
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
Istanbuul iyo
Casharada Siyaasadda Erdogaan! 2-aad
July 13, 2009
|
Qaybta 1-aad
| 2aad | 3aad

بسم الله الرحمن
الرحيم
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo
Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.
(Aniga dartay dad & dal ha dumo)
Qormooyinkaan aan ugu magacdaray Istanbuul iyo Duruusta
Siyaasiga ee Erdogaan, waxaan ugu xishay bal in Siyaasiyiinteenna
Islaamiyiinta iyo qeyrkoodba ka faaiidaysan karaan (Xirfadda Siyaasadda) ee
ay ku shaqaynayaan ragga hoggaanka u haya Turkiya sanadahan, anigoo aan wada
taageersanayn dhammaan Siyaasaadka ay ku dhaqmayaan, haddana waxaan la
inkiri Karin iney yihiin rag si xariifnimo ku jirto u ciyaaraya marka loo
eego duruufaha ku xeeran iyo wadciga ay ku shaqaynayaan.
Su’aalihii taagnaa maqaalkii hore waxaan jeclahay inaan
isku dayo inaan ka jawaabo, midda hore oo ah, Mexey wadanka turkiga ka
qabteen Xisbiga Caddaaladdu oo keentay taageerada shacbiga turkiga?
Mexey wadanka turkiga ka qabteen Xisbiga Caddaaladdu
oo keentay taageerada shacbiga turkiga?
Wadamada meelaha ugu tilmaan dhow ee laga arko waa
wajiyada dibadda sida garoomada dayuuradaha ama soohdimada laga soo galo.
Waxyaabaha iigu horreeyey ee aan is bedelka Turkiya ka socda ku dareemay
waxaa ugu horreeyey oo aan dareemay, Garoonka Istanbuul iyo Dayuuradda THY
(Turkish Airline).
 
Halkan ka daawo Turkish Airline Video
ka hadlaya ( waa af Turki)
Garoonka Caalimiga ah ee Mustafe Ataturki
- Garoonka Istanbuul (inkastoo nin aan necbahay magiciisa uu wato waa
Ataturk) hadana wuxuu ahaa sanada ka hor intaan xisbiga caddaaladdu
talada la wareegin, garoon dacdaraysan, sigaarka lagu buufiyaana indhaha
iyo dhegaha kaa galo, oo aad ku neefsan kari weydo. Maanta Sigaarku waa
ka mamnuuc Airporada oo dhan, iyo meelaha caamka ah oo dhan, markii
wasiirka caafimaadka ee xisbiga caddaaladdu uu barlamaanka horgeeyey
mooshin arrinkaa ku saabsan qaanuunna laga dhigay. Wuxuu ka mid yahay
Airporku 36 Garoon Dayuuradood oo 15 ka mida tahay Caalami, Istanbuul
keliya 2 airport ayey leedahay, Ankara wexey noqotay Sanadkan Garoonka
Yurub ugu fiican xagga adeegga, kuwa dhex dhexaadka ah 5-10 milyan oo
qof kala daabula. Mar walbana Sanadahan Dambe waxaa kusoo biirayey
Airporka dhismayaal cusub, iyo adeegya cusub.
- Dayuuradda Turkida ee la yiraahdo marka lasoo gaabiyo THY, wexey ahayd
sanada ka hor dayuurad aan ka dhex muuqan boqollaalka dayuuradood ee
adduunka ka shaqeeya, maanta THY wexey sanadkii 2008 qaaday dad ka badan
28 milyan, wexeyna leedahay 100 dayuuradood oo Airbus ah, ilaa 18 kuwa
Boeing-ka ah ee safarada dhaadheer (8 ilaa 15 saac duullimaad ah) wexey
ku tiigsaneysaa iney noqoto Dayuuradda ugu horreysa #1 Europe.
- Wax soo saarka turkiya intii u dhexeysey 2003 ilaa 2008 waa intuu
xisbigu talada wadanka hayey wuxuu sare u kacay 143% isagoo gaarey USD
742 billion.
- Ganacsiga Gaarka ah (private sector) dhoofintiisu wexey gaartey 2008
USD 132 billion, iyadoo kor u kacday 179% intii u dhexeysey 2003 ilaa
2008. Waxyaabaha ay dibadda u dirto (Export) sanadkii 2004 wuxuu ahaa
USD 63.2 bilyan meesha ay noqotay 2008 USD 132 bilyan.
- Turkiya maanta waa wadanka 5aad xagga shaqaalaha (labor force) marka
loo eego 27 wadan ee Midowga yurub ( in ka badan 24 milyan sanadka 2008)
waana dhaqaalaha 6-aad ee ugu ballaaran EU, taasoo ka mida asbaabaha ugu
weyn ee Yurub u diidantahay iney suuqooda soo gasho, wexey ka cabsi
qabaan iney (liqdo) iyadoo taariikh hore jirto oo ah iney Cusmaaniyiintu
Yurub in badan xukumeen, shacabka turkiguna waa dad aad u shaqa badan,
tira badan (75) milyan, isla markaana sanca badan oo wax soo saar badan
leh, gaar ahaan xagga dharka, cuntada iyo birta iwm.
- Mudadii uu Xisbiga Caddaaladu hayey talada waxaa kor u kacay dakhliga
muwaadinka Turkiga ah, taasoo ah mid laga dareemi karo nolosha guri
walba marka siyaasadda dhaqaale ee wax soo saarka wadanku kor u koco,
nolosha qof kasta oo muwaadina wey saamayneysaa. Tusaale ahaan Dakhliga
qofka turkiga ah sanadkii 2004 wuxuu ahaa USD 5779 halka uu sare ugu
kacay 2005 USD 7027 kadibna wuxuu gaaray 2008 USD 10436. Taasi wexey
keyneysaa sababta ay u dooranayaan dadweynaha Turkigu Xisbiga
Caddaaladda, kasokow inuu abtirsiinya Islaama leeyahay, waxa weeye inuu
noloshoodii wax ka bedelayo, oo guri kastaa dareemi karo, in biyuhuu
cabbayey fiicnaadeen, shaqadiiisi hagaagtey, lacagta soo geleysaa
korodhay, caafimaadkiisa wax iska bedeleen, waxbarashadiisa fududaatay,
iwm. Adeegaas bulshada ayuu Xisbigu risaaladiisa iyo ujeedooyinkiisa
siyaasadda sii marsanayaa oo dhex gashanayaa, wuxuu kaloo dhex gelinayaa
isbedelada uu doonayo inuu ku sameeyo bulshada Turkiga.
- Mu’asasaadka Turkiya iyo Hay’adaha Dawladda wuxuu Xisbigu ku
sameeyey is bedelo kala duwan oo xagga maamulka ah, dhiig cusubna waa ku
shubay oo ah masuuliin iyo maareeyayaal xirfad u leh xagga maamulka,
taasoo ay ka dhalatay natiijooyinka wanaagsan ee aan qaarkood soo
sheegnay. Tusaale ahaan, Waxay Dawladdu asaastay Hay’ad gaar u ah
arrimaha maalgelinta iyo ganacsiga dibadda laga soo dabayo, oo raacsan
Xafiiska Raiisulwasaaraha, taasoo xamlad iyo dicaayad weyn u samayneysa
sidii loosoo dhoweyn lahaa dhaqaalaha dibadda in la geliyo Turkiya, si
dhaqaalahana kor loogu qaado, dadka Turkiduna shaqa u helaan, Dawladana
wax u soo galaan, shirkadaha wadanigu u faaiidaystaan, Hay’addaasu
wexey u fududayneysaa Ganacsatada dooneysa iney dalka maal gashato, heer
hadda qofkii doonaya inuu maal gashado oo shati lasoo boxo, ama shirkad
ganacsi furto wexey ku qaadaneysaa 6 maalmood ugu badnaan, taasoo
turkiya ka dhigtay iney ka mid noqoto 15 wadan ee adduunka ugu sahlan in
ganacsi ama maalgelin laga sameeyo si sahlan iyo nidaamka ugu fiican.
- Wexey Dawladdu aad ugu dadaashey iney xiriir ganacsi oo kala duwan la
yeelato wadamada Islaamka sida kuwa khaliijka iyo carabta guud ahaan,
ama dalalka Islaamka ugu weyn, sida Indonesia oo iyada lafteedu awood
weyn oo xagga sancada ah, wuxuuna sheegat wasiirka ganacsiga dibadda
shir aqoon is weydaarsi oo lagu qabtay Jakarta 29/6/2009 in labada wadan
aaney si fiican isu baran taasoo keentay in ganacsiga u dhexeeyaa uu
yaraado (Sanadkii USD 1.6 bilyan), meesha ay ahayd iney noqoto (USD 10
bilyan), haddana waa ineynu qorshe u dejinno saddex sano gudohoodna
gaarsiin karno 5 bilyan, shan sano gudohoodna 10 bilyan. Isla maalmahaas
waxaa socdey shir kale oo Istanbuul ka dhacayey una dhexeeyey,
Ganacsatada iyo Farsamayaqaanada Turkiga iyo Dawladaha ku midaysan
ururka COMESA ee 18 dawladood oo bariga iyo waqooyiga Africa ka mida, si
ganacsiga dhexdooda loo ballaariyo.
Intaas waxaan uga baxayaa wax qabadka Xisbiga Caddaaladda
Turkiya xagga dhaqaalaha wadanka iyo nolosha dadweynaha Turkiga,
natiijadeeda waxaa aad u muujinaya marka la eego dadweynaha iyo ra’yigooda.
Wuxuu leeyahay Xuseen Baydaar oo ah carabta Turkiya:
(( Xisbiga Caddaaladda wuxuu la gaar yahay la dagaalanka
fasaadka (musuqmaasuqa). Erdogan arrinka uu sheego wuu ka dhabeeyaa. Ma jiro
shey uu ballan qaaday oo aanu fulin, beenna ma sheego, arrinkaas oo ay wada
qirayaan taageerayaashiisa iyo kuwa kasoo horjeedaba. Waxaanan filayaa
siyaasaddeeda dhaqaale ee wanaagsan darted iney doorashada helidoonto 38%
ilaa 40%. Xitaa Ganacsatada waaweyne wexey taageerayaan xukuumadda Xisbiga
Caddaaladda maxaa yeelay wexey dalka usoo jiidey maalgashi badan oo
shisheeye ah)) Xigasho wargeyska Sharqal awsat, haddii ninkani u taageerayo
Xisbiga inuu ka mid yahay taageerayaasha Islaamiyiinta, hadana carabta
turkiya badankood ee deggan (Maardiin), (Andaakiya) (Seyaart) (Orfa) wexey u
codaynayaa Xisbiga Caddaaladda waa Dersi.
Waxaa kaloo jira dadweyne fara badan oo aan lagu tiring
Islaamiyiinta oo u taageeraya xisbiga Siyaasaddiisa dhaqaale ee bulshada
usoo jiiddey degganaaan iyo dakhli fiican. Wuxuu leeyahay nin la yiraahdo
Meqdaad Tekjum oo ka shaqeeya Hodheel ku yaal Istanbuul ( Anigu iskuma
tiriyo inaan ahay dadka diinta ku fiican, haddana waxaan taageerayaa una
codaynayaa Xisbiga Caddaaladda horayna waan ugu codeeyey, waayo siyaasadooda
ayaa Bulshada waxtar u leh).
Marka aad isha mariso Saxaafadda Turkiga iyo Qorayaasha
Turkiga ee caanka ah, waxaad dareemeysaa iney dhammaan kuwooda mucaaradka
iyo kuwooda taageerayaashaba isku raac sanyihiin, xaqiiqada aan la inkiri
Karin ee hadleysa, lambara la taaban karana ku qoran ee sheegeysa horumarka
uu ka dhabeeyey Xisbiga Caddaaladda Turkiya. Dersi: Siyaasigu waa inuu
kasban karaa dadka taageersan keliya maahine kuwa mabda’ ahaan uga soo
horjeeda, kuna khasbo iney ku khasbanaadaan iney qadariyaan siyaasaddiisa.
Dersi: Xisbigu wuxuu doortay inuu ujeedooyinkiisa ku
qanciyo shacbiga turkiya, taageerana ka helo, hawlkarnimo iyo xirfad
siyaasadeedna la yimaado, waxaa laysku deyey in lala dagaalamo oo la
curyaamiyo, balse xukunka isagoo saran laga rido, laakiin uma iilan xisbigu
inuu xoog kusoo dhacsado wixii laga qaaday, turkiyana dhiig u horseedo.
Marar badan ayaa dhici kartey in xisbigu hubka qaato, buuraha turkiya galo,
dagaalamo si uu usoo dhacsado xaqiisi laga duudsiyey. Dad badan ayaana ku
taageeri lahaa. Waxaa ka mid ah:
-
Markii Arbakaan oo Xukunka haya laga tuuray.
-
Markii Xisbigii Rafaah la xirey, hadana fadiila ay
furteen, oo hadana laga xiray, ka horna salaama laga xiray.
-
Waxaa ka mid ahayd, Erdogaan oo Duqqa Magaalada
Istanbuul ah, in la xiray gabay uu meel khudbad ah ka jeediyey dartiis,
isagoo masaajidka kasoo baxay, oo Kumanyaal reer Istanbuul ah iyo
baabuurtoodu ay daba socdaan, ayuu Erdogan Xabsiga is geeyey, wuxuuna
diidey in daraadiis dhibic dhiiga loo daadsho, isagoo awoodi karey
maalintaas inuu yiraahdo: Tolla’ay, war maaniga taageeradaas haysta
ayaa lay xiri karaa? Car yaa ku dhaca! Wuxuuna heli lahaa: Kumanyaal
rasaasta isaga dhiga. Laakiin wuxuu doortay, inuu dulmiga ku sabro,
dadkii Xabsiga irridiisa kusoo xoomayna wuxuu ku yiri (waa 1998): (Walaalayaal
Sabra, haddeynu xaq ku socono weynu guulaysaneynaa, Turkiyana dhibkan
wey ka gudbi doontaa).
-
Waxaa ka mid ahayd mararka uu dagaalami karey, markii
doorashada loo diidey xukunka maxkamadda darted, dabadeedna uu meel kale
iska sharaxay, hadana loo diidey inuu raiisul wasaare noqdo xukunka
dartiis oo uu ku fariisiyey saaxiibkiis.
 
Erdoğan Atalay
Necmettin Erbakan
Mararkaas iyo marar kaloo badan oo (Ciidanka iyo
Cilmaaniyadduba) isku dayeen iney (dagaal) iyo (dhiig) lugaha u geliyaan
xisbiga, dabadeedna awood iyo taageeraba loo helo lagu baabi’iyo,
xisbigu waa ka dabaashay Ilaahay fadligiis, wuxuuna doortay dariiq nabada
inuu Ajendayaashiisa Shacbiga Muslimka ah ugu qanciyo, Sabir iyo wax
qabadna kaga guulaysto dulmiga cilmaaniyadda, Ilaahayna waa ku guuleeyey.
Dersi: Xisbiga Erdogaan wuxuu u daneeyey Shacbiga iyo Dadka Turkiya,
Dulmina wuu ku sabray isaga soo gaaray, abaalkiisiina wuxuu noqday in
kuwii dulmiyey hoogaan, suuqana hadh cad ka baxaan, shacbiga iyo dalka
turkiyana nabad galo, dagaal sokeeyena ka badbaado, linbintuna wexey
raacday Erdogaan iyo saaxiibadiis sabirkoodi dartiis, maantana iyagaa
xukuma turkiya.
Halka Islaamiyiinti (Jabhadda Islaamka Jazaair) markey
doorashadii ku guulaysteen ee laga fashiliyey ay dagaal doorteen, jabhada
kalena kasii dillaaceen oo buuraha galeen, takfiirna kasii dillaacay,
dalkii Jazaair uu galay mugdi ay ku dhammaadeen kumanyaal shacabkii reer
Jazaair, dalkiina ku naafoobey dhinac walba, Cilmaaniyadiina ay heshay
fursado ay ku baabi’iso dacwadii iyo dadkeedi, khasaaruhuna wada gaarey
Jazaair oo dhan, sanada badan kadibna la garwaaqsaday, lagana qoomameeyey.
Sidoo kale liibiya, sidoo kale Masar, miyaaney ahayn dersi la oran karo
waa muhiim, marka ay daacad kaa tahay dadkaaga iyo dalkaaga inaad wax
tarto, inaan adiga dartaa dhiig loo daadin, dalna loo burburin.
La soco qaybta sadexaad insha allaah...........
Istanbuul iyo
Casharada Siyaasadda Erdogaan! Qaybta:
1-aad | 2aad | 3aad
Dhambaall
Cusub oo ka Socda Culima Waaweyn!
DHAMBAALKA
MANDELA U DIRAY SH.SHARIF & DR.C.IIMAAN!
WADAADADA
SOOMAALIDU AYAAN DARANAA MA AWLAADDII AW JAAMAC BAA?!!Sh.
Muxamad Idris
Mariyaa
mise waa run! Waxaa isoo
gaaraya dhawaq dheer oo leh: Dadow Bishaaraysta ummadii waa hesh.. Akhrr...
Run
ma la isu sheegi karaa? Q-1aad
| 2aad
| 3aad
WQ. Sh. Muxamed Idris Axmad
Faafin:
SomaliTalk.com | July 13, 2009
MALAYSIYA: Qaybtii 1aad
| Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad |
Qaybtii 4aad | Qaybtii
5aad | Qaybtii 6aad |
Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad |
Qaybtii 9aad | CALOOL
XUMO:
1 | 2 |
3
|