
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
RUNTA
MA LAYSU SHEEGI KARAA? Q-3aad
March 29, 2009
|
Q-1aad
| 2aad
|
Mahad
oo dhan Allaah ayaa iska leh, Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa
ha ahaato, intaa kadib:
- Waxaa taariikhda Soomaalida lagu
sheegay, laba reer oo dagaal lagu hoobto isugu qalab qaatay, kuna
tala galay iney isku madhaan, ayaa Gabyaagii caanka ahaa ee Salaan
Carrabeey is dhextaagey, dabadeedna wuxuu tiriyey sida la
sheegay geeraar, uu labada col oo aan kala fogayn ku xusuusinayo,
dhibaatada ka dhalaneysa dagaalkooda iyo cirib xumadiisa adduun iyo
aakhiro, wuxuuna ku tibaaxay, waa meesha aan hadalka ka rabo e', in
dagaalka mirihiisa qadhaadh uu qaddarin karo ninkii waaya usoo
joogey, oo dagaalku wuxuu reebo arkay, waxana ka mid ahaa
geeraarkiisi:
-
Maalintii Cumar
daahir isku gooyey cayaartiyo,
-
Nin Caloola-cad
joogey, oo Meygaag ciidan war qaatay
-
Waa cibaaro
qabaayoo, belaayuu curufkeediyo
-
Camalkeeda
yaqaane, waar tolow colka jooja!
-
Nin habeenno
casheeyey, cadar aan hadh lahayn iyo
-
Ceeryaamay sugu
toostoo, inuu caafiyadiisa
-
Cabbaar meel la
fadhiisto, caqligaaney gelayn e
-
Waar Tolow
colka jooja!
-
Carrabkaan ku
hadlaayo, nin caleenti caddaatiyo
-
Caammadaan
garanayne, kolkay cuurar dhintaan e
-
Cutub weyne
idlaadaa, lays canaanan hadhowe
-
Waar tolow
colka jooja!
Waxaa la sheegay
Salaan inuu ciidamadii isu dhebi tumanaayey kala diray.
-
Ujeedada aan
taariikhdaas usoo qaatay waxaan filayaa iney caddahay. Maanta kooxa
Soomaaliyeed oo Siyaasadda isku haya ayaa isu dhebi tumanaaya,
dhawrkii maalmood ee u dambayseyna, waxaad moodaa isu dhebi tumasho
iney soo dhaaftay, oo gacan ka hadal saansaantiis bilaabatay.
Kooxaha Dabka sitaana Culimo, Odayaal iyo Wax garad midna inaaney
dheg u jalaq siinayn ayaa muuqata. Taasi wexey daliil u tahay iney
ubadan yihiin rag aan goobaha dagaal ee, sida kuwa salaan tilmaamay,
aan soo arag. Colaad nin dhibkeeda yaqaanaa kuma ordo, belaayo kaa
sii jeedana kaalay lama yidhaahdo.
- Labadii Qormo ee hore waxaan kaga
hadlay tusaalayn badan oo ku aadan in Ummadaha adduunku maslaxadda
guud ee ka dhaxaysa darteed ay waxna wadaagaan waxna isku diidaan.
Wax isku waafaqaan waxna isku khilaafaan, laakiin maslaxa guud oo
aaney ka wada maarmin way wada ilaashadaan. Haddaan qayb badan
qormadii hore kaga hadlay dhinaca Muqaawamada waxa la gudboon,
waxaan jeclahay qormadan inaan ku soo gabagabeeyo anoo bal mar
jalleecaya dhinaca Dawladda Sh. Shariif iyo Cumar C/rashiid
hoggaaminayaan iyo waxa laga filayo si loo gaaro maslaxad guud &
nabad.
- Ayaamihii la soo dhaafay waxaa aad loo
hadal hayey in dawladdu codsatay ciidama afrikaan oo hor leh,
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKM wuxuu warbaahinta kala duwan u
sheegay iney dalbadeed una baahan yihiin inta nabad laga helayo,
sidoo kalena waxaa sheegay wasiir kale. Ciidama carbeed laftooda in
la dalbanayana waa la sheegay. Waxaa la yiri: Timirtii horaba dab
loo waa.
- Isla maalmahaan waxa warbaahintu
sheegtay qubuura wadareed oo dad badan oo Soomaaliya oo (xabashidu)
wadajir u aastay markeey xasuuqday ka dib. Taasoo tilmaan ka
bixineysa kuwa kaloo badana iney jiri karaan oo aan weli la arag.
- Waxaa warbaahinta qaarkeed soo tebisey
sida (New Vision) ee Uganda kasoo baxa,
gabar Soomaaliyeed oo ilma
wadata, oo raadineysa, askarigii (Uganda) ee ka dhalay!!
- Ciidamada Afrikaanka ee Jooga
Koonfurta Suudaan iyo Daarfuur, iyo kuwa UN ta ee wadamada kale la
geeyo, waa askar lacag lagu cuno, mashruucya lagu fushado, hoosaasin
dadka wadamadaasa loogu sameeyo, wadamada ay tagaanna waxaan akhlaaq
xumo iyo cuduro ahayn kuma kordhiyaan, nabadda ay mageceeda
huwadaana ma ilaashaan. Bosnia iyagoo joogaa la xasuuqay. Dhibka iyo
dagaalada Daarfuur iyagoo jooga ayey dheceysaa. Lamana sheegin
weligood meel ay nabad ka dhaliyeen.
- Waxa yaalla su'aala badan oo ku
wajahan Dawladda Sh. Shariif hoggaaminyao: Haddii ciidamada AU ama
UN ayan meelna faa'iida ka keenin khasaare mooyaane, maxaa Dawladda
Cusub ee Sh. Shariif u hor boodeysaa dalabka iyo difaaca
ciidamada shisheeye ee dalka jooga ama la keeno? Sow ma oga
Dawladda Sh Shariif xasaasiyadda iyo necaybka ay bulshada
Soomaaliyeed ee Muslim ka ah, ka qabto ciidamada shisheeye ee dilka
iyo cudurka wata? Ma ilaalinta dareenka AU-da ayaa Dawladda Sh.
Shariif uga qiima badan ilaalinta dareenka shacabka Soomaaliyeed?
Sow Culimada iyo Odayada dhexdhexaadinta kooxaha waday uguma baaqin
Dawladda iney kuwa joogana ka shaqayso sidii loo saari lahaa, kuwa
kalena aan la dalbin? miyaan baaqaasu ka mudnayn qolada Dawladda
ilaalin iyo qaddarin, si xal Soomaaliyeed loo gaaro? Hadalada cusub
ee kasoo yeeray dhanka dawladda miyaan loo fasirikarin fashilin ay
ula dan leeyihiin dhex dhexaadinta? Iyo Niyad sami la'aan aysan dan
ka lahayn la heshiinta dadka kasoo horjeeda?
- Jawaabaha iyagaa laga sugaayaa,
laakiin, muuqaalka guud wuxuu sheegayaa, Dawladda ama qayba ka
midihi inaaney u baahnayn mucaaradka iney wax kula heshiiyaan, buur
dheerna ay saaran yihiin, sida mucaaradkuba u saaran yahay? Sidee
Buunda loogu samayn karayaa labada buurood ee dhaadheer? Haddaan
labada saaran midna buurta inuu kasoo dego ogolayn. Caqligu mawaanu
keenayn in Dawladda Sh. Shariif dadaal ku bixiso sideey u soo
dhoweyn lahayd mucaaradka, talaabooyin ficil ah oo niyad sami ahna u
muujin lahayd, waxyaabaha keeni kara in Ummaddu kala fogaatana uga
dheraan lahayd?
- Dawladda Sh. Shariif waa loogu cudur
daari karaa inaaney ciidamadan AMISOM iyadu keenin, orodna ku saari
Karin, Laakiin waxaan loogu cudur daari karayn, iney hor ordaan, oo
ku faanaan, oo kuwa cusub dalbadaan, oo dhegaha dadka Soomaaliyeed
ee qaraxsan, ku cel celiyaan, ciidamada qaatiga laga taagan yahay.!
Dawladda sh. Shariif waxaa laga filayey, iney ula dhaqanto AMISOM,
belaayo la dhaqankeeda dani badday, oo xerya inta layskaga
urursho, laga shaqeeyo sidii laysu dhaafin lahaa, afkuna ka xishoodo
hadal hayntooda amaaneed, laakiin in dadka lagu wacdiyo iney wax
tarayaan, oo maslaxad ka shaqaynayaan, waa arrin aan la qaadan
Karin, Soomaalidana aan u cuntamayn haddii wax walba la akhriyo,
iney Shariifka iyo raggiisu arrinkaa qaddarin waayaanna waa la yaab!
- Waxaa weli raadkoodu qoyan yahay,
wexey faleen ciidamadii xabashidu. Xabaalehey dadka Soomaaliyeed ku
duugeen ayaa maalin walba la arkayaa. AMISOMna wexey badbaadisey
lama arag, oo aan ka ahayn, madaxda DFKM iney dabbaabaad garoonka
kaga soo qaado, kuna geyso!! Taasoo, nin madax Soomaaliyeed ahi
wuxuu ka xishoodo ah, ee aanu ku faanin!!
Maxaa tala ah!
Haddiise talada la diido maxaa dhici kara?
Ilaahay Waxaanu ka baryeynaa, dabka la hurinayo, ee shalayto C/qadir
Cali Cumar lala beegsaday, ee Muqdisha meela ka midana ka socda, fitnada
uu soo wado inuu Ilaahay afkayaga iyo gacantayadaba ka salaama yeelo,
muslimiintana ka badbaadiyo.
- Dawladda iyo
Mucaaradkuba waa iney buuraha ay saaran yihiin kasoo degaan
inta aan Muqdisha inta ka hartay rogman.Maalmahan dagaalada
Socdeyna diin iyo caqli midna ma'aha.
- Talada iyo hadalka
Culimada iyo Waxgaradka iyo dhex dhexaadinta iney daacad ka
noqdaan
labada dhinacba, wada hadal iyo sidey wax u wadaagi
lahaayeen isaga yimaadaan inta aan fursadu dhaafin.
- Sh. Shariif iyo
Madaxda Xisbul Islaam, iyo Madaxda Ashabaab, iyagaa dadka
isugu badiya, waxna wadaagi jirey. Waa iney dhamaantoodba
ogaadaan, haddaaney is daba qaban, taladana yeelin in
ciribtoodu ku dambayndoonto iney wadadii hoggaamiye
kooxeedyada mari doonaan, giddigoodna saaxada ka bixi
doonaan, wax laga sheekayana ay noqondoonaan,qeybka ma ogine
waa sida tajaaribta iyo taariikhdu na bareyso.
- Waa iney labada
dhinacba ogaadaan, talooyinka (wadahadalka, heshiinta iyo
waxwadaaga) loosoo jeedinayo, inaan midna kan kale ugu
danaynayn ee isaga dantiisa ay tahay. Waxa uu raadinayana
wax ka fiican inuu wax wadaagga iyo isu tanaasulka ku hei
karo, hadduu madax adayga ku adkaystana inusan waxba helin
aakhirka iney u badan tahay.
- Ummadda
Soomaaliyeed ee dhibban waa in laga noxo, dhibka loosoo
jiidana raga maara loo la'yahay ayaa qaadi doona. Awal waa
loo ducayn jirey Markey xabashida la dagaalayeen, maantana
waxaan filayaa dad badani iney habaarayaan sida muuqata.
- Haddeey ogyihiin
iyo haddaaney ogaynba, garabyada Soomaaliyeed ee iska soo
horjeedaa,ee iney wax wadaagaan diidan, waxey si heer sare
ah u fulinayaan ujeedooyinka cadawga Soomaaliyeed mid dhow
iyo mid fogba. Waxeyna u hawl fududaynayaan Siyaasadaha
Xabashida ay sheeganayeen iney kasoo horjeedaan. ILLeen
doqoni calaf maleh dulbaax maxaa ka baylahay!!
- Nimanka shalay
wada socdey maanta wada hadal iyo is aragga xitaa diiddan
wexey buundada ugu sarraysa ku qaadanayaan sumcad xumada
culimada iyo dadka ehelu diinka ah ama wadaadada ah, dib
dambena inaan looga akhrisan (dhiigga muslimku waa xaaraan)
iyo (shareecada Islaamka halaysku xukumo) iwm.
Ilaahow
Naxariistaada nagu sabatabixi oo Belaayada nagaga badbaadi.
Run
ma la isu sheegi karaa? Q-1aad
| 2aad
|
WQ. Sh. Muxamed Idris Axmad
Faafin:
SomaliTalk.com | March 29, 2009
MALAYSIYA: Qaybtii 1aad
| Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad |
Qaybtii 4aad | Qaybtii
5aad | Qaybtii 6aad |
Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad |
Qaybtii 9aad | CALOOL
XUMO:
1 | 2 |
3
|