SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Dr. Barre Xaaji Jaamac “Warka Fowsiya ku Beenisey Heshiiskaas waxaan ka leeyahay War Jiraaba Cakaaruu Imaan”

“ Kuwa Baddeena Muranka Geliyey Inkaar idiin ku Dhacdey”

“Muddo dheer ayaa u soo shaqeynayey Dowladihii kala duwanaa ee Dalka soo marey waligey ma maqal Muran ka taagan Badda Soomaaliya waxaan aad u naxay markaan Maqley Baddii Soomaaliya ayaa Dood la geliyey Sannadkii 2009 hase yeeshee waxay Neef iga soo Go’dey markii uu Baarlamaanka uu laaley in Badda Soomaaliya Muran la geliyyo”ayuu yiri Dr: Barre Xaaji Jaamac oo ka mid ah Aqoonyahanda Soomaaliyeed oo intaa ku darey


Labada wasiir oo dukumiinti isku weydaarsanaya Nairobi

“ Waa wax laga Naxo in mar kale la soo Nooleeyo Murankii Badda ee Soomaaliya , miyeysan Dadku fahamsaneyn in Badeenna mar hore la Calaamadeeyey, waana arrin u baahan in kuwa mar waliba soo Nooleeya in Maxakamad la soo taago waayo maalin waliba marka ay Dowlad Dhalato maxaa looga hadlaa Badda Soomaaliya kuwa mar waliba Muranka Geliyana Baddeena waxaan leeyahay Inkaar Idiin ku Dhacdey” Waxaa uu sii raaciyey

“Waxaan Warbaahinta Xaley ilaa maanta aan ka Maqlayaa Wasiiradii arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka oo Beenineysa Heshiis ay la saxiixatey Dowladda Kenya oo ku Aadan in mar kale laga wada hadlo Badda Soomaaliya , markaan si wanaagsan u dhageystey Wareysigaas ku saabsan Heshiishkaas waxaa ii soo baxay in Fowsiya wax badan ay Qarineyso waayo waxaa hadalkeeda ku jirey in ay tiri waa igu soo hadal qaadeen arrintii Badda , hadaba maxaa keeney in la isla soo qaado horaa Baarlmaanka u dhameeyey arrintaas marka waxaana leeyahay Fowsiyo War jiraaba Cakaaruu Imaan”

Dr:Barre waxaa uu sheegey in uu Akhriyey warka ay sida wada jira u soo saareen labada Wasiir ee Arrima Dibadeed ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa laga dhadhansanyaa in uu Heshiiskaas jiro islamarkaana waxaa uu sheegey in Fowsiya ay wax badan daboolka saareyso wuxuuna sheegey Dr Barre in kuwa mar waliba soo hadal qaada Badda Soomaliya waxaan leeyahay Dadka Soomaaliyeed ee Xiligaan Jooga waxba lagama Qarin karo ee yeysan Taariikh Xumo Idiin raacin.


SomaliTalk.com miyaa Buun-Buunisay Badda Soomaaliya, mase Fowsiya Xaaji ayaan ku Baraarugsanayn waxa ku Qoran Heshiiska ay la Saxiixday Kenya

31-kii Bishii May ayaa waxaa Magaalada Nairobi Heshis kuwada gaarey Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxaana Heshiiskaas Qodob ka mid ah uu Qorayo in labada Dal ay kawada hadlaan arrimha Badda Soomaaliya hase yeeshee Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waa ay Beenisey in wax heshiis ah oo ku saabsan Badda Soomaaliya la saxiixatey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com |  June 6, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: