SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulankii Wasiirka Cadaaladda Janaqoow iyo Jaaliyadda Finland



Wafdigaan oo ka koobnaa Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka ee Dowlada Midnimo Qaran Sh C\raxmaan Max,uud Faarax (janaqoow), xildhibaan ugaas Axmed Bile iyo Xildhibaan Daahir Max,uud Geelle ayaa wexeey kulan aad u balaaran la qaateen Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Helsinki ee Wadanka Finland.

Kulankaan oo ay dad aad u badan kasoo qaybgaleen ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland.

Dadkii kasoo qeyb galay oo gaarayay boqolaal ayaa ugu horeyntii waxaa isaga oo magaca jaaliyadda finland ku hadlaya bilaabay hadalkii Gudoomiyaha Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland Mudane Said Karshe

wuxuuna ugu horeyntii u mahad celiyey wafdiga iyo dhamaan dadkii kale ee halkaas isugu yimid isagoo xusey ineey baahi weyn u qabaan in ay la kulmaan mas,uuliyiinta ka socda DKMG isla markaasna loo faahfaahiyo marxalada guud ee wadanku marayo, ka dibna waxaa uu warbixin guud ka bixiyey xaaladda jaaliyadda Finland heerarkii ay soo martay iyo waxqabadkeeddiiba.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadasheyay Xildhibaan Cabdulqadir Dhicisow oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee dowladda Midnimo Qaran kana mid ah jaaliyadda Finland ayaa waxaa isagoo ku hadlaya magaca jaaliyadda iyo kan xildhibaanimaba kusoo dhaweeyey sidoo kale wafidgii uu wasiirka hogaaminayey wadanka finland ka dibna wax yar kataabtay Taariikhda Jaaliyadda Finland oo uu isagu ka mid ahaa dadkii wax ka aasaasay.
Waxaa sidoo kale kaalintii Dumarka ee jaaliyadda Filand ku hadlay Mulki oo ah takhtarad Soomaaliyeed degan Finland, oo iyadda ku nuux nuuxsatay kaalinta dumarka iyo waxa looga baahan yahay.

Waxaa kaloo hadalo kooban halkaas ka soo jediyey xildhibaan Ugaas Axmed Bile oo isagu intii uu hadlayey aad arkeysey iney dadbadan xiiso gaar ah siinayeen ka dib markii uu dhowr dhacdo oo layaab leh oo ka dhacdey wadnkii uu uga sheekeeyey dadkii jaaliyadda ee kasoo qayb galay ka dibna waxaa uu ugu baaqay dadka reer Finland ineey taageeraan dowlada, dadka ay la nool yihiina ixtiraamaan.

Intaas ka dib ayaa waxaa hadalkii lagu soo dhoweeyey Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka ee Dowlada midnimo qaran Sh C\raxmaan Janaqow wuxuuna sheegay ujeedada ay u yimaadeen oo aheyd dalab iyo casumaad ay ka heleen Golaha midnimadda Soomaaliyeed ee Finland

Dhanka kalana wuxuu ku dheeraadey waxa ay Diinteena islaamku ka qabto afkaar Diineed nagu cusub oo ay wataan qoladaan magacyada badan sida uu qofba u yaqaano isagoo sheegay wasiirku in xiligii Rasuulka SCW la arkey ninkii ugu horeeyey ee qabay fikirkaas cudurka ah wuxuuna Rasuulka ku tilmaamey inuusan cadaalad faleynin,fikirkaas qaldana waa fikirkii lagu diley Sayid Cusmaan iyo Sayid Cali, wuxuuna wasiirku hoosta ka xariiqay dhibaatada balaaran ay ku hayaan dadka iyo dalkaba ayna haboon tahay in Dowlada kaliya aan la sugin ee si wada jir ah la isaga kaashado.

Dhibaatada ugu badana waa Diintii oo si qaldan loogu fasirayo dadka aan cilmiga laheyn dhalinyaradeeniina maskaxda ayaa laga qaldey,jihaad ayeey dhegta ka maqleen meel ay ka bilaabaana ma yaqaaniin, diinta islaamku ma qabto xagjirnimo dariiqadeena Ahlusunna ma ogola in laga hor imaado madax ku dhaqmaysa diinta islamka ama dowlad Islaam ah, wuxuuna wasiirku ku nuuxnuuxsadey in culumoowdiinka looga baahan yahay in ay waajibkooda gutaan qaladka iyo saxdana u kala cadeeyaan dadkooda.

Dhanka kale waxa uu wasiirku hoosta ka xariiqey in dowladaan tahay dowlad muslim ah oo ay ka duwan tahay dowladihii horey u soo marey Dalka waxaana diyaar u nahay in la doodo la is toosiyo la isi saxo waxaana geed dheer iyo geed gaabanba u kornay wada hadal si loo helo nabad waarta balse waxaa nasiib daro ah in ilaa iyo hada la nahay.

Dhamaan dadkii kulankaas ka so qeyb galey ayaa aad ugu qiiroodey qudbadii wasiirka oo aad u soo jiidatey wuxuuna dhamaan hadaladiisa u adeegsaneyey aayado qur,aana axaadiis, iyo qaar ka mida murtida Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxaa halkaas su aalo ku saabsan howlaha dowlada iyo waxqabadkeeda ay ku weydiiyeen ka soo qeybgalayaashii kulanka wasiirka iyo xildhibaanadii la socdey. guud ahaana si wanaagsan kusoo dhamaadey.

Guddoomiyaha golaha midnimadda Soomaaliyeed Waxaa uu halkan mahad celin uga dirayaa qaybihii kaalinta weyn ka qaatay soo qaban waxaana aya kala yihiin
ururka dhallinyarada ee Kanava
dad wadaniyiin ah oo ka kala socday bulsha qaybaheeda kala duwan. Halkaan waxaad ka arki kartaan guddiga qabanqaabada iyo magacyadoodaba.
1. Said Karshe Aden
2. Abdulkadir Deicisow
3. Abdulkadir Ahmednur
4. Mulki Elmi Mölsä
5. Abdirisaq M. Hassan
6. Dr. Axmed Weheliye
7. Dek Gurhan
8. Axmed Sandheere
9. Sh. Mohamed Musse Abdulle
10. Abdirashid Awad Dirie
11. M.Ali yaanyo
12.Abdiaziz Godah
13. Ahmed Dahir Kahie
14. Xuseen Yussuf
15. Foodcade
16.Yasin Gas
17.Abdi Caagane Omar
iyo in kale oo aan halkaan magacyadooda lagu soo koobi karin.

Abdiaziz Godah
Helsinki-Finland
agodah@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 24, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version