halkaas waxaa kaaga soo baxaya in Zenawi iyo Kibaki ay ayagu gudanayaan hawshii ay u qaadeen shacabkooda (Kenyan iyo Itoobiyaan), in la sandulleeyo madaxda Soomaaliyeed si ay markaas shacabka Soomaaliyeed u badaan saxariirka hadda haysta, dawlad la'aanta iyo dhibaatada 21 sano jirsatey.

Markaas su'aashu waxay tahay, yaa leh eedda dhibaatada ka taagan Soomaaliya. Jawaabta waxaan u dhaafnay akhristaha.

***

Waa Maxay Xalku?

Qoom Allah ma bedelo haddii aysan gacmohooda Isku bedelin.

Xalku wuxuu ku jiraa kitaabka quraanka. Ugu horayn in mujtamaca Soomaaliyeed ay gebi ahaanba u laabtaan Allah, kana baryaan toobad keen caama ah. Joojiyaana xad gudubyada. Guud ahaana ummadda Soomaaliyeed is cafiyaan.

Waxaa markaas la heli karaa, Allah idankiis, in shacabkan masiirkiisa ay hooggaamiyaan madax daacad ah, caadil ah, fikir dheer, ummaddana u horseeda barwaaqo, soo celiya magacii Soomaaliyeed. Ummadda Soomaaliyeed mideeya, soona celiya walaaltinimadii ka dhaxaysey shacabka Soomaaliyeed oo dhan. Madax yoolkoodu yahay horumarinta shacabka. Madax danta shacabka ka dhiga tan koowaad, shacabkoodana u naxariista, adduunkana si caqli ah ula xisaabtama.

Suuradda Ar-Racad, Aayadeeda 11, qayb ka mid ah ayaa macneheedu yahay: "Allah ma dooriyo wax dad ku suganyahay intay ka doorinayaan waxa naftooda ku sugan" {Qur'aan 13:11}.


Indeed, Allah will not change the condition of a people until they change what is in themselves. {13:11}

Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2012

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

Kenya iyo Itoobiya oo Shirkii London kaddib Nairobi ku kala saxiixday heshiis ku saabsan waddo-tareen oo isku xiraysa Lamu iyo Addis Ababa


Mashruuca Waddo-tareen oo isku xiriirinaysa Lamu iyo Addis Ababa


faarax macallin
Faarax Macallin: Ma dhici doonto in Mardambe Xamar looga taliyo Kulbiyow, ninka taas ku riyoonayana waxaa uu ku nool yahay qarni kale...



Qaadka Quba



October 31, 2011 Communique - Read here



Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012



Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG



Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

oil somalia
Duulaanka Kenya waa mid salka ku haya in ay Shidaal ka Baarato Xeebaha Soomaaliya..



Oct 27, 2011:
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya



Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya



Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Kenya haysato warqad ay DFKMG ku ogolaatay in Ciidamada Kenya galaan Soomaaliya



Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiibta Dagaalka Faransiiska oo duqeeyey magaalada Muday....



Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya



Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya



Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni