Qaybta
1-aad | 2aad | 3aad

ÈÓã Çááå ÇáÑÍãä
ÇáÑÍíã
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo
Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.
Shalay 29/6/2009 ayaan kasoo duulay Nairobi anigoo ku
socda Shirka Jaaliyadaha Soomaalida Scandinavia ee ka dhacaya Goteburb
2-5/7/2009. Xalayna waxaan ku nastay Caasimaddii Islaamka (Intaanbuul)
weliba hodheel ku yaar xaafadda loogu magic daray Suldaankii Furtay
Magaalada Istanbuul, horana ugu magac dheerayd (Qostan tiiniya), Suldaan
Muxammad Al Faatix Allaha unaxariisto, Janadiina ka waraabiyo. Mar aan hadda
ka hor is bar bardhigay xaafaddan iyo xaafadaha kale ee Istanbuulk ee aan
arkay, sida magaalada qaybteeda yurub gaar ahaan barxadda (Taqsiim) ayaan
waxaan tilmaamay in, Xaafadda ku magacaaban Suldaan Muxammad Al Faatix (Allaha
unaxariistee) , oo u ku yaal Masjidka Weyn ee Magiciisa Xambaarsan,
turkiduna u taqaan (Fatih Cami), ay xagga muuqaalka dadka xitaa kaga duwan
tahay xaafadaha kale. Xaafaddan waxaad ka dareemeysaa muuqaalla Islaamiya oo
badan. Waxaad arkeysaa dumar badan oo xijaaban, ama dhar dhaadheer qaba,
dhalinyaro iyo waayeelba. Rag badan oo koofiyada sitana waad arkeysaa.
Magaca Faatix waxaad ku arkeysaa inuu meela fara badan astaan u yahay,
hodheelo, dukaama kala duwan iyo iskuulo.
In Mudda ahba waxaan indhaha ku hayey waxa ka socda
turkiya, ayaamahaan dambe gaar ahaan sanadahaan dhow ee uu maamulka wadanka
hayey (Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka) marka luqada turkiga lagu soo
gaabiyana la dhaho (AKP) kaasoo ah xisbi salka ku haya xidida Islaama, dhawr
jeerna soo xuub siibtey ilaa uu kasoo gaaro, xisbiga hadda taagan. Waxaa ii
muuqaneysey mudadaas, oo aan booqasho ama socoto geediya kumaray wadanka
ilaa 12 goor, laba arrimood oo ku saabsan wadanka iyo hoggaanka
xisbiga talada haya, oo si aada loo dareemi karo:
- Waa horumarka dhaqaale iyo Siyaasadeed ee wadanku gaaray sanadihii ugu
dambeeyey.
- Hoggaaminta siyaasadda iyo maamulka sareeya ee xisbiga talada haya oo
majaraha u hayo Wasiirka Koowaad Recep Tayyib Erdogan. Iyadoo Xisbiga
iyo kawaadirtiisaba uu ku socdo dagaal gudo iyo dibad ah oo aan kala
go’ lahayn.
Labadaa arrimood ayaa waxaa ka dhashay taageera aad u
weyn oo Xisbigu ka helay shacbiga Turkiga, shacbiyadaas oo noqotay buurta ay
ku madax jabaan dhaafina kari waayaan dhammaan weeraradii isdaba joogga ahaa
ee ay soo qaadeen:
- Mu’asasada Cilmaaniyada Turkiya ee gaamurtey sheegatana iney
ilaalineyso mabaadi,dii Ataturk ee Jamhuuriyadda lagu asaasay Xisbiga
Caddaaladuna doonayo inuu xididada u siibo, kuna soo celiyo Turkiya
xukunkii Islaamka Cusmaaniyiinta ee 80 sano ka hor la burburiyey.
- Mu’asasada Ciidamada oo iyana lagu sheego iney tahay Qalcadda ugu
Dambaysa ee lagu ilaaliyo Cilmaaniyaddii iyo Nidaamkii Ataturk, oo wixii
soo dhaafa Xisbiga Jamhuuriga ( oo ah Godka Madow ee Sunta iyo Waabayda
Cilmaaniyadda Turkiya Fadhido) iyo Mua’sasaadka Madanigaa oo kale,
inuu Ciidanku luqunta jebiyo.
Weeraradii Ba’naa ee ay soo qaadayeen labadaa
Mu’asaso waxaad maanta dareemeysaa iney soo daciifayaan, daalayaan, dalan
baabi ay yihiin oo xuurtaynayaan, meesha Xisbiga Caddaaladdu uu sii karraar
qaadanayo oo Maalinwalba Cilmaaniyadda God ka saarayo, markuu ka saarana si
fiican godka isugu ballaarinayo.
Weeararadii ugu darnaa ee Xisbiga Caddaaladda lagu sigay
in lagu mijaxaabiyo, laakiin uu dabinkeeda ka boodey:
- Waxaa laysku deyey laba jeer in Xisbiga si qaanuun ahaana siyaasadda
looga saaro madaxdiisana xarig iyo maxkamad lala begsado, waxaana
falkaas oo si heer sare ah looga soo shaqeeyey lagu soo gunaanadey in
Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladdu Maxkamadda Sare ee Wadanka u gudbiyey (buug)
tibaaxaya arrimaha uu Xisbiga Caddaaladdu ku burburinayo Cilmaaninimada
Dawladda Turkiya, kuna jebinayo Qodobada Dastuurka Wadanka iyo
Qawaaniintiisa, sidaas darteedna uu Maxkamadda Sare ka codsanayo in
Xisbigana si rasmiya loo xiro, xoolihiisa lala wareego, 70 ka mida
madaxdiisana la xidh xidho oo ay ugu horreeyaan, Wasiirka Koowaad
Erdogan iyo Madaxweynaha Cabdalla Guul. Arrinkaasu Muddo 4 Bilooda ayuu
wadanka gilgiley, lagana baqay in Qaadiyada Maxkamadda Sare oo
badankoodu Mu’asasada Cilmaaniyadda Raacsan ay xukunkaas ridaan,
wadankuna fawda galo, Hasae yeeshee Maxkamaddii wexey xukuntay inaan
dacwaddaas waxba ka jirin, hal cod ayaana xisbigu xukunkaa kaga fakaday
Ilaahay fadligiis.
- Waxaa laysku deyey in xisbiga lagu cadaadiyo xagga shacabka, iyo
barlamaanka, waxaa la diidey in la socodsiiyo magacaabistii Madaxweynaha
Cabdalla Guul, taasoo dhalisay inuu Erdogaan Arrinta shacabka ku celiyo
oo doorasha cusub la sameeyo, taasoo ay filanayeen Mucaaradku iney ku
wiiqi doonaan, laakiin Doorashadii cusbayd waxaa ka dhalatay in
Xisbigu sii xoogaysto 47%, xubnihiisi barlamaankuna kordhaan, taasoo
xisbiga awood u siisay inuu hantiyo dhammaan jagooyinkii Dawladda ugu
sarreeyey Madaxweynihii, Raaisulwasaarihii iyo Ra’iisul Barlamaankii.
- Waxaa laysku deyey Ilaa afar goor kacdoon militeriya, ama kooxo
askartii hore ah oo dagaalo huriya, ama amaanka khal khal geliya, ama
sidii waayadii hore Militerigu inuu afgembi sameeyo oo talada la wareego
, qorshayaal dhawr ah ayaa la maleegey, laakiin Ilaahay fadligiis
dhammaan waa la fashiliyey, waxaana ugu dambeeyey midka ayaamahaan
sheekadiisu soo baxday, oo ah Qorshe uu diyaariyey nin Kornayl ah oo
qeexaya sidii lagu mija xaabin lahaa Xisbiga Caddaaladda, iyadoo isla
maanta uu barlamaanku ansixiyey qaanuun cusub oo sheegaya in saraakiisha
ciidamada lasoo taagi karo Maxkamad shibil ah xilliyada aan dagaal socon,
taasoo ka mida tallaabooyinka qorshaysan oo (Mu’asasadii Ciidamada) ee
gaar hayaha ka ahayd (Xukunkii Ataturk) baalasha looga rifayo, iyadoo
awoodo aan caadi ahayn horay u qaadatay, oo markey doonto Dawladda kala
dirta ama xukunkaba la wareegta sida xilligii General Kancaan Efren uu
Madaxweynaha Militerigaa noqday, kaasoo laftiisu hadda ka mida ragga
maxkamaduhu sugayaan.
- Waxaa ka mida duullaamadaas gabdhaha Khimaarka wata oo Jaamacadaha loo
diido, Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha xaasaskooda iyo gabdhohooda oo
cadaadis la saaro si aaney usoo gelin xarumaha Dawladda, Cunaqabataynta
dhaqaale oo laysku deyey, qorshayaasha Dawladda oo barlamaanka loo
fariisto, iclaamka guud iyo qoraalada oo lagula dagaalamo, Reer
Galbeedka gaar ahaan kuwooda hoggaamiya sida Maraykanka, Jarmalka,
Faransiiska iyo Ingiriiska oo lagu diro, xisbiyada Mucaaradka oo la
taageero, Madaarista oo cariiri la geliyo, waxyaabahaas oo dhan iyo kuwa
kaloo badan oo aan la koobi Karin, ayaa xisbiga lagula dagaalamay,
laakiin fadliga Ilaahay dhammaan dagaaladaas si buuxda ayuu xisbigu ugu
guulaystey.
Dhammaan dabinadii loo dhigay waa ka boodey, godad badan
oo inta la qoday weliba la dheereeyey si loogu aasona waa ka tallaabsaday,
markaasaa weliba boorka uu kiciyey keliya indhaha wuxuu ka ridey
cilmaaniyaddii xuurtayneysey. Erdogaanna libin ayuu ku geeraaray, isagoo aad
Mooddo Sayid Maxamad Allaha u Naxariistee, oo Daraawiishtii Gudban ku
wacdinaya oo leh:
Galladaa Ilaahay ka badan Geedahaa Baxa e’,
Guushuu inoo yeelay baan idin garwaaqsiine,
Guddiyey I maqal waxaad tihiin gacalahaygiiye.
Gafuurra xun siduu eebahay guuldara u raacshey
Dagaalkaas dhinacyada badan kaga imaanayey Xisbigu wuxu u
maamulay si farshaxana oo xikmad iyo xirfad siyaasadeedba ku dheehantahay,
dhammaan is bahaysiyadii kasoo horjeedeyna wuxuu ciyaarta siyaasadda uga
badiyey 5 iyo 0, Intaa keliya maahane wuxuu si habsami ah oo shacbiga
Turkiga cajabisay u maamulayey arrimihii Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, kor u
qaadidda Nolosha shacbiga Turkiya.
Mexey tahay siyaasadda uu kaga guulaystey xisbigu
mucaaradkiisa? Muxuu wadanka ka qabtay Siyaasad ahaan, Bulsha ahaan,
Dhaqaala ahaan, iwm? Waa kuma Shakhsi ahaan Recep Tayyib Erdogan oo ah
hoggaamiyaha Xisbigan iyo qaabka (Styleka) hoggaamintiisa, iyo duruusta uu
bixinayo? Guud ahaan maxaa duruus siyaasad iyo maamul laga faaiidaysan karaa
tajrubada Turkida, ciddii dooneysa iney ka faaiidaysato?
Waa Su’aalo aan jeclahay qormooyinka soo socda inaan
kaga jawaabo Ilaahay idankiis, anoo ku eegaya, isha qof Soomaaliya, oo
shacaba, oo diifi ka muuqato, dalkiisana nolosha aan laga sheekayn ee
geerida iyo gaajada lays warsado.. la soco.
Istanbuul iyo
Casharada Siyaasadda Erdogaan! Qaybta:
1-aad
| 2aad | 3aad
Dhambaall
Cusub oo ka Socda Culima Waaweyn!
DHAMBAALKA
MANDELA U DIRAY SH.SHARIF & DR.C.IIMAAN!
WADAADADA
SOOMAALIDU AYAAN DARANAA MA AWLAADDII AW JAAMAC BAA?!!Sh.
Muxamad Idris
Mariyaa
mise waa run! Waxaa isoo
gaaraya dhawaq dheer oo leh: Dadow Bishaaraysta ummadii waa hesh.. Akhrr...
Run
ma la isu sheegi karaa? Q-1aad
| 2aad
| 3aad
WQ. Sh. Muxamed Idris Axmad
Faafin:
SomaliTalk.com | July 03, 2009