SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilimi Boqore oo si kulul uga soo horjeestey iskuday kasta oo la doonayo in Badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 mayl

  • SomaliTalk.com | April 29, 2013

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cismaan Cilimi Boqore, oo ay waraysi la yeelatay idaacada Alfurqaan ee ka hadasha magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu noqon doono Xildhibaanka ugu horeeya ee si cad u diidi doono qorshe kasta oo la doonayo in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 mayl. Waxana uu tibaaxay "Soomaali waxaa halkaas dhigay ee burburiyey ee baabi'yey waa wadani-nimo xumo."

Raadiyo Alfurqaan ayaa weydiiyey in la soo cusboonaysiiyey arrintii baarlamaankii hore ee KMG ahaa uu laalay ee ahayd heshiiskii badda iyo faragelintii Norway ee isku dayga in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 mayl, iyo sida arrintaas baarlamaankii hore u wajahay.

Cismaan Boqorre waxa uu ku jawaabey "Baarlamaankii hore markii la horkeenay arrinta (Badda) waxaan ka mid ahaa guddoonkii baarlamaanka, waxaana ahaa guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka, waxaana ahaa raggii u ugu cad-caddaa ee arrintaas aadka diidanaa, maantana waxaan leeyahay anigoo Alxamadullilah weli baarlamaanka ka mid ah, waxaaan noqon doonaa shakhsiga ugu horeeya ee si cad arrintaas uga horyimaada, ee si cad u diidi doona maadaama aan xubnaha baarlamaanka ka mid ahay."

Waxana uu hadalka kusii adkeeyey "Arrinkaasi wax socon karaya iyo wax imankaraya iyo wax Soomaali u cuntami kara midna ma aha".

Markii la weydiiyey in guddoomiyaha hadda ee baarlamaanku uu haysto dhalashada Norway oo arrintaas soo saxiixay, waxaa Cismaan Cilimi Boqore ku jawaabay:


Guddoomiye ku xegeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga  Cali Maxamed Nuux (Timajilic) - "Waa in Baarlamaanku aysan Sabab u noqon in Taako Kamid ah Badda Soomaaliya lagu qaato si Khiyaali ah"

"Asagay u taalaa adeer, asagu waa shakhsi ah afhayeenka baarlamaanka , wuxuuna kala mid yahay wixii baarlamaanku go'aansado, si khaas ah ama si gaar ah guddoomiyaha baarlamaanku uma saxiixi karo heshiiskaas. Waa haddii sharciga la dhawaryo. Haddiise sharciga la dhawri waayo, ninkii dhawri waayaa asagay u taal."

Boqorre waxa uu hadalka ku sii daray "Weligay kama waaban inaan runta caddeeyo ama sheego, haddana kawaaban maayo. Marka waxaa weeye sirtu runtay u soo noqon, beentuna halkeedey ku hadhi. Soomaali waxaa halkaas dhigay ee burburiyey ee baabi'yey waa wadani-nimo xumo, Soomaalida badankeedu wadani ma aha, ninkii wadani ah hadduu maqlo waxyaalaha noocaas ah dhiigga ayaa dubaaxinaya. Waana ka tiiraan-yoonayaa, waana ka xumaanayaa. Waxyaabaha noocaas wax la maqli karo ma aha."

"Dhul Soomaaliyeed ayaa la bixiyey, bad Soomaaliyeed ayaa la bixiyey, gobollo Soomaaliyeed ayaa dawlad kale maamul, waxyaabaha noocaas ah wax la aqbali karo ma aha," ayuu yiri Xildhibaan Cusmaan Cilimi Boqorre.

Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: