SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shabaabku ma khawaarij baa ?? Shiikh Cabdiraxmaan Abyad


Mahad dhammaanteed ALLAAH baa iska leh , intaas ka dib, Umuuraha murugsan ee Soomaalida dadka la socda waxaa beryahan danbe dhegohooda ku soo noq-noqonayay, oo qaar badan xaajo uguba ku noqotay , odhaahda ah “ Ciddii aniga i khilaafta , ama aan u okobnaan waxa aan keeno waa Khawaarij , amaba koox heblaayo waa Khawaarij, iyadoo marar badan si gaara loogu duur xulo xarakada Al- shabaab.

Arinkaas waxaa ka dhashay in dad badani is weydiiyaan horta “ Khawaarijtan “ la sheegayaa maxay yihiin sidoodaba, halka qaar kalena isku maan dhaafsan yihiin garta ama gardarrada hadalkaasi amaba canjarafkaasi waa sida qolyo kale u arkaane , xanbaarsan yahay.Sidaas darteed waxaan jeclaystay inaan akhristaha qormadan u soo gudbiyo xog kooban oo ku saabsan firqadan hadal haynteedu badatay ee “ AL- KHAWAARIJ “, iyo jawaabta su’aashayda cinwaanku xanbaarsan yahay . 

 

 

Qormadani waxay ka koobnaan doontaa afar xidhmo :

B- Xog guud oo ku saabsan Khawaarijta .
T- Jawaabta su’aasha cinwaanka.
J- Yaa ku sheega Shabaabka Khawaarij .
X- Gabo-gabo . 

Intase aanan galin muca iyo ujeedka qormadan waxaan gogol dhig uga dhiganayaa hal-beeg “qaacido” lama huraan u ah marka koox ama qof waxa uu yahay la gorfaynayo :

Dhaleecaynta ama amaanidda aad qof ama koox u jeedinaysaa waxaa lagama maarmaan u ah labo shardi oo kala ah 

1- Aqoon , cilmi la’aani hadday jirto waxaa shaki la’aan ah in xad gudub iyo 
Gabood fal imanayo . 

2- Caddaalad , haddiiba qofka wax qaadaa dhigayaa cilmi leeyahay , haseyeeshee uu caddaaladda ka fog yahay waxaa loo aanayn karaa amaba lagu tuhmi karaa dulmi .

Intaas haddaan ku dhaafo halbeegaas , bal aan u gudbo inaan wax ka tibaaxo xog kooban oo ku saabsan khawaarijta .

Xog ku saabsan khawaarijta.

Sidii aan hore u soo tibaaxay waxaaan ka horeysiin doonaa jawaabta waydiinta cinwaanku xanbaarsan yahay – si jawaabtu u fududaato – xog ku saabsan firqada khawaarijta , sida : 

· Qeexidda khawaarijta , ama waa maxay khawaariji ?.

· Astaamaha lagu yaqaan .

· Soo yaalkooda iyo goorta ay soo ifbaxeen.

· Xukunkooda.

· Dhibaatooyinkii ay geysteen

· Qaar ka mida nusuusta ku soo aroortay .

Qeexidda khawaarijta , ama waa maxay Khawaarij 

Khawaarijta " ÇáÎæÇÑÌ " waa eray Af- carabi asalkiisu yahay, Af-soomaali ahaanna waxaa macnihiisu yahay ” baxayaasha ” , ama kuwii baxay .

Maxay ka baxeen tolow? Yayse ku baxeen ? .

Waa labo waydiimood oo kusoo deg-degi kara maanka akhristaha , jawaabtooduse waxay ku imaan doontaa qormadan dhexdeeda .

Khawaarijtu waxaa kaloo ay leeyihiin magacyo kale oo ay caan ku yihiin , sida: Muxakkimah , Xaruuriyah , Maariqah Shuraah …

Culimadu waxay isku raacsan yihiin in Khawaarijtu yihiin koox ka mida kooxaha halaagsamay ee lunsan , kuna gafay waxyaabo badan oo caqiido iyo camalba leh .

Tilmaamaha khawaarijta 

Waxay firqadani leedahay summado badan oo qofkii aqoon u lihi aanu ka hadfayn,

Hayeeshee aanay qormadan koobani wada xanbaari Karin ,halkanna aanan kusoo wada minguurin Karin , waxaanse si korka xaadis ah u sheegi doonaa kuwa ugu wax ku oolsan uguna waawayn , waana kuwan :

1. Inay qofkii danbi wayn ku dhaca sida : beenta, xanta, gogol dhaafka , khamriga , dilka , ribada , iwm ku tilmaamaan inuu yahay GAAL naarta ku waaraya , muslimna aan lagu sheegi Karin .

Taasina waxay sabab u noqotay in ummadda muslimka ah oo dhammi agtooda gaalo ka noqdaan wixii aan iyaga la fakir ahayn “ kaligood muslim “ maadaama oo aan dunuubta macsuum laga ahayn , sidaas darteed muslimka lama tukadaan , gawrocooda ma hungureeyaan , xabaalohooda wax kuma aastaan .

Muslim ka fogaan shaha gaadhay inaan xataa lala tukani, waxay ka dhalatay gaalaysiinta muslimka la gaalaysiiyo, iyadoon loo aabbe yeelin amaba loo kitaab furin , waxayna culimadu u yaqaanaan " áæÇÒã ÇáÊßÝíÑ " 

2. Saxaabadii Suubanaha “Õáì Çááå Úáíå æÓáã “ qaarkood sida : Cuthmaan , Cali , Dalxa , Caa’isha iyo kuwo kaleba oo ay ku tilmaamaan inay amaanadii khiyaameen ama gaaloobeenba !!!.

3. Sunnada nabiga “Õáì Çááå Úáíå æÓáã “ oo ay inkiraan in la xujaysto haddii aanay waafiqin shuruudo gaar ah oo ay iyagu dajisteen . 

4. Dirirtooda ama halgankooda oo ay ku wajahaan muslimka halka gaaladu ay ka badbaado .

5. Jahli iyo diinta oo loo fasiro si’aan xaqa waafaqsanayn, lana adkeeyo wax aan mudnayn in la adkeeyo .

6. Haweenka oo ay ku waajibiyaan inay soo qalleeyaan salaadihii dhaafay intii dahaaradu ka jabnayd .

7. Magacyada iyo tilmaamaha ALLAAH oo ay ta’wiiliyaan ( marin habaabiyaan ) .

8. Ahlul cilmiga oo laga fogaado lana xaqiro .

9. Midawga muslimiinta iyo madaxdoodaba in guluf colaadeed lagu kiciyo , iyagoo ka duulaya inay gaalo yihiin .

10. Suuradaha Qur’aanka qaarkood oo kooxo ka mid ahi diidaan , sida suuratul yuusuf.

Calaamadahaas ayaa ah kuwa ugu tunka buuran ee firqadaasi lagu ibtileeyay.

Sooyaalkooda iyo goortii ay soo ifbaxeen 

Waxaa culimadu isku maandhaafeen goorta ay soo ifbaxeen , waxaanse ku ekaan doonaa soo bandhigidda saddexda aragtiyood ee ugu xoogga badan : 

· Culimada qaarkood waxay qabaan inay soo baxeen wakhtigii Suubanuhu noolaa, aragtidoodaasna waxay u cuskadeen , ninkii nabiga “Õáì Çááå Úáíå æÓáã“ ku yiri isaga oo qaniimo qaybinaya : caddaalad samee maad caddaalad samayn ee!!!!. 

Ninkaas oo ah aabbaha khawaarijta , waxaana la oran jiray “ dul khuways sarah “

· Waxay soo baxeen sabankii Cuthmaan ayaa culimo kalena qabaan .

· Inay soo baxeen wakhtigii Cali ayaase loo badan yahay , maadaama oo dagaallo ba’ani dhex mareen Cali iyo nimankaas ibtilaysan , oo ay ugu magac dheer tahay goobtii nahrawaan sannadkii 37 H ugu danbayntiina iyagu ay dileen - saddex sano kadib - saxaabigaas weyn ÑÖí Çááå Úäå æÃÑÖÇå 

Si kastaba ha ahaato e’ waxaa inoosoo baxaysa in kooxdani ay tahay tii ugu horaysay ee daba marta waddadii suubanaha “Õáì Çááå Úáíå æÓáã “ , ceelalyona u noqota 72kii la sheegay inay soo bixi doonaan . 

Qaybohooda 

Kooxdani sida ay ummadda inteedii kale u khilaafeen ayay iyana isu khilaafeen , waana arrin dabiici ah oo ay la kulmaan kooxaha lunsani .

Laamaha firqadan ka farcamay waa tiro badan yihiin , waxaase ugu magac dheer :

1- Al azaariqah “ ÇáÃÒÇÑÞÉ “ oo ku ab tirsata nin la oran jirey ” Naafic binu Azraq” äÇÝÚ Èä ÃÒÑÞ .

2- Assufariyah “ ÇáÕÝÑíÉ “ oo ku ab tirsata nin la oran jirey “ Zayaad binu Al asfar” ÒíÇÏ Èä ÇáÃÕÝÑ .

3- Al ibaadiyah “ “ oo ku ab tirsata nin la oran jirey ” Cabdullaahi binu Ibaad ” 

ÚÈÏ Çááå Èä ÅÈÇÖ . 

Waxaa xusid mudan in khawaarijtu tiro ahaan iyo siyaasad ahaanba ay maanta dunida farakutiris ku yihiin, walow ay iyagu xukumaan gaar ahaan firqada Ibaadiyadu waddanka" Cumaan" oo ka mida waddamada gacanka carbeed ” ÇáÎáíÌ ÇáÚÑÈí ” .

Xukunkooda .

Markii dadka aqoonta lihi lafa gureen kooxdan iyo waxa ay rumaysan tahay , waxay arini la dhaafi wayday inay ka kala qaateen laba aragtiyood :

· Muslimba maaha oo xanafiyadaba kuma jiraan , sidaas darteed baana loo yidhi khawaarij = kuwii baxay , loogana gol leeyahay inay diinta ka bexeen .

· Waa firqo lun san oo xaqa aad uga baydhay oo ahlul bidac ah , laakiin waxaa lagu tirinayaa guud ahaan inay ahlul qiblaha ka mid yihiin .

Qaar kamida nusuusta ku soo aroortay .

Waxaa lagama maarmaan ah inaan wax uun ka tilmaanno nusuusta ku soo aroortay firqadan, si’aan u fahamno waxa ku xanbaaray ahlulcilmiga qaarkood inayba ku gaalnimo xukumaan sida aan kor ku soo xusnay.

Waxaa kamida xadiiskii suubanuhu ku tilmaamay inay ahlu naar yihiin ßáÇÈ Ãåá ÇáäÇÑ Waxaa kaloo kamida in suubanuhu ku sifee yey inay diinta ka bexeen íãÑÞæä ãä ÇáÏíä ßãÇ íãÑÞ ÇáÓåã ãä ÇáÑãíÉ iyo nusuus kale oo aad ka heli karto kutubul xadiis, caqiidah , fiqhi , taariikh .

T – Jawaabta su’aasha cinwaanka . 

Aniga oo ka shidaal qaadanaya nusuusta iyo xogaha kor ku xusan , waxaan akhristaha usoo bandhigayaa su’aalahan :

Qofkii kabiiro ( danbi wayn ) ku dhaca, sida: xanta beenta …iwm shabaabku ma ku gaalay-siiyaan?.

Saxaabadii suubanaha afkooda ma la gaadhaan , gaar ahaan , Cuthmaan ,Cali Dalxa , Caa’isha ? 

Gaaladu ma ka badbaadaa dirirtooda ?

Su’aalahan jawaabtooda ayaa fure u ah su’aasheenna jawaabteeda. 

Waxay aniga ila tahay in qof kasta oo caadil ah ay u soo bixi karto in shabaabku aanay khawaarij ahayn , maxaa yeelay ? usuushii firqadaasna kama muuqato , furuuc badan oo ay ku waafeqeenna looma jeedo .

J – Yaa ku sheega shabaabka khawaarij ? .

Aniga aragtidayda shabaabka waxaa sifadaa ku tuhmaysta inta badan afar kooxood :

1. Suufiyada .

Gaar ahaan kuwa masaargaabka ah, kumana koobaan khawaarijnimada alshabaab oo kaliya, ee ciddii xabaalaha la dul dangiigo, iyo lafaha maytida ee la tuugayaba shirkinimadeeda iftiimisaa agtooda waa ka khawaarij !!.

2. Rag ay siyaasadda isku hayaan oo ” dawladda ” ka tirsan oo bar yahan danbe ku xabeeb iyo xuurtoobay ” ciddii i khilaaftaa waa khawaarij” .

Sida muuqata waxaa iskaga dheehmay khawaarijta iyo buqaadda oo farqi wayni u dhexeeyo, waxaana ugu muhiimsan , in buqaaddu aanay had iyo goor dhaliilnayn ee ay gar yeelankaraan, halka khawaarijtu ay ka yihiin firqo lunsan , waaba haddii dawlad nimadoodu sugnaato.

3. Ashahaado la dirirka oo sida ka muuqata helay xadhig ay cuskdaan, kagana aargoostaan raggii shalay dhangalaasooyinka culculus u gaysytay oo ay wali dingaraaradeedii hayso, baladkana ka sifeeyay.

Sida ciil iyo madhuudhyo sadrigooda u jiiftona ma filayo inay shabaab kaliya ku ekaan doonaane , hadday u suuro gasho , waxay olki doonaan waxoodii xilka lahaa , culimo dhoofin, iyo isbaaro birimagaydada lagu baadhona dib bay u noolayn doonaan .

4. kooxo ay isku hayaan masalooyin u badan sida iyo waddada ugu haboon ee lagusoo celin karo xukun islaami ah iyo khilaafadii duntay .

X – Gabogabo .

Waxaan ku soo xidhayaa in qof kasta oo muslim ahi maskaxda ku hayo marka uu ruux muslim ah diintiisa gacan togaalaynayo aayaddan qur’aanka ah :

æáÇ íÌÑãäßã ÔäÆÂä Þæã Úáì Ãä áÇ ÊÚÏáæÇ ÇÚÏáæÇ åæ ÃÞÑÈ ááÊÞæì 

Oo macneheedu yahay : yay idinku xanbaarin qolo cadhadeed inaydaan caddaalad samayn , caddaalad sameeya taasaa cabsida u dhowe .

Ugama jeedo qormadan inaan leeyahay shabaabka waxba kama khaldana oo waa ceeb ka saliim xalay dhalay ah , ee waxaa ujeedkaygu yahay , waxaanay qabin yaan la saarin !!.

Shabaabka wax maka khaldan yihiin? .

Waxaan qabaa HAA. Mana aha wax lala yaabo maxaa yeelay waa bashar , basharna gaf iyo daalaa dhacays kama madhna , laakiin taasi keeni mayso in caddaaladda iyo cilmigaba lagu xadgudbo oo lagu sheego waxaanay ahayn iyagana aan berri ku koobnaan doonin.

æÈÇááå ÇáÊæÝíÞ 

W.Q. Cabdiraxmaan Abyad Mahad Haka Gaadhee 
Abyad2@hotmail.com

Waxaana soo Guuriyay Farxaan Abdiraxmaan 
roobble@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin : SomaliTalk.com | July 10, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version