SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Faallo: Maxaa Ka Khaldan Barnaamijka Doodda ee Laanta Af Soomaaliga ee VOA?

Waxaan shaki lahayn in tan iyo markii uu bilowday dagaalka hirarka hawada ee labada idaacadood ee BBC-da iyo VOA  in dhagaystayaal badani ay heleen kala doorasho ku aaddan xagga barnamijyada ka baxa labada idaacadood.

Faalladan kooban waxaan ku eegi doonaa dulduleelada ka muuqda barmaij ka mid ah barnaamijyada ka baxa idaacda VOA da laanteeda afka Soomaaliga. Kaas oo ah barnaamijka Doodda oo inta badan maalin walba ka baxa VOA-da. Barnaamijkaas ayaa haddii si hufan loo maareeyo noqon kara midka ugu xiiso badan ee dadweynuhu si aad ah dhagaystaan.

Ceebta ugu weyn ee barnaamijku hadda leeyahay waxa weeye iyada oo ay ka muuqato in barnamijku uu iska noqday mid qof walba lagu casuumo iyadoo aan la isla eegayn mawduuca iyo qofka wax laga weydiinayo. Mararka qaar daa in wax laga korosadee wuxuu u muuqdaa aflagaado loo geysanayo dhagaystayaasha.

Tusaale waxaan u soo qaadanaynaa barnamijkii doodda ee VOA-da ka baxay malintii Arbacada ee 1da July, 2009. Barnamijkaas ayaa Cinwaanka dooddu ahayd , Isbedelka ku dhacay xafladaha loo dhigo arroosyada Soomalida. Waxaa doodda ka qayb qaadanayay wiil iyo gabadh ku sugnaa magalada Beled Weyne ee gobolka Hiiran. Waxaa nasiib darro ahayd in barnaamijka intiisi badnayd ay qaadatay gabadh aad u jibbaysnayd oo aan garanayn waxa ay ka hadlayso, gaar ahaan diinta toosan ee Islaamka. 
 
Gabadhu waxay ku doodday in dhammaan dhaqanka Soomaaliyeed uu yahay mid Jaahiliya oo aan marnaba la jaanqaadi karin diinteenta Islaamka ah. Waxaa aad iiga qosliyay markii ay tidhi yaan dib danbe loo cunin macmacankii aroosyada lagu cuni jiray, waxyna codsatay in lagu bedelo timir iyo caano. Arrintaas oo ay tiirinaysay in ay diinta Islaamka ka soo jeeddo.  
 
Waxaynnu ogayn in Timirta oo lagu afuraa ay tahay Sunnada Rasuulkeena suuban, laakiin in aroosyada lagu cuno xaggee ayay ka keentay? Gabadhaas waxa dooddeeda aad uga muuqday in aanay ogayn in diinta Islamku aanay ka soo horjeedin dhammaan dhaqanada wanagsan ee shucuubta caadada u ah. Waxaa kaloo xaqiiqa ah in dalal badan oo muslim ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya in aan si fudud looga heli karin Timirta. Marka maxaa dhici kara haddii aroosyada lagu xidho Timir, halkii macmacaan iyo wixii caadada dadka u ahaa looga keeni jiray? Miyaanayse masalo adag ahayn marka la xaaaraantinimeeyo quud Eebbe dadka u xalaaleeyay? 
 
Arrintani wax ay isoo xusuusisay barnaamijka falanqaynta Jimcaha ee BBC-da oo mar cinwaan ka dhigtay "Yaa ka danbeeya Dilalka Qorshaysan ee Xamar ka dhaca." Runti waxaan rajaynay in barnamijku uu si qoto dheer u eegi doono arrimo badan oo dadka ka qarsoon, sida liiska dadka muhiimka ee la khaarijiyey, wareysiyo laga soo qaaday qoysaskii dadka laga laayay, iyo haddii ay jirto wax ay isaga mid yihiin dilalkan qorshaysan ee dalka ka dhacayay. Nasiib darro waxaa marti looga dhigay barnamikii dad isku wada fikrad ah oo dhammaantood isku racay in xoogag shiisheeye ay arrintas ka danbeeyan, iyagoo aan soo bandhigin wax caddayn ah ama macquul ah.

Ugu danbeyntii waxaa haboonaan lahayd in idaacadda VOA-da ay kor u qaaddo tayada barnaamijka Doodda oo marka mawduuc laga hadlayo ay xaqiisa siiso ama ugu yaran haddii qofka la casumay uu wax aan jirin ku hadaaqo in markiiba sida xaqiiqada ah loo sheego oo su'aal lagu celiyo.Hadii kale waxaan ka baqayaa in aroos danbe xalwad laga cuni waayo, timirtii gabadhii reer Beled Weyne nagu khasabtayna meelaha qaar lagaba waayo!!

Yuusuf A. Geelle

 Yhaji2004@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin : SomaliTalk.com | July 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version