SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maaxaay oo  Codsadey in loo gurmado Dadka ka qaxay dagaalada Muqdisho

Dagaalada ka dhacayo magaalada Muqdisho ayaa sababay barakac xoogan oo dadka iyo duunyada ah waxana barbarsocda burbur ku yimid hantida guud ee dalka iyo mida gaar ahaaneeyd ee shacabka Soomaaliyeed uu leeyahay waxana maalin walbo sii kordhaya dadka ay gaarayaan dhawacyada halista ah iyo ku guryahooda isagacararay oo dhamaantooda u baahan in arimahooda la helo cid wax ka qabata.

Waxa iyadana jira isbitaalada oo siibuxsamaya ka dib markii la geeyay tiradii lagu talagalay mid ka badan waxana sidoo kale sii yaraanaya dawooyinka qaarkood mana jiraan cid si toos arimaha bulshada mas’uuliyideeda u qaadatay.

Waxana jira shaqsiyaad soomaaliyeed oo si gaar ah wax ugu tara dadka qaarkii markii looga quusto wax ka qabashada dalka gudihiisa una qaado wadamada dariska ah iyo hurumaray sida mareykanka oo kale.

Madaxa Hay’adada aan dowliga aheyn ( Children And Family ) ee xarunteydutahay Rochester  ee dalka Mareykanka Cabdi Muuse Maaxaay oo Hay’adiisu horey wax badan ugu qabatay dad Soomaaliyeed oo la il darnaa cuduro iyo dhaawacyo kala duwan oo dalka gudiisa wax looga qabanwaayay.

Cabdi Muuse Maaxaay “waxaan ugu talagalnay dadka dhawacyada ah ee xabaduhu ay ku jiraan qaarkood in aan taakuleyn ku sameyno, lakiin waxan rabnaa anaga kaligeena wax masameyn karno in aan weydiisano ummadda soomaaliyeed oo ay arkaan dhibaatada ka taagan dalka si ay walaalahooda u sacidaan, hadana waxaan codsi u jeedineynaa Hay’adda Qaramada Midoobay in loo gurmado dadkani ku dhibaateysan gudha dalka Somalia”.

“sidii loo caawin lahaa dadkaani xaga dhaqaalaha,caafimaadka, amaanka iyo wixi lamid ah ee loo qabankaro ayuu yiri wuxuuna intaa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata “waxaan ku tala jirnaa maadaama ay dadkii guryahooda ka carareen ayna ku dhibaateysanyihiin daafaha Muqdisho sida Sh/Calli Cabdulle Ceelasha biyaha, Ceel’cadde, ilaa iyo Balcad,Jowhar ilaa xuduudaha Kenaya waxaan rabnaa in aan u qoondeeyno si aan u gaarsiino wixi aan awoodno”

Sida la wada ogsoonyahay kaalmooyinka laga helo iyo ururada caalamiga ah ma ahan kuwa dabooli kara baahida ay qabaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed intaba. 

Madaxa Hay’adada aan dowliga aheyn ( Children And Family ) Cabdi Muuse Maaxaay ayaa baaq u jeediyay dhamaan ururada aan dowliga aheyn Hay’adaha samafalka, ganacsatada, shirkadaha iyo dhamaan cid walba oo awood u leh in ay kaalmeeyaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Somalia, wuxuuna sidoo kale baaq u jeediyay wadamada ay jeelashooda ka buuxaan dadka Soomaaliyeed in ay xabsiyada ka siidayaan kuna taakuleyaan wixi ay awoodaan.

Waxa uu sidoo kale codasaday Madaxa Hay’adada aan dowliga aheyn ( Children And Family in lala soo gaaro dadka dhibaateysan dawooyin iyo sahay kale sida bustooyin iyo bacaha roobabka laga gala.

Waxa kale oo jira bukaano Soomaaliyeed oo qaba dhaawacyo halis ah oo uu sheegay in uu safar ku maro gobalada Mareykanka qaarkood oo uu rajeynayo haduu kala hadlo Jaaliyadaha halkaasi ku dhaqan inay taakuleyn doonaan walaalahooda ku dhibaateysan dalka gudihiisa. 

Madaxa Hay’adada ayaa sidoo kale sheegay in ay markii horeba ay la dagaalamayeen sidii ay wax badan uga qaban lahayeen dadka qaba dhaawacyada halista ah ee dalka gudihiisa wax loogu qabanwaayey lakiin hada ayuu sheegay in ay yimaadeen wax ka daran oo ay isbitaaliida ay buuxdhaafiyeen dad qaba dhaawacyo kala duwan oo qaar ka mid ah ay halis yihiin.

“arintaan waxa ay waajib ku tahay shaqsi kasta oo imaqlayo oo dameer Soomaalinimo ay ku jirto kana dimqanayo dhibaatada baaxada leh ee soo gaartay Walaalaha Soomaaliyeed sanadihii ugu dambeeyay ee dagaaladu socdeen” waxana jiro sida uu sheegay Cabdi Muuse Maaxaay dad baahi ugu dhimanayo wadooyinka qaarkood oo sabab u ah in aanu jirin cid xanaaneysa.

”Cabdi Muuse Maaxaay ayaa sidoo kale xusay gabar iyada oo yar Muqdisho lagu kufsaday uu geeyay dalka Mareykanka hadana ay dhigato fasalka 7-waad sharci Mareykana ay heysato iyada iyo waalidiinteeda.

Cabdi Muuse Maaxaay oo siiyay wareysi dhinacyo badan taabanaya Idaacada VOA-da ayaa u sheegay in dalka Mareykanka uu dhaqaalihiisa hoos u dhac ku yimid sababtayna in ay yaraadeen Fisooyinkii Caafimaadka ee dadka la siin jiray wuxuuna xusay in uu hada rajeynayo Safar uu ku aado dalka Jarmalka iyo gobalada Somalia dariska la ah sida Uganda, sida bukaanada loo kala yareeyo lana gaarsiiyo goobaha caafimaad ee u dhow.

Muuse Maxamuud Jiisow 
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia 
00252-1-5576666
00252-50-907666 

Faafin : SomaliTalk.com | July 07, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version