SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

MACALIMIINTA ABUUBAKAR SADIIQ IYO WAALIDIINTA DHALINTA DA'DA YAR OO DALXIIS  KU QAATAY BEERTA MINNEHAHA PARK EE MINNEAPOLIS

Sawiro ka fiirso halkan


Sawiro ka fiirso halkan

Macaliinta iyo Maamulka abuubakar Sadiiq iyo Waalidiinta Dhalinta da'da yar ee qurbaha ku koray  ayaa Dalxiis ku qaatay beer/jardiino ku Taala Minneapolis oo la yiraahdo Minneahaha Park waxay ahayd maalin ay waalidiintu farxad la qaaten ilmaha ay dhaleen iyo macalimiintoodii Qur,aan Baraysay  waxaa Geedaha hoostooda fadhiyey Marwooyin, Aabbayaal iyo dhalintooda. dadku kooxo kooxo  ayey u wada socdeen   Cayaaro kubbada oo kala gadisan Ayaan meesha ka marnayn Dhalintu waxay ku ciyaarayteen Wiifooyada iyo Walxaxa laga soo dilin diloodo sida buuraha.

Waxayna oga soo boodayeen sida dudumaha looga soo boodo, waxay ku dabaalaneyeen Baraagaha lagu dabaasho ee dhalinta qurbaha joogta ay u taqaan swiming Pool  waxaa ka loo la keenay goobta Baabuur sida Cunada Dhalinta Qurbaha ku koray ay aad u xiiseeyaan oo ah Pizza.

 Halkaas waxaa lagu tukoday Salaaddi jamce waxaana Tujiyey Sh Mohamed Cabbaasi oo ka mida Macalimiinta waxuuna khudbadiisa ku Xusay in Nabigu Galay Tartan Xagga oradka ah oo uu la tartamay Xaaskiisa isla markaana damaashaad kaan iyo Cayaaraha soo socda ay yihiin kuwo waafaqsan Shareecada Islaamka ahna kuwo Asluub iyo Tarbiyad Diineed wata Taas oo ka imaanaysa macalimiinta iyo Waaridiinta ilmahooda la jecel Khayrka

Dhammaan Waaridiinta iyo Macalimiinta iyo Dhalinta waxaa ka muuqatay farxad.

WARAYSIYO  KU SAABSAN CIDA ABAABULKAAN KEENTAY


Waa kan Sh Mohamed Cabbaasi oo ka waramaya cida fikarkaan keentay iyo waliba cayaaro dhex maray sanadkii hore Macaliinta Dhalinta Qur'aanka Barta Iyo Waaridiinta ilmaha dhalay waxuu Sh Mohamed Qiray in laga raayey sanidkii hore sidoo kale waxaa galabtayna Guushu raacday Waaridiinta oo haantan u Eg laacibeen sida dhalinta qaarkood ay isla dhex marayeen Halkan ka Dhagayso Sh Mohamed Cabbaasi
  
Sh Mohamed Cabbaasi

 Waxaa kaloo Dhinaca waaridiinta u Hadlay Gudoomiyaha Waaridiinta Aadan C/qaadir oo looyaqaano Indhageele

 
Aadan C/qadir Indhageele  Waxaana Hadaladiisi ka mid ahaa waaridiin haddii aan nahay waan faraxsan nahay Culumada iyo Maamulkana  Abuubakar

Sadiiq Islamic Center waa u mahad celinaynaa  Halkan ka Dhagayso Hadalka  Gudoomiyaha Waaridiinta ilmahoodu ku xiran yihiin Masjidka Abuubkar iyo Madarasada ay ilmahoodu Dhigtaan Waxaa kaloo noo suurta gashay in aan waraysano Gudoomiya Ku Xigeenka Waaridiinta

  
Mire Mohamed oo asna ka Hadlay Cayaaraha iyo
Isku soo baxaan balaaran Halkan ka dhagayso  Sidoo kale waxaa noo suurta gashay in aan Waraysi ka qaadno Abdirahman Dalmar oo ka Mida waaridiinta Masjidka Abuubkar ku xiran  oo Abdirahman Dalmar ayaa Goobta farxad iyo damaashaad kula Qaatay Qoys kiisa asaga oo Caruurta ku Ruxayey Wiifowga Halkan ka dhagayso waraysiga Dalmar

 

Sidoo kale waxaan waraysanay Tababaraha ku badda cagta Dhalinta Da'da yar
Cigale Jaamac Carab oo si iskaa wax u qabso ah u bara Banooniga Dhalinyarada sidoo kale waxuu ka mid yahay Waaridiinta isla markaana waa laacib u Cayaara Waaridiinta Halkan ka dhagayso



CAAYARO DHEX MARAY MACALIMIINTA IYO WAARIDIINTA


Waxaa la oran karaa Munasabadaan oo kale waa yar tahay in ay dunida ka dhacdo Macalimiin iyo Waaridkii   Cayaaro ku tartama   Arintaan ayaa ah mid Xoojinaysa Saaxiibtinimada ka dhaxaysa Waaridiinta iyo Macalimiinta waxayna aad iyo aad u farax galinaysaa Dhalinta Dada yar ee qurbaha ku koray. Waxaadna moodaa arintaan in ay tahay mid Tartan dhab ah oo ay la tartamayaan Macalimiinta kale ee iskoolaadka dhigta Waaridiinta Somaliyeed ayaa la Soo baxaya Khibrado hor leh oo ay Tarbiyad ku siinayaan Ilmahooda Sidoo kale Macalimiinta ayaa muujyey Dadaal dheeraada
Kooxda Dharka Cad Qabta waa Macalimiinta Masjiddu Abuubkar Sadiiq oo maantay looga Badiyey Saddex Gool halka ay ayaguna Laba gool ay dhaliyeen

Kooxdaan waa Macalimiinta Abuubakar Sadiiq oo Saddex
Gool looga Badiyey halka ay laba gool ka dhaliyeen

 
Kooxdaan Waa Waaridiinta ku Xiran Masjiddu Abuubakar
Oo Maantay Saddex Gool kaga Badiyey Macalimiinta Qur,aanka ilma hooda barta. Ma ahan Guushaan tii ugu horaysay ee sanadkii hore ayey ka badiyeen Macalimiinta...

CAYAAHA DHEX MARAY DHALIN YARADA QUR'AANKA XIFDISAN IYO KUWA HADDA XIFTINAYA


Laba kooxood ayaa ayaguna galabtay meesha isku hardiyey oo la kala yiraahdo TAHFIID oo loola jeedo kuwo Qur.aanka Xiftiyey iyo QUR'AN LOVER'S oo laga wado kuwa hadda Xiftinaya Qur'aanka

 

Kooxdaan Waa Tahfiid oo ah Kooxda Qur'aanka Xifdisan oo maantay  ka guulaysatay Kooxdii kale ee la tartamaysay Qur'an Lover's waxayna ku badiyeen 2 gool halka ayagana gool laga dhaliyey

 

Kooxdaana waa Qu'raan Lover's oo maantay laga badiyey waxaa laba Kooxoodba La Taagan Cigale Jaamac Carab oo ah Tababare dhalinyarada Ku Badda cagta bara isla markaana ka mid ah sidaan horay u soo sheegnay Waaridiinta

SIDA AFKA SOMALIGU UGU ADAG YAGAY DHALIN YADA QURBAHA KU BARBAARAY


Ma jirto inta aan ogahay cid xil iska saartay eray bixinta Af Somaliga intii Dowladd la,aanta la.ahaa Maantay ayaan Nin oday ah oo waaridiinta ka mid ah Weydiiyey walxaha ama qalabka ay ku cayaarayaan dhalin yaradu sida Jaran Jarooyinka la dhisay  iyo al walada la isku rakibay ee  dhalin yaradu ka soo Siibanayaa Ama ay ku siqayaan ayaga oo Salka ku ordaya waxuu igu yiri Waxaan dhihi laa Waa Dudun ama Taalo Dalcad  waxaan gartay in ay u dhow Dahay laakiin kuma Qancin..

 Waxaan dhalin yaradii Goobta Joogtay la dhex maray Sameecadda wax lagu duubo ayaga oo Taagan Goobtii Riigada ee lagu cayaari lahaa Labada kooxood  Ayaan waxaan weydiiyey Erayga Swimin Pool AFSomali ahaan in ay ku sheegi karaan iyo in kale wayse suurta gali weyday in ay sheegaan maadaama aysan Jirin cid eray bixisay waxaanse dhalintii weydiiyey Bali iyo Baraag ama barkad in ay yaqaanan nasiib daro ma dhicin in ay sheegaan Codod aan ka Duubay Ayaga oo su,aalaha aan weydiinayo ka jawaabaya oo aad u qosal badan Halkan ka dhagayso waxaase dhacday in Dhalintu ku Qosleen Barkad ama Baraag iyo Bali  Kooxda Tahfiid  Halkan ka Dhagayso  sidoo kale Halkan ka Dhagayso Kooxda Lover's

C/raxman Dalmar oo ka mida Waaridiinta oo ku  Cayaar siinaya Wiifow Caruurtiisa

  

Haddii aad Tahay dad ka wax qora ama Afsomaliga Akhriya Maxaad aaladaan Casrigaa oran lahayd Magaceeda  Ma  Dudan mase darbi waxaan Xasuustay Waagii aan Dhalaanka ahaa waxaan oran jirnay Waagaan yaraa waan Boodi Jiray waan Bari Cadaa damcan meel dheer oo darbiya ayaan ka soo boodaynaa 

 

Haddii Swimin pool lagu weydiiyo Barkad ama baraag miyaad oran lahayd Mase bali koley Haro kayar


Ustaad Abdiwali Bashir Warsame (Dalboon)
cdalboon@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota
Minnehaha Park

Faafin : SomaliTalk.com | August 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri


Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....


Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka... Akhri/Daawo


prof ibbi

Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir

Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN

Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha

Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..


Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub


DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar


"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..


Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia

Dhagayso ama Soo rog


Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya

Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo

Q.2aad: Dhagayso ama soo rogo


Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha


ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali | English Version