SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

FARAJ BAA DHOW

HA ISDHIIBIN SOOMAALIYEY !... 

    1. Iyadoo 1da Luuliyo ay ahayd, 49 sano ka hor, maalintii xusuusta iyo farxadda lahay ee Qaranka Soomaaliyeed, meel u joogaba, isaga oo isku duuban, u sarakacday Dalkiisa, dadnimadiisa iyo dowladnimadiisa.
       
    1. Waxaan manta Ummadda Soomaaliyeed la qaybsanaya geerida iyo murugada, waqtiga mugdiga ah iyo taariikhda madow ee manta la marayo; iyadoo dhibaatadaas culus, si isdabajoog ah loogu soo jirey muddo 20 sano ah: dad iyo duunyo lagu hoobtay; dal, bulsho iyo dowladnimona ku burbureen oy ku baaba’een; laguna illaawey xusuus, xaq iyo xeer, wax horey loo soo ahaan jirey iyo aayatiin dambe oo lagu ku tashado…
       
    1. Inkasta oy sidaas tahay, waxaan haddana Qaranka Soomaaliyeed guud ahaantii iyo qof kasta oo Soomaali ah, gaar ahaantiis, ku goobaabinaya in aan la  rajadhigin oon la isdhiibin!... Gurmadka Alla iyo gargaarkiisa ayaa innooga iman gees aan la filayn!...
       
    1. Ha isdhiibin, ha isdhiibin Soomaaliyey!... Ilaahii mar walba oo halistu heerkaas gaadho ku bixin jirey, ee ku badbaadin jirey, Ilaahiibaa maantana jooga oo jira!...
       
    1. Hubaal, waxa kuu dambeyn: GUUL, SHARF IYO FARXAD!... Iyo wax aad ku illawdo wax kasta oo ku soo marey!... Faraj Allaa dhow, ha isdhiibin Soomaaliyey!..

 Cumar Cusmaan Raabe
(1da Luuliyo 2009)

Faafin : SomaliTalk.com | July 1, 2009

"Kuwa xabashida u tegey waxaysan garanayn xabashi, waxaysan garanay sidii xabashidu u gashay kuwii ayaga ka horeeyey" Akhri... (2005)

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version