
Disaster and development in the Horn of Africa By John Sorenson,
(1995; pp.61)
Duncan Sandys, oo ninkii jagada uga dambeeyey Reginald Maudling, ayaa ....
March 8, 1963...
AOU iyo Xuduudaha
Ururka Midowga Afrika markii la asaasay kaddib waxa uu bilaabay in la sameeyo
qaraar sheegaya in xuduudahii Afrika loo dhaafo sidii ay uga tageen
Gumaystayaashii. Shirkii OAU ee Qaahira July 21, 1964 ayaa mabda' ahaan waxaa
laga soo saaray in dalalka Afrika ay ballan qaadaan "inay tixgalinayaan
xuduudaha sidii ay ahaayeen markii xornimada la qaatay". Arrintaas markii codka
loo qaadayay xubintii Soomaaliya matalaysay goobtaas ma soo xaadirin. Waxayna
Soomaaliya mowqifkeeda si qeexan u cadaysay July 23, 1964 in aan qodobada
qaraarkaasi khusayn oo aysan aqbalayn. Waxaana Soomaaliya sheegtay in ay ka soo horjeedo in
la sii wado khaladaadkii jiray ee ku saabsanaan xuduudaha ee xilligii gumaysiga.
Haddii xuduudahii lagu dhaafo sidii gumaysigu uga tagay ay tahay khalad iyo
xadgudub sii socda, ayaa lagu cadeeyay warsaxaafadeedka Soomaaliya. (Alan J. Day, 1982, pp. 133).
December (1962) waxaa NFD loo kala qaybiyey laba qaybood, labadii qayboodna
waxaa la hoos geeyay xukunka Kenya. Bedka NFD waxaa buugga (Vavocoressi, 2001.
pp. 666) uu ku qiyaasay 260,000km2., Halka buugga (Alan J. Day, 1982,
pp. 131) uu sheegay in bedka NFD uu yahay 388,000km2 (150,000 square
miles).