1862kii
ayuu gumaysigii Faransiisku ka soo degey oo uu qabsaday xeebta Obokh ee ku
taal woqooyiga Jamhuuriyadda Jabuuti. 1885kiina waxa uu u soo wareegey xeebta
magaalada Jabuuti gaar ahaan khooriga la yidhaa Cambaado. Cambaado waa goobtii
ay ku kulmeen Faransiiska iyo odayadii Ciisaha ee ay ku kala sexeexdeen
heshiiskii u horreeyey. Haddaba inkastoo heshiis dhex maray odayadii Ciisaha
iyo Faransiiska haddana waxa jiray dad diiddanaa oo aad uga soo horjeeday in
gaaladu cagaha soo dhigaan dhulka.
Raggii diiddanaa gaalka oo ahaa dhallinyaro dagaalyahaanno
ah,waxa hoggaamiye u ahaa geesigii Faarax-xaad.Muddo badan ayey Faarax-xaad
iyo colkiisu Faransiiska ku horjoogeen xeebta oo aanu meelba u dhaafin. Waxaan
odhan karnaa halganka gumaysi-diidku markaa buu bilaabmay. Sida aan sooyaalka
ku hayno, halganka loo soo galay xornimada Jabuuti kolba heer iyo marxalado
wejiyo badan leh buu soo maray.
Marka muddo la joogaba waxa abuurmayey ururro gumaysi-diid
ah oo ay hoggaaminayaan rag geesiyaal ah,isticmaarkuna goor walba xoog iyo
cabudhin buu saari jirey si uu u demiyo iftiinka gobonnimo-doonka, ilaa u
dambayntii uu xooggiisii waxba tari waayey oo shacabkii guulaystay
gobannimadiina dhalatay 27kii Juun 1977kii.
Haddaba maqaalkan maanta waxaan ku soo qaadan dhacdo ka mid
ah dhacdooyinkii ugu qadhaadhaa ee uu soo jibaaxay halgankii xorriyaddu.Taas
oo ahayd 1966kii-1967kii. Akhristaha maqaalkan waxa hor iman isweydiin
ah,qoruhu muxuu u doortay dhacdadan? Waa su’aal meesha ku habboon.Waxaan u
doortay waa tii ugu qadhaadhayd, ugu dhib badnayd uguna murugo iyo dhimasho
badnayd. Xilligaa adag ee aan soo tilmaanay waxa dadweynaha hoggaan u ahaa
xisbigii amma ururkii gobannimo-doonka ahaa ee la odhan jiray (Partie
Mouvement populaire) (P.M.P.) Ururka Dhaqdhaqaaqa Shacabka.
Ururkaa oo la aasaasay wax yar ka dib markii la maqlay
geeridii murugada lahayd ee geesigii Maxamuud Xarbi Faarax. Xisbiga waxa
aasaasay niman dhallinyaro ahaa oo ay buuxisay waddaninnimo.Dhalliyaradaa waxa
ka mid ahaa:
-
Cabsiiye Buux Cabdalla
-
Muuse Axmad Idiris
-
Cabdiraxmaan Cadhoole
-
Axmad Faarax
-
Jaamac Cabdi Bakaal
-
Ibraahim Axmad Buraale(Shiine)
-
Idiris Faarax Habbane
-
Cusmaan Caaggane Casoowe
-
Rooble Obsiiye
-
Maxamad Cali Shirdoon
-
Axmad Cilmi
Iyo qaar kale. Aasaaska ururka P.M.P.wuxuu kor u soo qaaday
niyaddii shacabka gobannimo-doonka oo geeridii Maxamuud Xarbi ka dib hoos u
dhacday. Xafiiskii u horreeyey ee xisbigu yeesho maalintii la furay, raggii
halkaa wilwilaha ku gooyey ee ka geeraaray waxa ka mid ahaa Jaamac Muuse
Miicaad.
Boobileer ninka diidi (Populaire)
Daacad buuna ahaynoo
Dulligii Faransiisiyo
Digool buu la hayaayoo
Inaa doonni la saarayuu
Ka tagaayo dalkeenna
Ninba diir kama saarro oo
Dadaal baan ku jirraaye
Daayimow na gargaar.
Guddoomiyaha Xisbiga waxa loo doortay Axmad Faarax
Aadan(Daaliye) ku-xigeenkana Cabsiiye Buux Cabdalla.1961kii waxa uu xisbigu
qabanqaabiyey mudaaharaad ballaadhan oo lagala hortegey wasiir ka tirsanaa
dawladda Faransiiska oo la odhan jiray Robert Lecourt oo dalka booqasho ku
yimid. Mudaaharaadkaa kadib waxa xabsiga loo taxaabay guddoomiyihii
ururka M. Axmad Faarax (Daaliye) waxana lagu xukumay saddex bilood oo xadhig
ah amma inuu caf dalbado,sidaa daraaddeed caf buu guddoomiyuhu ka dalbaday
maamulkii gumaysiga, ururkiina uu iska casilay.
Waxa markaa guddoomiyihii xisbiga loo doortay Cabsiiye Buux
Cabdalla. Cabsiiye,nin dhiirran oo aan Gaalka ka gabban buu ahaa,isla markaana
daacad u ahaa ururka iyo dadweynaha aaminay labadaba. Tiraba saddex jeer buu
gumaysigu ku xukumay xadhig. Xisbigu waxa kale oo uu taageero ka haystay
culimadii dalka oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cusmaan Wacays iyo Sheekh
Cabdillaahi Boode (Labadaba Allaha u naxariisto)
1963kii doorashadii baarlamaanka gudaha ayuu xisbigu guul
weyn oo gumaysigii ka yaabisay ka soo hooyey. Waxa kale oo xisbigu ku
guulaystay mudanihii dalka u geli lahaa baarlamaanka Faransiiska, kaas oo loo
doortay Muuse Axmad Idiris. Guddoomiyaha ururka waxa markaa ahaa Cabsiiye Buux
Cabdalla. Xisbi kale ayaa jiray oo la odhan jiray Ururka Dimuqraadiga Cafarta
(Partie democrate Afar) (P.D.A.) Inkastoo uu xisbigaasi ka owood yaraa xisbiga
kale haddana waxa uu u badheedhay inuu ku dhawaaqo gobannimo ayaan doonaynaa.
Xisbigaa raggii aasaasay waxa ka mid ahaa
-
Orbiso Gadiito Xasan oo guddoomiye ahaa
-
Axmad Diini Axmad
-
Maxamad Kaamil
-
Cabdalla Maxamad Kaamil
-
Maxamad Axmad Ciisa(Sheekho)Iyo rag kale.
Hasayeeshee u dambayntii labadii xisbi way midoobeen si ay
cududda gobannima-doonka u xoogeeyaan,waxayna ku biyo shubteen ururkii P.M.P.
Sannadkii 1964kii waxa la qabtay Sheekh Cabdillaahi Boode oo isagu goor walba
xisbiga u soo ururin jiray dhaqaale uu ku meel maro. Sheekh Cabdillaahi waxa
laga soo qabtay magaalada Dikhil isagoo maalintaa wada adhi fara badan oo uu
ka soo ururiyey dhulka miyiga ee galbeed kaga toosan Dikhil,maxkamad
ayaa la geeyey waxana lagu xukumay siddeed sannadood iyo siddeed bilood oo
xadhig ah. Bishii Juun 6dii 1966kii waxa shirqool gumaysigu soo abaabulay lagu
dilay Allaha u naxariistee Sheekh Cusmaan Wacays oo ka mid ahaa culimada
waaweyn ee dalka islamarkaana iimaam ka ahaa masjidka Sheekh Cabdulqaadir ee
ku yaal xaafadda afraad ee magaalo-madaxda.
Sheekhu waxa uu safka hore kaga jiray la dagaallanka
gumaysiga iyo isagoo caan ku ahaa khudbadaha Jimcaha oo uu ku soo qaadi jiray
dhibta iyo kadeedka uu gumaysigu ku hayey dadweynaha, wuxuna dadweynaha
goor kasta ku guubaabin jiray inay heeryada gumaysiga iska dul qaadaan. Dilka
Sheekhu waxay dadweynihii iyo xisbigiiba ku noqotay naxdin iyo walbahaar
iyadoo awal horena la ogaa dilkii uu isticmaarku u geystay geesigii Maxamuud
Xarbi 1960kii. Iyadoo arrini halkaa marayso oo daweynihii ciil iyo cadho
buuxiyeen, ayaa madaxdii xisbiga P.M.P waxay ogaadeen laba bilood ka dib in uu
dalka booqasho ku iman doono madaxweynihii Faransiiska ee xilligaa Jeneraal
Digool.Madaxwenaha Faransiisku inta aanu iman Jabuuti waxa uu soo marayey
dalka Itoobiya oo uu Xayle Silaase markaa boqor ka ahaa.
Haddaba ururkii P.M.P. iyo Jabhaddii Xoreynta Xeebta
Soomaalida (Front Liberation de la Cote Française de Somalie) (F.L.C.S.)
ee xarunteedu ahayd Muqdisho, waxay galeen abaabul weyn oo lagu kicinayo
dadweynaha si markuu Digool yimaaddo loogu mudaaharaado oo adduunweynaha loo
tuso in dadka reer Jabuuti doonayaan madax-bannaanidooda. Madax ka kala
socotay Jabhadda F.L.C.S.iyo P.M.P. ayaa waxay ku heshiiyeen in abaabulka loo
wado si qarsoodi ah. Madaxdii Jabhaddu waxay qoreen warqad xambaarsan farriin
culus oo ku socota dadweynaha reer Jabuuti.
Warqaddaas waxa loogu tala galay inay dhiigga dadka
dhaqaajiso,ereyadii ku qornaa waxa ka mid ahaa. Dadka reer Jabuutow,
madaxweynihii Faransiiska Digool ayaa Jabuuti ku soo beegan 25ka bisha Aout
1966ka,inta anu Jabuuti iman waxa uu soo marayaa dalka Itoobiya. Dadka reer
Jabuutow aayihii dalkiina halkaa baa lagaga xaajoonayaa,sidaa daraaddeed waa
inaad hurdada ka kacdaan oo aad muddaaharaddo dhigtaan markuu Digool dalka
yimaaddo, si aad adduunweynaha ugu muujisaan inaad doonaysaan xornimadiina.
Xaashidii farriintaa xambaarsanayd intoo la badiyey ayaa
maalmo ka hor intii anu Digool magaalada iman meelo badan lagu daadiyey.
Ururkii P.M.P. isaguna abaabul xoog leh oo nidaamsan ayuu gudaha ka
galay,xaafad kasta rag baa loo qaybiyey inay dadka kiciyaan oo qoraan boodhadh
muujinaya waxa ay doonayaan oo ah madaxbannaani buuxda. Dhinaca kale maamulkii
gudaha ee uu dhisay gumaysigu ee uu madaxda ka ahaa dabadhilifkii Cali Caarif
Burhaan iyagu abaabulkaa socday way ka dhega xidhnaayeen, waxayna isku
diyaarinayeen inay soo dhaweeyaan Digool oo ay tusaan sida ay u jecelyihiin
gumaysiga, iyagoo ka been sheegaya shacabka, danahooda gaarka ahna wata.
Cabdalla Xaaji Cismaan - Qoraha Maqaalkan
Haddaba maxaa dhacay maalintaa markuu Digool yimid Jabuuti?
Maalintaa oo ku beegnayd 25kii Aout 1966kii intii aanu Digool soo caga dhigan,
waxa waddadii uu soo marayey oo ah ta xidhiidhisa gegada diyaaradaha iyo
badhtamaha magaalada isa soo tubay oo buux dhaafiyey dadweynihii oo aan u kala
hadhin maalintaa, dhallinyaro, odayo, haween iyo carruur intaba. Nidaamka,
asluubta iyo nabadgelyadaba waxa maalintaa dusha ka ilaalinayey dhalliyaradii
hoggaaminaysay ururkii P.M.P.Dadweynihii maalintaa soo buuxiyey waddooyinka
wax haba yaraatee boodhadh ah oo ay siteen kama muuqan, waayo ballanta ayaa
ahayd in la qarsado oo hoosta lagu qarsado,marka uu Digool soo dhawaadana mar
qudha lala soo wada baxo.
Sirtaa iyo nidaamkaa ay dadweynaha iyo xisbigu ku dhaqmeen
baa u suurta gelin weyday ciidamadii Faransiiska ee gaafwareegayey maalintaa
inay wax ogaadaan oo ay war helaan. Goor galab ah ayuu Digool ka soo baxay
gegeda diyaaraduhu soo caga dhigtaan isagoo lagu sido gaadhi ballaadhan.
Dadwenihii oo waddadii uu marayey buux dhaafiyey ayaa mar qudha la soo baxay
boodhadhkii ay hoosta ku siteen. Boodhadhkaas oo ay ku qornaayeen (INDEPENDANT)
gobannimo.
Intaa waxa ka darnaa dhawaaqii ay daweynuhu ku dhawaaqayeen
Gobannimo oo dhulka kaga gariirsiiyey. Meelo ka mid ah badhtamaha magaalada
ayuu maamulkii gudaha ee gumaysiga daba dhilifka u ahaa ku ururiyeen dad yar
oo ay u dhiibeen boodhadh ay ku qoreen soo dhaweynta Digool iyo Faransiis baan
rabnaa, hasayeeshee ururkii P.M.P. ee gobannimo-doonka ayaa kuwaana ku dhex
darsaday dhallinyaro hoosta ku wadata boodhadh ay ku xardhan yihiin GOBANNIMO
AYAAN RABNAA.
Markuu soo dhawaaday Digool ayey dhallinyaradiina
hawshoodii qabsadeen oo ay la soo baxeen boodhadhkii oo ay ku qoran yihiin
GOBANNIMO,GOBANNIMO. Maalintaa waxa indhihii Digool loo diiday inay arkaan
amma ay qabtaan qoraal aan ahayn GOBANNIMO BUUXDA AYAAN RABNAA. Dhegihiisiina
waxa asqeeyey oo buuxiyey dhawaaqii dadweynaha oo qiiraysan. Galabtaa waxay
shacabku adduunweynaha tuseen sida ay u doonayaan madax bannaanidooda,dawladda
Faransiiskana way ku beeniyeen wixii ay caalamka muddo badan u sheegi
jirtay.Socdaalkii Digool waxa uu ku bilawday guuldarro dhiniciisa ah iyo guul
dhinaca dadweynaha ah.Dadweynuhu ereyadii maalintaa ay ku hadaaqayeen waxa ka
mid ah,
Digoolow is darmuushtaye
Diifta maanta ku gaadhay
Dambigaagi miyaa
Maalintii labaad ee bishu ahayd 26kii Aout 1966kii,
galabnimadii waxa la qoorsheeyey in Generaal Digool ka khudbeeyo fagaare ku
yaal Baarlamaanka Jabuuti hortiisa. Dadweynihii madaxbannaanidooda u
harraadnaa ayaa duhurnimadiiba soo buux dhaafiyey fagaarihii iyaga oo sita
boodhadh lagu xardhay ereyo ay ka xanaaqeen maamulkii iyo ciidamadii
Faransiisku.
Intii anu Digool iman goobtii ayey ciidamadiisii rasaas
oodda kaga qaadeen shacabkii sida nabadda ah ku doonayey aaya-ka-talintooda.
Maalintaa dad door ah ayaa halkaa ku dhintay,boqollaal
kalena way ku dhaawacmeen,qaar kale oo badanna xabsiyadaa laga
buuxiyey.Goobtaa sawirradii laga qaaday markaad aragto ayaad garan diillada ay
maalintaa gaysteen ciidamadii Faransiisku. Saacado yar kadib ayuu Digool
goobtii yimid oo uu salaan kaga qaatay ciidamadiisii isla markaana ka
dul khubeeyey dhaawicii iyo kabihii ay halkaa dadku kaga tageen. Maalintaa
hadalladii uu Digool halkaa ka jeediyey waxa ka mid ahaa (Maryo cadcad oo
ereyo lagu xardhay gobonnimo laguma helo).
Dabadeed habeennimadiiba dalka uu ka ambabaxay. Maalin
saddexaadkii iyo wixii ka dambeeyey halkii bay ka sii socdeen mudaaharaaddadii
lagu doonayey xornimada. Si uu isku hortaago kacdoonka weli socda cadaadiskii
buu ku sii kordhiyey shacabka,dabadeed waxa xabsiga loo taxaabay qaar ka mid
ah xubnihii xisbiga P.M.P oo ay ka mid ahaayeen guddoommiyihii ururka Cabsiiye
Buux, Cadiraxmaan Cadhoole iyo Idiris Cumar Geelle. Cadaadiskii iyo xadhiggii
madaxdu marnaba ma hakin kacdoonkii balse wuxu noqday shiidaal sii huriya
dhaqdhaqaaqii xornima-doonka, ilaa aakhirkii lagu dirqiyey gumaysigii
Faransiiska inuu yidhaa afti baan dadka ka qaadi bisha mars19keeda 1967ka.
Badhtamihii bishii Sebtambar 1966kii ayuu gumaysigu
bilaabay inuu magaalo-daxda Jabuuti ku xidho oo uu ku wareejiyo silig amma
xadhi-xayir. Siliggaa uu magaalada ku xidhay koronto ayuu lahaa isla markaana
miino ayuu ku wareejiyey si aanu qofba u soo haweysan. Waxa kale oo siligga
hareerihiisa ka dhisnaa meelo badan oo askarta ilaaladu fuulaan si ay sheedda
wax uga arkaan. Laba irdood oo magaalada laga galo lagana baxo ayuu u sameeyey,
labadaas meelood oo kala ahaa Nagaadh oo ah halka tareenku ka soo galo iyo
waddada Carta halka ku began xerada ciidammada ee Sheekh Cusmaan irriddeeda.
Labadaa meelood ee laga soo galayo, baadhitaanno xoog leh
ayaa dadka lagu samayn jiray, ciddii waraaqo aqoonsi leh oo keli ah umbaa
halkaa mari jirtay. Dhismaha siliggaa oo dherarsanaa min badda Doorale(Dhinaca
galbeed) ilaa badda Haramuus (dhinaca bari) waxa hawshiisu ku dhammaatay hal
toddobaad oo keli ah. Siliggaasi waxa uu magaalada ku meersanaa tan iyo markii
uu dalku xornimadiisa qaatay 27kii bishii Juun 1977kii. Markuu hubsaday inuu
dalkii kala xidhay ayuu bilaabay raaf aan kala go’ lahayn. Raafka, xadhigga
iyo cadaadisku waxay uu haysteen oo keli ah dadka Soomaalida ah, taasi waxay
dhalisay in xukuumaddii gudaha raggii Soomaaliyeed ee ka tirsanaa is wada
casilaan oo ay xukuumadda ka baxaan bishii Janaweri 1967kii. Waxaanu gumaysigu
magaalada ku soo rogey bandoo laga bilaabo 6da fiidnimo.
Guuldarradii ay ku dhammaatay booqashadii Digool,
mudaaharaaddadii oo istaagi waayey iyo raggii Soomaalida ee xukuumadda ku
jiray oo is casilay, intaas oo dhan canaanteedii waxay dawladdii Faransiis
dusha u saartay ninkii waaliga amma badhasaabka u ahaa dawladda oo magaciisa
la odhan jirey Louis Saget. Bishii Oktoobar 1966kii dabadhilikii Cali Caarif
Burhaan ayaa jagadii madaxnimada maamulka gudaha ee marka horeba gumaysigu u
dhiibay laga xayuubiyey, waxa lagu beddelay nin macaaradka ka tirsanaa oo la
odhan jirey Maxamad Kaamil Maxamad oo isna Cafar ahaa kana tirsanaa
siyaasiyiintii gobannimo doonka, hasayeeshee xilligaa wixii ka dambeeyey ku
ballan furay shacabka.
Haddaba hadalkii ka soo yeedhay dawladda Faransiiska ee
sheegayey inay afti qaadayso markii uu soo gaadhay dhegaha dadweynaha, iyagoo
haba yaraate aan ka baqan siligga dalka lagu kala xidhay iyo cadaadiskii
lagu hayey, ayey tabaabushe iyo diyaargarow ballaadhan u galeen sidii guul
kama dambays ah looga soo hoyn lahaa aftida dhacaysa bisha Mars 19keeda
1967ka. Abaabulkii, diyaargarowgii dadweynaha iyo ololahaha nidaamsan ee lagu
jiro markuu ogaaday ayuu gumaysigii Faransiiku bilaabay in uu dadka
waddaniyiinta waraaqahoodii aqoonsiga jeexjeexo.
Bishii Mars 10keedii ayuu xaafadaha magaalada ku kala
qoqobay silig isagoo wata ciidammadiisii faraha badnaa iyo hub culus,dabadeed
magaaladii ayuu aqal aqal u baadhay, saacado kadibna rag iyo dumar wixii
guryaha joogay buu soo dareeriye isagoo soo tubay bannaakii la odhan jiray
Milixda( waa halka imika ay ku taal xaafadda Angeela.)
Dadkii uu maalintaa gumaysigu halkaa ku soo ururiyey waxa
lagu qaddaray (45.000)oo qof. Shaqaalihii dekedda Jabuuti intii Soomaali ahayd
oo xamaaliin u badnayd iyagana shaqooyinkii dibaddaa laga dhigay.Xammaaliintii
waxa lagu baddalay dad Cafar ah oo intooda badan Itoobiya laga soo
ururiyey.Dadkii uu maalintaa soo tubay milixda qaar badan oo ka mid ah ayuu ka
tallaabiyey Lawyacaddo. dadkaas oo tiradoodu gaadhayso 6305qof, dhinaca
Itoobiyana 3000 oo qof ayuu u masaafuriyey kadib markii ay diidday dawladdii
Soomaaliya dadka dhulkooda laga soo masaafurinayo.Bishii mars16keediina silig
kale ayuu magaalada dhexdeeda ku kala qoqobay si xaafadna xaafad ugu gudbin.
Iyadoo xaalku halkaa marayo ayaa la gaadhay mars 19keedii
oo ahayd maalintii uu aftida qaadayey. Dadweynihii dhibaato iyo cagajuglayn
kastaa ha soo gaadhee iyagoo dhiirran bay codadkoodii si nabad ah ku dhiibteen.
Maalintaa la codaynayey waxa la isku guubaabinayey(Qofka maanta codayn
waaya,waa qof rasaas cadawga dili lahayd la baaqday) waxa kale oo maalintaa la
isku guubaabinayey heeso iyo gabayo waddani ahaa oo ka soo burqanayey Raadiyo
Muqdisho iyo Radiyo Hargeysa,heesaha maalintaa dhegaha dadweynaha ka dhex
guuxayey waxa ka mid ahayd, (Jabuutaay iska jir) oo uu laha Cabdi Muxumad
Aamiin
Gumaysi inuu jarmaadiyo
Inuu gurigiinna joogo
Afkii Janaraal Digool baa
Dardaaran idiinku jeedshee
Iska jir cadawga kula jecel
Inaad jaboto oodan joogsan
Hooy Jabuutaay
Jannada inaad doorataan
Iyo inaad Jahannamo galaysaan
Julaay iyo Juun dhexdoodaa
Jawaab la idinka sugayaa
Iska jir cadawga kula jecel
Inaad jabto oodan joogsan
Hooy Jabuutaay
Maalintaa la codaynayey darbiyada magaalada oo dhan waxa ku
qornaa oo ay indhuhu qabanayeen(NON) iyo ereyo kale oo lagu muujinayey sida
weyn ee loo diiddan yahay gumaysiga Faransiiska. Dadweynuhu maalintaa waxay
soo wada jeeniqaarteen qaarna madaxa ku soo xidheen maryo ay ku qoran yihiin
NON oo ka dhigan(MAYA GUMAYSI). Maalintii markuu gabbalku dumay dadweynihii
waxay ku xeroodeen guryahoodii, netijada aftida waxay kala socdeen Radiyooga.
Dawladda Faransiiska markaad u fiirsato ficilladii cadaadiska ahaa, raafkii
iyo siliggii ay magaalada ku giijisay, waxa kuu soo muuqanayey sida aanay
diyaar ugu ahayn inay dalka xornimo siiso. Natiijadii aftidii ay qaaddayna
waxay ku sheegtay in dadka reer Jabuuti doorteen gumaysi.
Tiradii natiijadii uu habeenkaa gumaysiga Faransiisku soo
saaray waxay ahayd in boqolkiiba 60,60 ay doorteen Faransiiska oo la sii jooga,
boqolkiiba 39,40na ay doorteen gobannimo. Dadkii xornima-doonku markii ay
maqleen natiijadaa uu ku dhawaaqay Faransiiku aad bay uga xumaadeen ugana
niyad jabeen. Abwaankii Ibraahim Garabyare(Allaha u naxariisto) oo maalitaa
goobjoog ahaa oo la waraystay ayaa maansadan ku jawaabay, waxa uu yidhi.
Ayaantii axaddii
Isniintii ka dambaysay
Arrinkaannu sugaynee
Ishtihaadka u yeellay
Isagoon xaqa eegin
Aayar buu iska qaatay!
Amankaag iyo yaabiyo
Irkig baannu ka qaadnoo
Intaan ifka joogo
Ma illoobi karaayee
Iga daa, iga daa
Adeerow iga daa
Adu maanad ogeyne
Arrinkaa iga daa.
Haddaba aroornimadii maxaa dhacay?
Aroornimadii 20kii Mars 1967kii oo ahayd maalin ciid Carafo
ah,dadweynihii oo ka dhirifsan xaqoodii la duudsiyey ayaa waddooyinka u soo
baxay oo mudaaharaaddo waaweyn sameeyey.Ciidammadii gumaysiga oo markaaba
heegan ahaa ayaa xaafadihii magaalada lagu soo daayey. Dadweynihii oo
dhagxaan,quraarado iyo budad wata waddooyinkii oodhanna shaagag iyo xashiish
ku gubay iyo ciidammadii Faransiiska oo hubkoodu u dhan yahay ayaa foodda is
daray. Maalintii oo dhan dagaal baa socday magaalada dhexdeeda la isku
baacsanayey. Askartii gaaladu waddadii ay soo maraanba dhagax iyo quraarado
shiidaal laga soo buuxiyey oo ololaya ayaa lagala hor yimid, iyaguna rasaas
bay ku jawaabayeen.
Maalintii labaad aroornimadii markii la soo toosay, waxa la
arkay xaafadihii magaalada oo silig amma xadhi-xayir lagu kala qoqobay si
aanay xaafadba xaafad ugu tallaabin iyo askar meel walba taagan. Guryihii baa
baadhis xoog leh lagu bilaabay shacabkiina raaf aan loo aabbo yeelin baa lagu
qaaday. Dadka intii la raafay qaar xabsiyadaa lagu xidhay, intii badnayd oo
kumanyaal ahna waxa lagu ururiyey xero bannaan oo bacad ah oo aan lahayn meel
amma geed la hadhsado oo ciidammadu lahaayeen.Xeradaa oo shacabku u yaqaan
Buduriyeel (Poudrière) Xeradaa waxa ku meersanaa silko waaweyn oo haddii aad
taabato ku heeraya.
Goobtaasi waxay ahayd meel loogu talo galay in dadka lagu
ciqaabo.Kulaylkii aan gabbaadka lahayn, harraadkii iyo rafaadkii awgood
boqollaal qof ayaa halkaa ku qudh baxay. Waxa kale oo dad badan u dhinteen
calool xanuun ay ka qaadeen bariis iyo saliid aan wanaagsanayn oo cunto ahaan
loo siinayey muddadii 32ka maalmood ahayd ee ay halkaa ku xabbisnaayeen. I
ntaas oo dhan waxa ka darnaa dad silicii meesha ku haystay u adkaysan kari
waayey oo damcay inay fakadaan, dabadeedna rasaas la huwiyey oo halkaa ku
dhintay, kuwaas oo maydkoodii siligga lagu wadhay si inta kale ugu quus
qaadato.
Gabayaagii Xaashi Cabdillaahi waakii lahaa.
Xamastii yaryarayd
Gabdhihii xamranaa
Odayaashi xaroobay
Buduriyeelka ku xereeyoo
Xayni yaanay ka cayman
Dhammaantoodba u xiira
Dadka intii ka badbaaday saxariirtii goobtaa ku heshay
baabuur baa lagu guray,waxa loo masaafuriyey oo lagu daadiyey meesha la yidhaa
Geesdiir oo ah meesha ay ku kulmaan xuduudda qaybisa Jabuuti, Somaliland iyo
dhulka Soomaalida Itoobiya. Isla maalmahaa gumaysigu waxa uu xabsiga ku dhex
dilay geesigii Cabdiraxmaan Cadhoole oo ka mid ahaa madaxdii ururka
gobonnimo-doonka ee P.M.P. Cadiraxmaan Cadhoole si fool xun oo naxariis darro
ah ayey u dileen askartii Faransiisku,taas oo dadweynihii aad iyo aad uga
tiiraanyoodeen. Xisbigii P.M.P. albaabada ayuu gumaysigu u laabay oo waa
la mamnuucay.
Xilligaa wixii ka dambeeyey dawladdii Faransiisku waxay
bilawday anay isku daydo inay tirtirto dadka Soomaalida ee reer Jabuuti iyo
magaca Soomaali la yidhaaba intaba. 3dii bishii Juulaay 1967kii,waxa
baarlamaanka dalka Faransiisku meel mariyey qodob xeer oo tirsigiisu yahay
67-521, qodobkaa oo sheegayey in dalka laga beddelo magacii uu weligiiba lahaa
(Cote Française de Somalie) Xeebta Soomaaliyeed ee Faransiisku gumaysto
laguna beddelo (Teritoire Française des Afars et des Issas) Dhulka
Faransiiska Cafarta iyo Ciisaha.
Bishii Juulaay 7dii 1967kii, waxa xukunkii gudaha lagu soo
celiyey oo madax laga dhigay daba dhilifkii Cali Caarif Burhaan oo weliba
awood dheeraad ah la siiyey.Gumaysiga iyo daba dhilifyadiisu waxay dardar
geliyeen sidii loo yarayn lahaa tirada dadka Soomaalida reer Jabuuti ah, korna
loogu qaadi lahaa tirada Cafarta. Intaa waxa dheeraa iyadoo meel kasta oo
magaca Soomaali ku qoran yahay laga tirtiray, xitaa Raadiyo Jabuuti waxa lagu
amray in laantii af Soomaaliga lagu beddelo oo loogu yeedho, laanta afka
Ciisaha.
Haddaba kacdoonkii bilaabmay 25kii bishii Aout
1966kii,xooggaa iyo cabudhintaa aan naxariista lahayn ayuu gumaysigu dul
dhigay oo uu ku demiyey, iyadoo weli dhamacdii sare hoosta ka nooshahay
soona huri doonto. U dambayn aan ku soo gebagebeeyo maqaalkaygan gabaygii
Cabdillaahi Dhoodaan ee ahaa.
Samaatadana kii raadiyee, sabanna gaajooda
Safrad iyo baqooliyo lugiyo, suudi iyo guure
Sadaadiyo kulayliyo wuxuu, silic ku doonaaba
Hadba libintuu soo saar lahaa, waxay sinbiidhaaba
Sakal adag waxay kaga dhacdoo, meel ka sudhantaaba
Amma ay salaadida martoo, samada aaddaaba
Saldhadaa waxay kaga jirtiyo, surin cidhiidhyoonba
Wakhtigii la seejiyo cadkii, laga sagsaagaayey
Mar unbuu xaqaa siinayoo, midigta saaraaye
Qalinkii Cabdalla Xaaji Cusmaan
Cabdalla_xaaj@yahoo.fr