SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cabdilaahi Yuusuf ma ku qaldanaa soo gelinta ciidama itoobiya dalka soomaliya markii loo barbardhigo dalbashada Shariifka ciidamada itoobiya?!!

Mahad oo dhan Allaah ayaa leh, Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna korkiisa ha ahaato, intaa ka dib. Qoraalkan inaan qoro waxa igu dhaliyay kadib markii aan arkay khatarta wadanka Somalia kuso wajahan iyo dalbashada dowlada Somalia ciidamada wadamada dariska inay soo fara geliyaan xaaladaha cakiran ee ka taagan Somalia. Waxaa qoraalkan kusoo qaadanaya taariikh kooban oo ku saabsan soo gelitaankii ciidamada itoobiya dabayaaqadi sanadkii 2006. Waxaan raba inaan yara iftiimiyo sababihii keenay ciidamada itoobiya inay soo galaan wadanka sanadkii 2006 dadka intiisa badana ay si kale ula muuqatay lakinse aad moodo maantay in shacabka soomaaliyeed ogaaday xaqiiqda dhabta ah iyo sababaha ku kalifaya dowlada shariif inay ciidan dalbato oo ay ku jiraan kuwa itoobiya. Bal marka hore ayno jeleecno dhacdooyinkii dhex maray dowladi Cabdilaahi yuusuf iyo midowgii maxkamada islaamiga ee ka talinayay inta badan koonfurta Somalia iyo gobolada dhex 10 bishii October ee sanadkii 2004 ayaa waxaa madaxwayne loo doortay Col. Cabdilaahi Yuusuf ka dib markii shirkii dheeraa ee Embigati ay mudanayaasha barlamaanka ay u doorteen Cabdilaahi Yuusuf inuu hogaamiyo wadanka muddo 5 sano ah.

Waxyaabaha inta badan ummada Soomaliyeed ay ka xusuustaaan xilligii Cabdilaahi Yuusuf waxay ahayd qabsashadi Maxkamadihii islaamiga aha magaalada caasimada ee Muqdisho kadib markii ay ka awood bateen qabqablayaashi dagaalka iyagoo taageero baaxad leh ka helaya shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho. Wakhtigaasi waxay shacabka Soomaaliyeed u arkeen fursad qaaliya u soo hoyotay dhamaan ummada Soomaliyeed keeni kartana isfaham dhex mara labada kooxood ee kala ah dowladi uu garwadeenka ka ahaa Cabdilaahi Yuusuf iyo midowgii Maxkamadaha Islamiga ee ka itaal roonaaday qabqablayaashii dagaalka ee muddo `18 sano dhibka ku hayay shacabka Soomaaliyeed. Dowladii Soomaliyeed ee xilliga jirtay way soo dhaweeyeen talaabadi ay qaadeen Maxkamadaha islaamiga waxana u hanbalyeey madaxdeeda sare ee fadhigoodo ahaa magaalada Baydhabo.

Nasiib daro waxa islamarkiiba bilaamay is faham la aan kadib markii ay Maxkamadihii xilliga joogay ay is bideen awood ayna yaqiinsadeen inay afka ciida udari karaan dowladii Embigati lagu soo dhisay .waxay dhinacyadii siyaasada isku hayey dhowr jeer iskugu yimaaden shirar ka dhacayay wadanka dibadiisa hase ahaate qolyihii islaamiga aha ee uu hogaaminayay Shariif maysan dayn inay dhul balaarsi sameeyaaan iyagoo ku andacoonayay waa naloo yeera ilaa ay gaareen inay hareereeyaan Dowladi taagta darnayd ee fadhigeedu ahaa Baydhabo. Weerarkii ay midowgii Maxkamadaha ku qaadeen Baydhabo kumaysan khasbin goloyaashi dowlada iyo madaxdeedi ku sugnaa magaalada Baydhabo inay isaga baxaan Baydhabo waxayna ku dhiiradeen inay soo galiyeen wadanka cadaw Soomaaliyeed ayna u arkayeen in ay isaga difaaci karaan weerarka ay ku hayaan kooxaha islamiga ah. Waxay Maxkamadihii ku dhawaaqeen inay 7 maalmood ku galayaan Ethiopia ayna qabsan doonaan Adisababa taasoo sii dhiiri gelisay ciidanka itoobiyaanka inay wadanka soo galaan. bal akhristow is waydii awood intee leeg ah ayay lahaayeen Maxakamadihii 6 da bilood jirsaday oo ay ku qabsan karaan wadanka itoobiya? Miyaysanse is waydiin sababta dowladan ay ku hareersanyihiin ay goloyaasheedu iyo madaxdeedu uga baxsan la yihiin Baydhabo?
Waxaa marag madoonta ah ina Maxkamadihii xiliga jiray ay lahaayeen sababta koowaad ee ku khasbay inay itoobiya wadanka soo gasho xasuuq ba ana u gaysato shacabka aan waxba galabsan .qolyihii dowlada ee xiliga ka talinayay wadanka laftood eeda wax waa ku leeyihiin lakin dhibka iyo rafaadka ku dhacay shacabka Soomaaliyeed waxaa dhabarka u ridanaya kooxihii maxkamadah ee 7 maalmood qabsaday inay adisababa tagi doonaan.
Xaqiiqda dhabta ah: 

2 sano kadib itoobiya wadanka way ka baxday madaxdii dowlada ee xiliga jirtayna way iskaga huleeleen xukunka. waxana 31kii Janaayo ee sanadkaan madaxweynenimo loo magacaabay Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib markii Isbahaysigii lagu aasaasay Asmara oo isagu labo u kala jabay, halgan dheer kadib loo ogolaaday in ay wax la qaybsadaan Dowladdii C/llaahi Yuusuf . Sheekh Shariif ayaa waxa markiiba ku dhawaaqay in la soo xerogelin doono kooxaha ka maqan Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in uu kula kulmi doono meel kasta oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ah, hase ahaatee kooxaha Alshabaabka iyo Xisbul islaam arintaa dheg jalaq uma siin waxayna bilaabeen inay dowlada dhaleeceeyaan ay dhahaan waa murtadiin sidii dowladii Cabdilaahi Yuusuf uga horyimaaden yay tana damac wayn ka galay inay afka ciida udaraan iyagoon haba yaraatee ka damqanaynin dhibka iyo rafaadka ay shacabka u gaysanayaan sida maanta inoo muuqatana dowlada shariif waxay dalbatay ciidamo shisheeye iyagoo si toosa dawlada itoobiya uga codsatay inay ciidamadeeda keento Somalia oo ay qaar badanoo ka mida ay shalay mucaaradsanaayeen uguna horeeyo madaxwaynaha hadda talada haya Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Sida aynu wada ogsoonahay waxa Cabdilaahi Yuusuf lagu dhaleeceen jiray in uu ciidan itoobiyaan ah wadanka soo geliyay lakinse waxay maanta shacabka Soomaaliyeed ku baraarugeen inbadanoo iyaga kamidana ay garwaaqsadeen in Cabdilaahi Yuusuf uusan qalad ku lahayn soo gelintaankii ciidamada itoobiya sababtoo ah Cabdilaahi ma joogo maantay waxa booskiisa fadhiya Shariifka oo looga bartay dulqaad iyo hufnaan lakinse ay ku khasbeen kooxaha mucaaradka inuu ciidan itoobiyaana wadanka soo geliyo. Hadaynu is niraahno Cabdilaahi wuu qaldanaa shariif maku saxsanyahay soo gelinta ciidamada itoobiya oo uu horay u mucaaradsanaa? Waa may ee waxa cad in labada masuulba ay ku qaldanyihiin inay ciidamo itoobiyaana dalbadaan lakinse dantu ku khasabtay qolyaha mucaaradkuna ay nabada qaadan waayeen . waxa jirtay in shacabka reer Muqdisho laga dhaadhiciyay in Cabdilaahi Yuusuf uu xasuuq iyo argoosi wato lakinse xaqiiqda maantay cadaatay danta uu Cabdilaahi Yuusuf lahaa iyo inuu ahaa qaran doon ka difaacaya wadanka qolyahan banaystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed. 

Dowlada shariifka waxay uga duwantahay dowladii Cabdilaahi Yuusuf qaadashada shareecada Islaamka waana dowlad islaamiya uuna hogaaminayo shakhsi shalato isku garab ahaayen kooxaha mucaaradka waxa cad in qolyahan mucaaradku ay ogolayn in shacabka Soomaliyeed la badbaadiyo wax cad in kooxahan ay wadanka usoo jiideen in ciidan shisheeyo soo galo dhib kasto shacabka soo gaarana masuuliyadeeda iyaga qaadaya. Ugu danbayn waxaan shacabka Soomaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho ku nool ku baraarujinayaa in garab istaagan dowlada islamiga ah ayna ka hor tagaan kooxaha banaystay daadinta dhiigooda una horseedaya in cadaw shisheeyo wadanka soo galo.

BY DR Cabdilaahi Yaasiin Axmed 
sikhaawi143@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin : SomaliTalk.com | July 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version