SHUKRAN MALAYSIA – 3 |
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
Maarso 22, 2006 |
Isha sawirka: Google images |
Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad
Wadan wuxuu ku hormaraa markii dadkiisu ay jecelyihiin, oo ka shaqaynayaan,
waxna gelinayaan, ee ayan dhaqaalihiisa, afka u wada dhiganayn. Madaxdu iney wax
cunto oo lunsato iyaga iyo kuwa ku hareeraysan waa arrin iska caadiya. Laakiin
waxaa adduunka horumarka raba, ama dalkiisa iyo sharafta shaqada ilaalinayaa,
yaqaan, inuu si habaysan wax u cuno, oo midda kale, waxna cuno, waxna wadanka
geliyo. Laakiin, Soomaaliya, iyo afrika guud ahaan, dhibaatada haysata, waxa
weeye, maamulada dadka haya, nin walbaa wuxuu rabaa, waxa wadanka soo gala inuu
keligiis cuno, wadankiina aan koob shaaha loo darin. Damiir xumo, diin la'aan,
iyo sharaf daro ay ka qabaan.
Malaysia sideey u fekereysaa? Sidee ayeyse ku noqotay mudda gaaban wadan la
tartama kuwa horumarey sida galbeedka iyo jaban?
Aan fiirino horta luqada xisaabta si aan u garano meeshey mareyso, iyo meesheey
ka soo kacday..
Markii ay xornimada qaadatay, 1957, saddex sano ayey inaga horreysey, ingiriis
ayaana ka kacay, waxaa dakhliga qofka Malaysia u dhashay ahaa(per cabita) ama
GDP = US$ 300. wuxuu maanta sii marayaa US$ 5500. Marka laga reebo dhaqaalaha
deggan ee isu dheeli tiran, dadka reer Malaysia waxaa baahida (faqriga) ahaa
nisba gaareysa 50%. Maanta nisbada faqriga reer Malaysia wexey ka sii
hoobaneysaa: 7%.
Ganacsiga dibadda oo u badan dhoofin, wuxuu sanadkii gaarayaa: US$ 170 billion.
Taasoo ka dhigtay Malaysia iney liiska ka gasho booska 18aad wadamada adduunka
ugu ganacsi weyn. Malaysia wexey jaamacadeheedu soo saareen dhawrkii sano ee u
dambeeyey in ka badan 500,000 oo jaamici, Master iyo phD isugu jira.
Wexey ku hamineysaa iney noqoto adduunka meelaha ugu muhiimsan ee tacliinta loo
doonto, waxaana qorshohoodu yahay 2010 intaan la gaarin, ardada ajnebiga ah ee
wadanka wax ka barataa iney gaaraan 100,000 oo arday. Wexey qorshayneysaa iney
2020 noqoto wadamada adduunka ugu hormarsan xagga waxbarashada iyo technologiga
iyo nolosha wanaagsan ee shacabkeeda.
Arrimahaas ciyaar laguma gaarin. Bal Hadda aan wax yar idiinka soo guuriyo,
Qorshaha iyo siyaasadda, iyo hoggaanka ka dambeeya horumarkaas deg dega ah ee
Malaysia ey tartanka adag ugu jirto, oo weliba si daacada ay rabto iney jabaan
iyo Europe usoo qabato, oo u dhaafto, iyadoo Islaamkeeda haysata.
Madaxda Malaysia muddada dheer majaraha u haysey horumarkaana qayb libaax ka
qaatay waxaa ka mida, Raiisul wasaarihii hore ee Malaysia Dato Seri Dr.
Mahathir Mohamad (1925 - ). Waxaa Meeshiisii hadda kasii wada, Raiisul wasaaraha
waqtigan la joogo Abdullah Ahmad Badawi ( 1939 - ). Waxaa labadooda ka
horreeyey 3 Raiisul wasaare, intii isticmaarku kacay. Waxaase intaba ka weyn: In
wadanka loo dejiyey system ama (nidaam) uu ku kala socdo, qof kasta oo meesha
yimaadaana raaco.
Wuxuu leeyahay ninka qoray kitaabka (Mahathir.. Sirta horumarka Malaysia, 2003)
( Mahathir – The Secret of the Malaysian Success) Hajrudin Somon (wuxuu ahaa
safiirka Bosnia u fadhiya Malaysia): Dr. Mahathir wuxuu heli karay, sida ay
yeeleen qaar badan oo wadamada Muslimka madax ka noqday isticmaarku markuu kacay,
inuu madax nimadiisa keliya ilaashado, caqligiisana halkaa isugu geeyo,
shacabkana been ku maaweyliyo, Laakiin wuxuu doortay midda adag oo ah, inuu
fuliyo aragtidiisa ku wajahan inuu soo saaro Wadan casriya, oo hodon ah, oo
horumar technolijiga iyo tacliinta dadkiisa ka haqab tira. Wuxuu ka faaiidaystay
khibradihii weynaa ee Japan iyo reer galbeedka. Wuxuu Mahathir ku celceliyey
dhawr jeer: (( Dadka Muslimiintaa wey ducaystaan laakiin wexey hilmaamaan inaan
xaalkooda Ilaahay bedelayn haddaaney iyagu is bedelin).
Akhri Qaybta 4aad... Guji >>>>
Sh. Muxamad
Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 22,
2006
|