SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DAGAALKA SHIDAALKA

Biloowga Dagaalka Shidaalka (Black Gold) Ee Soomaaliya!

“A free society is one where it is safe to be unpopular”- Adlai Ewing Stevenson

Hordhac/Gogoldhig

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo

Intaa kabacdi, aqristaha sharafta badanoow, ma aha wax lagu farxo wadan 20-sano iyo ka badan burbur iyo dagaalo ka dhex aloosnaayeen, magacyo kala duwanba haloo yeelee, guntooduna wada aheyd dano shisheeye oo dad maqaarka sare Soomaali ka ahi u fulinayeen, in hadana dagaal Shidaal hada iyo koow uu kusii furmo, waa naxdin iyo nasiib darro inteeda la eg!

Fadlan adigoo cinwaanka sare iyo xikmadaa kore ee Ingiriiska ku qoranba maskadxa ku heynaya, aan toos u guda galno qormadan aan rabno in aan ku qaadaadhigno arintan ummadeena muhiimka u ah.

Duullaanka Kenya Iyo danaheeda guracan ee Dahabka madoow (Black Gold) ee Soomaaliyeed

Gobolada Jubbooyinka waxaa dagaal xoogan- Oo in badan oo birimageyda ahi lagu gumaadeey- ka wada Dowlada Kenya, oo sida ummada Soomaaliyeed la socoto, soo gashay wadanka Soomaaliya iyada oo aan wax ogolaasho ah ka heysan Dowlada Federaalka ee ku meelgaarka ah, balse markii Madaxweynaha Soomaaliya raganimo iska dayey ee uu qeylo afka labadii yeerey, ayaa isla durbadiiba waxaa lagu furey: Buuq iyo qeylo, hanjabaad, handadaad iyo cagajugleyd xoogan oo Kenya eey hor boodeeysey, iyadoo kaashaneeysa wadamada mashruucan Shidaal boobista ah kula jira sida: Dowlada Norwey, China, France, Ugandha iyo Ethiopia, iyo qaar kale oo ka mid ah quwadaha waaweyn ee aduunka, oo magaca Shidaal meeshii eey ku maqlaanba ku miirbeela!


Moses Wetang iyo Abdirahman Abdishakur Warsame

Dowlada Kenya waxeey si farsameysan ugu guuleeysatey in eey aamusiso/shibiso madaxda Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo waliba in eey madaxda Soomaalida kula hadlaan Ummadooda Soomaliyeed iyo dunida inteeda kaleba Luqada Kenya caalamka ula shirtagtey.

Waxeey sidoo kale Kenya ku guuleeysatey in eey abuurto sawir aan jirin oo ah in danaha duulaankani uu yahay oo kaliya waxa loogu yeero “Ladagaalanka Argagixisada Caalamiga ah’. Balse Xaqiiqda dhabta ahi ee lawada ogsoon yahay ee duullaankan guracan ee Kenya ayaa ah ceelka Shidaal ee Kenya mudo dheerba ku hamineysey in eey ka qodato gudaha soohdinta Badda Soomaaliyeed.


Kibaki, Sheikh Sharif, Raila Odinga, George Saitoti4


Moses Wetangula,Mohamed Yusuf Haji, Hussein Arab

Prof. Gaandi

Waxeey Ummadeenu ogtahay-Intii la socotey- In hada kahor la isku dayey in Baarlamaanka laga ansaxiyo ku xadgudubka soohdinta Badda Soomaaliya, kadib markii dowlada wax loo dhoodhoobey laga saxiixdey 7-dii April 2009-ka , ula jeedaduna aheyd Ceelkaa Shidaalka ah, sidaana hadii lagu guuleeysanlahaa Qaramada midoobey looga ansaxin lahaa.


Raila Odinga iyo Abdiweli Gaas

Arintan ka miro dhalinteeda waxaa isu kaashanayey Dowlada Kenya, Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya (United Nations Political Office for Somalia-UNPOS), Dowlada Norwey, iyo nasiib darro Madaxda Dowlada Ferderaalka ah oo aad ugu ololeeynayey arintan.

Nasiib wanaagsase! Baarlamaanka ayaa go’aan taariikhi ah gaarey 1-dii Augost 2009-ka wixii oo dhanna Afka ciida u darey.

Kenya hadii sidii farsameeysneyd wax ugu hagaagi waayeen, waxeey go’aansatey in eey xoog ku muquuniso oo eey ku qodato ceelkaa shidaal ah ee ku yaala gudaha xuduuda badda Soomaaliyeed, balse caalamka u jisho Daraamo soconkara oo aad ayaamahan beesha caalamka uga gadmayey, kaasoo ah waxa loogu yeero “La dagaalanka Argagixisada”.


Yoweri Museveni,Kibaki, Sheikh Sharif

Balse Daraamahaa xitaa macquul ma ahaadeen oo ma shaqeeyeen, hadii aan la aamusin laheyn Madaxda Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed, oo waliba aan Caalamka intiisa kale loo tusin laheyn, in eey raali kawada yihiinba, sidaana aan caalamka loo tusinlaheyn iyadoo “Heshiisyo” lakala saxiixanayo oo marna lawada joogo Muqdisho (October19,2011-kii) marna Nairobi(Abdiweli October31, 2011 iyo Shariifka November16, 2011), iyadoo isku Mabda’ wax ah oo kale aan warbaahinta caalamka loo qeybin laheyn, taasoo sahashey fahamka ah in arintu eeysan aheyn wadan dhan oo wadan kale kusoo duuley si kheyraadkiisa uu u boobo, balse eey tahay arintu laba wadan oo saaxiibo iyo darisba ah, oo isu kaashanaya meel ka saarida Koox argagixiso ah oo halis ku ah nabada labadaa Dal, sidaana Kenya eey ammaan ku mudantahay in eey dhiiga askarteeda u hureyso walaalahood Africa ee dariskana yihiin.


Odinga iyo Netanyahu

Waliba si Daraamahaa Caalamka loo jilayo iyo Propagandadaa loo adkeeyo, waxeey Kenya ku bixisey safaro wadamo farabadan looga dhaadhicinayey qorshahaa, illaa Israel taageero looga raadiyey, iyadoo la ogyahay sida Israel siyaasada arimaha dibada ee Mareykanka saameynta ugu leedahay, iyadoo umarta ururkeeda Xooga badan ee lobby-ga ah ee loo yaqaan “AIPAC”.


kibaki and Joe Biden

Kenya waa wadan dantooda guud u wada gulfinaya oo isku duuban, madax, ciidan iyo shacabba, inagana duulaankaa mowqifkii eey ka qaadan lahaayeen ayeyba ku kala qeybsanaayeen in mudo ah! Kenya waxeey sidoo kale in badan saxaafada ugu buunbuunisey si aad ahna ugu baahiyey warbaahinta mid gudo iyo mid dibadeedba arintan daraamaha ah ee “Ladagaalanka argagixisada” ee lagu qarinayo qorshaha dhabta ah ee duulaanka. Kenya, maadaama eey fahamtey in caalamkii kale sawirkaa khaldan eey siinkarto, wadanka Soomaaliyana Dowlad iyo Shacab isku duuban oo kheyraadkooda ka difaacanaya cadowgaa hororka ahi eeysan jirin, oo kuwa hada joogana lagu guuleeystey in eey la shaqeeyaan Dowlada Kenya, ayaa Kenya waxeey go’aansatey oo hami weyn iyo Yadadiilo mug weyni ka gashey in eey gaarto Faax-Fax Dhuun ee Gobolka Gedo si eey ugala soo baxdo Gaas-ka Dabiiciga ah ee iska dhex ceeygaaga/ buuxdhaafey, iyadoo Dowlad Goboleed Maqaar-saar ah “Azania” ka sameyneysa, madax maqaar-saar ahna uga dhiganeysa Karazai-ga Jubbooyinka ee “Prof.Gaandi”, sidaana uga dhigeeysa wax Soomaaliya iyo Kenya iska wada kaashadeen, raalina isaga wada yihiin, ileyn kuwanba maamulkaa maqaar saarka ahi horboodayaba waa Soomali kale e.

Gabagabo iyo Gunaand

Saxaafada afartii maalmood ee hore ayey xoogaa ka hadashey dagaalkan, hadase weyba ka xiiso dhacdey waloow nasiib daro! Dagaalkii uu wali socdo, Marastii sidii ayaa loo leynayaa, dowlada kumeelgaarka ahna sidii ayey luqadii loo meeriyey ee “Ladagaalanka Argagixisada” u daldaleeysaa, qorshihii qodista ceelkaa shidaalkana wey socotaa. Marka ceelkaa boqolaalka malaayiin lagu bixiyo, oo dowladahaa shisheeyana qeybtooda helideeda u bilaabato, waxaa waxkasta ka adkaan doonta in dib dambe xaqaa ummadeena la duudsiinayo loo helo, maxaa yeeley Kenya waxkasta oo cududeeda ah wey isugu geyndoontaa ileyn wuxu waa “Dahabka Madoobe”,.

Dhinaca Diplomacy-yadana waxaa ku garab istaagi doona dowladahaa Malabkaa la dhuqi doona. Inta goori goortahay wey wanaagsanaan laheyd, in meelkasta mudaharaadyo joogto ah ummadu ka dhigto, meelkasta waraaqo loo kala diro, saxaafada Soomaaliyeed si fiican arintan ugu istaagto, aqoonyahankana cidkasta arintan kala hadlaan, madaxda soomaalidana meelkasta lagu weeydiiyo oo pressure-ka dhabta ah ee arintani mudantahay la dareensiiyo.

Nasiib darrada ugu weynse waa in Madaxdeenu dantooda gaarka ah–sida in xoogaa eey sii joogaan oo dowladahaa eeysan ka carqaladeyn, ama xoogaa dhaqaale ah qaataan,- ka hormariyeen dantii guud ee qaranka Ummadeena Soomaaliyeed iyagoo nasiib darro waxkale inoo wada jilaya.

“Politics is the art of making your selfish desires seem like the national interest” -Thomas Sowell

Wabillaahi Towfiiq.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com

Tixraac

1- http://www.trust.org 2- http://mondoweiss.net/ 3- http://www.csmonitor.com/ 4- http://thediplomaticpost.blogspot.com/ 5- http://english.alshahid.net/ 6- http://www.biyokulule.com/ 7- http://www.africareview.com/ 8-http://somaliswisstv.com

War hits Kenya’s bid to expand waters

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2012

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

Mashruuca Waddo-tareen oo isku xiriirinaysa Lamu iyo Addis Ababa

faarax macallin
Faarax Macallin: Ma dhici doonto in Mardambe Xamar looga taliyo Kulbiyow, ninka taas ku riyoonayana waxaa uu ku nool yahay qarni kale...



Qaadka Quba



October 31, 2011 Communique - Read here



Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012



Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG



Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

oil somalia
Duulaanka Kenya waa mid salka ku haya in ay Shidaal ka Baarato Xeebaha Soomaaliya..



Oct 27, 2011:
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya



Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya



Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Kenya haysato warqad ay DFKMG ku ogolaatay in Ciidamada Kenya galaan Soomaaliya



Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiibta Dagaalka Faransiiska oo duqeeyey magaalada Muday....



Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya



Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya



Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni