بسم الله الرحمن
الرحيم
Mahad oo dhan Ilaah baa
leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.
DHAMBAALLA CUSUB OO
KA SOCDA CULIMA WAAWEYN!
Ballantu waa tey ahayd
in xujooyinka iyo calaamadaha marba dhinac loo dhigo, oo marba si lagu
dayo, siduu Eebe Qur’aanka ku sheegay aayadda macneheedu ahaa (Sidaas
ayaanu aayadaha ugu kala dhig dhignaa bal iney ku waana qaataan).
Afar Maalmood oo aan
Makka soo maray asbuucan 3-7 June, 2009 waxaa ii Suurta gashay –
Ilaahay Fadligiis - 3 Caalim oo Xanuunsan inaan Magaalada barakaysan ee
Makka ku booqdo Guryohooda. Caalim afraadna waxaan kasoo guurinayaa
dhambaal uu Mixnadda Muqdisha ka aloosan ka qoray,oo aad muhiim ugu ah
dadka Soomaaliyeed oo dhan, waxaanan rajaynayaa isagoo tarjuman in la
faafiyo. Iyadoo booqashada qofka Muslimkaa ajar badan tahay mar kasta,
haddana Culimada iyo dadka khayrka lagu tuhmayo waa kasii fiicantahay.
Imaam Nawawi sidaas darted ayuu Riyaadu Saalixiinkiisa u baabeeyey
(Booqashada Dadka Wanaagsan).
Caalimka 1aad ee aan
booqday waa Muftigii Soomaaliya Al Callaama Sh. Shariif Cabdinuur
Xasan Allaha xifdiyo. Sheekhu hadda waana cimri, xanuunna waa u
weheliyaa, Wuxuu Sheekhu iga waraystay salaanta ka dib, Soomaalida
Qurbaha, waxaanan ugu bishaareeyey dacwadu ineey guula badan gaareyso
Ilaahay Fadligiisa, Islaamkuna meel walba – afarta Jiho – ku faafayo.
Kadibna nin ila socdey ayaa sheekha weeydiiyey, Maxaa qofka muslimkaa
uga aaddan kooxaha Islaamiyiinta ee xamar ku dagaalamaya, wuxuu sheekhu
ugu jawaabey: Qolana qolada kale ha ugu tegin. Wuxuuna tibaaxay,
dagaalka Muslimiinta dhexdoodaa iney gaaladu hurineyso, faragelinta
shisheeyana ka dambeyso inaan Soomaalidu sal dhigan. Wuxuu ku yiri:
Sheekhanaa maxaa dadka ugu baaqeysaa? Wuxuu Sheekhu yiri: Dagaalka
dhexdooda ha joojiyaan, Midnimadana ha Ilaaliyaan, Shareecadana hala
hirgeliyo, oo meelwalba maxkamad sharciga iyo xuduuda wixii la fulinkaro
halaga sameeyo. Gaaladana meel ha uga soo wada jeestaan oo ha is
raaciyaan wixii haray. Waxaa la su’aaley Sheekha: Dadka qaar baa leh,
gaalada joogta ee Afrikaanka ee Dawladdu dabada ku wadato ayaan la
dagaalameynaa? Wuxuu Sheekhu ku jawaabey: Hadeey yidhaaheen Qolada
Dawladdu waanu ka shaqayneynaa saaritaankooda, waxaa fiican in loo sugo.
Intaasu wexey ahayd wixii Sheekhu – Allaha Xafidee - ka yiri Wadciga
Soomaaliya.
Caalimka 2aad ee aan
booqday, waa Sheekh Dr. Safar Al Xawaali – Allaha xafido
oo caafimaad siiyo -. Sheekhu in Mudda ah waa xanuunsanaa, hadal
bandanna kama soo bixi karo. Markaanu salaannay sheekha, oo si fiican ii
xasuustay, wuxuu markiiba I weydiiyey: Ma kor ayaad ka timi iyo
Maraykan? Ka waran Muslimiintii iyo xaggaas? Ka waran Dacwadii? Waxaan
ku iri: Dacwadu khayr ayey ku jirtaa, xaggaasna sanadahan ma tegin,
waanse ka war hayaa alxamdulilaah. Waxaan ku iri: Sheekhanagow axwaasha
Soomaaliya beryahan maku soo gaartaa? Waxbaan maqalnaa buu yiri sheekhu.
Markaasuu gacmaha inta kor u taagey yidhi: Allaha Islaaxiyo, Allaha
khayrka waafajiyo. Islaaxa iyo Midnimada halagu dadaalo. Maadaama
sheekha duruuftiisa caafimaad aan ogaa, ayaanan warka ku sii badin,
laakiin 2diisa wiil oo dhinac fadhiyey, iyo wiil xoghayna, ayaanu xoogaa
sheekaysannay, waxaanan ka dareemay warkooda iney aad ula socdaan waxa
ka jira Soomaaliya. Wexey hal cod ku yidhaahdeen: War sheekhow maxaa
wadaadadii Soomaaliya ku dhacay? Mexey ahayd Musiibadaan? Dadkii
wadaadada ahaa ma waayeen xal kale oo aan ahayn iney gacantooda ku
fuliyaan qorshihii cadawgoodu dejiyey oo ahaa inuu iyaga isku jebiyo,
qaarna xigsado, qaarna ka horkeeno? Subxaanallaahiye arrintu tiiraanya
badanaa!! Wexey dhalintu noo muujiyeen, sida looga murugaysan yahay
xaaladda Muqdisha beryahan ka taagan, wexey kaloo noo sheegeen, Sh.
Shariif Sh. Axmed inuu sheekha gurigan ku soo booqday, intaan loo dooran
madaxweyne nimada ayaama ka hor.
Caalimka 3aad ee isla
maalintaas aan booqday waa Sheekh Dr. Axmed Maaxi, Waa caalim
Soomaaliya, Muddo afartan sano ku dhowna xijaas degganaa, Ardaydii
Sheekh Binbaas ee gaarka ahaydna ka mid ah, wuxuuna sheekhu tacliinta
ilaa Doctorada ku qaatay Madiina iyo Makka, wuxuuna Macalin ka yahay
20kii sanoo u dambaysey (Darul Xadith Al Khayriyah). Sheekhu
Hadda – Allaha Caafimaad siiyo – Lugaha ayaanu ka socon Karin, laakiin
sida kale waa u fiican yahay. Isaguna wuxuu aad uga murugaysnaa xaaladda
ka taagan Soomaaliya. Wuxuuna ku tilmaamay mid tiiraanya leh, oo fitna
ah, Wuxuuna yiri: Baryada Ilaahay halla badiyo.
Saddexdaa Dhambaal ee
Culimadaas Islaamka ee waaweyn ka dib, waxaan halkan wax yar
akhristayaasha uga soo guurinayaa (Maqaal) Muhiima oo uu qoray Sheekha
Caanka ah, Sheekh Dr. Naasir Al Cumar, laguna daabacay, wargeyska
(Albayaan) ee afka carabiga bishii April 2009. Wuxuuna ugu Magac daray (Aragti
Islaaxini ku jirto ee Mushkiladda Soomaaliya).
Markaad aad u dhuuxdo
Maqaalka dheer ee Sheekhu Qoray sidii looga bartay Sheekh Dr. Nasir Al
Cumar – Allaha Xafido – oo ku caan baxay inuu aqoon xeel dheer u
leeyahay – Cilmiga Sharciga iyo Kan Waaqica – labadaba, waayo waa ninkii
qoray hadda ka hor (Fahamka Waaqica). Aragtiyadaa dartoodna loo
xiray muddo dheer, waxaad ka dareemeysaa, xog badan inuu ka hayo waxa
Muqdisha iyo Soomaaliya guud ahaan ka socda, inuu si xeel dheer u
taxliilinayo Mushkiladda, qolana aanu u xaglinayn ee mid waqlba xaqqiisa
siinayo, waana arrin aan laga heli Karin cid walba.
Maqaalka Sheekha oo aan
laga bogan Karin in lawada akhriyo mooyee, waxaan ku soo koobayaa
nuqdooyinka ugu muhiimsan:
- Hordhac : uu Sheekhu kaga hadlay
Soomaaliya, dad iyo dal.
- Taariikh kooban : Siduu Islaamku
kusoo galay, iyo Waxa gaaladu diiradda u saareyso, iyo sida loo
baahan yahay Muslimiintuna iney muhimad u siiyaan.
- Mushkilada hadda taagan: oo
sheekhu dulmaray dagaalkii ehliga, hogaamiye kooxeedyadii,
Maxaakimtii maamulka qabsatay, isku dhicii iyaga iyo Dawladdii
Cabdillaahi Yusuf iyo Soo gelitaankii ciidamadii xabashida, kadibna
samayntii is bahaysigii Asmara, iyo kala jabkiisii uu u qaybsamay :
Jabuuti iyo Asmara, Meelaha qaarkoodna ray’igiisa ku daray wexey la
ahayd. Iyo waxa dhici kara oo ah, in Dawladda Shariif la taageero,
Itoobiyaan soo galo, Maxaakimtii oo qaybsantayna madaxa laysu
geliyo, dhiigu qul qulo, fitnadu ballaaratu, mashaqooyin aan laga
lug bixi karinna qoorta lala galo. (Waa intaan dagaaladaanu dhicin).
- Qiimayn Sharciya Xukuumadda Sh.
Shariif: Wuxuuna yiri: (( Sida muuqata barlamaanka Sh. Shariif u
doortay Madaxweynaha Soomaaliya, maaha mid matalaya (Ahlul Xalli Wal
Caqdi). Waayo wexey Sh. Sharif Madaxweyne u doorteen iyadoo dhulka
ay gacanta ku hayaan Mujaahidiinta kooxohooda kala duwan, kuwaasoo
ay ka mid yihiin, garabka Sh. Shariif, DKMG ahina ayan wax
joogitaana oo la sheegi karo lahayn. Doorashada sidaasoo kale ah oo
laga tegayo dadkii xaqqa u lahaa, ayna samaynayaan kuwa aan xaq u
lahayn, maaha wada sharciya oo lagu doorto madaxda, iskaba daa
haddii ay la socoto ansixinta distuur aan sharci ahayn. Waaqicuna
waxa weeye, ciidanka maxkamadaha (Garabka Jabuuti) waa koox aan amar
ku lahayn kooxaha kale, Kooxaha kalena amar iyada kuma leh. Waxa
markaa soo haray waa doorashada Sh. Shariif Madaxweyne loo doortay,
oo siisay xoogaa awooda oo ku salaysan taageerada reer galbeedka iyo
dawladaha deriskaa. Waajibka iyo Faralka hadda taagan waxa weeye: In
walaaluhu isugu yimaadaan Kelimad Midaysan oo dhexe. Aadna ay ugu
xisaabtamaan, awoodooda, iyo cawaaqibta dhalaneysa ee ay filayaan
dadka caqliga iyo cilmiga iyo aragtida toosan u saaxiibka ah))
- Kooxaha Saaxada Jooga: Wuxuu
dabadeed Sheekhu mid mid uga hadlay kooxaha saaxada jooga, iyo
madaxdooda, wuxuu kaloo wax ka tilmaamay astaamaha dadka dhex
dhexaadin iyo heshiisiin ka geli kara oo ay ka mid tahay niyadda
wanaagsan, dhexdhexaadnimo, kalsooni ay ka helaan kooxaha is haya,
iyo cilmi iyo xikmad dheer oo ay wax ku maamulaan, ugu dambaynna
sheekhu wuxuu ishaaray in haddii niyad is afgarasho la helo, siyaaba
badan xalka wadanka loogu heshiin karo, fursadaha faragelinta
shisheeyana lagu yarayn karo, taasoo ay ka mid tahay, in qola kastaa
meelaha ay haysato nidaamka ay aragto ku maamusho, oo si federal ah
wax loo wadaago, ama si konfederaal ah, oo ah maamulo madax bannaan
oo is kaashi guud leh, dabadeedna layska kaashado arrimaha guud sida
amniga iyo difaaca dalka iyo siyaasadaha guud.
Dhambaaladaanu wexey
qayb ka yihiin silsilad dhambaalla aan kala jog lahayn oo ka imaanaya
Culimada iyo Ducaadda Islaamka gudo iyo dibad, Soomaali iyo Qeyrkeedba,
kuna socota, walaalaha masuuliinta ka ah, qaybaha Muqdisha ama Koonfurta
inta badan ku dagaalamaya. Raggaas Madaxda ahi waa rag lagu yaqaan aqoon
diineed oo xeel dheer iyo u adeegid Islaamka, waxaana weli la
quudaraynayaa iney dareemaan dhambaaladaan ku dheehan walaaltinimada iyo
kal gacalka, dhegahana u raariciyaan, una ogolaadaan wuxuun sawaabka ka
mida iney xambaarsan yihiin.