SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Maanta u Dhoofay Dalka Norway.

Dowladda Noway oo Dooneysa in ay Dib u soo Nooleysa Heshiiskii Fashilmey ee Dhinaca Badda

  • Waftiga Jawaari waxaa uu ka kooban yahay 17 Xubnood oo ay Shan iyo Toban ay yihiin Gudoomiyayaasha Guddi Hoosaadyada Baarlamaanka iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.

Wafddi ka socda Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Por. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa maanta (April 3, 2013) ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde Magaalada Muqdisho, ayagoo kusii jeeda dalka Norway.

Guddoomiyaha oo intii uusan ka Duulin Garoonka Diyaaradaha Saxafiyiinta kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha ayaa ka warbixiyay Safarka ay ku tagayaan Dalka Norway. Jawaari ayaa sheegay in bixitaankoodaani uu yimid ka gadaal markii ay casuumad ka heleen Guddoonka Barlamaanka Dalka Norway.

Porf Jawaari ayaa intaa ku daray in mudada ay joogaan Dalka Norway in Baarlamaanka Dalkaasi ay is weydaarsan doonaan aqoon is weydaarsi iyo kala qaadashada waaya aragnimada labada Baarlamaan. Waxyaabaha ay kala hadli doonaan Barlamaanka Norway ayuu sheegay Guddoomiyaha Barlamaanku in ay ka mid noqon doona is dhaafsiga labada Baarlamaan dhinaca Waaya aragnimada.

Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa farta ku fiiqay in mudada ay joogaan dalkaasi ay kulamo kala gooni gooni ah ay la yeelanayaan Xildhibaanada Barlamaankaas oo uu sheegay in ay ugu horeeyaan Caalamka dhinaca Horumarada Porf. Jawaari ayaa xusay in Barlamaanka Soomaaliya ay tani u tahay fursad ballaaran isla markaana ay ka faa’ideysan doonaan kulamada ay la qaadan doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Dalka Norway.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa wafdigiisa waxaa uu ka kooban yahay 17 Xubnood oo ay Shan iyo Toban ay yihiin Gudoomiyayaasha Guddi Hoosaadyada Baarlamaanka waxaa kaloo ka mid wafdigaas oo ku Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.

Dowladda Norway ayaa waxaa la sheegey in ay Soomaaliya ka leedhaya Dano aad u Muhiim oo ay ugu horeyso Dhinaca Badda , maadaama Dowlada Norway lagu sheego in Shirkado laga leeyahay Wadankaas ay haatan Shidaal Baaris ka wadaan qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya iyadoo ku Gambaneysa Dowlada Wadanka Kenya oo Sannadkii 2011 ay Ciidamo ka tirsan Wadanka Kenya ay Xoog ku soo galeen Dhul Balaaran oo ku yaala Gobolada Jubbooyinka.

Baarlamaankii kan ka horeeyey ayaa waxaa ay si Cad u diideen Heshiis Dhinaca Babdda oo ay wada gaareen Doweladii uu Hogaaminayey Shiikh Shariif iyo Kenya. Hadaba Baarlamaanka hadda jira ma mari doonaa Wadadii uu marey Baarlamankii hore iyadoo la ogyahay Gudoomiyaha Baarlamaanka uu yahay Nin haysta Dhalashada Wadanka Norway ahaydna Dowlad lagu Xanto in Jawaari uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka, hadaba la arkii doonee waxa ka soo baxa Kulamada labada Dal.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Kalfadhigii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta Dib u Dhac ku Yimid.

Kalfadhigii Labaad Kulankiisii Todobaad ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta baaqday ka gadaal markii ay soo Xaadiri waayeen Kooramkii ama Tiradii uu Shirku ku qabsoomi lahaa.Guddoomiye ku Xigeenka barlamaanka Mahad cawad oo la hadlay Xildhibaanadii maanta soo xaadiray Barlamaanka ayaa u sheegay xubnihii halkaa ku sugnaa in ay iska laabtaan isagoona sheegay in ay soo xaadireen Xildhibaano gaaraya illaa Boqol iyo Toban Xubnood.

Guddoomiye ku Xigeenka ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee uu Shirku ku qabsoomi lahaa lagana rabay ay ahayd boqol Soddon iyo Sagaal Xildhibaan hase yeeshee tiradaasi la waayay taasina aysan suurta gal ahayn in uu qabsoomo Fadhiga. Guddoomiye ku Xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ay jiraan Xildhibaano aan fasax lahayn oo gudaha magaalada iska jooga kuwaas oo uu sheegay in tallaabo laga qaadayo.

Cawad ayaa u cudur daaray in ay jiraan Xildhibaano Dalka dibaddiisa ku maqan kuwaasoo loo baahan yahay in maalinimada Berri ah ay iska soo xaadiriyaan Fadhiga oo halkiisa ka sii socon doono.Sikastaba maalinimada Berri ah ayaa la filayaa in Fadhiga halkiisia uu ka sii socdo haddiiba uu dhamaado Kooramka Suurta galinaya Fadhiga Baarlamaanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2013

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: