Siddeed Caalim oon ku soo moodnay Qarnigii labaatanaad, badelkoodii ma
helnay???
- Sheikh Saahid Maxamed Yusuf
sahid_yusuf@yahoo.com VA, USA
Qarnigii labaatanaad oo kal hore dhamaaday ayaa waxaa bilawday qarni cusub oo lagu magaacaabo Qarnigii 21 ama new Millennium. Qarnigaas tagay waxaan sii sagootinnay Culumo badan oo baxdoow ka dhex noqday Dunidda muslimka, kuwaas oo runtii aad noo soo anfacay haba kala duwanaadeen Takhasuskooda Diinta iyo waliba meelaha ay xoogga saareen iyo sidoo kale Qaaradaha ay ku kala noolaayeen.
Culumadaas waxay u kala qeybsamaan: labo u dhalatay Wadanka Masar, labo u dhalatay wadanka Sacuuudiga, labo u dhalatay wadanka loo yaqaan shibhu Qaaratul Hindiya oo koobaysa Hindiya iyo Pakistaan iyo labo iyaguna u dhashay Bariga Qarradda Yurub.
Culumadaas Allaah ha u wada raxmadee magacyadoodu waxay kala ahaayeen: -
1)Sheekh Xasan Al-Bannaa oo Masri ah,wuxuu dhashay 1906 M ama 1324 H.
2)Sheekh Sayid Qudub oo isaguna Masri ah, oo dhashay 1906 M ama 1324 H.
3)Sheekh C/caziiz Ibnu Baaz oo Sacuudi ah, oo dhashay 1912 M ama 1330 H
4)Sheekh Maxamed Saalax Ibnu Cuthaymiin oo isna Sacuudi ah, wuxuuna dhashay 1929 M ama 1347 H.
5)Sheekh Abuu Aclaa Al-Mowduudi oo Pakistaani ah, wuxuuna dhashay 1903 M ama 1321 H.
6)Sheekh Abuu Xasan Al-Nadawi oo Hindi ah, oo dhashay 1913 M ama 1334 H.
7) Sheekh Badiicul Zamaan Al-Nuurasi oo u dhashay dalka Turkiga, wuxuuna dhashay 1875 M ama 1293 H.
8) Sheekh Maxamed Naasirul-Diin Al-baanii oo u dhashay wadanka Al-baaniya, wuxuuna dhashay 1914 M ama 1333 H.
Siddeedaas Culumo oo kulligood Xijaabatay Allaah naxariistiisa Janno ha
dabbaalsiiyee ayaa ahaa kuwo ay Caalamka Islaamku ka faa,ideysteen Qarnigii tagay, su'aasha noo taallaa ayaa ah: Ma jiraan Culumo noo Badashay mise waxay noqdeen kuwo Baxdoow ah oon booskoodii la buuxinin…!!!???
Hadaba Culumadaas kulligood waxay ahaayeen Rabaaniyiin oo Qarnigii tagay ee labaatanaad Caalamka Islaamku ay ku soo moodeen iyaga iyo culimo kale oo fara badan.
Waa maxay Rabbaani
Culumada Salafku waxay ku sharxaan Caalimka Rabaaniga ah in uu isku darsaday inuu Cilmiga Diinta Islaamka barto oo uu ku Camal falo haddana uu dadka u sii gudbiyo. Ruuxa Diinta barta se aan ku camal falin Rabbaani laguna tilmaami karo ee wuxuu noqon qof la nool Cilmi aan anfac lahayn, Allaah ayaan ka magangalnee, Cilmiga aan naafica ahaynna waa Cilmigii uu Nabigu Allaah ka magan galijiray. Ruuxa cilmiga barta ee haddana ku camal fala se aan dadka gaarsiinin isagana Rabbaani laguma tilmaami karo, sida ay Aayadda Quraanka ah sheegayso: (Allaah wuxuu Culumada farayaa in ay noqdaan Rabbaaniyiin dadka cilmiga bara, haddana iyaguna barta) 3:79.
Haddaba Caalimka Rabbaaniga ahi waa kan seddexdaas shardi buuxiya oo isagu horta noqda mid Cilmiga barta kuna Camal fala, haddana dadka sii bara. Wuxuu Allaah Ruuxaas oo kale ku ammaanay Aayadan: (Yaa ka hadal wanaagsan Ruux Allaah dartiis dadka ugu yeera, Camal wanaagsanna Sameeya, haddana yiraahda waxaan ahay Ruux Muslimiinta ka mid ah) 41:33.
Saxaabigii weynaa ee C/llaahi Ibnu Mascuud R.C ayaa markuu arko Arday Cilmi u soo doonta soo dhaweyn jiray asagoo ku oranaaya: Marxaban soo dhawaada, ilihii Xikmadooy, faynuusihii Mugdigoow iwm.
Waxaa Caalimkii weynaa ee Sufyaan ibnu Cuyeynah la weydiiyey Sidee ku Heshay Xifdigan Xooggan? Wuxuuna ku jawaabay markaan macaasidda ka tagay.
Saxaabigii Abuu Dardaa R.C ayaa Taabiciyiintii kula dardaarmi jiray: Cilmiga Barta intuusan idiin baahan, dadka waxaa ugu cibaado badan Nin Caalim ah, haddii loo baahdo cilmigiisa wax ku anfaco, haddii laga maarmana isagu isku anfaca, maxaayeelay oo ay Culumadiinu u tagayaan, kuwiina jaahiliinta ahna aysan wax u baraneyn.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa horudhaca Qormadan Xadiiskii C/llaahi Ibnu Cumar uu yiri waxaan Nabiga NNKH ka maqlay in uu yiri: (Allaah cilmiga kama siibo addoomada siibitaan ee wuxuu cilmiga ku qaadaa oofsashada culimada illaa uusan soo harin Ruux Caalim ah, waxay dadku samaystaan madax jaahiliin ah, markaas ayey wax weydiiyaan waxayna u fatwoodaan cilmi la’aan weyna lumaan weyna lumiyaan) Saxiixul Bukhaari.
Naxariista uu Allaah noogu deeqay waxa ka mid ah in culmidaas oo idil uu siiyey cimri dheer marka laga reebo Sheekh Xasan Al-bannaa, kuwaasoo cilmogoodii uga faa’iideeyey jiilal badan, cilmigaasoo illaa iyo
iminka lagu intifaaco iyagoo qoran ama duuban.
Haddaba Akhristow aan isku dayo inaan taariikh kooban ka bixiyo mid kastoo Culumadaas ka mid ah anigoo u kala hormarsiinaya sida ay u kala horeeyeen. Waa inoo Toddobaadka danbe iyo Taariikhdii koobneyd ee culumadaas.
Fii Amaanillaah
Sheikh Saahid Maxamed Yusuf
sahid_yusuf@yahoo.com
VA, USA
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin : SomaliTalk.com | July 4, 2009 Isha Sawirada: Google images /
wikipedia / sidoo kale halkaan ka fiiri sawiro culimo kale oo badan, laga
bilaabo qarnigii 18-aad ilaa 20-aad 4rbe.com |