SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jaaliyadda Soomaalida Malaysia oo si Rasmi ah Loogu Dhawaaqay

Halkan ka daawo sawiro kale

Kuala Lumpur (11th July 2009): Xaflada si heer sare ah loo soo diyaariyey ayaa lagu qabtay Hotel Sri Alam, Anjung Rahmat ee ku yaala caasimada Malaysia ee Kuala Lumpur.  Waxaa ka soo qayb galay xafladaas boqolaal ka mid ah qeybaha kala duwan ee dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia. Xafladan ayaa waxaa lagu furay aayadaha Quraan kariimka ah oo uu aqriyey Ismaaciil Mayow. Intaas ka dib waxaa xaflada furay oo hadal soo dhaweyn ah halkaa ka jeediyey Dr. Cabdullaahi Cali Xoogsade oo ahaa guddoomiyaha  qaban-qaabada xaflada isla markaana ah xubin ka mid ah guddiga la tashiga ee jaaliyadda.

Dr. Muuse Maxamuud Axmed ayaa isagu kalmad dheer halkaas ka aqriyey, isaga oo ka hadlay sababihii keenay in la aasaaso jaaliyadda, heerarkii ay soo martay, isla markaana si hufan dadkii meeshaas isugu yimid ugu sharxay xeerka ay jaaliyaddu ku dhaqmayso.  Waxaa isagana ku xigay Engineer Maxamuud Maxamed Calasaw oo halkaasi ka soo jeediyey kalmad wacyi gelin ah iyo baahida loo qabo wada shaqayn, kuna booriyey dhalinyaro badan oo halkaasi fadhiday in ay ku dadaalaan waxbarashada, ayna ogaadaan in ay wadankoodii iyo dadkoodii wax u baranayaan. Sidoo kale waxaa halkaas lagu soo bandhigay “multimedia” ka hadlaya Soomaaliya oo dadweynihii halkaas isugu yimid ay aad ugu riyaaqeen markii ay daawadeen, waxaana soo diyaariey oo farsamadana hagaayey C/llaahi Qayliye oo ah arday barta “Information Communication Technology”. Canab Hilowle oo ku hadlaysay afka haweenka Soomaalida degan Malaysia ayaa iyaduna ka hadashay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin dhismaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, gabadhaas oo si aad ah loogu sacabiyey hadaladii ay halkaas ka soo jeedisay.  Kalmad dhiiri galin iyo boorin ah halkaas ka aqriyey Sh. Maxamuud Shariif oo wax ka dhigi jiray hadda ka hor Muqdisho University. Waxa uu ka hadlay taariikhdii hore ee Soomaalida iyo sidii dadkii hore ugu dadaali jireen Soomaalinimada, ka dib waxa uu halkaas ka aqriyey gabay oo isagu alifay oo midnimada ka hadlaya oo dadkii ka farxiyey.

Intaas ka dib, waxaa kalmad gunaanad ah oo dadweynihii aad u soo jiidatay halkaas ka soo jeediyey Dr. Maxamed Cabaas oo isagu ah guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia, isaga oo ka hadlay wax-qabadkii jaaliyadda intii ay jirtay, isla markaana dadkii halkaas isugu yimid ku booriyey in midnimada la ilaaliyo, jaaliyadana taageero buuxda lagu siiyo sidii ay ugu adeegi lahayd dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Malaysia.  Duco lagu khatimayo xaflada waxaa halkaas ka soo jeediyey Sh.Maxamuud Shariif. Aqoonyahanada kale ee xaflada yimid waxaa ka mid ahaa Dr. C/Risaaq C/llahi Xaashi (Nashaad), Dr. Xassan Sheekh Al-imaam, Dr. C/Risaaq, Bile, Dr. Cali Warsame, Xamza Cabdi Aar, Axmed Macallim Fiqi,  aqoonyahano kale, iyo guddoomiyaha ururka ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia Maxamed Khadar Ismaaciil Jimcaale.

Taariikhdu markay ahayd 12 – 13 April 2008, ayaa 22 aqoonyahan oo Soomaali ah waxa ay jaaliyadan ku aasaaseen hoteelka Seri Malaysia Bagan Lalan ee ku yaal xeebta Sepang, Selangor, Malaysia. Jaaliyadani waxay ka kooban tahay laba guddi oo kala ah:

Guddiga Fulinta:

  1. Dr. Maxamed Cabaas Cumar – Guddoomiye
  2. Engineer Maxamuud Maxamed Calasow – Guddoomiye ku xigeen
  3. Maxamuud C/Raxmaan Sh.Faarax ( Beene  Beene) - Xoghayn
  4. Dr. C/llaahi Faarax Bedel – Dacwada iyo Wacyi Galinta
  5. Dr. Najiib Sh. C/Samad – Isgaarsiinta iyo Xiriirka Guud 
  6. Dr. Maxamed Cali Cumar ( Shiidow) – Arimaha Bulshada iyo Waxbarashada
  7. Cabdi Wali Xirsi Cabdille( Ex-Minister) – Maaliyada
  8. Nuur Faarax Xirsi – Arimaha Ganacsiga
  9. Cabdi Baasid Xassan Cabdi Nuur – Farsamada iyo Teknoolajiyadda
 Guddiga La Tashiga iyo Marjica
  1. Associate Professor Dr. Muuse Maxamuud Axmed 
  2. Assistant Professor Dr. Nuur Cabdi Gudle
  3. Assistant Professor Dr. Cabdullaahi Cali Xoogsade
  4. Dr. Shariif Yuusuf Geedi
  5. Cabdi Khadar Abdillaahi Nuux – Maamulaha Shirkada Xawilaada ee Dahabshiil
 Xafladan waxaa soo qaban-qaabiyey Jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia, waxaana si fiican isugu soo dubariday xubnaha qaban-qaabada oo uu hor kacaayey Mukhtaar Muxumed Mu’min iyo xubnaha kale oo kala ah: Maxamed Ibraahim Xassan (Jananka), Axmed Geelxoor, Maxamed Khadar, Amaan Maxamed Amaan, Ismaaciil C/Qaadir Maxamed (Kutub), Cabdullaahi Maxamed Cali, C/llaahi Qayliye, Yaasir Baafo, Muna, Samiira, Nasra, Najma aadan faarax, Amran Cabaas, Aamina C/llaahi Axmed. 

Ujeedada loo aasaasay Jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia waa sidii ay ugu adeegi dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Malaysia. Waxaan xaaraan ka ah: qabyaalada, gobolaysiga, ururaysiga, iyo wax kasta oo dhib ku keenaya midnimada Soomaalida degan Malaysia. Arimaha siyaasadana way ka madax banaan tahay, waxayna kulmisaa dhammaan qeybaha kala duwan ee dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia.  

12:00am saqda-dhexe ayaa la soo gaba-gabeeyey xafladan, si guul ahna way ku dhamaatay. Waxaa amniga sugayey oo halkaasi ku sugnaa Police Malaysia ee xaafadda Gombak, isla markaana waxaa xafladan si wacan u daadihinaayey Cismaan Black oo dalkan Malaysia wax ku bartay, kana mid ahaan jiray wariyayaashii idaacada Horn Afrik.  

Halkan ka daawo sawiro kale
 
Waxaa Diyaariyey:

Xafiiska Isgaarsiinta iyo Xiriirka Guud ee Jaaliyada Soomaalida Malaysia

Mohamed Abbas 
kismaayo91@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin : SomaliTalk.com | July 10, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version