SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

I G A D

BAAQII 33aad EE KALFADHIGII AAN CAADIGA AHAYN (EXTRA-ORD. NO 3) EE GOLAHA WASIIRADDA EE URUR GOBOLEEDKA IGAD KUNA SAABSANAA XAALADA NABAD-GELYO IYO SIYAASADDED EE GOBOLKA GAAR AHAAN XAALADA SOMALIA,

ADDIS ABABA, ITOOBIYA, 10kii JULY 2009,

Kalfadhigii 33aad (Extra-Ord No 3) ee Golaha Wasiirada IGAD ayaa lagu qabtay Addis Ababa, Itoobiya, 10-kii July 2009, si looga hadlo xaaladaha ku soo siyaaday Soomaaliya ilaa iyo intii la qabtay kulankii 33aad ee aan caadiga ahayn (Extra Ord No 2) lagu qabtay magaalada SIRTE, Liibiya 29kii Jun 2009 iyo in la isla jeexo talaabada haboon ee Mustaqbalka. shirka Golaha Wasiirada waxaa Shir-Gudoomiyey Mudane Seyoun Mesfin, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Demogradiga ah ee Federaaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ah Guddomiyaha Shirka Golaha Wasiirada IGAD. Golaha Wasiirada wuxuu warbixino ka dhageystay wafdiga Soomaaliyeed iyo Ergayga IGAD u qaabilsan fududeynta Arimaha Nabada iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Shirka waxaa ka soo qeybgalay Mudane Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada Jabuuti; Mudane Maxamed A. Oomaar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawlada Federaalka Ku meelgaar ah ee Soomaaliyeed; Mudane Richard Onyonka, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawlada Kenya, Mudane Isaac Musumba, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda (Iskaashiga Gobolka) ee Jamhuuriyada Uganda; Mudane Muxidiin Salim, Danjiraha Dawlada Sudan u fadhiya Itoobiya iyo Mudane Mahbuub M. Maalin, Xoghayaha Guud ee Ururka IGAD.

Shirka waxaa kale oo ka soo qeybgalay Mudane Kipruto Arap Kirwa, Ergayga IGAD u qaabilsan fududeynta Arrimaha Nabada iyo Dib u heshiisinta Soomaaliya, Mudane Ramtana Lamamra, oo Masalaayey Gudoomiyaha ururka Midowga Africa, Mudane Walid Musa Abdelkarim, oo wakiil ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Middooway u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya iyo Mudane Raffaele de Lutio, Danjiraha Dawlada Talyaaniga isla markaana ah Gudoomiyaha Golaha wakiilada Dawladaha la Shaqeeya urur Goboleedka IGAD (IGAD Partners Forum ).

Ka dib, markii si qoto dheer looga dooday xaalada Siyaasadeed iyo Nabadgelyo ee ka jirta Gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, intii ka dambeysay kulankii aan caadiga ahayn(Extra Ord. No 2) ee Ururka ee la qabtay 29kii Jun 2009, Goluhu:

1- Wuxuu xaqiijiyey in Geedi socodkii Nabada ee Jabuuti uu yahay kan sharciga ah lana aqoonsan yahay laguna dhisay Baarlamaanka iyo Xukuumada Soomaaliyeed. Geedi socodka Nabada ee Jabuuti ayaa ahaanaya midka keliya ee sharciga ah ee lagu dhaqangelinaayo Arrimaha Nabada iyo Dib u Heshiisinta Soomaaliya ilaa laga gaaraayo Bisha Ogosto 2011. sidaas darteed Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa Heshiiska Iskaashi ee ay wada saxiixdeen Xukuumada Federaalka KMG ah iyo Ahlu sunna Waljameeca 21 Jun 2009.

2- Wuxuu is xasuusiyey Go'aankii ka soo baxay Kulankii Ururka Midnimada Africa 3dii July 2009 iyo in sidoo kale baaqii ka soo baxay Shirkii Kulan Madaxeedkii Wadamada IGAD iyo Xukuumadahoodiiba ay ka soo saareen SIRTE, Liibiya 30kii Jun 2009, Goluhu wuxuu ugu baaqay in Golaha Amaanka ee Qaramadda Middoway uu qaado Talaabo degdeg ah si waxtar leh oo aan dib u dhac dambe lahayn jawaab u bixiyo iyo in Golaha Amaanka ee Ururka MIdowga Africa uu arintaan ula socdo sida ugu muhiimsan uguna dhaqsida badan.

3- Wuxuu Cambaareeyey sii socoshada gardareysiga ciidan ee ka socda Soomaaliya loogana dan leeyahay in si xoog ah xilka looga qaado xukuumada Sharciga ah ee Soomaaliyed.

4- Wuxuu Garwaaqsaday in Gardareysiga Militeri uusan ahayn mid ka dhex socda dadka Soomaaliyeed laakiin uu yahay mid ay abaabuleen shaqsiyaad Ajaaniib ah sababayna dhimashada dad badan oo rayid ah iyo barakac aad u balaaran oo dalka Gudihiisa ah.

5- Waxaa kale oo uu ugu baaqay Golaha amaanka ee Ururka Midnimada Africa iyo kan Qaramadda Middoway inay dib u eegaan shuruucda hawlgalka AMISOM iyadoo maanka lagu haayo arrimaha hadda soo siyaasaday si markaasna loogu suurtageliyo in habka jawaab celinta Ciimadu uu u ahaato mid horumarsan isla markaana u suurtagelin kara inay si wanaagsan u badbaadiyaan Ciidamadooda, Qalabkooda, Xarumaha Muhiimka ah isla markaana si tayo leh ugu taageeraan Xukuumada Federaalka KMG isla markaana ugu qeybqaataan Howlgalada Isdifaacida muhiimka ah.

6- Wuxuu ugu Baaqay Golaha Amaanka ee Qaramadda Middoway in ay dib ugu noqdaan Go'aankii Golaha Amniga ee Qaramadda Middooway e tirsigiisu ahaa 1725 (2006) ( Faqradiisa 4 ee soo baxay 6dii December 2006) si loogu suurtageliyo wadamadda Safka hore in ay si micno leh u taageeraan xukuumada Federaalka KMG ah taasoo ah codsi ka yimid Dawlada Federaalka KMG ah.

7- Wuxuu mar Labaad ku celiyey Gò'aanadiisii hore wuxuuna ugu baaqay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midooway in uu si dhaqso leh dib ugu eego Qorsheyaashiisa ee la xiriira geynta ciidamo Nabad Ilaalineed oo Qaramada Midooway ka socda oo Soomaaliya la geeyo iyagoo la tixgelinaayo Arrimaha hadda ka jira Soomaaliya.

8- Wuxuu u mahad Celiyey Wadamada ciidamada ugu deeqay AMISOM sida Uganda iyo Burundi kuwaasoo si joogto ah u samaynaya dadaal naftii horenimo ku dhisan si loo horumariyo Nabada iyo kala dambeynta Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqa Goluhu wadamadii horey balanqaadyada u sameeyey sida Sierra Lion, Nigeria, Ghana iyo wadamada kaleba in ay u soo diyaargareeyaan Guutooyinkii Ciidamada ahaa ee AMISOM waxaa kale oo uu Goluhu ugu Baaqay Dhamaan wadamada kale ee horey u balanqaaday inay AMISOM ciidamo ugu deeqayaan in ay ciidamada u keenaan si aan dib u dhac lahayn sugitaanka nabadda Gobolka awgeed.

9- Wuxuu dib u xaqiijiyey Muhimada gaarka ah ee uu leeyahay tala soo jeedintii ku qorneyd baaqii IGAD ee soo baxay Kulan Madaxeedkii 14aad ee aad caadiga ahayn ee la qabtay 30kii Jun 2009 laguna qabtay Sirte Liibiya iyo Kulan Madaxeedkii 13aad ee ururka Midowga Africa ee Taariikhdiisu ahayd 3dii July 2009 gaar ahaan codsigii ku saabsanaa in cunaqabateyn lala beegsado Dawlada Eriteria taasoo si joogto ah kaalmo u siinaysa xag jirayaasha oo ay ka mid yihiin ciidamo Ajnabi ah kuwaasoo si joogto ah ugu howlan samaynta dhimasho aan loo meeldayeynin iyo abuuritaanka dhibaatada Beni'aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.

10- Wuxuu ku sii celiyey Go'aankiisii hore ( Kulankii 31aad ee aan caadiga ahayn ee Go;laha Wasiirada ee 21kii Decembar 2008) haddana wuxuu qaadayaa talaabo degdeg ah si cunaqabatayn loogu soo rogo shaqsiyaadka qaarkood iyo Hay'ado cunaqabatayn taas oo la xiriirta dhinaca Safarka, Xayiraada Hantidooda iyo Taloobooyin kaleba, ha ahaadeen Soomaaliya Gudaheeda iyo Dibadeedaba kuwaasoo Caqabad ku noqday habkii Nabad loogu heli lahaa Soomaaliya. Sidaas darteed, wadamadda IGAD xubnaha ka ah waxay magacaabi doonaan, soona saari doonaan shaacina doonaan liiska shaqsiyaad iyo Ururo si cunaqabateyn loogu soo rogo, wadan walbana wuxuu magacaabi doonaa saarkaal xiririye ah kaasoo wixii war ah ee uu hayo iskaashi kala sameyn doona xafiiska howl fududeeyaha Ururka IGAD.

11- Wuxuu ugu baaqay Wadamadda xubnaha ka ah IGAD oo ay ku jiraan kuwa Soomaaliya deriska la ah in ay dardar geliyaan kormeerka ay ku samaynayaan xuduudadooda kadibna ay dhisaan habka ay u wada xiriirayaan si loo ilaaliyo loona sheego dhaqdhaqaaqa shaqsiyaadka Nabad-diidka ah ee ka imaanaya Soomaaliya ama galaaya kadibna talaabo muhiim ah ka qaadaaan.

12- Wuxuu Balan qaaday In wadamada Xubnaha ka ah IGAD ka waddan ahaan ama iyagoo wada jiroba inay taageeraan helitaanka Nabada iyo Amniga Soomaaliya islamarkaana ay bixiyaan taageero isku xirid ah ee kor loogu qaadaayo wacyiga iyo tababarka ciidamada Amniga Soomaaliyeed iyo Qeybta Maamulka Madaniga ah.

13- Wuxuu sii Bogaadiyey dhamaan wadamadii iyo Uraradii balanqaadka dhaqaale iyo kuwo kaleba u sameeyey dawlada KMG ah Soomaaliyeed iyo AMISOM shirkii caalamiga ahaa ee lagu qabtay Brussels, Belgium 22-23 April 2009 Goluhu wuxuuna kaloo ku sii baaqay in balanqaadyadii la sameeyey degdeg loo fuliyo iyadoo wax shuruud ah ku xirneen, waxaa kaloo Goluhu ku sii baaqay in kooxihii Ururka Midnimada Africa iyo Qarmada Midooway u qaabilsaanaa in ay dabagal ku sameeyaan balanqaadyadii la sameeyey dedejiyaan dabagalkooda iyagoo la xiriiraaya wadamadii iyo hay'adahii ballanqaadka sameeyey.

14- Wuxuu dib isu Xasuusiyey Go'aankiisii hore ee ku qeexnaa baaqii la soo saaray 27 Jan. 2009, iyo Go'aankii kulan Madaxeedkii Midowga Afrika ay ku gaareen Sharm-el- Shiekh bishii July 2008, kii bishii February 2009 ay ku gaareen Addis Ababa iyo kii July 2009 ay ku gaareen Sirte (Para 17) iyo Go'aankii ka soo baxay Golaha Amaanka ee tirsigiisu aha 1862, 2009 kuwaasoon weli la hergelinin, Wuxuuna ugu Baaqay Xukuumada Eriteria inay ka baxdo hay'sashada ay haysato dhulka Jabuuti ayna ka waantoowdo siyaasadeeda ku dhisan qas ka abuurida wadanka Jabuuti.

15- Wuxuu Go'aansaday In uu arintaan ku dheganaado daba socdana.

Baaqan waxaa laga soo saaray Magaalada Addis- Ababa, Itoobiya 10 July 2009.


XAFIISKA QARAMADDA MIDDOWAY U QAABILSAN

                 ARRIMAHA SOOMAALIYA (UNPOS)

War-saxaafadeed 021/2009

ERGAYGA GAARKA AH EE QARAMADDA MIDDOWAY OO RAJEEYEY IN AY DEGANAANSHO KU SOO NOQON DOONTO MAGAALADA MOGADISHU

Nairobi, 13 July 2009

Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Middoway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Oul-Abdalla ayaa rajo ka muujiyey in guulihii ay gaareen Ciidamada Amaanka Soomaaliyeed Isbuucan

Inay u ogolaan doonto in xooggaa Nabadgelyo ah ku soo noqoto Magaalada Mogadishu, dadka ku nool Mogadishuna ay ku noolaadaan nolol caadi. 

Ergayga gaarka wuxuu yiri weerarada lagu soo qaaday dhowaan ciidamada dawlada Soomaaliyeed  iyo kuwo kaleba ayaa sababay dad badan oo deganaa Magaalada Mogadishu inay si xoog leh u barakacaan kuwaas oo ay ku jiraan dad dhowaan Mogadishu ku soo noqday oo rajaynayey inay si nabadgelyo leh ugu noolaadaan meesha.  Wuxuu rajeeyey in dhacdooyinkii dhacay Isbuucani u ogolaan doonaan dad badan inay dib ugu noqdaan guryahooda isla markaana saamaxaan in kaalmo dhinaca Beni’aadamka ah la gaarsiiyo dadka sida aadka ah ugu baahan “ Inkastoo ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa kaleba ay turid ka muuqatay haddana weerar joogto ah ayaa ku socday dhismooyinka dawlada iyo dadka rayidka ahba taasoo ay la socotay xad gudub xoog leh oo xuquuqul insaanka ah iyo dilidba.  Iyagoo ka jawaab bixinayaa arintan ayaa Ciidamada Dawlada oo ayan jirin wado kale oo u furan inay difaacaan dadka Magaalada Mogadishu ku nool mooyee” ayuu yiri Ergayga.  “Waxyeeleynta Umaada Soomaaliyeed oo ay waxyeelayaan dad Soomaali ah maahan mid cudurdaar loo helaayo”. 

Wixii warar dheeraad ah fadlan la xiriir: Susannah Price/Donna Cusumano, Public Information Officers, Un Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel: +254 20

76207132/7133 ama +254 733 902 020/737 400 133 Fadlan Booqo: www.UN-Somalia.org

Faafin : SomaliTalk.com | July 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version