SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006-2009



Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com
Ma riyaa mise waa run!! 
April 04, 2009

  

Mahad oo dhan Allaah ayaa iska leh nabad iyo naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. 

Meeshu: Waa Makkah oo waa beledkii Barakaysnaa

Majlisku: Waa kacbada horteeda, waxaanan ka fadhiyaa dhanka Koonfur galbeed ee u dhexeeya labada rukun, Ruknu Yamaaniga iyo Ruknu shaamiga.

Waqtigu: Waa Salaad Subax Ka dib oo Imaamkii ayaa aayada Qur'aana oo la yaab leh inaku tujiyey, waana aakhirka Suuradda Yuunus Laga soo Bilaabo      (واتل عليهم نبأ نوح....)     (Ku dul akhri Nebiyow qisadii Nebi Nuux (Calayhi Salaam). 

Xaalku: Waa fakir mashquulsan, welina sii daba socda dhawaqa aayadihii hadda la akhrinayey, indhuhuna waxey ku dhaygagsanyihiin kacbada quruxda badan ee sharafta huwan, oo aan labada indhood ka daalayn, Sanqadhuna waa yartahay, hareerahana waxaad uga jeedda Muslimiin fara badan, kala midaba, rag iyo dumar iyo caruur leh. Qaar kitaabka ayey akhrinayaan, qaarna gacmaha ayey kor u taagayaan oo Allaah ayey tuugayaan, qaarna waa tasbiixsanayaan oo kacbada ayey indhaha qummaati ugu hayaan, qaar kalena dawaaf ayey ku jiraan, oo sawaxanka takbiirta iyo ducada ayaa kor u keceysa. 

Aayaduhu: Wexey si aada u taabteen, qisadii Nebi Nuux Calayhi Salaam. Waxey kaloo xuseen Qisadii Nebi Muuse iyo Haaruun Clayhimaa Salaam iyo waxey kala kulmeen Fircoon iyo Qawmkoodi Bani Israaiil. Waxaa Dhegaha si culus ugu dhacaya, Cirib xumada dadka loo digo oo aan digniinta qaadan!! Qalbiga ayaa intuu meeshiisa kasoo ruqi gaaro, ayaad is oran, hadalku ma innaguu innagu socdaa!

Waxaa dhegaha ku dhacaya, kuwa loo naseexaynayo oo aan – ayaan daradooda – naseexadu u muuqan, ee u filaya in saldano iyo xoolo laga boobayo. Subxaanalaahi.. Waxey leeyihiin: Wax kale Naseexada ulama jeedaan, inaad waxaan haysanno naga qaadataan, dabadeedna idinku aad madax noqotaan.

Waxaa aayaduhu taabteen,  dadkii cilmiga lasiiyey iney is khilaafeen. Iney nicmadii lasiiyeyna garan waayeen. Waxey sheegeen markii fursaddu dhamaato inaan garasho iyo garwaaqsi midna wax tarayn. Wax badan oo Dadka ka midana aayaadka Allaah iney hilmaansanyihiin.

Waxey aayaduhu ku nuux nuuxsadeen Dadka cadaabi ku habsato, inaan laga feydayn Ilaa ay ka tawbad keenaan. Dad habawsan oo aan Xaqa rumayn, calaamooyinka iyo digniinuhu waxba kama deeqaan, ee waxey sugayaan wixii ku dhacay kuwii ka horreeyey ee looga digey. Subxaanallaah, Ilaahow aayadahaan macaan, ee xikmadda badan, ee cilmiga iyo nuurku ka buuxo saaka ma anaga Soomaaliya ayey na haystaan waa cajabe.!

Mar kale aayaduhu waxey wax kaa tusayaan xagga Tawxiidka, Allaah mooyaane dhibaatada inaan cid kale kaa feydi Karin ayaa lagugu adkaynayaa, Hanuunkiina waa laguu caddeeyey, ama raac ama diid, haddaad raacdo adaa ku liibaani, haddaad ka weecatana adaa ka shallayn. 

Waxaa lagu farayaa, wadada Ilaahay qummaati ugu istaag hana ka leexan, midig iyo bidix. Hana dhegeysan kuwa aan cilmiga lahayn.

Waxaa aayadaha lagu khatimay, inaad raacdo waxa Ilaahay soo dejiyey, (Kitaab iyo Sunno) aadna samirto inta Eebe ka kala Xukminayo Dadka. 

Iyadoo aayadahaan ay dhegahayga kasii qaylinayaan, indhahana aan weli kacbadii ku hayo, ayaa fikirka mashquulsani safar dheer ila galay, waxaa ii sawirmay iyadoo Dadkii iyo Dalkii aan Jeclaa uu waanadii Ilaahay maqlay, digniinta la gaarsiinayo aqbalay, Culimada cilmiga iyo cibaadada iyo Tawxiidka kusoo ruugag murxay wax ka dhegeystey, kuwa aan cilmiga lahaynna dhegaha ka cufaystay, ama aamusa ku yidhi. 

Waxaa iisii bidhaamay asxaab badan oo aan aqoon u leeyahay, oo fagaaraha weyn ee hortaydaa midba meel ka taagan yahay oo isu soo jeeda oo aan kala jeedin. Waxaa isoo gaaraya dhawaq dheer oo leh: Dadow Bishaaraysta, Ummaddii waa heshiisey, Sheekh Shariif wuxuu maanta siyaara ugu tegey walaalihii kasoo horjeedey, iyana saaxiibkood waa soo dhoweyeen. Waxaa lagu heshiiyey in khilaafku halkaas ku afjarmo, in xoogga laysu geeyo sidii Qaranimadii iyo sharaftii loosoo ceshan lahaa, sidii ammaanka loo sugi lahaa, nabad waarta Ilaahay idankii loo dhalin lahaa, sharciga Ilaahay loo hirgelin lahaa, cadawga isku meel loogasoo wada jeensan lahaa.
 

Xoogaggii Muqaawamada oo dhan waxaa laga dhigay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Waxaa kaloo la hawl geliyey Ciidamadii hore iyo Saraakiishii hore ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed wixii ka noolaa si cilmigooda iyo Tababarkooda iyo Waaya aragnimadooda looga faaiidaysto. Muqaawamada iyo Ciidamadii hore midna isuma arko inuu kan kale ka fadli badan yahay, ee si wada shaqayn iyo nidaam iyo maslaxada diinta iyo ummadda ayaa loo wada fekerayaa. 

Ragga isu yimid wexey dhaar ku mareen iney saacaddan laga bilaabo ay daacad u yihiin danaha diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Maslaxdda guudna u iilanayaan, iney ka tanaasuleen iney ku shaqeeyaan, ama u shaqeeyaan, ama nacayb iyo jacayl ku dhisaan, urur gaara, ashkhaas gaara, ajendayaal gaara, kooxo gaara ama qabiil gaara. Waxaa mid walbaa saxiixay inuu saacaddas laga bilaabo aanu lahayn wax ka duwan waxa cad ee laysku ogyahay ee lakala saxiixday. Iney dadkii raacsanaa ama la shaqaynayey u sheegayaan maanta laga bilaabo inaaney lahayn, shirar hoose, kulama hoose, kala kooxaysi, ee ay dhammaan yihiin ul iyo diirkeed, hal meelna ka amba qaadayaan, una hoggaansamayaan danaha guud ee Ummadda Muslinkaa ee Soomaaliyeed. 

Waxaa raga walaalahaa isku raaceen oo saxiixeen, midna inaanu caqabad ku noqon doonin, ama khilaafi doonin wixii inta badani isku raacaan, ama nidaamka lagu heshiiyey ee wax qaybsiga, iyo awwood wadaagga, uu dhigayo. Haddii xitaa uu in la dulmiyey dareemana uu Alle ku harayo, oo dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah wax lala qabayo, Maslaxadda guud ee Ummadana ka hormarinayo tan isaga u gaarka ah. 

Waxaa Laysu keenay toban kun oo ciidana, hawlihiina waa la qaybsaday, jagooyinkiina ninba meeshuu ku fiicnaa ayaa loo dhiibey, dadkii Soomaaliyeed ee shaqada yiqiinna waa loo yeeray, qof walbaa meeshii uu yaqaanney inuu kasoo hawl galo, Guddi weyn oo heer qaran ah, oo ka kooban Generaaladii iyo Saraakiishii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaha joogeyna waa laysugu yeeray, iney talo iyo tabarba ku biiriyaan sidii qarankii loosoo dhaarshay lagu badbaadin lahaa. 

Wadaadadii wexey yiraahdeen Waxaanu usoo jihaadney Dad iyo Dal Muslima inuu xor noqdo, haddii taas lagu guulaystey Ilaahay Mahaddiisna, oo ay maanta qaniima qaybsi mareyso, cilmiga diintu wuxuu na baray in maanta oo kale, lays dib dhigo, markii cadow yimaadana safka hore jihaadka laga galo (وإن عدتم عدنا ( (Haddaad soo noqotaan waan soo noqoneynaa.  

Nabad baa dhacday, heshiis ayaa dhacay, Waa sannadkii kulanka, Soomaali oo dhan meeley joogtaba waa u ciid, waa u yididiilo, jariiricaa jirkayga saaqday. Cadawgiina waa naxay, wadnahaa kala go'ay, shirar deg dega ayey isugu imaanayaan, si ay yeelaan ayey la'yihiin, Soomaali dhinac ayey isu raacday, xukuumad iyo mucaarid waa heshiiyeen, waa hal xukuumad, waa hal ciidan, waa shacab oo dhan oo daba socda, xaggee laga maraa, side wax loo qabtaa? Cadawgii waagaa ku beryey!! Wuxuu isku qanciyey: Si kale in loo xagal daaciyo maahine, belaayadu maanta waa isku duubmeen, waana na fahmeen, jartiina waa nagu rogeen, bal aan jar kale la sugno, fadqalalo aan dhex dhigno, jaasuusiin aan ku dhex beerno, colaadihii hore aan xusuusinno, haddii kale koob shaaha kama cabbaeyno Soomaaliya!! 

Halkaas markii (riyadii) iyo (fekerkii fogaaday) ila marayo, ayaan soo baraarugay, mise waxaan maqlayaa:

  • Dawladda Sh. Shariif wexey dalbatay ciidama African oo cusub
  • Uganda wexey sheegtay iney ciidama soo dirtey
  • Waxaa dil gaadma ah ka badbaadey Sh. Cabdilqadir cali cumar xoghayihiisina waa ku dhintay.
  • Dagaal cusub ayaa gobolada dhexe ka dillaacay u dhexeeya Xisbul Islam iyo Al shabaab oo dhinaca iyo kuwo sheegtay Ahlu Sunnah Wal Jameeca, meelaha dadka rayidkaayi ku dhintayna cisbitaal iyo daawo toonna kama dhowa!!
  • Dagaal kale ayaa kasocda, Baardheere.
  • Muqdisha waxaa ku dagaalamay laba kooxood oo ka tirsanaa maxaakimtii Islaamka.
  • Carabi wexey tiri Soomaaliyi horta hasoo heshiiso markaasaanu wax siin doonaaye!
  • Boqollaal soomaaliya oo dibadaha u tahriibaya ayaa badaha ku dhintay.
 War iga jooja.. Lagaa joojin maayee dhegeyso..
  • Culimadii dhex dhexaadinta ka waday kooxaha islaamiyiinta ee is haya wexey la kulmeen niyad jab! Qola kastaana buur ayey fuushay.
  • Xukuumaddu wexey tiri shareecada annagaa dabbeqeyna.. Xisbul Islaamna wuxuu yiri Shareecada annagaa dabeqeyna.. Al shabaabna wexey yiraahdeen Shareecada annagaa Dabeqeynna.
  • Usama binladin wuxuu yiri, dawladda shariif xabbad dhuunta ka geliya, wixii la shaqaystana isha ka bujiya! Waa dawlad ridda ahe!
  • Reer galbeed wexey leeyihiin: Waa isku mid Islaamiyiintu dhammaantood, laakiin noo kala hor mariya, hadda kuwa mayalka adag kuwa kale kudila, dabadeedna wixii soo hara, laad dabada kaga dhufta!
  • Melez Zenwina kursigii dhiiga uu ekaa inta ku fariistay ayuu yiri: Horta madaxa maysu geliyey!!u kaadi weli inta ay si fiican isu jafayaan ayaan sugeynaaye.. Markeey isku jabaan oo jilcaan ayaan ku rogaal celin doonaa.
 
War iga jooja……

Gacmahaan kor u taagtay, jilbahaan dhulka ku adkaystay, Rabbigay ayaan u qayshaday: 

Ilaahow Ummadaan isku dhamaatay, isku duubni laga waayey, dadkeedi baaba'ay, Ilaahow naxariistaada gaarka ah kusoo deji, oo Ilaahow naxariistaada nagu caymi, oo xaqqa nagu toosi, oo sheydaanka hogaanka nagu ritey naga kor yeel, oo badilka uu noo qurxiyey Ilaahow naga reeb.

Ilaahow naxariis gaara, oo aanu ku nabadno, oo ku degno, oo ku barwaaqowno, oo ku walaalownu, wanaagga adduunka iyo jannada aakhiraba aanu ku helno ayaanu kaa barinay. 

Aamiin.. 
 
Run ma la isu sheegi karaa?   Q-1aad  | 2aad | 3aad

WQ. Sh. Muxamed Idris Axmad

Faafin: SomaliTalk.com | April 04, 2009 


MALAYSIYA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com