Waftiga Puntland ee ku sugan Sweden oo ku guuleystey sammeynta
xiriiro muhiim ah.Jaaliyada Puntland ee ku nool UK oo si
heer,sare ah u soo dhoweeyay Madaxweyne Dr Abdirhmaan Faroole
Waftiga Puntland ee ku sugan Sweden oo ku guuleystey sammeynta
xiriiro muhiim ah.
Hordhac
Sida ay dad badani la socdaan waxaa beryahaan socdey dadaal badan oo
biblumaasiyeed oo ay sameynayeen madaxda dowlada cusub ee Puntland.
Ololaha diblumaasiyeed ee hayàdaha kala duwan ee maamulka puntland waxaa
looga goleeyahay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in aduunweynaha loo
sharaxo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Puntland. Waxaa kaloo ka mid ah
ujeedooyinka in xiriir lala sameeyo hayàdaha dowliga ah ee ku yaala
wadamada yurub iyo ameerika. Howshaas waxaa tusaale fiican u ah waftiga
uu hogaaminaayo madaxweynaha dowlad goboleedka puntland Dr Cabdiraxmaan
Faroole. Waftigaasi waxaa ay soo mareen, xirriir fiicana la soo
sameeyeen dowlada Mareykanka iyo hayàdeheeda kala duwan, iyagoo kolkii
damena gaaray cariga ingiriiska. Si taas la mid ah waxaa iyana booqasho
ku joogey iswiidhan wafti uu hogaaminaayo Wasiir ku xigeenka arimaha
gudaha Mudane Cali maxamed Xoosh.Waxaa kaloo waftiga ka mid ahaa Duqa
magaalada Boosaaso Mr A/risaq Xareed iyo ku xugeenka madaxa jaamacada
Bariga afrika, prof. C/qaadir Saciid Cali (shino)
Booqashadii waftiga ee gobolada Sweden
Waxaa waftigu booqasho kusoo kala bixiyeen gobolo iyo degmooyin dhowr ah
oo ku yaala wadanka sweden. Meelaha ay tageen wafigu waxaa ka mid ah
caasimada Sweden ee Stockholm , Gothenburg oo ah caasimada labaad ee
Sweden. Waxaa kaloo ay booqdeen magaalooyinka dhexe ee xagga koonfureed
ka xiga caasimada kuwaas oo kala ah magaalada Örebro iyo magaalada
Eskilstuna. Magaalada Örebro waa magaaladii ahayd saldhiga waftiga isla
markaasna ay martida u ahaayeen. Waftigu waxaa uu la kulmay hayàdo kala
duwan oo reer sweden ah.Hayàadkaas waxaa ka mid ahaa wasaarada arimaha
dibada, Hayàda kaalmada dibada ee SIDA, Jaamacada Gobolka Örebro iyo
weliba dowlada hoose ee gobolkaas.
Dhamaan arimihii laga wada hadlayna waxaa ay ku dhamaadeen guul iyo
isafgarasho wacan.
Waxaana sida la qorsheynaayo tegi doona gobolada Puntland wafti balaaran
oo ka socda wadanka Sweden. Ujeedada waftigaasi waxaa ka mid ah iney soo
arkaan xaalada hayàadka kala duwan ee Puntland iyo waxyaalaha ay
puntland qabsatay iyo waxyaalaha ay u baahan tahay in laga kaalmeeyo.
Waxaa kale oo waftiga Punland meel kasta oo ay tagaanba kula kulmayeen
jaaliyada reer puntland iyo weliba dadka soomaaliyeed guud ahaanba.
Waftigu waxaa uu jaaliyadaha u sharaxaayey ugana waramaayey xaqiiqda
dhabta ah ee ka jirta Puntland. Waxaa kale oo jaaliyadaha ay fursad u
heleen iney suàalo waftiga weydiiyaan.
Booqashadii Waftiga ee Magaalada Eskilstuna
Magaalada Eskilstuna waa magaalo qadiimi ah oo ku taala meel waxoogaa
koonfur ka xigta magaalada caasimada ah ee Stockholm.Magaaladu sanadkan
aan ku jirto ayey u dabaal degeysey sanadguuradii 350-naad. Magaalada
waxaa cadadka dadka degan lagu qiyaasaa ilaa 95 kun oo qof. Waxaa ay
magaaladu leedahay kuliyado jaamacadeed oo kala duwan.
Dadka soomaaliyeed ee magaalada ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa ilaa
600-700 oo qof.
Dadku waxaa ay u badan yihiin dad muddo yar joogey wadankan sweden.
Haddaba kolkii waftigu nagu soo booqdeen magaalada waxaa ay la kulmeen
dadweyne soomaaliyeed oo aad u badan. Dadkaasi ma aaney ahayn reer
puntland oo keliya basle waxaa ay ka koobnaayeen dhamaan dad ka soo
jeeda gobolada soomaaliyeed. Waftigii booqashada ku yimid magaalada
waxaa ay ka koobnaayeen wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha
Muddane Cali yuusuf cali xoosh iyo ku xigeenka madaxa jaamacada bariga
afrika, Proff. C/qaadir saciid cali (Shino)
Dadweynihii hoolka shirarka ee magaalada isugu yimid waxaa ay aad u
xiiseynayeen iney la kulmaan waftiga, warbixin ka dhegeystaan iyaguna
waxii suaalo ama talooyin ah ay u gudbiyaan maamulka Puntland. Waftigu
waxaa uu hadalkooda ku bilaabay xiriirada ay sameeyeen ee aan kor kaga
soo hadalay. Waxaa kaloo ay ka warameen ujeedooyinka ay sweden u
booqanayaan. Waxaa waftigu warbixin aad loola dhacay oo sugan ka
bixiyeen xaalada guud ee Gobolada Puntland iyo soomaaliyaba ay ku sugan
yihiin.

Sawirada oo weyn halkan ka daawo
Bal aan jaleecno waxyaalihii ay waftigu ka yiraahdeen arimaha soo
socda:
Siyaasada: Puntland waxaa ay dooneysaa iney ka gudubto qaabka
doorashada ee qabiilka ku saleysan ayna u gudubto qaabka dimoqraadiyada
ah ee xisbiyada badan ku saleysan.
Arinkaas golaha baarlamaanka iyo kan xukuumaduba waa
ansaxiyeen.Howshu hadda ka dib waxaa ay noqoneysaa diyaarinta qaabkii
loo dhaqan gelin lahaa iyo fududeynta qaab siyaasadeedkaas. Waxyaalaha
muhiimka ah waxaa ka mid ah, tirakoobka dadka, sii sugida amaanka,
arimaha soohdimaha iyo kuwo kale oo badan.
Waxbarashada: Heerka tacliinta Puntland waxaa ay samaysay horumar
wanaagsan laga soo bilaabo bur-burkii dowladii dhexe ee soomaaliya.
Tusaale ahaan 1992-dii waxaa puntland oo dhan ay lahayd dugsiyo
waxbarasho oo aad u tira yar. Maantana (2009) waxaa ay dugsiyada sare
gaarayaan ilaa 32 iskuul. Tuulo kasta maanta waxaa laga helayaa iskuul.
Kolkii ay dhacday dowladii dhexe ee soomaaliya, ma lahayn Puntland
wax jaamacad ah. Ardaygii jaamacad u baahdaana waxaa uu ku khasbanaa
inuu aado magaalada muqdisho si uu tacliintiisa sare u sii wato. Maanta
waxaa Puntland ku yaala ilaa sideed jaamacadood oo waaweyn.
Jaamacadahaas waxaa ka mid jaamacada Bariga Afrika, oo leh ilaa shan
kuliyadood oo kala duwan. Jaamacadu waxaa ay xiriir la leedahay
jaamacado ku yaala meelo kala duwan oo aduunka ah, oo ay ka mid yihiin
Sudan iyo Maleeshiya. Jaamacadu waxaa ay ardayda soomaaliyeed u suurto
gelisey in iyagoo jooga Puntland ay diyaariyaan Shahaadada Sare ee
Masterka.Taasi waxa ay suurto gashay ka dib kolkii jaamacdu wada shaqeyn
la yeelatay jaamacado dibada ku yaala.
Dhaqaalaha: Private sectorka, ama dhaqdhaqaada suuqa hantida
gaarka ah, waxaa uu sameeyey horumar aad iyo aad u weyn. Tusaale ahaan
Puntland waa meelaha dhismaha ugu badani uu ka socdo kolka la eego
soomaaliya oo dhan. Waxa ugu horeeya ee taas keenayna waa nabadgelyada
ka jirta gobolada Puntland. Waxaa jira tar-tan u dhexeeya shirkadaha
kala duwan, kaas oo inta badan faaìido u leh macaamiisha caadiga ah.
Meelaha shirkaduhu ay horumarka fiican ka sameeyeen waxaa ka mid ah
qaybaha isgaarsiinta. Qiimaha taleefoonka gacanta ( mobile) ayaa tusaale
ahaan ah melaha ugu jaban dunida. Qarashka dibada lagula hadlo ayaa isna
aad u jaban.
Burcad badeedka: Sida laga warhayo waxaa xeebaha puntland ka jira
burcad badeed, khal-khal gelisey habsami u socodkii safarka badda.
Burcad Badeedu ma aha dad kasoo jeeda gobolada Puntland oo keli ah balse
waxaa ay ka kala yimaadeen soomaliya oo dhan.
Dowlad goboleedka Puntland waxaa ay aad ugu dadaashay intii tabarteeda
ah iney wax ka qabato dhibaatada burcad badeeda. Waxyaalo badan oo la
taaban karona waa ay ka qabatay.
Puntland dan weyn ayaa ugu jirta in la suuliyo burcad-badeednimada,
maxaa yeelay dhibaato dhinacyo badan taabaneysa ayey gobolka ku haysaa.
Waxaa dhibtaas ka mid ah sumcad xumo ay burcadu usoo jiidey gobolka iyo
weliba dhaqan xumo. Waxaa maanta biyaha xeebaha Puntland iyo soomaaliya
guud ahaan ku sugan maraakiib caalami ah oo ugaarsaneysa burcadaas.
Waxaanu rajeyneynaa in laga guuleysan doono burcad badeeda.
Tahriibta: Dowlad goboleedka Puntland waxaa ay aad uga dadaashaa
in aaney wax tahriib ahi ka dhicin gobolada Puntland. Balse howshaasi ma
aha mid fudud. Dadka tahriibayaasha ahi waxaa ay ka yimaadaan soomaliya
oo dhan iyo weliba meelo kale oo afrika ah.
Howsha xanibaada tahriibtu waa socotaa, waxaana jira guulo la taaban
karo oo ay arinkaas dowladu ka gaartay. Wakhtiyadaan dame waxaa ay
tahriibayaashu u jabeen dhinacaas iyo saxaaraha afrika. Taas ruuxeeda
waxaa aanu ka sameynaa wacyi gelin dhalinta loo sameynaayo oo ku wajahan
khatarta ay arinkaasi leedahay.
Qaxootiga: Waxaa puntland ku sugan qaxooti aad iyo aad u
tirabadan. Qaxootigaas oo kakala yimid gobolada koonfureed ee
soomaaliya. Dadweynaha puntland iyo dowladuba aad bey ugu dadaashaa in
dadkaas soomaaliyeed ee qaxootiga ah la caawino. Mar walbana waxaa
yimaada qaxooti iyo dad soo barakacay oo cusub. Waana adag tahay in
barakacaas xal loo helo inta ay socdaan dagaalada ka jira gobolada
koonfureed.
Waxyaalaha muhiimada la siin doono wakhtiga dhow: Waxyaalaha ay dowlada
cusub ee Puntland xooga saari doonto waxaa ka mid ah:
Dhaqaalaha
Sugida iyo sii adkeynta nabada
Dib u habaynta ciidamada iyo tayadooda
Maxkamadaha iyo garsoorka
Hirgelinta nidaamka xisbiya iyo waxyaalo kale oo badan.
MAHADSANIDIN
Waxaa diyaariyey warbixintan
C/risaq Maxamed Xuseen, Eskilstuna,Sweden
Master degree in economics
habdirisak@hotmail.com
Halkan hoose ka daawo sawiradii waftiga iyo dadweynaha soomaaliyeed ee
Magaalada Eskilstuna.
Jaaliyada Puntland ee ku nool UK oo si heer,sare ah u soo
dhoweeyay Madaxweyne Dr Abdirhmaan Faroole

Sawirada Halkan ka daawo
Jaaliyada reer Puntland Soomaliya ayaa xaflad heer sare ah u qabtay
Madaxweynaha Puntland Dr Abdirhmaan Faroole xafladan oo ey agaasimeen
qurba joogta Puntland ayaa ku qabsoomtay jawi aad u heer sareeya,
Furitaanka xaflada ayaa sidii diiniga aheyd waxaa kalamado wacdi ah
ku furey Sheekh Cali xaaji Warsame oo ka Hadley in Alle laga baqo
maamulka iyo Masuuliyiinta la adeeco loona horseedo khyerka aan la
dhaliilin lana khilaafin ee la saxo sidoo kale sh cali Xaaji ayaa
Dowlada iyo Madaxweynaha ka codsaday in cadaalad loo sameeyo shacabka
Alle looga baqo lagana shaqeeyo Nabada iyo Wanaaga, Xaflada ayaa waxaa
si guud u daah furey Garaad Abshir Saalax oo kamid ah Garaada Somaliyeed
kana soo Jeeda Puntland, Garaad Abshir Saalax ayaa ka warbixiyay nolosha
Somalida ee Europe iyo xaalka ey ku noolyihiin sidoo kale dulmarey
qiimaha Soomaalida iyo Wanaaga nabad iyo horormarka Puntland isagoo u
rajeeyay maamulka Puntland ee cusub iney wax ka qabtaan, hadala Garaadka
kadib waxaa gabayo qiima leh sii daayay Abwaan Sahal Cure iyo Buraanbur
Muna Dayaana oo iyagu madasha hurdada ka kacshey,
intaas kadib waxaa Hadley Xildhibaano ka socdo dalkan Ingriiska
iyo hayadaha maxliga dalkan, intaas kadib waxaa hadalka loo gudbiyay
xubanaha Dowlada, waxaana kamid ahaa ragii Hadley Mudane Cabdulahi Axmed
Jaamac Ilkajiir Mudane Faarax Dhalac iyo Jimcaale oo kawada warbixiyay
isbadalka maamulka cusub iyo horomarka ey ku tilaabsadeen mudadii ey
xilka hayeen iyo guulihii ey ka soo hoyeen safaradoodi dibada kuna
dhiirigaliyay shacabka jooga iney ka qeyb qaatan dibu dhiska Puntland si
horomarka loo gaaro, Hadalka oo aad u badnaa ayaan la soo koobi Karin,
balse shacabka oo u ooman iney mar dhageystaan Madaxweyne Abdirhmaan
Shekh Maxamed ayaa loo gudbiyay microphone ka isagoo marka hore Alle
amaaney, kana baryay in Ummada Muslim ka kor qaado colaada Somalidana
nabad waarta siiyo, Madaxweynahe Abdirhmaan ayaa mahad balaaran u
jeedshay dadkii soo qaban qaabiyay xafladan, Dr Abdirhmaan ayaa ka
Hadley arimaha Soomaaliya iyo isabadala ka dhacaya Madaxweyna Abdirhmaan
ayaa dul marey xaalada Puntland Amniga iyo horomarka isagoo sheegay in
meel fiican uu marayo amniga Puntland Alle iyo ummada Puntland ey
kaashanayaan si loo helo nabad waarta hadalka Madaxweynaha ayaa ahaa mid
Soomaalidii madasha joogtay aad u jeclaysteen isagoo aad u tilmaamay
qiimaha Somalinimada balse Madaxweynaha ayaa cadeeyay in Puntland ey
kaliya aqbaleyso Federal system oo kaliya hadii xalka Soomaaliya la rabo
xaflada ayaa ku soo gaba,gabowdey jawi dagan iyadoo loo balamey Casho
sharaf u khaas ah dadka reer Puntland
Sakariye Maxamed Isticmaar
sakariye85@googlemail.com