Barnaamijkii Radio Xoriyo July 06, 2009.
Ciidanka qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo dagaalo ku naafeeyey ciidanka gumaysiga.
Ciidanka gumaysiga itoobiya oo afar qof oo shacab ah ku gubay deegaanka Uraag.
Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa war murtiyeed milatari kasoo saartay dagaaladii maalmahan ugu dambeeyey ka socday gobolada Jigjiga,Qoraxay iyo Jarar.
Kulan balaadhan oo ay Jaaliyada Ogadenya ee Minnesota ay isugu timid.
Xadgudubka M/W Paul Kagame iyo nifaaqa siyaasdeed ( Faallo).
======================
Ciidanka qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo dagaalo ku naafeeyey ciidanka gumaysiga.
Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warama jiida hore ayaa noosoo tabiyey in ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ay laban laabeen weeraradii ay ku hayeen xeryaha iyo saldhigyada ciidamada gumaysiga itoobiya,todabaadaydii u dambeeyey ayay ciidamada xoreynta Ogadenya ku qaadeen dagaalo ay ku jabiyeen ciidamada gumaysiga itoobiya.
Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa weerar dhabagal ah ku qaaday 26-06-09 kolonyo baabuur ah oo ay wateen cidiidamada gumaysiga itoobiya meesha la yidhaahdo Karinka Gosolaleey oo u dhaxaysa Dhagaxbuur iyo Dhagaxmadoow waxaana halkaas lagaga dilay ciidamada wayaanaha 10 askari waxaana lagaga dhaawacay 11 kale,waxaa sidoo kale halkaas lagu dhalaaliyey oo lagaga gubay hal gaadhi oo uuraal ah iyo wixii saarraa oo dhan
26-06-09 Deegaanka Dhanqo oo ka tirsan Degmada Fiiq ee gobolka Nogob ayay ciidanka xoreynta ogadenya ku qabqabteen 7 dabaqoodhi oo hubaysan waxayna ka qaadeen qoryihii ay siteen waano iyo wax usheeg kadibna halkaas ayaa lagu sii daayey.
29-06-09 Mudulka Dhagaxmadoow dagaal ka dhacay ayaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 13 askari 10 kalana lagaga dhaawacay waxaana halkaas lagaga gubay ciidanka wayaanaha hal baabuur oo Uuraal ah.
Ciidamada geesiyiinta ah ee xoreynta ogadenya ayaa dagaal kulul oo faraha laisula tagay kaga itaal roonaaday ciidamada gumaysiga itoobiya meesha la yidhaahdo Qolaji oo ku taal duleedka magaalada Baabili ee gobolka Jigjiga,dagaalkan oo aad u kululaa ayaa gurmad u yimid labada dhinac mar kale u qarxay ,dagaalkaas oo khasaare badan loogu gaystay ciidamada wayaanaha ayaa ka bilowday weerar dhabbagal ahaa oo ay cwxo ku qaadeen kolonyo baabuur milatari ah oo marayay wadada waxaana halkaas lagaga dilay ciidamada wayaanaha labadaas jeerba 28 askari Waxaana laga furtay 17 qori .
30-06-09 Deegaanlka Hareeri-Waayeel oo ku taal Qamuuda dusheeda dagaal ka dhacay la jeer oo la isku soo noqday waxaa ciidamada gumaysiga itoobiya lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa lgaga dhaawacay.
Tuulooyinka Farmadoow,Iskudhoonleey Toonceeleey iyo magaalada Gabogabo waxaa ka dhacay 30-06 iyo 01-07-09 dagaalo la isku soo noqnoqday oo si aad ah looga dareemay caalamka dagaaladan oo aad u cuslaa dartood ayay adkaatay in la helo warbixinada meelaha qaarkood hasa yeeshee waxay faahfaahin rasmi ah naga soo gaadhay dagaalkii ka dhacay magaalada Gabogabo waxaana ciidamada gumaysiga lagaga qabsaday dagaalkaas laba uuraal oo la gubay kadib markii laga dajiyey wixii saaraa oo alaab ah oo ay kasoo bililiqaysteen tuulooyinkaas Waxaa sidoo kale lagaga qabsaday hub aad u tiro badan oo laga xusay sadex qori oo waaweyn,dagaalkan ayaa ka bilowday kadib markay ciidanka wayaanuhu soo burburiyeen tuulooyin badan wixii hanti ahaa ee yaalayna ay baabuurtaas la gubay soosaarteen sida jiingado furaashyo iyo agab kale.
Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo jidh-dil,Xidhay ugaystay dad rayid ah iyo xeelo ay kusoo xareeyeen magaalada
Godey.
14-06-09 Ceelka Mugweyn oo ku yaal duleedka Garbo waxay ciidamada gumaysigu ku dileen alle ha unaxariistee Cali Dhuux Muxumed Axmed .
Isla 14-06-09 ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa 4 qof oo shacab ah ka qabqabtay deegaanka Uraag oo u dhaxaysa Garbo iyo Gari,goan waxayna dadkaas ka xidhxidheen gacmaha iyo lugaha kadibna dab qabadsiiyeen iyagoo nool afartaas qof oo halgaas ku basbeelay ayay adkaatay in la aaso kadib markii meel la qabto laga waayey jidhkoodii waxayna kala ahayeen dadkaasi.
1-Ifraax Ibrahim Mursal
2-Faadumo Ismaaciil Guhaad (Ifraax Hooyadeed)
3-Taxaliil Yuusuf Xanan oday 60 jir ah
4-Carab
Tuulada Bakka ee gobolka Jarar waxay ciidamada gumaysigu xabsi iyo jidh-dil ba,an isugu dareen Nimcaan Nuur Gaaciye.
Jeerinka oo ku ntaala duleedka magaalada Fiiq waxaa sidoo kale lagu jidh-dilay kadibna xabsiga loo dhaadhiciyey Cabdi Axmed oo aan ilaa iyo hada laga warhaynin meel uu kiu sugan yahay iyo xaalkiisu siduu yahayba.
26-06-09 Deegaanka Jiiqda oo laga xukumo Abaaqoroow waxaa jidh-dil iyo xabsi loogu gaystay dadka kala ah:
1-Maxamed Cabdullaahi Xuseen
2-Maxamed Cali Raage
3-Ina Sheekh Haashim Sayid Nuur
4-Ina Daahir Sayid Nuur
5-Miin Siyaad
6-Goodaad Cabdi Saade
7-Maxamed Carab Xuseen
Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa war murtiyeed milatari kasoo saartay dagaaladii maalmahan ugu dambeeyey ka socday gobolada Jigjiga,Qoraxay iyo Jarar.
Warmurtiyeedkaas ayay jabhadu ku sheegtay in Hawlgalo Qorshaysan oo ay qaadeen Qaybaha Gorgor, Duufaan iyo Danab ee Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogadenia Sadexdii Maalmood ee ugu horeeyey bishan Luulyo kuwaas oo ka dhacay Agagga Qolaji oo u dhaxaysa Jigjiga iyo Baalbili kana tirsan gobolka Jigjiga, Mudulka oo u dhexeeya Dhagaxbuur iyo Dhagaxmadow kana tirsan Gobolka Jarar, Farmadaw, Gabagabo-Toonceeley-MadaxMaroodi oo ku aadan Bariga Magaalada Qabridahare kana tirsan gobolka Qoraxay, ayaa khasaare culus loogu gaysatay Ciimada Cadawga Wayanaha. halkaas oo lagaga dilay 90Askari inkabadn 100 askarina lagaga dhaawacay, sidookale waxaa laga gubay gaadiid ciidan 6 ah iyada oo laga furtay 67 qori oo ay ku jiraan sadex boobo culus ah, Khasaaraha cadawga waxaa ka mid saraakiil ciidan iyo madax ku sheeg kamid ah waxa cadawgu ugu yeedho booliska gaarka ah oo u xilsaaran ciqaabida shacabka ogadenia ee dulman, Dagaaladan oo mudo sadax beri ah socday ayaa CWXO sheegeen inuu weli socdo una fiday gobolka Doolo.
Waxay CWXO ku guda jiraan uruurinta firxadka cadawga oo aad u kala fiigay, waxuuna hawlgalkani uu qayb ka yahay hawlgalo culus oo ciidanka waddaniga xoreynta Ogadenia ku doonayo in laga sifeeyao fadhiisimada cadawga ee Ogadenia ku leeyahay iyo dhaqdhaqaaqiisa ku wajahan gumaadka shacabka aan waxba galbsan ee beryahan soo kordhaya.
Kulan balaadhan oo ay Jaaliyada Ogadenya ee Minnesota ay isugu timid.
Waxaa Maalintii Sabtida ahayd bishan July 4, 2009 kulan balaadhan isugu yimid Jaaliyada Ogadenya ee gobolkan Minnesota. Kulan kan oo ay jaaliyadu si wayn u soo qaban qaabisay ayaa waxaa uu ka dhacay beerta wayn ee Minnehaha Park ooy jaaliyada Ogadenya ee gobolkan Minnesota u taqaano “beerta xoriyada Ogadenya” oo ay jaaliyadu ku raja wayntahay inay isu soobax taariikhi ah ku qaban doonto beertan marka ay Ogadenya hanato xoriyada, Insha ALLAH.
Kulankan oo ay si wayn uga soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada, sida, siyaasiyiinta, cuqaasha, aqoonyahamiinta, hooyooyinka, dhalinyarada, caruur iyo ciroole intaba.
Kulankan oo ahaa mid loogu tala galay in jaaliyada Ogadenya ee gobolkan Minnesota loogu soo gudbiyo war bixinadii ugu danbeeyay ee dagaaladii ay CWXO guulaha waawayn ka soo hooyiyeen usbuucan dhexdiisii aya xiisa gaar ah u lahayd jaaliyada Ogadenya ee gobolkan Minnesota
Kadib ayada qur aan ah oo lagu furay shirka, waxaa ugu horaynba codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay xidhidhiyaha Jaaliyadaha Ogadenya ee gobolda la isku yidhaahdo Midwest ga, Mudane Mohamed Ahmed Daahir oo isagu warbixn dheer ka siiyay jaaliyada habsami u socodka howlaha halgan ee goboladan Midwest ga iyo himilooyinka howled ee ay maganyihiin inay ku talaabsadaan mustaqbalka dhow.
Kadib Khudbadii Mudane Mohamed Ahmed Daahir waxaa Mikrofoonka lagu soo dhaweeyay hogaanka Qorshaynta iyo cilmi baadhista ee JWXO mudane Mohamuud Nuur oo ay jaaliyadu si aad ah u sugaysay war bixintiisa. Mudane Mohamuud Nuur waxaa uu si waafi ah uga war bixiyay xaalada halgan, mida bulsho iyo xaalada siyaasadeed ee ay Ogadenya iyo shucuubta geeska Afrika daganba ay ku suganyihiin. Mudane Mohamud Nuur waxaa uu si gaar ah ugu dheeraaday warbixintii daagaladii la gu naalooday ee ay CWXO cashirada lama ilaawaanka ah ugu dhigeen gumaysiga wayaanaha iyo maxaysatada dhidid dhowrka u ah gumaysiga ee daba qoodhiyiinta oo usbuucan jab iyo halag ka qabsaday dagalo ay lagaleen Ciidamada Wadaniga Xoraynta Ogadenya.
Waxaa kale oo shirka warbixin dhaxal gall ah oo dhagaystayaashii ka khushuucsiisay soo jeediyay Halgame Abdinaasir Gaani oo isagu ka warbixinayay wax yaabihii uu kala soo kulamay socdaal uu ku gadhay bariga Afrika iyo saaxiibadii halganka ee uu kula soo kulmay halkaasi.
Dhanka Odayada iyo hooyooyinka Ogadenya waxaa kaalintoodhii uhadlay Halagame Abdi Hudle iyo Hooyo Amina Xaaji Cali. Oo labaduba khudbado guubaaba ah u soo jeediyay jaaliyadii Kulankan isugu timid.
Kadib khudbadihii masuuliyiintu soo jeediyeen waxa gabi ahaanba la wareegay barnaamijkii loogana kala baxay maslixii dhalinta Ogadenya (Ogaddeny Youth Network) oo si wayn looga daba dhacay kadib markay Riwaayadii “Magayee Gumaysiga Gayiga aan ka xorayno” ay wacdaro ka muujiyeen bishii June 13. Waxay dhalinyaradu beertii Minnehaha ku soo bandhigeen bandhig faneed aad uga cajabiyay dadwaynihii shirka ka soo qayb galay iyo waliba ajaanib aad u fara badan oo maraykan ahaa oo beertaasi ku sugnaa kadibna ay ajaanibtani usoo dawasho tageen bandhgfaned kii Dhalinta. Waxay si gaar ah ajaanibtani ula dheceen oo u soo jiidatay mar ay dhalinyaradu ciyarayeen ciyaarta ay Ogadenya caanka kutahay ee Dhaantada oo ay ajaanibtani ku tilmaameen inay ahayd ciyaar aad u qurux badan balse aysan wali horay u arag ciyaar noocan oo kalah, waxayna si xiisa leh ajaanibtan marayka ahi u waydiinayeen dadwaynihii shirkan ka soo qayb galay ciyaartan magaceeda iyo meesha laga ciyaaro.
Kulankan ay jaliyada Ogadenya ee Gobolkna Minnesota ay isugu soo baxday beerta way nee ay u yaaqaanaan beerta xoriyada Ogadeya ayaa ahaa kulan ku dhamaaday jawi aad u qurxoon, lagana gaadhay yoolkii laga lahaa.
Xadgudubka M/W Paul Kagame iyo nifaaqa siyaasdeed
Waxaa shucuubta ku dhaqan geeska afrika gaar ahaan kuwa xuquuqdooda uu ku tumanayo KT Zinawi ee ku jira xayndaabka khariidada Itobiya la yaab iyo fajac ku noqotay biladda uu M/Waynaha Ruwanda ku sheegay inuu ku maamuusayo Xasuuqii Ruwanda ka dhacay uu gudoonsiiyo KT Zinawi. Arintan oo ah nifaaq siyaasi ah waxay muujinaysaa inuu Paul Kagame uu ku jees-jeesayo dadkii ku dhintay xasuuqii ka dhacay Ruwanda. Talaabadan uu qaatay M/W Ruwanda ku soo kordhin mayso taariikhda afrika waxaan ahayn sharaf dhaca uu ku sameeyay magaca biladdaa sababtoo ah KT Zinawi waxay dhamaan haya’daha u dooda xuquuqda aadanaha isla qireen xadgudubyada uu ka samaynayo Itobiya guud ahaan gaar ahaan dalka Ogadenya oo ciidankiisa ay ka fuliyeen fal dambiyeed lagu tilmaamay xasuuq (Genocide).
Paul Kagame markuu ku qurxiyay gacan-ku-dhiigleha KT Zinawi bilad waxaa lagu tilmaami karaa inay ku tahay bar madow taariikhda M/weyne Kagame iyo umadda Ruwanda ee soo martey dhibaato caalamkoo idil ka argagixisay, waxayna xadgudub ku tahay arintaasi dadkii lagu xasuuqay Ruwanda iyo kuwa uu hadda ku xasuuqayo KT Zinawi dalka Ogadenya. Waxay muujinaysaa arintan aragti gaabni siyaasi ah iyo aabayeel la’aan waxa ka dhacaya Ogadenya iyo Itobiya guud ahaan.
Waxaa ka fiicnaan lahayd inuu booqasho gaaban ku tago MW Paul Kagame xeryaha qaxootiga ee teedsan geeska afrika maadama dalka Ruwanda uu xubin ka yahay Midowga Afrika (AU) ee laga doonayo inay xaliyaan arimaha Afrika ee sii murgaya, si uu indhihiisa ugu arko xasuuqa ay Meles iyo kooxdiisa ka gaysteen Itobiya guud
ahaan.
Abaal-marinta la siiyo gacan-ku-dhiiglahan oo kale waxay aad hoos ugu dhigaysaa awooda akhlaaq ahaan (moral authority) uu Paul Kagame ugu eedeyn doono gacan-ku-dhiiglayaashii ka dambeeyey xasuuqii Ruwanda. Bayaan ay arinta JWXO ka soo sartay ayay ku tidhi,
“Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxay si aad ah u cambaareynaysaa falkan lagu abaalmariyay gacan-ku-dhiigle Zinawi waxayna ka codsanaysaa dadka leh damiir nool inay sidoo kale u cambaareeyaan.
Inkastoo ay dadweynaha Somaliyeed is-garabtaageen shacabka Ruwanda oy taageero siyaasi ah iyo mid maadi ahba gaarsiiyeen waqti ay aad ugu baahnaayeen shacabka Ruwanda, falkan uu Paul Kagame ku gudoonsiiyay biladda KT Zinawi ma noqonayo mid la iloobi doono. Waxaana muuqata inuu MW Kagame ka doortay gacan ku dhiigle Zinawi shabakii Somaliyeed, taasoo muddo dheer uur-ku-taalo ku ahaan doonta guuda ahaan shacabka Somaliyeed gaar ahaan shacabka Ogadenya”
Arintan waxay sharaf dhac ku tahay cid kasta oo isu taagta inay difaacdo xuquuqda aadanaha oo is-hortaagta xasuuqa loo gaysto shucuubta caalamka.
“Waxaase dhab ah in rabitaanka shacabkii doonaya inay ka xoroobaan gumaysiga oy horkeenaan cadaaladda dambiilayaasha dagaalka in aan lagu loodin karin xaflad beenaad lagu gudoonsiiyo bilad la sharaf dilay shaqsi gacan-ku-dhiigle ah”
Radio Xoriyo
06 July 2009
Cabdinuur Sh. Maxamed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin : SomaliTalk.com | July 07, 2009 |