
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
RUNTA
MA LAYSU SHEEGI KARAA? Q-1aad
March 20, 2009
|
Q- 2aad
| 3aad
Mahad oo dhan Allaah ayaa
leh, Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna korkiisa ha ahaato, intaa ka dib,
Qormadaan waxaan uga gol
leeyahay waxyaabo ay ka mid tahay:
- Baraarujin iyo Guubaabo
- Garwaaqsiin Xaaladda khatarta ee
Ummaddu ku sugantahay inaaney kala gabasho aqbali Karin
- Dadka taariikhda dhaw wax ka haya ee
weli sii nooli iney facyaasha yar wax u tusaaleeyaan
- Cilmi iyo caqli in wax laysku tuso
Sidii uu qarankii
Soomaaliyeed u noqday (tusbaxa go'ay) 19 sano muddo laga joogo, dib dambena
ilaa hadda waa laysugu celin kari la'yahay, waxaa adduunku la yaaban yahay, dad
isku diina, isku afa, isku dhaqana, isku hayba, wada dhashay oo hal qoysa,
dan iyo nololi ka dhexeyso, oo aan kala maarmin, oo haddana waxba ku
heshiin kari la'. In badanna wadaadkooda iyo waran lohoodu
isku dabci yihiin, waayeelkooda iyo wiilkoodana marar badan la kala garan
waayo.
Waxaan aamin sanahay dadka Soomaaliyeed, anoo ku dhex cirraystay, iney ka
mid yihiin bulshooyinka wanaagsan ee waxtarka ah muslimiinta dhexdooda,
sifooyin aad u fiicanna leeyihiin, oo ay ka mid tahay, geesinimo, deeqsinimo,
hal abuur, ficilo iyo dullidiid. Hase yeeshee, dhanka kalena lagu arkayo,
sifooyin dhaliil ah, oo gaar ahaan, ka hor imaanayaa, danta guud iyo
qaranimo.
Haddii si kale loo dhigo, dadka wax indha indheeya, qaarkood wexey leeyihiin,
Shakhsiga soomaaligaa waxaa ku weyn (kelisocodka) (Individualism), waxaana
ku yar (wada socodka). Si kale, waxaa aad u badan in qofka Soomaligaa (keli
ahaan) guul weyn gaari karo, laakin (wadajir) ahaan ay ku yartahay, amase
danta gaarka ah iney ku najixi karaan, laakiin danta guud, ay ku yartahay
iney ku najaxaan.
Anigu waxaan is leeyahay, sifooyinka kasoo horjeeda (dan guud) iney
Soomaalidu ku najaxaan, maaha, sifooyin asal ah, ama qoto dheer, laakiin waa
sifooyin, markii asbaabti burin lahayd la waayo, soo kacaya, oo Soomaalida
maskaxda ka qabsanaya, laakiin haddeey helaan dadka Soomaaliyeed, saan is
leeyahay, asbaabihii yarayn lahaa ama burin lahaa sifooyinkaan xun, caymey
yeelan lahaayeen.
Hadaba sifooyinka ugu dhib badan ee maanta Ummadda Soomaaliyeed la kici kari
la'dahay, wexey iigu muuqdaan, iney ka mid yihiin, kuwa soo socda, waxaana
ay ka dhalanayaan sababo isu tegey oo ay ka mid tahay, badawnimo, aqoon yari,
daacad yari, la socod la'aan adduun, Qab & Qabyaalad, iyo sababa kale,
balse aan wax ka tilmaamo mabaadi'da ummadi ku dhisanto oon garab
marsannahay:
- Wax wadaag (Si loo wada badbaado,dal
& dadna u caynto)
Waxaa muhiima dadka ay ka
go'antahay iney qaran noqdaan iney kuwada qanacsan yihiin, iney wax
wadaagaan, wada noolaadaan, wax wada helaan haba u kala badnaato. Dadku
haddaaney ku qanacsanayn iney cadkan hilibka wadaagaan, mid kastaana qayb
ku leeyahay, ayna tahay qaybtiisa ku habboon inuu helo, oo mid walbaa ku
fekerayo keligiis inuu (liqo) dhib weyn ayaa abuur maya, mid walbaana
midka kale ayuu ka ciidaynayaa, dabadeedna weligood wax islama keenayaan,
iyana waa khasaarayaan, dal iyo dadna waa baaba'ayaa. Arrinkasu waa dhib
inna haysta, waana mabda'a Soomaalida maanta ka maqan, Madax iyo wadaad, iyo
urur, iyo xisbi, iyo beel, mid kastaa wuxuu rabaa (keligiis inuu hoobsado,
kan kalena daaqadda ka tuuro waxbana aanu u hanbayn). Waxaa naga maqan :
Mabda'aan adduunku ku dhisan yahay, oo ah, (wax wadaagga) iyo in dalku na
qaado, khayrka yaallaana naga badan yahay, hawlaha aan dalka ka qabsan
karnaana badan yihiin, nolosha iyo camalka aan ka qabsan karnaana aad u
badan yahay, intaasuba xisaabta (waayadan nooguma jirto). Haddaan
taariikhda yar dib ugu noqono intii hadda dhibkaanu jirey tusaalayaashan
aan eegno:
- Dawladdii Gen. Maxamed Siyaad
markii la ridey, Isla markiiba Cali Mahdi Maxamed iyo kooxdi
(Manifesto) ayaa madaxweyne qaatay. Iyadoon laysaga iman, qoladii
dagaalka kusoo jirteyna aan lagala arrinsan. Waxaa dhici karta Cali
Mahdi inuu is lahaa fursada ka faaiidayso. Laakiin maxaa dhacay? Waxaa
dhacay wixii la ogaa, Gen. Caydiid inuu dawladii Cali mahdi oo hotel
Makka Al Mukarramah ku jira, BM ku hurgufo, ilaa firxadkoodi Jeddah
iyo Nairobi iyo Dubai u kala qaxay. Dagaalkii loo baxshay (4ta bilood)
ee Muqdisha (dad iyo duunyo) dukun daakun ka dhigay ayaa ka dhashay.
Cali & Caydiidna ma garan, wixii dhacay dhecee, side wax u
caynsannaa, oo wax ku wadaagi karnaa. Cali wuxuu fariistay
Madaxweynaan ahay, Caydiidna wuxuu fariistay: Gaw ma leh intuu
madaxweyne sheeganayo, horta bannaanka ha yimaado!! Wexey ila tahay
inaan hadda – Taariikh iyo cibraqaadasho – mooyaane, dan badan
cidina ka lahayn, wax macnaana aaney Soomali ugu fadhiyin, yaa gar
lahaa iyo yaa gar darnaa, waayo, dal iyo dadba ku baaba'e, mana soo
noqonayo.
- Dawladdii Carta markii lasoo
doortay: Waxaa ka maqnaa rag qab qablayaasha ka mida, indhohoodoo
shana ayaa la dhisay, waxaana lays lahaa mindhaa wax kama qaadi karaan).
Maxaa dhacay, in Itoobiya shiriso qab qablayaalkii carta kasoo
horjeedey, Dr. Cabdiqasim iyo Dr. Galaydhna ay dhaafi kari waayeen
(Hotel Ramadan) iyo (daartii caddayd ee km4). Markii dambana, xitaa
Dr. Galaydh oo Itoobiya (Diplomasi) ahaan, geed ku xidhay, waa la
casilay, khilaaf ayaana bilawday, ilaa ay hirig qaadi weysey.
Soomaalidu iney wax wadaagaan, oo isu tanaasulaan, ayaa ka fiicnayd in
qaarkood Itoobiya miciin bidaan, dalka iyo dadka iyo iyaguna isla wada
khasaaraan, sidii dhacday. In Soomaalidu dhexdeeda wax wadaagto, waxaa
ka sahlanaatey iney amxaaro wax la wadaagto.
- Maxaakimtii Markey dhalatay (iyo
Mbgati oo tabardaran):
Waa sax in Embigati
bilaayo soo dhisatay, Itoobiya dareewalineysey shirkeeda, qab qablayaal
laga buuxshey. Tala Somali aaney ku iman, intaas iyo ka badamba waa sax.
In Maxaakimtu nabad iyo wanaag xamar ka dhaliyeen, dadkuna kaga
kalsoonaan badnaa Embigati, iyana waa sax. Sidaasoo ay tahay, Waxaan la
fududaysan Karin: Embigati nimanka lagu soo dhisay iney Soomaali yihiin,
dalka iyo dadka iyo diinta in badan kula wadaagaan, kula yaqaanaan,
dhinac kugula haystaan, oo aadan dhamaantood badda ku dari Karin. In
badan ayaa dadka cilmiga iyo caqliga u saaxiibka ah arkayeen, in labadaasu
wax wadaagaan, ay ka dhib yartahay iney diriraan, oo dad iyo dalba ku
halaagsamo, cadawna dalka sii qabsado.
Laakiin, intii wax dureewalineysey, labada dhinacba, wexey door bidayeen,
ayaad moodaa, inuu kan kale meesha ka saaro oo muquuniyo maahane inaan
waxba u suurta gelayn!. Col. Cabdillaahi Yusuf wuxuu is yiri: wadaadadan
meesha ka saar iyo wexey wataan, keligaana cashada cun. Dhanka kale qola
joogteyna wexey is yiraahdeen, Odagan dhibka badan iyo maamulkiisaba
halays dhaafiyo. Wadahadaladii khartuum ee xoogaa lays yiri (war amaaba
caqli shaqaynayaa oo diinta iyo dadka iyo dalkaba la badbaadinkaraa)
wexey ku dhamaadeen (eber) iyo albaabada oo lakala xirto, dagaalna laysu
diyaarsho.
Maxaa laga sugayey Embigati oo awalba xabashi soo dhisatay? Wexey dalka
ku soo hogamiyeen ciidamadii Itoobiya, siduu ku faanay Col. Cabdillaahi
yusuf!
Iyadoo aan shaki ku jirin, dembigaas iyo ceebtaas, taariikhda gashay,
iney Dawladdii Cabdillaahi yusuf iyo Cali Geedi dhabarka ku qaateen,
Hadana waxaan iyadana shaki ku jirin, inaan maxaakimta (raggii)
dareewalinaayey, ama isku dhaca ka shaqeynayey ee cawaaqibtiisa aan
qiimanayn, iney eedaas qayb ka qaadayaan. Qaadica sharciya ayaa wexey
leedahay: Qofka ficilka sabab u noqdaa wuxuu la mid yahay kan sameeyey
ama ku kacay. Waxaa kaloo shareecadu ictibaar siisaa, cawaaqibta ka
dhalan karta hadalka ama ficilka qofku samaynayo. Sidaas darteed ayaa
shareecada na fartay inaan xumaha reebno, na amreysa, haddii aan aragno,
xumahaan reebidiisa, in xuma ka weyni ka dhalanayo, xumahaas inaan
sidiisa ku deyno, oo dhaafidiisa – sidiisa lagu dhaafo – ayaa
sharciga noqoneysa..
Laakiin dadka aqoonta yar waxaa la weynaada, xumahan deyntiisa, waayo ma
arki karaan, mana qiimayn karaan, xumaha ka weyn oo dadka raasikhiinta
ahi odorosayaan.
Haddaan marka si kale u dhigno, yaa dhib yaraa: Embigati iney iska
joogto meeleheedi ay joogtey, laguna nabad geliyo, ama lagaba shaqeeyo
in tartiib wax loola dhameeyo, ama lagula heshiiyo shuruuda qaarkood, oo
markaas iyagaa daciif ahaaye ay diyaar u ahaayeen, iyo in Ciidanka
xabashidu ilaa Muqdisha yimaado, Maxaakimtiina la bur buriyo, dadkiina
la xasuuqo, kee ayaa dhib yaraa?
Maanta al xamdulilaahi Ilaahay (Xabashida) ciidankeedi ballaarnaa waa
innaga dul qaaday, fadli Ilaahay iyo naxariistiss ayaana nasrigaasu ku
yimi. Cid kasta oo sabab ku lahayd bixitaankaas, af iyo addin, naf iyo
maalna, wexey Ilaahay dartiis u samaysay, Allaah yaa ajarkeeda siinaya,
oo aan ka dayici hayn.
Laakiin saw ma habboona, in lays weydiiyo, manta meesha aan taaganahay
ee aan ku faraxsanahay, sow meeshaan taagnayn maaha Dec. 2006, ama
maalintaasba aan ka fiicnayn?
Ma habboontahay in lays weydiiyo, iyadoo qadarta aynu rumaysanahay: ma
waxaa khasab ahayd in dalkeenna xabashi cagta mariso, dadkeenna la
xasuuqo, 1 malyan barakoco, bar baartii diintu go'do, magaalooyinku
dumaan, dadku baab'aan, dacwadii iyo tacliintii iyo adeegyadii buburaan,
dabadeedna 2 sano kadib, aan meeshi shalay aan taagnayn, ama meel kasii
hoosaysa aan kusoo noqono? Mise maba habboona in lays weydiiyo arrintaas?
Waayo wixii dhintay iyo wixii baaba'ayna qadar ayey ku tageen, xabashina
niman baa sabab u ahaa oo dalka ku soo hoggaamiyey, mantana waa laga
guulaystey Ilaahay mahadiis, sheekaduna waa xirantahay!
Aniga wexey iila
muuqataa sheekadu ineyan halkaas ku xirmi Karin, wixii dhacayna in lays
weydiiyaa, shey kastana meeshiisa la saaraa, iney waajib tahay, markaa
kadibna loo gudbaa marxaladda kale. Hadalkuna waa ii bilaw!
- Dawladda Shariif iyo Muqaawamada:
Ma dhihi karnaa, maanta
isla tii shalay ayaa haddana taagan. Shariif Sh. Axmad manta wuxuu
taagan yahay – aragtida muqaawamada qaarkeed – ugu yaraan- meeshii
ay taagnayd Dawladii Cabdilaahi Yusuf hoggaaminayey. Aragtidooda ay
caddeeyeen, waa dawlad lasoo dhoodhoobay, tii hore aan waxba ka duwanayn,
mirihii jihaadka lagu dhicisayey, muqaawamadi lagu kala jebiyey,
halgankii ummadda lagu marin habaabiyey, in laga hortagaa waajib tahay,
hadalna ma jiro, wada fariisadna ma jiro, ilaa ay toobad keenaan, soo
noqdaan, dawladda ay sheeganayaan, ka tanaasulaan, wax laysugu imaanayo
maleh!! Hagaag. Shariifna wuxuu leeyahay: Dawlad ayaa dhalatay midnima
qaran, dadku nabadayn ayey rabaan, qaranimo ayey rabaan, dib u
heshiisiin ayey rabaan, kaalaya dadkiina dhinac kasoo raaca, geedi
socodka nabadda soo raaca, wixii aad qabtaanna wadahadal aan ku xalli
sanno. Iyana waa hagaag.
Anigu markaan taariikhda dib u milicsado, maawelada iyo madadaaladana
aan dhinac iska dhigo, waxaa ii muuqaneysaa: Mawqifkii 1991kii Cali
Mahdi iyo Caydiid, laakiin kaga duwan midabyada qaar. Midabka diinta waa
kaga duwan yahay oo hadda muranku ka taagan yahay, midabka raga is
hayana waa kaga duwan yahay, oo hadda labada dhinacba aayado iyo
axaadiis ayaa la daliishanayaa, waana horumar fiican! Wexey iskaga mid
ka yihiin, si aan qalad la iiga fahmin, xagga tacaamulka iyo dabeecadda.
Waana meeshaan ka hadlaayo. General Caydiid 1991, markuu madaafiicda ku
garaacay Hotel Makka, ee dawladdii cali mahdi kala fiijiyey, wuxuu
saxaafadda ku lahaa: Wax dawlad la yiraahdaa ma jirto, waana kala
cayriney!
Maantana qolada kasoo
horjeedda dawladda shariifku hoggaaminayo wexey leeyihiin: Wax dawlad
la yirahdaa ma jiraan, Xabbad ayaana noo dhexeysa ilaa ay kala yaacaan,
markaas kadib ayaan la hadli karnaa!
Generaalku 1991 wuxuu lahaa: dadkii soo dagaalamay ayaa xaq u leh
xukunka. Qoladan hadda is hayana wexey leeyihiin: aaway waxaan
naf iyo maal soo hurnay? Waxbaana ka jira arrinkaan.
Laakiin meesha dhibku ka jiraa waxa weeye: Ma dhici kartaa in iyadoon
madaafiic laysla dhicin, dadkana la qixin, dad iyo duunyana wixii haray
aan la dabar goyn, in wax la wadaago? Miyaaney suurta gal ahayn: in qola
walbaa wax ka tanaasusho, waxna hesho, meel dhexana laysugu yimaado,
diinta iyo dadkiyo duunyaduna noo badbaado, iyaguna badbaadaan, oo aaney
eber bixin sidii kuwii shalay eber u bexeen?
Run ma la isu sheegi karaa? Q-| 2aad
| 3aad
Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2009
CALOOL
XUMO:
1 | 2 |
3
MALAYSIYA: Qaybtii 1aad
| Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad |
Qaybtii 4aad | Qaybtii
5aad | Qaybtii 6aad |
Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad |
Qaybtii 9aad |
|