SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hubkii Mareykanka ugu Deeqey Dowladda Federaalka oo Qaybintiisa loo xilsaarey Saraakiil Amisom ah

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka oo beryahan si qarsoodi ah ugu sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa waxay wadahadal la yeesheen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom , waxaana kulankaas looga Hadley sidii hubkii Mareykan ugu deeqay Dowladda Soomaaliya ugu qaybin lahaayeen Ciidamada Dowladda ee Dagaalka kula jira Xarakada Shabab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam kuwaas oo ku dhaw Xarunta looga arrimiyo Dowladda ee Madaxtooyada .

Warkaan oo aan ka soo xiganey Wargeyska Daily Monitor ayaa waxaa si aad loogu lafa gurey qaabka qaybinta Saanadaas Milatari , iyadoo Saraakiisha ku howlan Qaybintaas Hubka ay Mushaar ka qaadanayaan Dowladda Mareykan oo dhawaan shaacisey in ay hub ugu deeqeen Dowlada faderaalka si ay isaga difaacaan kooxaha mucaaradka , inkastoo aan si rasmi aan loo shaacin Hubkaas Noocyadiisa hadana dadka u kuurgala arrimaha hubka waxay sheegeen in hubkaas ay u badan yihiin rasaas , waxaana keeney hubkaas Dhowr Diyaaradood oo maalihiihii la soo dhaafey ka soo degeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. 

Warka wuxuu intaa ku darayaa in dowladda Mareykanka ay si aad ah ugu walaacsan tahay in hubkaas uu gacanta u galo Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Fedwraalka maadaama dhowr jeer Hub la siiyey Dowladda uu u gacan galey Kooxahaas ama lagu arkey iyadoo lagu kala iibsanayo Suuqyadda Hubka ee Magaaladda Muqdisho.

Madaweyne Shiikh Shariif oo haatan ku sugan Magaalada Kamballa ee wadanka Uganda ayaa waxaa la sheegey in uu halkaa kula kulmey saraakiil ka tirsan waaxda Gaashaandhiga ee wadankaas waxaana la iskula soo qaadey sidii hubka Mareykanka loogu aamini lahaa Ciidamada Dowladda waxaana la isku afgartey in hubka loo dhiibo Ciidamada Daacadda u Dowladda Shiikh Shariif 

Qorshaha Qaybinta hubkaan ayaa wuxuu ku soo beegmey Xilli Muddo shan cisho ah loo qabtey in Ciidamada Dowladda in ay Hubka ku soo wareejiyaan waxaana arrintaan ay ka soo yeertey Amiirka ugu sareeya Xarakadda Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar (Abuu Subeyr ), hase yeeshee Dowlada ayaa ku gacan sayrtey Dalabkaas ka yimid Al-Shabaab kuna tillmaantey mid aan laga fiirsan waxaana laga cabsi qabaa in mar kale Dagaalo ka dhacaan Magaalada Muqdisho maadaama mudda loo qabtey Ciidamada Dowlada ay ka harsan tahay Hal maalin waxayna dad ku harey magaalada u dheg taagayaan waxa dhici doono marka ay dhamaato Mudadaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinKhasaaro@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 10, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version