SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Waftiga Puntland ee ku sugan Sweden oo ku guuleystey sammeynta xiriiro muhiim ah.

Jaaliyada Puntland ee ku nool UK oo si heer,sare ah u soo dhoweeyay Madaxweyne Dr Abdirhmaan Faroole


Waftiga Puntland ee ku sugan Sweden oo ku guuleystey sammeynta xiriiro muhiim ah.

Hordhac

Sida ay dad badani la socdaan waxaa beryahaan socdey dadaal badan oo biblumaasiyeed oo ay sameynayeen madaxda dowlada cusub ee Puntland. Ololaha diblumaasiyeed ee hayàdaha kala duwan ee maamulka puntland waxaa looga goleeyahay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in aduunweynaha loo sharaxo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Puntland. Waxaa kaloo ka mid ah ujeedooyinka in xiriir lala sameeyo hayàdaha dowliga ah ee ku yaala wadamada yurub iyo ameerika. Howshaas waxaa tusaale fiican u ah waftiga uu hogaaminaayo madaxweynaha dowlad goboleedka puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole. Waftigaasi waxaa ay soo mareen, xirriir fiicana la soo sameeyeen dowlada Mareykanka iyo hayàdeheeda kala duwan, iyagoo kolkii damena gaaray cariga ingiriiska. Si taas la mid ah waxaa iyana booqasho ku joogey iswiidhan wafti uu hogaaminaayo Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Mudane Cali maxamed Xoosh.Waxaa kaloo waftiga ka mid ahaa Duqa magaalada Boosaaso Mr A/risaq Xareed iyo ku xugeenka madaxa jaamacada Bariga afrika, prof. C/qaadir Saciid Cali (shino)

Booqashadii waftiga ee gobolada Sweden


Waxaa waftigu booqasho kusoo kala bixiyeen gobolo iyo degmooyin dhowr ah oo ku yaala wadanka sweden. Meelaha ay tageen wafigu waxaa ka mid ah caasimada Sweden ee Stockholm , Gothenburg oo ah caasimada labaad ee Sweden. Waxaa kaloo ay booqdeen magaalooyinka dhexe ee xagga koonfureed ka xiga caasimada kuwaas oo kala ah magaalada Örebro iyo magaalada Eskilstuna. Magaalada Örebro waa magaaladii ahayd saldhiga waftiga isla markaasna ay martida u ahaayeen. Waftigu waxaa uu la kulmay hayàdo kala duwan oo reer sweden ah.Hayàadkaas waxaa ka mid ahaa wasaarada arimaha dibada, Hayàda kaalmada dibada ee SIDA, Jaamacada Gobolka Örebro iyo weliba dowlada hoose ee gobolkaas.
Dhamaan arimihii laga wada hadlayna waxaa ay ku dhamaadeen guul iyo isafgarasho wacan.
Waxaana sida la qorsheynaayo tegi doona gobolada Puntland wafti balaaran oo ka socda wadanka Sweden. Ujeedada waftigaasi waxaa ka mid ah iney soo arkaan xaalada hayàadka kala duwan ee Puntland iyo waxyaalaha ay puntland qabsatay iyo waxyaalaha ay u baahan tahay in laga kaalmeeyo. Waxaa kale oo waftiga Punland meel kasta oo ay tagaanba kula kulmayeen jaaliyada reer puntland iyo weliba dadka soomaaliyeed guud ahaanba.
Waftigu waxaa uu jaaliyadaha u sharaxaayey ugana waramaayey xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Puntland. Waxaa kale oo jaaliyadaha ay fursad u heleen iney suàalo waftiga weydiiyaan.

Booqashadii Waftiga ee Magaalada Eskilstuna

Magaalada Eskilstuna waa magaalo qadiimi ah oo ku taala meel waxoogaa koonfur ka xigta magaalada caasimada ah ee Stockholm.Magaaladu sanadkan aan ku jirto ayey u dabaal degeysey sanadguuradii 350-naad. Magaalada waxaa cadadka dadka degan lagu qiyaasaa ilaa 95 kun oo qof. Waxaa ay magaaladu leedahay kuliyado jaamacadeed oo kala duwan.
Dadka soomaaliyeed ee magaalada ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa ilaa 600-700 oo qof.
Dadku waxaa ay u badan yihiin dad muddo yar joogey wadankan sweden.
Haddaba kolkii waftigu nagu soo booqdeen magaalada waxaa ay la kulmeen dadweyne soomaaliyeed oo aad u badan. Dadkaasi ma aaney ahayn reer puntland oo keliya basle waxaa ay ka koobnaayeen dhamaan dad ka soo jeeda gobolada soomaaliyeed. Waftigii booqashada ku yimid magaalada waxaa ay ka koobnaayeen wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Muddane Cali yuusuf cali xoosh iyo ku xigeenka madaxa jaamacada bariga afrika, Proff. C/qaadir saciid cali (Shino)

Dadweynihii hoolka shirarka ee magaalada isugu yimid waxaa ay aad u xiiseynayeen iney la kulmaan waftiga, warbixin ka dhegeystaan iyaguna waxii suaalo ama talooyin ah ay u gudbiyaan maamulka Puntland. Waftigu waxaa uu hadalkooda ku bilaabay xiriirada ay sameeyeen ee aan kor kaga soo hadalay. Waxaa kaloo ay ka warameen ujeedooyinka ay sweden u booqanayaan. Waxaa waftigu warbixin aad loola dhacay oo sugan ka bixiyeen xaalada guud ee Gobolada Puntland iyo soomaaliyaba ay ku sugan yihiin.


Sawirada oo weyn halkan ka daawo

Bal aan jaleecno waxyaalihii ay waftigu ka yiraahdeen arimaha soo socda:

Siyaasada: Puntland waxaa ay dooneysaa iney ka gudubto qaabka doorashada ee qabiilka ku saleysan ayna u gudubto qaabka dimoqraadiyada ah ee xisbiyada badan ku saleysan.

Arinkaas golaha baarlamaanka iyo kan xukuumaduba waa ansaxiyeen.Howshu hadda ka dib waxaa ay noqoneysaa diyaarinta qaabkii loo dhaqan gelin lahaa iyo fududeynta qaab siyaasadeedkaas. Waxyaalaha muhiimka ah waxaa ka mid ah, tirakoobka dadka, sii sugida amaanka, arimaha soohdimaha iyo kuwo kale oo badan.

Waxbarashada: Heerka tacliinta Puntland waxaa ay samaysay horumar wanaagsan laga soo bilaabo bur-burkii dowladii dhexe ee soomaaliya. Tusaale ahaan 1992-dii waxaa puntland oo dhan ay lahayd dugsiyo waxbarasho oo aad u tira yar. Maantana (2009) waxaa ay dugsiyada sare gaarayaan ilaa 32 iskuul. Tuulo kasta maanta waxaa laga helayaa iskuul.

Kolkii ay dhacday dowladii dhexe ee soomaaliya, ma lahayn Puntland wax jaamacad ah. Ardaygii jaamacad u baahdaana waxaa uu ku khasbanaa inuu aado magaalada muqdisho si uu tacliintiisa sare u sii wato. Maanta waxaa Puntland ku yaala ilaa sideed jaamacadood oo waaweyn. Jaamacadahaas waxaa ka mid jaamacada Bariga Afrika, oo leh ilaa shan kuliyadood oo kala duwan. Jaamacadu waxaa ay xiriir la leedahay jaamacado ku yaala meelo kala duwan oo aduunka ah, oo ay ka mid yihiin Sudan iyo Maleeshiya. Jaamacadu waxaa ay ardayda soomaaliyeed u suurto gelisey in iyagoo jooga Puntland ay diyaariyaan Shahaadada Sare ee Masterka.Taasi waxa ay suurto gashay ka dib kolkii jaamacdu wada shaqeyn la yeelatay jaamacado dibada ku yaala.

Dhaqaalaha: Private sectorka, ama dhaqdhaqaada suuqa hantida gaarka ah, waxaa uu sameeyey horumar aad iyo aad u weyn. Tusaale ahaan Puntland waa meelaha dhismaha ugu badani uu ka socdo kolka la eego soomaaliya oo dhan. Waxa ugu horeeya ee taas keenayna waa nabadgelyada ka jirta gobolada Puntland. Waxaa jira tar-tan u dhexeeya shirkadaha kala duwan, kaas oo inta badan faaìido u leh macaamiisha caadiga ah. Meelaha shirkaduhu ay horumarka fiican ka sameeyeen waxaa ka mid ah qaybaha isgaarsiinta. Qiimaha taleefoonka gacanta ( mobile) ayaa tusaale ahaan ah melaha ugu jaban dunida. Qarashka dibada lagula hadlo ayaa isna aad u jaban.

Burcad badeedka: Sida laga warhayo waxaa xeebaha puntland ka jira burcad badeed, khal-khal gelisey habsami u socodkii safarka badda. Burcad Badeedu ma aha dad kasoo jeeda gobolada Puntland oo keli ah balse waxaa ay ka kala yimaadeen soomaliya oo dhan.
Dowlad goboleedka Puntland waxaa ay aad ugu dadaashay intii tabarteeda ah iney wax ka qabato dhibaatada burcad badeeda. Waxyaalo badan oo la taaban karona waa ay ka qabatay.
Puntland dan weyn ayaa ugu jirta in la suuliyo burcad-badeednimada, maxaa yeelay dhibaato dhinacyo badan taabaneysa ayey gobolka ku haysaa. Waxaa dhibtaas ka mid ah sumcad xumo ay burcadu usoo jiidey gobolka iyo weliba dhaqan xumo. Waxaa maanta biyaha xeebaha Puntland iyo soomaaliya guud ahaan ku sugan maraakiib caalami ah oo ugaarsaneysa burcadaas. Waxaanu rajeyneynaa in laga guuleysan doono burcad badeeda.

Tahriibta: Dowlad goboleedka Puntland waxaa ay aad uga dadaashaa in aaney wax tahriib ahi ka dhicin gobolada Puntland. Balse howshaasi ma aha mid fudud. Dadka tahriibayaasha ahi waxaa ay ka yimaadaan soomaliya oo dhan iyo weliba meelo kale oo afrika ah.
Howsha xanibaada tahriibtu waa socotaa, waxaana jira guulo la taaban karo oo ay arinkaas dowladu ka gaartay. Wakhtiyadaan dame waxaa ay tahriibayaashu u jabeen dhinacaas iyo saxaaraha afrika. Taas ruuxeeda waxaa aanu ka sameynaa wacyi gelin dhalinta loo sameynaayo oo ku wajahan khatarta ay arinkaasi leedahay.

Qaxootiga: Waxaa puntland ku sugan qaxooti aad iyo aad u tirabadan. Qaxootigaas oo kakala yimid gobolada koonfureed ee soomaaliya. Dadweynaha puntland iyo dowladuba aad bey ugu dadaashaa in dadkaas soomaaliyeed ee qaxootiga ah la caawino. Mar walbana waxaa yimaada qaxooti iyo dad soo barakacay oo cusub. Waana adag tahay in barakacaas xal loo helo inta ay socdaan dagaalada ka jira gobolada koonfureed.

Waxyaalaha muhiimada la siin doono wakhtiga dhow: Waxyaalaha ay dowlada cusub ee Puntland xooga saari doonto waxaa ka mid ah:
Dhaqaalaha
Sugida iyo sii adkeynta nabada
Dib u habaynta ciidamada iyo tayadooda
Maxkamadaha iyo garsoorka
Hirgelinta nidaamka xisbiya iyo waxyaalo kale oo badan.

MAHADSANIDIN

Waxaa diyaariyey warbixintan
C/risaq Maxamed Xuseen, Eskilstuna,Sweden
Master degree in economics
habdirisak@hotmail.com

Halkan hoose ka daawo sawiradii waftiga iyo dadweynaha soomaaliyeed ee Magaalada Eskilstuna.


Jaaliyada Puntland ee ku nool UK oo si heer,sare ah u soo dhoweeyay Madaxweyne Dr Abdirhmaan Faroole

Sawirada Halkan ka daawo

Jaaliyada reer Puntland Soomaliya ayaa xaflad heer sare ah u qabtay Madaxweynaha Puntland Dr Abdirhmaan Faroole xafladan oo ey agaasimeen qurba joogta Puntland ayaa ku qabsoomtay jawi aad u heer sareeya,

Furitaanka xaflada ayaa sidii diiniga aheyd waxaa kalamado wacdi ah ku furey Sheekh Cali xaaji Warsame oo ka Hadley in Alle laga baqo maamulka iyo Masuuliyiinta la adeeco loona horseedo khyerka aan la dhaliilin lana khilaafin ee la saxo sidoo kale sh cali Xaaji ayaa Dowlada iyo Madaxweynaha ka codsaday in cadaalad loo sameeyo shacabka Alle looga baqo lagana shaqeeyo Nabada iyo Wanaaga, Xaflada ayaa waxaa si guud u daah furey Garaad Abshir Saalax oo kamid ah Garaada Somaliyeed kana soo Jeeda Puntland, Garaad Abshir Saalax ayaa ka warbixiyay nolosha Somalida ee Europe iyo xaalka ey ku noolyihiin sidoo kale dulmarey qiimaha Soomaalida iyo Wanaaga nabad iyo horormarka Puntland isagoo u rajeeyay maamulka Puntland ee cusub iney wax ka qabtaan, hadala Garaadka kadib waxaa gabayo qiima leh sii daayay Abwaan Sahal Cure iyo Buraanbur Muna Dayaana oo iyagu madasha hurdada ka kacshey,

 intaas kadib waxaa Hadley Xildhibaano ka socdo dalkan Ingriiska iyo hayadaha maxliga dalkan, intaas kadib waxaa hadalka loo gudbiyay xubanaha Dowlada, waxaana kamid ahaa ragii Hadley Mudane Cabdulahi Axmed Jaamac Ilkajiir Mudane Faarax Dhalac iyo Jimcaale oo kawada warbixiyay isbadalka maamulka cusub iyo horomarka ey ku tilaabsadeen mudadii ey xilka hayeen iyo guulihii ey ka soo hoyeen safaradoodi dibada kuna dhiirigaliyay shacabka jooga iney ka qeyb qaatan dibu dhiska Puntland si horomarka loo gaaro, Hadalka oo aad u badnaa ayaan la soo koobi Karin,

balse shacabka oo u ooman iney mar dhageystaan Madaxweyne Abdirhmaan Shekh Maxamed ayaa loo gudbiyay microphone ka isagoo marka hore Alle amaaney, kana baryay in Ummada Muslim ka kor qaado colaada Somalidana nabad waarta siiyo, Madaxweynahe Abdirhmaan ayaa mahad balaaran u jeedshay dadkii soo qaban qaabiyay xafladan, Dr Abdirhmaan ayaa ka Hadley arimaha Soomaaliya iyo isabadala ka dhacaya Madaxweyna Abdirhmaan ayaa dul marey xaalada Puntland Amniga iyo horomarka isagoo sheegay in meel fiican uu marayo amniga Puntland Alle iyo ummada Puntland ey kaashanayaan si loo helo nabad waarta hadalka Madaxweynaha ayaa ahaa mid Soomaalidii madasha joogtay aad u jeclaysteen isagoo aad u tilmaamay qiimaha Somalinimada balse Madaxweynaha ayaa cadeeyay in Puntland ey kaliya aqbaleyso Federal system oo kaliya hadii xalka Soomaaliya la rabo xaflada ayaa ku soo gaba,gabowdey jawi dagan iyadoo loo balamey Casho sharaf u khaas ah dadka reer Puntland

Sakariye Maxamed Isticmaar
sakariye85@googlemail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 16, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version