SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxaabiis ay ku soo bandhigeen maanta magaalada Muqdsiho saraakiisha sar sare ee DFK iyagoo ku sheegay in ay ku soo qab qabteen dagaalada looga soo horjeeda.

Shan maxbuus oo ay soo bandhigeen saraakiil ka tirsan dowlada KMG Somalia gaar ahaan maxkamadaha ayaa sheegeen saraakiishaas in ay ka soo qabteen dagaaladii faraha lagaga gubtay ee ka ka dhacayay magaalada caasimada ah ee Muqdisho una dhexeeyay ciidmada militariga dowlada Somalia iyo xoogaga kacdoonka dagaalka kula jira. xarunta nabad sugida qaranka soomaaliyeed (NSA) ayaa waxuu Afhayeenka maxkamadaha islaamiga ee taabacsan dowlada Somalia Sheekh C.risaaq Max'ed (Qayllow) wuxuu ku soo bandhigay ilaa shan dhalinyara ah oo da'doodu ka hooseyso labataab sano isla markaana ku sheegay ragaas in ay duulaan ku soo ahayeen isagoona sida uu sheegay Afhayeenku ay ku soo qab qabteen ragani iyaga oo dagaalamaya.

dhalinyaradaani oo sedex ka mid ah ay da'doodu aad u yareed ayaa waxa ka muuqday dhawacyo fud fudud waxana wijiyadooda laga dheehanayay in ay raali ka aheyn halka ay joogaan oo aheyd xarunta nabad sugida ee gurigii baarista xisbiga waxana ay sheegeen saraakiisaha dowlada in lagu soo qab qabtay ragaani dagaalada maalmihii ugu dambeeyay lagu soo qaday fariisimada ciidamada miliariga dowlada somalia.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabada u xirnayeen ayaa hadana weli ka sii sacda halka lagu soo bandhigay ragaani maxaabiista oo iyagu naf ahaantoodaba ka muuqato xaalad taa oo dhamaantooda ay sheegeen saraakiisha dowlada in ay ka kala ahyeen ama ka kala tirsanayeen ururada Xisbul islaam iyo xarakada Alshabaab.

Dagaaladaani baryahaanba sida xun uga dhacayay magaalada Muqdisho ee u dhexeeya ciidamada dowlada Somalia oo gacan ka helay ciidamada midowga Africa ee Amisom oo dhinac ah iyo xoogaga islaamiyiita ah ee inta bada kaga itaal roonaaday dagaalada ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho ku yaal ayaan hada la ogeyn sida ay ku sii xumaandoonto ama jawiga noqondoona soo bandhiga maaabiistaan maanta ay ku soo bandhigeen dowlada xarunta nabad sugida qaranka soomaaliyeed ee ku yaal Muqdisho iyadoo ilaa iyo haatan uu sii darsanayo dagaalka oo uu marba marka ka sii dambeysa sii gubanayo.

Soo bandhida maxaabiistaan maanta lagu soo bandhigay magaalada muqdisho ayaa waxaan la ogeyn waxa ay ku soo kordhin doonta dagaalka haatan ka socda magaalada taa oo ilaa haatana ay jiraan duqeymaha iyo dagaalada wali ka sii socda.

Madaxda dowlada Somalia ayaa horey u sheegtay ama u balanqaaday wariyayaasha magaalada Muqdisho in ay u soo bandhigayaan saraakiil ajaanib ah oo ka qeyb qaata sida ay ku sheegeen dagaalka ka dhanka ah ciidamada dowlada iyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga caasimada Muqdisho ee magaca Amisom kaga howlgala magaalada ayaa hadana muuqan ilaa iyo hada wax cadeynaya ama lagu arki kara hadaladaasi in ay sax yihiin iyo inkale.


dhalinyaradaan xarunta xisbiga lagu soo bandhigay ayaa magacyadoodu waxay kala yihiin sidaa 

1-C/risaaq Muxudiin Tifow

2-Maxamed C.llahi Calli 

3-Cabdi Ayaanle Cabdi Raabi

4-Daahir Maxamed Yuusuf 


5-C.llahi Cali Nuur 

Muuse Maxamuud Jiisow 
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia 
00252-1-5576666
00252-50-907666 


Faafin : SomaliTalk.com | July 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version