
SHUKRAN MALAYSIA – 6 |
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
Maarso 25, 2006 |

Isha sawirka: Google images |
Qaybtii 1aad
| Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad |
Qaybtii 4aad | Qaybtii
5aad | Qaybtii 6aad |
Waxaan maqaaladan u gaar yeelayaa, weyna
istaahishaa, XARUNTA TECHNOLIJIYADA MALAYSIA- ama (Multimedia Superior Corridor)
(MSC).
Waa tiir ka mida tiirarka horumarinta Malaysia
ee (Aragtida – Vision 2020) ee Qorshaha dheer ee Malaysia ku tashatay.
Waa Magaalo loogu tala galay iney bedesho
Celicon Valleyga maraykan, ama shirkadaha adduunka (Information Communication
Technologu ICT) ka shaqeeya. Wexey sanadkan hay’adaha arrimahaas indhaindheeyaa
liiska ay soo saareen, Malaysia ka gasha booska saddexaad shirkadaha mustawahaas
leh ee wadan kasta ugu jira, waxaa kaga shirkada badnaa oo keliya Maraykan iyo
India.
Mexey tahay Qisada, magaaladan wada
technologiga ah, oo la yiraahdo, qalin lama qaato, ee computer, digital ayey wax
kasta gudeheeda ku shaqeeyaan, waxaana isugu yimi in ka badan 1000 shirkadood ee
kuwa adduunka ugu haysta cilmiga ICT?
Marka hor qorsheheeda shaxdaan ka garo:
Qaybta 1aad: 1996 – 2004 ee Qorshaha magaaladan
waa dhisidda iyo asaaska.
Qaybta 2aad: 2004-2010 Waa iney noqoto Meel
adduunka technolojiyadiisa hoy iyo xero u noqota.
Qaybta 3aad: 2010 – 2020 Waa iney u bedesho
Malaysia Mujtamac cilmiyaysan.
Wixii ka dambeeya 2020 waa in la hanto
hoggaanka dhaqaalaha cilmiga.
Waxaan Somaalida inta caqliga leh ka codsanayaa,
bal iney u fiirsadaan dadku sideey u shaqaynayaan, (bal ineynu wax yar ka
xorowno – maskaxda dhaafi la’ 16 sano, technikaan haystaa iyo ciidan ayaa ii
diyaarsan, gawaari pick-up oo adduunku mar hore ka tegey, 4 wiil oo caga cad,
jaadna qawlalada qalajiyey dul fadhiyaan, loo malaynayo in adduunka la qabtay,
ama la dhaafi la’ yahay, hay’adaha adduunka waxaanu ka baryeynaa iney noo soo
gurmadaan- soomaalidaas inta caqliga lihi bal si fiican ha ugu fiirsato sida wax
loo dhiso oo aan wax loo dumin.
1995 – 29 Aug Wuxuu Dr. Mahathiir Dhagax
dhigay magaalada caasimada cusub ee Putra jaya oon xoogaa kazoo sheekeeyey.
1 Nov. wuxuu jeexay magaalada
Technolojiyada ee Multimedia Super Coorridor, oo ku fadhida (15x50 KM).
1996 Nippon Telegraph and Telephone
Corporation (NTT) Wexey ogolaatay iney ka dhisto MSC , markas cilmibaaris iyo
horumarin.
6 May waxaa soo baxay Plankii 7aad ee
Malaysia oo qayb fiican laga siiyey horumarinta magaaladaas.
28 May wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqday
maraykanka si uu fikradan u baahiyo suuqna ugu sameeyo.
5 June waxaa la asaasay Hay’adda Horumarinta
Cilmiga macluumaadka (Multimedia Development Corp. MDC) si ay u horumariso una
kormeerto magaalada MSC.
20 June Dr. Mahathir wuxuu siyaartey Saldhiga
Shirkadda adduunka computerada ugu haysata ee Microsoft ee Seattle si uu ugala
xaajaysto ka qayb galkooda magaaladaas.
2 October waxaa dawladdu wasaaradda wax
barashada ku amartay in la asaaso Jaamacadda (Multimedia University).
Qaybta 7aad... Akhri >>>
Sh. Muxamad
Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 25,
2006

Dhismaha adduunka ugu dheer ee ku yaal
Kuala Lumpur |
::MA OGTAHAY::
Ma ogtahay in Dhismaha adduunka ugu dheer uu ku yaal magaalada Kuala Lumpur
ee dalka Malaysia, waxaana dhismahaas la dhamaystiray sannadkii 1998,
magaca dhismahaasi waa Petronas Towers (waa dhisme mataano ah sida ka
muquata sawirka midig), joogga dhismahaasi waa: 1,483 feet (ama qiyaastii
452 miter), waxana uu ka kooban yahay 88 daqab oo is dul saaran.
Waxaana dhismahaas laga dhisay Concrete (shamiinto) iyo Steel (bir). Qiimaha ku
baxay waa $1.6 billion. ISHA: PBS.org:
http://www.pbs.org/wgbh/buildingbig/ .
Taasi waxay ku tusineysaa tartan adduunku ugu
jiro dhismayaasha bilicsa san...
"DAL DADKIISA AYAA
DHISA"
|