SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shacabka Soomaaliyed oo walwal ka muujiyey  Tagistii Shiikh Shariif ee Adis-Ababa

 

Markii shacabka Soomaaliyeed ay dhagahooda ku soo dhaceen in Madaxweyne Shiikh Shariif uu ka degay Magaalada Adis- Ababa ayaa midweliba wuxuu Rajo Xumo ka muujiyey jiritaanka Dowladda Federaalka iyadoo qaarkood ay sheegeen in aysan waxba ka duwaneyn Midii Cabdulaahi Yuusuf oo ciidamadda Itoobiya ay ka geysteen gayiga soomaaliyeed Xasuuq balaaran oo dhinac weliba leh

“ Maxaa loo eryey Cabdulaahi Yuusuf haddii sidaan ay dhacayso” ayuu ku calaacaley nin xildhibaan ah oo diidey in magaciisa la sheego wuxuu intaa raaciyey “waxay ahayd in Cabdulaahi Yuusuf la iska dhaafo , waxaa soo baxay in Magaalada Adis- Ababa ay noqotey meel laga xukumo Shacabka soomaaliyeed , bal fiiri Maamulada Somaliland iyo iyo Puntland waxaa looga arimiyaa Magaalada Adis-Abab” 

Shacabka soomaaliyeed waa ka dheregsan yhiin wixii ciidamada Itoobiya ka geysteen Dalka soomaaliya mudadii labada sanno ee ay joogeen Gayiga soomaaliyeed oo isugu jira Dil , Dhac , Kufsi iyo Barakicin welina shacabka soomaaliyeed xasuustooda kama Go'in dhacdadaas oo lagu tilmaami karo Xasuus Ma hadho ah waxay dadka is weydiinayaa maxaa keeney in Dowladda Shiikh Shariif ay maciin biddo Itoobiya “  Shiikh Shariif isagaa ka dagaaley dhibaatooyinkii itoobiya ka geysatey ummadda Soomaaliyeed  maanta isagoo og dhibaatadaas marka  su’aasha meesha taal ma itoobiya isa soo bedeshey mise waa sideedii” ayuu yiri  Xasan Faarax oo ah wiil dhaliyaro ah oo ka fariistey waxa ka dhacaya soomaaliya” wuxuu intaa ku darey” waxaa dhalinyarada soomaaliyed ugu baaqayaa in ay qoryaha iska dhigaan maadaama wixii loo  dagaalamayey la Your browser may not support display of this image. iska baal marey.  

Tagista Sheikh  Shariif ee Itoobiya ayaa dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda soomaaliya waxay sheegeen in Shiikh Shariif uu halkaa ku waayey dad farabadan oo hore u taageesanaa siyaasadiisa  iyagoo ku tilmaamey mid aan waxba ka duwaneyn Dowladii  Cabdulaahi Yuusuf  waxaay kaloo sheegeen in Dowladaha Itoobiya iyo Kenya aysan marnaba aysan dooneyn in soomaaliya ay yeelato dowlad  awood badan  oo dalka ku soo celisa kala dambeyntii, waxay kaloo sheegeen in dowladda Shiikh ay dhici karto in mucaaradad uga timaado saaxiibadii ay kuwada jiraan Dowladda Midnimda qaran waayo waxay saaxiibadii si aad ah uga soo horjeedaan in taageero Milatari la weydiisto Dowladda Itoobiya oo ay sheegeen in ay tahay Dowlada Cadaawad soo jireen ah u haysa shacabka soomaliyeed.

Sawir Guud oo ku saabsan Xaalada Magaaladda Muqdhisho 

Iyadoo weli ay sii socdaan dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa Xarakatu AL-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah ayaa ilaa iyo hadda koox waliba waxay sheeganayaan in ay ka gaareen Guulo la taaban karo , dagaaladaas oo ay ku dhinteen Dad gaaraya 70 Qofood sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 140 Qofood oo intooda badan ay yihiin dad riyid ah oo ugu tagtey Rasaasta Guryahooda ayaa muuqan rajo laga qabo in ay wada hadlaan Kooxaha iska soo horjeeda si loo dhameeyo dhibaatada taagan oo haatan sii galeysa sanadkii Labaatanaad

 Dagaalada oo haatan Xoogoodu ay ka socdaan waqooyiga Muqdisho ayaa kooxaha ka soo horjeeda Dowlada waxay ku soo sii siqayaan Xarunta Madaxtooyada , iyadoo Dowladda iyo Ciidamada Amisom ay dadaal ugu jiraan sidii ay ugu hortagi lahaayeen  in Kooxaha ka soo horjeeda ay helaan Deegaan ay ka garaaci karaan Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho oo ah meesha keliya ee ay Dowladda ka helaan Dhaqaalaha , waxayna wararka ay sheegayaan in Ciidamada Amisom ay Qorsheynayaan in ay ka barbar Dagaalamaan Ciidamadda Dowladda oo u muuqda kuwa aan u babac-dhigi Karin Awooda kooxaha ka soo horjeeda waana mida keentey in Deegaano badan ay qabsadaan Kooxaha Mucaaradka ah

Lixdii maalmood ee ay socdeen Dagaaladaan waxaa ku geeriyoodey Wariye u shaqeynayey Idaacadda Quraanka Kariim ka dib markii Rasaas ugu tagtey mar uu goynayey Isgoska Afarta jardiino waxaa wariyaha la dhintey dad kale oo rayid ah waxaa kaloo dagaaladaan ay sababeen in ay barakacaan Kumaan qoys , kuwaas oo raadsanaya meel ay kaga gambadaan Hubka culus ee ay isweydaarsanayaan kooxaha iska soo horjeeda  

Amiirka ugu sareeye Xarakadda Al- Shabaab Shiikh Mukhtaar Cabdiraxmaan (Abuu Subeyr) ayaa fariin uu u soo gudbiyey Bahda warbaahinta waxa uu ku sheegey in Muddo Shan maalmood ay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowlada hubkoodana ku soo wareejiyaan gacanta Mujaahidiinta sidoo kale Masuuliyiinta Dowlada waxa uu sheegay in Maxkamad Islaami ah la soo taagi doono isagoo ku eedeeyey in ay shacabka u geysteen Xasuuq baahsan

Abuu Subeyr wuxuu ku tilmaamey Dowlada Shiikh Shariif mid Riddo ah , isagoo sheegay in dalka soo geliyeen Ciidamo shisheeye kuwaas uu sheegay in ay Xasuuq iyo baaba’u geysteen shacabka soomaaliyeed ,  wuxuu kaloo uu sheegey in ay dagaalada sii wadi doonaan inta ay dalka ka saarayaan ciidamada shisheeyeye isla markan ay xukunka ka tuurayaan wuxuu ugu yeeray Dowlada Ridada

Shiikh Yuusuf Maxamed oo ah Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa ku tilmaamey hadalka Abuu Subeyr Mid iska dheh ah “Hubka ma waxaan ku wareejinaa nin dhuumanaya , aan lahayn Xafiis loogu soo hagaago” ayuu si kulul u yiri Mudane Indhacade oo sheegey in goor  dhow dalka ka saari doonaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda 
Your browser may not support display of this image.

 Dagaalada ayaa waxay sababeen in Isbitaalada Muqdisho la soo gaarsiiyo dad fara badan oo dhaawaca ah kuwaas oo u badan dad rayid oo qaarkood oo aan awoodin in ay iska bixiyaan Kharashka adeega Caafimaadka, qaarkood waxaa Teedhooyin looga sameeyey Isbitaalka gudihiisa , waxay Takhaatiirta ay sheegeen in aysan la tacaali Karin maadaama awoodooda ka fara badan tahay

 Gawaarida gargaarka deg dega oo ay keeneen Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku howlan sidii dadka dhaawaca u soo gaarsiin lahaayeen Goobaha caafimaadka hase yeeshee Gawaaridaan iyo Howlwadeenada saaran ayaa la kulma dhibaatooyin kaga imaanayaan Kooxaha dagaalamaya waxaana dhawaan la diley mid ka mid ah Darawalada Gaadiidka Gurmadka ah mar uu ku jirey Howl maalmeedkisii hase dadka qaar baa ku talinaya in xaafadaha Muqdisho laga sameeyo Xarumo ama Boosteejooyin ku meel gaar ah oo leh adeegyadii Caafimaadka , goobahaas oo ay ku diyaarsan yihiin Gaadiidka Gurmadka deg deg ah si halkaas uga daabulaan Dadka dhaawaca ah , waxayna sheegeen in halkaa ku nabadgaleyaan Gaadiidkaas iyo Howlwadeenada la socda 

Dagaaladaan ayaa waxay ku soo beegmeen xilli magaalada ay ka da’ayaan Roobabkii Xagaaga kuwas oo dhibaatooyin u geystey Wadooyinka Muqdisho , qaar ka mid ah wadooyinka waxaa aad is leedahay halkaan ma waxaa ka dilaacay Harooyin waaweyn sidoo kale waxay roobabaka dhibaatooyin ku hayaan dadka barakacay oo qaarkood aan heysan meel ay kaga gambadaan dhibicda Roobka  

 Goobaha ay ku sugan yihiin Kooxaha ka soo horjeeda  Dowlada runtii dadka waxay ku qabaan Nabadgelyo oo waxaa ka hirgaley sharciyo ku saabsan in raga iyo Dumarka aysan isku dhex milmin oo dumarka waxaa laa qorsheeyey Kuraasta dambe ee Gaariga halka Ragga laa qoondeeyey Safka hore hase yeeshee goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada dowlada dadka waxay ka cabanayaan Dhac aad u baahsan inkastoo dowlada sheegtey in ay waxa ka qabanayaan cabashadaas

 Ciidamada Dowlada waxay difaacanayaan Wadada dheer ee ka timaada Garoonka diyaaradaha ee tagta Km 4 ka sii tagta wadada Maka  AL-Mukarama Ilaa Baar Fiat waxay difaac kaga jiraan Meel ku dhow Hotel Global waxay kaloo gacanta ku hayaan Degmooyinka Wadajir, Dharkeenleey Xamar Jajab Xamar weyne, Waaberi iyo meelo kale oo ay ka joogaan Wardhiigleey Howlwadaag , Halka Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Gacanta ku hayaan inta badan Waqooyiga Muqdisho Koofurta Muqdisho

 Dowladda Federaalka ayaa si aad ah u dooneysa in ay dagaalada kala qaybqaataan Ciidamada Amisom si looga difaaco Kooxaha ka soo horjeeda oo dagaalka ka gaaraya horumar hase yeeshee afhayeen u Hadlay Ciidamada Amisom ayaa sheegey in uusan Qorshaha ugu jirin in ay ka barbar dagaalamaan ciidamada Dowlada , wuxuu sheegey in ay mar ka sugayaan ururka Midowga Afrika  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin : SomaliTalk.com | July 07, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version