Ra’isul Wasaar Cumar Cabdi Rashiid oo kullan la qaatay Odoyaasha Dhaqanka
Beelaha Hawiye
Max’ed Xasan Xaad “Waxaan kula talinay dowladda in ay qaadato shareecadda
Islaamka”
Waxaa Xarunta Villa Somalia kulan ku yeeshay Ra’isul Wasaare Cumar Cabdi Rashiid
iyo Odoyaasha Beelaha Dhaqanka Hawiye, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday
sidii xal loogu heli lahaa arrimaha nabadgelyada isla markaana ay dowladdu u sii
balaarin lahayd dib u heshiisiinta.
Ra’isul Wasaaraha oo ka hadlay kulankaasi waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan
yahay in uu la kulmo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo uu ku tilmaamay in ay
u soo dhabar adeegeen dhibaatooyinkii ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, isla
markaana ay dowladdu qaadan doonto talooyinka ay u soo jeediyeen odoyaasha,
sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay in dalka lagu dhaqo
shareecadda islaamka, waxaa kale oo uu u soo jeediyey in ay halkaasi ka sii
wadaan dadaalkooda ku aadan xal u raadinta arrimaha Soomaaliya qaasatan Gobalka
Banaadir.
Max’ed Xasan Xaad oo ah Guddoomiyaha Odoyaasha dhaqanka Beelaha oo isna ka
hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in ay Dowladda u gudbiyeen qodobo dhowr
ah oo ay ugu horeyso in dalka lagu maamulo shareecadda Islaamka taas oo uu
sheegay Xaad in looga bixi karo dhibaatada taagan, waxaa kale oo uu sheegay in
Dowladdu ay gacan ka gaysato sidii dalka looga saari lahaa ciidamada ajnabiga ah
ee ku sugan kuwaas oo uu Xaad ku tilmaamay in joogitaankooda aysan xal u ahayn
arrimaha Soomaaliya. Waxaa kale oo uu Max’ed Xasan Xaad ku nuuxnuuxsaday in ay
dowladda kula taliyeen in aysan ku deg deign wax dagaal ah oo ay mar walba ka
shaqeeyaan nabadda iyo isku soo dhawaanshaha shacabka.
Mar ay Warbaahintu Xaad wax ka weydiiyeen halka ay marayso waanwaantii ay ka
dhex wadeen Dowladda iyo Xisbul Islaam, waxa uu sheegay Xaad in ay meel
wanaagsan mareyso dhawaanna la kala qaadi doono ciidamada is hor fadhiya dibna
loo furi doono Wadada Tarabuunka iyo goobihii waxbarasho ee ku xirmay dagaaladii
ka dhacay degmada Hodan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Ururka Al-Shabaab oo deegaanada uu ka taliyo ka
joojiyey Xuska maalinta dhalashada Nabiga (N.N.K.H)
Faafin: SomaliTalk.com | March 3, 2009
Ahmedou Ould Abdullah "Fadlan, walaalayaal, beeneeya malada dadka aan
kadlaayo…" warqad dareeno kala duwan xambaarsan oo ku socota Qurbo joogta
Soomaaliyeed Akhri.. Mar 1
Barre
Hiiraale: "Waxaan kalsoonidii kala noqonay xukuumadda Sh. Shariif" - waraysi uu la yeeshay Maxamed Gaarane:
Dhegeyso ama
soo rogo
Xildhibaan
Ismaaciil Axmed Nuur " Baarlamaanku Inuu Bur buro Waa Roonaan Lahayd… "
hadii si sax ah loo maamulo waxa jita, ma imaan lahayn khaladaadka hada jira..
Akhri.. Mar 1
Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh "Maantana
Waxaa Farxad Inoo ah Dowladii Ugu Horeysey oo 3 Wasiir Ay Ku Yeeshaan Haweenka
Soomaaliyeed" Akhri March 1
Xildhibaan
Ibraahim Saalax Dayfallah “…Xaqeena Marna Kama Tanaasuleyno, Waxaana
Leeyahay Dulmiga Ma Soconayo…” - Feb 28
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Md, Madoobe Nuunow
"Sideedaba Dowlada Federaalka Waa Dowlad Islaami ah, Shuruucdeeda Waxaa Saldhig
u ah Diinta Islaamka".. Akhri.. - Feb 27
 Xildhibaan
Maxamed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada
Xal Raadin ah" iyo Xildhibaanad Caasho Cabdalla "Madaxweynuhu Jihaadka
uu Iclaaminayey, Ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah"..
Akhri... Feb 25
Waraysi:
Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15
Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub
magacaabo.. Akhri
Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi
Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo
Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23
Waraysi:
Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
"Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux
Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa"
Akhri.. - Feb 18
|