SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006-2009



Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com
RUNTA MA LAYSU SHEEGI KARAA? Q-2aad


March 23, 2009

  Q-1aad | 3aad

Mahad oo dhan Allaah ayaa iska leh, Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. Kadibna waxaan iri:

       Nin Gabyaa ahaa oo Cali Maxamed Cismaan la oran jirey ayaa Masafo mariyey isagoo Qola waaninaya wuxuuna yiri:

       Duqoobayoo dal baan maray, diintana ka qayb galay

      Dannigaygu wuxuu fiirshey iyo, waxaan duul kasoo guurshey

      (War)Waxbaan dareensadaye, yaa dar-daaran iga raba?

       Waxaan Maqaalkii hore ku istaagney, su'aalo ah: maxaa diidan inaan wax ku heshiino? Wax wadaagno? Haddaan Ummad keliya oo isku diina oo isku dana aan nahay? Bal mararka qaarkood isku xisbiya sida haddii raggii la Magac baxay (Isbahaysiga Dib U Xoraynta) oo dhawrka qaybood noqday..

       Maskax aan Bakeeri qaadi Karin!!

       Caqligu waa deeg Ilaahay..dadkan isku si looma wada siin..Caqliga fiyow ee waasicaaye wanaag ayuu inta badan kuu horseedaa..Caqliga cariirigaa ee aan wax qaadi karinna bohol buu kaa ridaa.

       Waxaan is weydiiyey, Miyaaney Maskaxdeenu Qaadi Karin: Inaan waxna isku diidno, waxna ku heshiino? waxna wadaagno Waxna kala lahaanno, Maslaxadda guud ee naga dhexeysana aan wada ilaashanno?

       Ummadaha aan ka cabaneyno, marar badanna baryeyno, oo aan Islaam rumaysnayn, oo Dantooda guud darted waxna wadaaga, waxna kala leh: Reer yurub, hal goleey wadaagaan, siyaasad guud ayey wadaagaan, (barlamaan Orobi layiraahdana waa leeyihiin, hadana waa dawlado kala duwan, kala luqada, kala diina, kala dhaqana, Cajab!! Waxey wadaagaan, xuduuda isu furan, hadana wexey kala leeyihiin, qaanuuno mid walba u gaara, iyana Cajab!! Waxey wadaagaan Suuq dhaqaale, Bangi dhexe, siyaasado adduunka kale ay kaga hortagaan, haddana waa kala lacago, mid yuuruu isticmaalaa, midna Isterliini, midna Koroon, iwm!! Cajab dheh, oo Haddeey hal lacag wadaagi waayeen, sidee dhaqaale midaysan iyo suuq ugu heshiiyeen? Waxey Isticmaaleen, Qaanuunka kawniga ah, ee la yiraahdo: Haddiiba Maslaxad Guud naga dhexeyso, aynaan u kala maarmin, waa inaan si uun wax ku wadaagnaa, waxna nin kastaa sidiisa u wataa.. inteynu marxala kale isla gaareyno, haddii kale labadeenuba dhimanay. Maskaxdaa waxey qaadi kartaa, wax wadaag, iyo wax isku diid, labadaba..Si Maslaxa kawada dhexaysa loo wada gaaro..

       Waxaan xusuustay gabay tusaale iyo jilid (Masraxiya) ahaa, oo uu lahaa (Qamaan Bulxan) aadna moodo inuu tusaalaynayey, maslaxad iyo waxwadaag:

       Libaax iyo waxaa seertay meel sogob dameeraade

      Wuxuu yidhi: samaan an u cabnee, suruq ka dhawr miirta

      Waxay tidhi: sedkaygaan ba'sane, ha inna soo yaamin

      Wuxuu yidhi: Si kastaad falaysaba biyaha, hayna wada seejin

       Waxaa maanta inna haysta, dad ku dhaaranaya (Dalka Soomaaliya La yidhaahdo) iney inna wada seejiyaan. Dad aadan u malaynayn in : Diini ka dhexeyso, Dal Ka dhexeeyo, Dani dhextaal, Dad ka dhexeeyo, masiir ka dhexeeyo, haddana na leh: ama aan qaato, ama aan wada seegno!!

      Midowga Yurub wuxuu qaaday 27 dawladood oo kala diina oo kala luqaa oo colaadi u dhexeysey, iyo 490 milyan oo qof, Annagana dal yar oo Muslima ayaa 4 kooxood oo isku diina, oo isku dhaqana, oo isku afa, oo isku dana, oo hal cadaw wada leh, qaadi kari la'? Oo la ciir ciirayaa..oo culimo iyo caamoba ku wareertay.. kuna daashey..War yaa Allihi Allaah Yahay oo Ashahaata!!

      Waxaa rag leeyahay: Qaar naga mida ayaa cadow soo adeegsadey oo nagu jebinaayaa? Hagaag.. Ma laysku deyi karaa ineynu innagu raggeenaas – ileyn waa soomaaliyoo cadawga innagaa uga aqoon badane – inta adeegsanno cadawga ku jebinno? Ma keeni karaa caqligu arrinkaa mise anaa waalan!!

      Waxaa la yiri: Maya, nimanka waxaa dhegta loogu sheegay, waxbaad xukumeysaan, ee diinta dalka ka tirtira! soomaalidana xasuuqqa! Hagaag, horta waa arrin fog, malaha xumuni ma fiicna, laakiin, Caqligu ma keeni karaa , tolow, inaan ku dhahno: waayahay, kaalaya oo xukuma..haddaanan wax idinla qabanna wax idiin dhimi meyno, laakiin dadkana ha xasuuqina, cadawna haku fasixinina, diintana ha taabanina, haddii kali, melegiini ayaa galaye ogaada.. Hawshana dhabarka u dhigta, oo dalka iyo diinta difaaca. Ma dhici kari lahayd ineynu cadawga annagu isaga dhowaanno? Ma dhici kari lahayd iney cadawga inala arki lahaayeen, oo iska celin lahaayeen, dabadeedna hal meel aan uga soo wada jeen san lahayn? Ma dhici kari lahayd: ineynu cadawgii markaa jartiisi isaga ku rogney, kuwa kale inuu raadsadana ay noqon lahayd, Caqligu ma keeni karaa arrinkaa, mise anaa waalan!!

      Waxaa la yiri: Dawladdii dhalataba, rag ayaa u soo baxa, wexey leeyihiin: Cadaw ayaa soo adeegsadey? Diintey la dagaalameysaa oo dalka ka suulineysaa? Dadkana wey xasuuqeysaa? Cadaw dalka qabsadana wey ku fasexeysaa?  Sidaa darted, lalamana heshiin karo, lalamana hadli karo, waxna lalama wadaagi karo!!Caqligu ma keeni karaa in la yiraahdo: Arrimahaasu iney dhab yihiinba aan kasoo qaadno..Haddaan dagaal kala hortagno dawlada, innagu ma keeni karnaa dowlad? Haddaan keenana oo innagu kuba guulaysanno, inaan iyada meesha ka saarno, rag maynoo deynayaa? Sow taas macneheedu ma noqon karo, marnaba yaan dalkuna deign, dadkuna heshiin, dawladina sooba noqon!!

      Caqligu ma keni karaa: War diintan horta Dawladdii Cabdillaahu yusuf, iyo Tan Sh. Shariif Hoggaaminayo, iyo Ciidamada Africa, ee la socda, haddeey intoodaasu isu tagaan, oo (Qorshe ka dhigtaan iney diinta Islaamka Soomaaliya kala dagaalamaan dadkana xasuuqaan – Sida Mucaaradku leeyihiin) waxaan leenahay Diintan mana suulin karaan, mana tir tiri karaan, fidinteedana isma hortaagi karaan..

      Diinta Islaamka in soomaaliya laga tir tiro, ama ciidan shisheeye dalkan qabsado, Talyaani baa ku jabay, oo Ingiriis ayaa ku jabay, oo Xabashi ayaa wax ku weydey. Haddeey tahay Dawlad Soomaaliyeed oo loo adeegsado, Dawladdii Gen. Maxamed Siyad Barre, oo Cududda iyo Cadadba kulansatay, oo Beeshii la oran jirey Hantiwadaaggu la socdaan, oo Dawladdii Ruushka iyo Xisbigii Shuucigaa wato, ayaa Dacwada Islaamka waxba ka qaadi weysey, Balse Annagoon tabar badanna lahayn, ciidanna wadan, hubna u qaadan, ayaan xujo iyo bayaan iyo dacwo bannaanka ugu tuurnay.

      Dhalinyara badan oo la dagaal gelinayaa ma oga taariikhda 70kii iyo 80kii wixii Soomaaliya ka socday, dacwadii hureysey, diintii fideesey, wax walba oo laysku deyeyna la caburin kari waayey, jaamacadaha, iskuulada, wasaaradaha, macaahidda, meel walba waxaa qiiq iyo olol ka baxaayey dacwadii Islaamka.


      "Maxamed Siyaad Barre markuu Itoobiya la diriraayey, Kenyana u Hanjabaayey, Ciidamada Afrika ugu culus ee laga haybeystana dhisaayey, Ma salafi buu ahaa, Mise Ikhwaan, Mise Suufiyo? Ma shareecaduu Dababqaayey, Mise Distuur Islaamuu ka duulaayey?"


      Caqligu marka ma keeni karaa: War heedhe, Dawladdii Ruushka iyo Tii Maxamed Siyaad ayaa Diintan waxba ka qaadi waayey, dadna lama layn daarana lama dumin, dadaal iyo dacwo, iyo waxbarid, iyo naf hurid iyo adkaysi iyo sabir ayaa lagaga badiyey.. Aaway maanta Ruushkii, aaway Mukhaabaraadkii Maxamed Siyaad, aaway Shuuciyiintii, aaway qolooyinkii hantiwadaagga u sacab tumayey,? intuba caleen dhacday ayey noqdeen. Dhinaca kalana fiiri: Qur'aankii waa sidiisi, Sunnadii waa sideedi, Muslinku waa kasii xoog badan yahay.

      Caqligu ma keeni karaa marka: War diintan baqdin uma qabno ilaahay idankii, rag bey leedahay, ragna waa tegey, ragna waa joogaa, waana iman doonaa, jihaadka diinta loogu jiraana ma joogsanayo, Ilaahay idankii nooc kastuu yahay, Ummadduna waa muslinoo diinteeda iyo dalkeedaba maalintey dhiida gaarto waa difaacaneysaa, ee raggan is hayaa haddeey wax kale isku hayaan ha inoo sheegeen maxumee? Hana kawada hadlaan, waxna haku heshiiyaan, waxna ha wadaagaan? Laakiin yaan masaakiintayada Soomaalida ee meelaha daadsan, ee darxumadu meel walba ku haysato, ee haadku ka dhergey, la eersan!!

      Caqligu ma keeni karaa: haddii Dawladda Sh Shariif Hoggaaminayo, Al Xisbul Islaam, iyo Ashabaab eey isku dhinac maraan, waxna ku heshiiyaan, waxna wadaagaan, in Cadawgu meel uu kasoo galaba weyn lahaa? Hadduu  soo xadgudbana wadajir looga hortegi lahaa? Mise anaa waalan!!

      Dhalinyaraa wexey leeyihiin: War Dawladda Gaalo taageertay, xabashi la heshiisa, afrikaan u yeeraneysa, shareecada, aan fulinayn, diin iney difaacdo, dalna xornima u horseeddo laga sugimaayee ma hubka inaan dhignaad rabtaan wadaadadiinan, waaba laydinka shakisanyahaye?

      Dhalinyaradaa Soomaaliyeed ee Islaamka waxaan weydiinayaa: Dawlad haddii la dhiso inshallaahu dalka iyadaa difaacaneysa, dadkana hal meel ku kulmineysa oo difaac gelineysa, hawsha haddii laydinka furto maxaad ku diidantihiin?

      Tank Kale, Adduunka Islaamka weligiis Dawlad ayaa hoggaaminjirteye ma jabhada inaad weligiin ahaataan ayaad rabtaan?

      Tan saddexaad Dawladda aad raadineysaan wixii ka dhiman maad u dhamaystirataan, intaan meel cusub ka bilaabi lahaydeen?

      Marka Afraad Dawladda intii gaalo u talin lahayd ama iyaga ciirsi bidi lahayd oo idinka idinka carari lahayd, idinku maad dhisataan, oo cadawga ku jebisaan.

      Marka ugu dambaysana: Maxamed Siyaad Barre markuu Itoobiya la diriraayey, Kenyana u Hanjabaayey, Ciidamada Afrika ugu culus ee laga haybeystana dhisaayey, Ma salafi buu ahaa, Mise Ikhwaan, Mise Suufiyo? Ma shareecaduu Dababqaayey, Mise Distuur Islaamuu ka duulaayey? Ma dadkoo dhan baa isaga taageersanaa? Mise Waa la jeclaa? Mise Dadku dal iyo qaran iyo Soomalinimo, Islaamnimo ayaa la dhawranayey oo la difaacanayey?

      Maantana waxaan leenahay: Garab Jabuutina ma taageersanin, garab Asmarana ma tageersanin, Xisbul Islaam iyo shabaabna ma taageersanin, inta siyaasadda ku loolameysoo dhanna midna ma taagersanin, Laakiin Qaran Soomaaliyeed ayaan taageersannahay, Dalku Dawlad inuu yeeshaan taageersannahay, Dadku Diintooda iyo Dalkooda iyo Dantooda iney u midoobaan ayaanu taageersanahay, haddii taasu cid gaara taageera u tahay, malaha waa cid  aanu meeshaas iskaga soo dhacnay, meela kalena waa isku diidi karnaa. 


      Run ma la isu sheegi karaa?   Q-1aad
      | 3aad

      Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2009 


 CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


MALAYSIYA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad |


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD